06/05/2026
WARARKA MAANTA 5ta Juun 2026
Su’aalaha Maanta: Yaa ka dhigay dalka adduunka ugu musugmaasuqa badan Dhuuso-Fooxiye Madaxweyne Xassan? Yaa si sharci-darro ah ku jooga Madaxtooyadda “Dhuuso-Fooxiye” Madaxweyne Xassan? Yaa maanta xirxiraaya qofkii runta sheega? Yaa diiday inuu dhiso maqaamka ? Maxay xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” u amartay in muddo korarsi ah la sameeyo? Yaa noqday Madaxweyne iyo Raysal Wasaare ku fashilmay hogganka dalka maanta? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah iiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso!
Muqdisho 5ta Juun 2026 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana gudanaya mas’uuliyadda dowladda ka saaran xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka, waxa uu magacaabay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ee sanad-guuradii 66-aad ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo 1960.
Guddigan ayaa mas’uul ka noqon doona diyaarinta, isku-dubbaridka iyo hirgelinta munaasabadaha lagu xusayo maalmaha taariikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya. Waajibaadyada kale ee guddiga waxaa ka mid ah xiriirinta hey’adaha dowladda iyo dhammaan dhinacyada kale ee ka qeyb qaadanaya dabaaldegyada, jaangoynta iyo maareynta kharashaadka ku baxaya xuska, magacaabista guddi heer farsamo ah oo abaabula munaasabadaha kala duwan, iyo sugidda amniga goobaha lagu qabanayo xafladaha iyo munaasabadaha la xiriira xuska.
Xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ayaa kala ah:
1. Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) – Guddoomiye
2. Wasiir Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) – Xubin
3. Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) – Xubin
4. Wasiir Khadiijo Maxamed Al-Makhzuumi – Xubin
5. Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) – Xubin
6. Wasiir Axmed Macalin Fiqi – Xubin
7. Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud – Xubin
8. Wasiir Maxamed Cabdiqaadir Cali – Xubin
9. Wasiiru Dowlaha Xirsi Jaamac Gaani – Xubin
10. Wasiiru Dowlaha Maxamed Cali Xagaa – Xubin
11. Wasiiru Dowlaha Nuura Mustaf Guudoow – Xubin
12. Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) – Xubin
13. Agaasime Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool) – Xoghaye
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa guddiga faray in ay si dhow uga shaqeeyaan diyaarinta munaasabadaha xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada, si loo muujiyo qiimaha taariikheed ee maalmahan, loona xoojiyo dareenka waddaniyadda, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed
Koonfur Galbeed 5ta Juun 2026 Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Khamiistii doortay guddoon cusub oo hoggaamin doona Golaha Wakiillada, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed kadib markii uu helay 70 cod, halka musharraxii la tartamayay, Cabdixakiin Fiqi, uu helay 25 cod, sida lagu dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashada ka dhacday xarunta Baarlamaanka ee magaalada Baydhabo.
Sidoo kale, Aadan Xasan Maxamed (Osaama) ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad isagoo helay 82 cod, halka Cabdirisaaq Xuseen Aadan uu helay 12 cod, Doorashada Guddoomiye Ku-xigeenka Labaadna waxaa ku guuleysatay Shamso Maxamed Yarow oo heshay 72 cod, iyadoo Ahlaam Cumar Maxamed ay heshay 21 cod.
Doorashadan ayaa dhammaystirtay hannaanka soo xulista hoggaanka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, oo ah hay’adda sharci-dejinta ee maamulkaas.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray guddoonka cusub, isagoo sheegay in doorashadu ka tarjumeyso horumarka geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada.
“Waxaan kalsooni ku qabaa inay si hufan, daacadnimo iyo xilkasnimo leh u gudan doonaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan xoojinta shaqada Golaha Wakiillada iyo u adeegidda shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraal uu soo saaray.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka mid ah xilalka ugu muhiimsan ee maamulka Koonfur Galbeed, isagoo masuul ka ah hoggaaminta fadhiyada Golaha, jihaynta howlaha sharci-dejinta iyo isku xirka xiriirka u dhexeeya hay’adaha maamulka gobolka iyo dowladda federaalka.
Koonfur Galbeed, oo ay ka kooban tahay gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, ayaa door muhiim ah ku leh siyaasadda iyo amniga Soomaaliya. Gobolka ayaa sidoo kale kamid ah meelaha ugu waaweyn ee ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al shabaab.
Doorashada guddoonka Baarlamaanka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah mucaaradka, kuwaas oo isku khilaafsan arrimo ay ka mid yihiin nidaamka doorashada, wax-ka-beddellada dastuurka iyo qaabka awood qaybsiga dalka.
Degfmada Shiikh 5ta Juun 2026- Hal qof ayaa ku geeriyootay, halka qof kalena uu ku dhaawacmay mudaharaad maanta ka dhacay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ee Somaliland, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo goobjoogayaal
Mudaharaadkan ayaa ka dhashay xadhigga Suldaan Qabille oo dhawaan lagu xidhay degmada Mandheera ee gobolka Saaxil. Dadweyne ka cadhaysan xadhigga suldaanka ayaa isugu soo baxay magaalada, waxaana halkaasi ka dhacay isku dhac dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaasha.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in haweenayda geeriyootay lagu magacaabi jiray Canab Cumar Jaamac, halka qof kale uu ku dhaawacmay rabshadihii la socday mudaharaadka.
Mid kamid ah dadka mudaharaadayay ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka inay rasaas adeegsadeen, isaga oo sheegay in shacabka la beegsaday xilligii ay dibadbaxa samaynayeen.
Garyaqaan Guleed Dafac oo u ololeeya in booliiska dib u qaabayn lagu sameeyo ayaa ku baaqay in dhacdadan lagu sameeyo baadhitaan madax-bannaan, isaga oo sheegay in sharci ahaan awoodda ay booliisku adeegsanayaan ay tahay inay noqoto mid u dhiganta heerka khatarta ay la kulmayaan.

Muqdisho 5ta Juun 2026- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada munaasabadaha lagu xusayo sanad-guuradii 66-aad ee maalmaha xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.
Bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in magacaabista guddigan ay ku saleysan tahay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka iyo mas’uuliyadda dowladda ka saaran xuska maalmaha taariikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada dalka.
Guddiga ayaa loo xil saaray diyaarinta, isku-dubbaridka iyo hirgelinta munaasabadaha lagu xusayo maalmaha xorriyadda iyo midnimada, iyadoo sidoo kale uu ka shaqeyn doono xiriirinta hay’adaha dowladda iyo dhinacyada kale ee ka qeyb qaadanaya dabaaldegyada.
Waajibaadyada guddiga waxaa kale oo ka mid ah qorsheynta iyo maareynta kharashaadka ku baxaya xuska, magacaabista guddi farsamo oo abaabula munaasabadaha kala duwan, iyo sugidda amniga goobaha lagu qabanayo xafladaha la xiriira dabaaldegyada.
Guddiga cusub waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha gudaha, Cali Yuusuf Cali, (Cali Xoosh) halka xubnaha kale ay ka kooban yihiin wasiirro, wasiiru-dowlayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa guddiga faray inay si dhow uga shaqeeyaan diyaarinta munaasabadaha xuska, si loo muujiyo qiimaha taariikheed ee maalmahan loona xoojiyo dareenka waddaniyadda, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Muqdisho 5ta Juun 2026 Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay hoygiisa magaalada Muqdisho uu ahaa “weerar beegsi ah” oo lagu doonayay in lagu dilo isaga iyo siyaasiyiin kale oo goobta ku sugnaa.
Khayre ayaa sheegay in weerarku billowday xilli ay hoygiisa ku sugnaayeen odayaal dhaqameed, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo xubno kale oo ka qayb qaadanayay dadaallo lagu sheegay dhex-dhexaadin siyaasadeed.
“Hub kasta waa naloo adeegsaday, waxaana la isticmaalay hoobiyeyaal, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo rasaas culus. Weerarku wuxuu ahaa mid nalagu soo afjarayay,” ayuu yiri Khayre.
Sida uu sheegay, goobta waxaa ku sugnaa in ka badan 70 qof oo isugu jiray masuuliyiin iyo shacab, kuwaas oo uu sheegay inay halis galeen intii uu socday iska horimaadka.
Khayre ayaa sidoo kale sheegay in weerarku yimid xilli ay socdeen kulamo ay hormuud ka ahaayeen odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin uu sheegay inay ka shaqeynayeen xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.
Ra’iisul Wasaarihii h**e ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka inay mas’uul ka ahaayeen weerarka, isagoo sheegay in ciidamada loo adeegsaday si loo cabburiyo mucaaradka siyaasadeed.

Nyd de videoer og den musik, du holder af, upload originalt indhold, og del det hele med venner, familie og verden på YouTube.