09/19/2026
WARARKA MAANTA 19ka Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta: Maxuu kashiay Madaxweyne h**e Mudane Shiikh Shariif oo runta ka sheegay Madaxweyne h**e Mudane Xassan Shiikh oo fashil iyo xukun xoog raba inuu Madaxtooyada ku joogo? Maxuuse Madaxweyne h**e Xassan waxba uga qaadi waayi , Iyo ? Yaase boobsay shacabka ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Maraykanka 19ka Sebteembar 2026 Dowladda Maraykanka ayaa oggolaatay in Qaramada Midoobay ay muddo hal sano ah oo dheeraad ah ku soo afjarto taageerada saadka ee ay siiso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM, iyadoo mustaqbalka taageerada howlgalka uu weli mugdi ku jiro. Sida ay Reuters sheegtay, muddada kala-guurka ayaa bilaabanaysa Jannaayo 2027, taas oo Qaramada Midoobay siinaysa waqti ay si tartiib ah ugu yareyso una soo afjarto hawlaha taageerada saadka ee AUSSOM.
Qaramada Midoobay, oo adeegsanaysa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa AUSSOM u fidisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin shidaalka, cuntada, caafimaadka, gaadiidka, isgaarsiinta, injineernimada iyo duulista.
Hase yeeshee, Maraykanka ayaa sheegay inuusan sii maalgelin doonin howlgalka UNSOS, oo miisaaniyaddiisu ku dhowdahay 500 milyan oo dollar sanadkii, iyadoo aan weli la helin hannaan kale oo si buuxda u beddela taageerada Qaramada Midoobay.
AUSSOM waxaa loo sameeyay in uu taageero dadaallada Soomaaliya ee la xiriira amniga iyo xasilinta dalka, iyadoo Qaramada Midoobayna ay sii waddo taageerada saadka ee howlgalka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu muddada hadda jirta ee AUSSOM iyo taageerada UNSOS ku saleeyay Qaraarka 2809, oo dhigaya dhammaadka 31-ka December 2026.
Go'aanka cusub ayaa AUSSOM, Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriya siinaya waqti dheeraad ah oo ay ugu diyaargaroobaan isbeddelka ku imanaya nidaamka taageerada saadka.
Si kastaba, weli lama caddeyn sida loo beddeli doono nidaamka ballaaran ee ay UNSOS hadda bixiso marka muddada kala-guurka ahi dhammaato, arrintaas oo muhiim u noqon karta awoodda ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM ee fulinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Go'aanka Maraykanka ayaa sidaas darteed siinaya howlgalka waqti dheeraad ah, balse ma aha kordhin joogto ah oo lagu sii wado taageerada Qaramada Midoobay.
Maraykanka 19ka Sebteembar 2026 Madaxweynaha MaamulkaSomaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xarunta Capitol Hill ee Washington, D.C., kulan kula yeeshay Senator Ted Cruz oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Maraykanka, kaasi oo taageera qadiyada Somaliland. Sida lagu sheegay war kasoo baxay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, kulanka ayaa looga hadlay arrimaha la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland iyo doorka ay ku leedahay amniga Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, sida lagu sheegay bayaanka.
Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu uga mahadceliyey Senator Cruz mowqifyadiisa h**e ee ku aaddan Somaliland iyo doorkiisa uu arrinta Somaliland kaga hadlay gudaha siyaasadda Maraykanka.
Senator Ted Cruz ayaa h**e uga hadlay arrinta aqoonsiga Somaliland. Bishii August 2025, waxa uu maamulka Madaxweyne Donald Trump ugu baaqay inuu Somaliland u aqoonsado dal madax-bannaan, isaga oo ku sababeeyey aragtidiisa ku aaddan danaha amni iyo istiraatiijiyadeed ee Maraykanka.
Madaxweyne Cirro, sida lagu sheegay bayaanka, waxa uu sheegay in Somaliland ay doonayso xidhiidh ay la yeelato Maraykanka oo ku salaysan dano-wadaag, iskaashi iyo masuuliyad la wadaago, halkii uu ku salaysnaan lahaa kaalmo ama ku-tiirsanaan.
Kulanka ayaa ka mid ahaa kulamada uu Madaxweyne Cirro iyo weftigiisu ku leeyihiin Washington, iyadoo xukuumadda Somaliland ay halkaas ka waddo kulamo ay la yeelanayso siyaasiyiin iyo masuuliyiin Maraykan ah.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in weftigu ay sii wadi doonaan kulamada diblomaasiyadeed ee Washington, D.C., kuwaas oo, sida uu sheegay, looga hadlayo danaha iyo mowqifka Somaliland.
Muqdisho 19ka Sebteembar 2026 Taliyihii h**e ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaan “Shub”, ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyn uu sheegay inay ka dhacday guri uu ka deganaa degmada Doolow ee gobolka Gedo, isaga oo sheegay in laba gantaal lagu dhuftay halka uu xilligaas ku sugnaa. General Mahad ayaa sheegay in dhacdadu ay dhacday habeen, xilli uu hurday, balse uu soo kacay kaddib markii uu maqlay qarax xooggan iyo diyaaraddii uu sheegay inuu arkay oo dusha ka maraysay guriga.
Sida uu sheegay, laba gantaal ayaa ku dhacay guriga, mid ka mid ahna uu ku dhacay qeybtii uu isagu jiifay. Wuxuu sheegay in dhismaha gurigu uu si weyn u burburay, iyadoo darbiyo, saqaf iyo qeybihii kale ee dhismaha ay waxyeello soo gaartay.
“Hal gantaal ayaa igu dhacay, mar labaadna mid kale ayaa yimid. Labada gantaal waxay ku dhaceen meesha aan jiifay,” ayuu yiri General Mahad, isaga oo tilmaamay in uu dhaawac ka soo gaaray firir ka dhashay qaraxa.
General Mahad ayaa sheegay in kaddib weerarka isaga iyo dad kale oo goobta ku sugnaa ay guriga isaga soo baxeen, waxaana uu sheegay in dhaawacyada loo qaaday isbitaalka degmada Doolow. Wuxuu xusay in ciidamo iyo mas’uuliyiin deegaanka ah ay u gurmadeen, isla markaana habeenkaas lagu daweeyay isbitaalka.
Wuxuu sheegay in markii waagu baryay uu dib u arkay gurigii uu deganaa, isagoo tilmaamay inuu burbur xooggan gaaray, isla markaana ay waxyeello soo gaartay xitaa qeybihii kale ee guriga iyo agagaarkiisa.
Qeyb kale oo ka mid ah wareysi uu bixiyay, General Mahad wuxuu ka hadlay dhacdooyin uu sheegay inay ka horreeyeen duqeynta. Wuxuu sheegay inuu dareemay dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ku saabsan qaar ka mid ah dadka ku hareeraysnaa, isaga oo xusay in uu arkayay qof marar badan meelaha qaar taleefan kula hadlaya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah dadkii uu la socday ay markii dambe ka tageen deegaanka, halka qaar kalena ay u kala gudbeen Baydhabo iyo Muqdisho.
General Mahad wuxuu sheegay in markii uu Doolow yimid uu kulamo iyo xiriirro kala duwan yeeshay, isagoo xusay in dhacdooyinkaas ay isaga ku abuureen shaki ku saabsan xog uu sheegay in loo gudbinayay dhinacyo kale.
Si kastaba, sheegashooyinka uu General Mahad ka bixiyay cidda ka dambeysay duqeynta iyo xiriirka ay la lahaayeen dadka uu sheegay inuu ka shakiyay si madax-bannaan looma xaqiijin.
General Mahad Cabdiraxmaan ayaa muddo soo ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, waxaana hadalkiisa ku saabsan duqeynta Doolow uu ku sheegay in weerarku dhacay xilli uu isaga iyo dad kale ku sugnaayeen guriga.
Dowladda Soomaaliya ayaa iska fogeeysay in wixii ka dhacay Guriga General Shub ay ahaayeen duqeymo cirka ah balse ku tilmaamay waxyaaba qarxa oo Guriga lagu diyaarinayay.
Illaa iyo hadda ma jirto baariraan rasmi ah oo sheegashooyinka labada dhinac ka madax banaan oo xaqiijinaya waxa ka dhacay Doolow.
ICG 19ka Sebteembar 2026 Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group (ICG) ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajahayso kala-guur weyn oo dhinaca amniga ah, kaddib markii Mareykanku muujiyay inuusan doonayn in taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalka Midowga Afrika ay sii socoto muddo dheer. Warbixintu waxay sheegtay in Mareykanku uu bishii Luulyo Midowga Afrika ku wargeliyay inuusan taageerayn kordhinta muddada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) wixii ka dambeeya dhammaadka muddada hadda jirta ee Diseembar 2026. Hase yeeshee, bishii Sebtembar ayay diblomaasiyiin Mareykan ah sheegeen in Washington ay tixgelinayso 12 bilood oo dheeraad ah, taas oo siinaysa dhinacyada waqti ay ugu diyaargaroobaan kala-guurka.
ICG waxay sheegtay in howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM uu si weyn ugu tiirsan yahay UNSOS, oo u qaabilsan sahayda cuntada, biyaha, shidaalka iyo gaadiidka, isla markaana taageera tobannaan saldhig oo ciidamada howlgalka ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya.
Sida warbixintu xustay, ciidamada AUSSOM ayaa tiradoodu hoos uga dhacday ku dhowaad 22,000 askari bartamihii 2010-meeyadii ilaa qiyaastii 12,000 askari xilligan, iyadoo howlgalka uu sidoo kale wajahayo dhaqaale yari.
ICG waxay sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay sannadihii dambe kobceen, iyadoo in ka badan 10,000 askari lagu tababaray taageero ay bixiyeen dalal ay ka mid yihiin Türkiye, Imaaraadka Carabta iyo Eritrea.
Hase yeeshee, warbixintu waxay tilmaantay in ciidamada Soomaaliya aysan weli si buuxda oo degdeg ah ula wareegi karin dhammaan mas’uuliyadaha AUSSOM, iyadoo tusaale loo soo qaatay howlgalladii ka dhacay Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidamada Soomaaliya ay weli ku tiirsanaayeen taageero dibadeed.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubaland, ay caqabad ku yihiin dhismaha ciidan qaran oo mideysan.
ICG waxay sheegtay in Soomaaliya ay h**ey u dhistay heshiisyo amni oo laba geesood ah oo ay la leedahay Uganda, Kenya iyo Itoobiya, taas oo suuragal ka dhigaysa in ciidamo ka socda dalalkan ay sii joogaan Soomaaliya xitaa haddii AUSSOM hoos u dhaco ama uu dhammaado.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay doorka sii kordhaya ee Türkiye, oo tababaray kumannaan askari Soomaaliyeed isla markaana Soomaaliya ka taageera dhinacyada milatari, iyo Mareykanka oo sheegay inuu sii wadi doono howlgallada uu si gaar ah uga fuliyo Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
ICG waxay sheegtay in haddii taageerada UNSOS ay dhammaato, ay adkaan karto in AUSSOM ay sii waddo hawlgalkeeda qaabkii h**e, Waxay xustay in meelaha qaar ee ay ciidamada AUSSOM ka baxaan ay u nuglaan karaan weerarro iyo dib-u-qabsasho ay sameeyaan Al-Shabaab, iyadoo tusaale ahaan loo soo qaatay qaybo ka tirsan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Warbixintu waxay sheegtay in magaalooyin iyo waddooyin muhiim ah ay u baahan doonaan qorshe gaar ah oo lagu ilaalinayo, iyadoo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa dalalka ay heshiisyada laba geesoodka ah la leedahay dowladda Federaalka ay door ka qaadan karaan, International Crisis Group waxay ku talisay in dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah ay si degdeg ah u diyaariyaan qorshe cusub oo amni, ka hor inta aan UNSOS si buuxda u dhammaan.
Warbixintu waxay sheegtay in iskaashi ku saleysan heshiisyo laba geesood ah uu Soomaaliya siin karo waqti ay ku xoojiso ciidamadeeda, balse uu sidoo kale leeyahay khataro haddii aan si wanaagsan loo isku dubbaridin, ICG waxay ka digtay in xiriirrada amni ee kala duwan ay keeni karaan in dalka loo kala qaybiyo aagag saameyn oo kala duwan, haddii aan la helin hannaan qaran oo mideeya ciidamada iyo qorshayaasha amni.
Ugu dambeyn, warbixintu waxay sheegtay in mustaqbalka fog xal waara uu ku xiran yahay awoodda dowladda Soomaaliya ay ku dhisan karto ciidan qaran oo si madax-bannaan u qaadi kara mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo sidoo kale loo baahan yahay in la xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha.
Africom19ka Sebteembar 2026 AFRICOM ayaa sheegay in ay duqeyn ka fuliyeen degaano kamid ah Puntland iyagoo bartilmaameedsaday bakhaar lagu keydiyo hubka caadiga ah oo ay leedahay Al-Shabaab. Duqeyntan ayaa ka dhacday gobolka Sanaag, gaar ahaan qiyaastii 80 KM koonfur-galbeed magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka AFRICOM.
AFRICOM waxay sheegtay in howlgalka uu dhacay iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddadu tahay in la wiiqo awoodda Al-Shabaab ee ay ugu hanjabi karto ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniintiisa dibadda.
Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in aan la shaacin doonin faahfaahinta ciidamada iyo diyaaradaha loo adeegsaday duqeynta, sababo la xiriira amniga howlgallada.
Si kasta ha ahaatee, Maraykanka ma sheegin khasaaraha ka dhashay howlgalkan, inkastoo uu qaatay siyaasad ku saabsan inuusan shaacin khasaaraha ka dhashay howlgalladiisa.
Dhawaan ayay ahayd markii Puntland ay sheegtay in howlgalka lagu fuliyay iyadoo lala kaashanayo hay’adaheeda ammaanka, inkastoo Maraykanka uu haatan shaaciyay inuu la kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maraykanka ayaa muddo sanad ka badan si joogto ah Puntland uga taageerayay dagaalka ka dhanka ah Daacish.
Muqdisho 19ka Sebteembar 2026 Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu soo gabagabeynayo Toddobaadka Aqoonsiga 2026, laguna xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga.
Shirka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda ayaa diiradda lagu saarayaa muhiimadda aqoonsiga, ka-qaybgalka bulshada iyo doorka aqoonsiga qaranka ee horumarinta adeegyada bulshada
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.