
07/08/2025
WARARKA MAANTA 8da Luulyo, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u rabaa inuu burburiyo Dowladda? Yaa boobaya/dhacaya shacabka ? Yaa lacag uu xaday laga xanibay ? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Baydhabo Luulyo 8da, 2025 Dhawaan magaalada Baydhabo, 25 saxafyiin gabdho ah oo ka socday Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka qayb qaatay tabobar laba maalmood socday oo ay taageertay Qaramada Midoobey. Tabobarkan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Haweenka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMWA waxaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xirfaddooda iyo wacyigooda ku aaddan bad qabka jireed iyo midka dhijitalka ee la xiriira gudashada waajibkooda shaqo.
DDSI Luulyo 8da, 2025 Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa furay qiimaynta warbixinta wax-qabadka xafiisyada heer deegaan iyo maamulada gobollada deegaanka ee sanad-miisaaniyeedka 2017-ka T.I.
Qiimayntan oo socon doonta muddo 4 maalmood ah, ayaa diiradda lagu saarayaa mashaariicda la fuliyey laga bilaabo bishii Hamle 2016 ilaa Sane 2017-ka T.I. Waxaana lagu bilaabay warbixinta wax-qabadka Xafiiska Xoolaha.
Moqokori Luulyo 8da, 2025 Xaalada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa saaka ah mid degan, kadib dagaalo culus oo Shalay ilaa Xalay ku dhexmaray gudaha iyo daafaha magaaladaas ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab.
Sadax sano kadib kooxda Al-shabaab ayaa Xalay u aheyd habeenkii ugu h**eysay oo ay ku hoydaan degmada Moqokori, waxaana saakay halkaasi ciidamada iskaashanaya ka wadaan abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan
Waxaa aad u adag si dhab ah loo helo xogta rasmiga ah ee degmada Moqokori, maadama in isgaarsiinta guud ee magaalada Moqokori iyo deegaanada hoos yimaada ay go’antahay, islamarkaana ciidanka is kaashanaya aysan ka fogeyn Moqokori.
Ciidamo aad u tira badan oo gurmad u ah Macawiisleyda ayaa saacadahii lasoo dhaafay ka ambabaxay magaalooyinka ay ka kooban tahay Hiiraan, kuwaas oo xoojinaya ciidamada deegaanka ee dagaalka culus kula jira Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaatee degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa ah degmo muhiim ah oo istaraatiiji ah iskuna xirta gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.
Ugu dambeyntii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa qabasashada Al-shabaab ee degmada Moqokori ku eedeeyay iney la xariirto gaabis ka yimid dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
IGAD Luulyo 8da, 2025 Madaxweynihii h**e ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle ahna Ku xigeenka Xog-hayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi Waare, ayaa si adag uga hadlay xaaladda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada qaar in ay ka jeesteen dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, isla markaana uu dagaalkii qaran ee kooxdaas lala galay kusoo ururay hal deegaan oo keliya.
Qoraal uu Waare ku daabacay bartiisa X (Twitter), ayuu ku muujiyay niyad-jab ballaaran oo la xiriira sida looga jeestay dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, isagoo sheegay in kooxdaasi hadda fursad u heshay inay dib isu abaabusho, halka dowladda ay ku mashquulsan tahay arrimo Siyaasad ah.
“Sadex sano kahor waxaan iri ‘Waxaan kaga adkaanay Al-Shabaab dhanka dagaalka, Maanta, jawaabta way muuqataa,” ayuu yiri Waare.
Waare ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, oo uu sheegay in uu yahay meelaha kooban ee weli dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si dhab ah uga socda.
Wuxuu xusay in maleeshiyada Al-Shabaab ay kasoo kala yimaadeen deegaanno fog sida Jubbaland iyo Koonfur Galbeed si ay xooggooda isugu geeyaan Moqokori taasoo muujinaysa sida ay kooxdaasi u aragto muhiimadda dagaalka halkaas.
"Uma muuqato in dalka intiisa kale uu ka jiro dagaal dhab ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, Dadka intiisa kale waxay u muuqdaan kuwo ka jeestay ama indhaha ka laabtay dhibka shacabka reer Hiiraan," ayuu yiri Waare.
Madaxweynihii h**e ee Hirshabeelle wuxuu sheegay in ay si cad u muuqato in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uusan hadda ahayn mudnaanta koowaad ee dowladda ama saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh iskaashi amni.
Maxamed Cabdi Waare wuxuu ku baaqay in la joojiyo waxa uu ku tilmaamay "mashquul siyaasadeed aan micno lahayn", taas oo uu ku eedeeyay in ay carqalad ku tahay dagaalka Al-Shabaab.
“Wali waan aaminsanahay in Al-Shabaab la jabin karo. Laakiin taas waxay u baahan tahay in laga hortago khilaafaadka siyaasadeed ee la abuurayo, arrimaha la buunbuuniyo” ayuu yiri.
Ugu dambeyntii, Waare wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la helo qorshe mideysan iyo ujeeddo qaran oo ka dhaxaysa dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo shacabka, si looga hortago handadaada ka imaanaysa Al shabaab.
Puntland Luulyo 8da, 2025 Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgal cirka ah oo ka dhacay dooxada Baalade ee buuraha Cal Miskaad lagu bartilmaameedsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda Daacish, isla markaana la xaqiijiyay in la dilay bartilmaameedkii ugu weynaa.
Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in weerarkan si gaar ah loogu beegsaday saraakiil sar-sare oo uu ku jiro ku-xigeenka amiirka guud ee Daacish, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, kaas oo ku dhuumaaleysanayay buuraleyda Cal Miskaad.
Sarkaal ka tirsan Puntland, Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo ka mid ah la-taliyeyaasha howlgallada cirka ah, ayaa sheegay in duqeyntan ay fuliyeen ciidamo Maraykan ah. Wuxuu xusay in Maraykanku si joogto ah u garab taagan yahay dadaallada Puntland ee la dagaallanka argagixisada.
Duqeyntan ayaa qeyb ka ah wajigii ugu dambeeyay ee Howlgalka Hilaac (Lightning Operation), iyadoo Puntland ay sheegtay in iskaashiga ay la leedahay ciidamada Maraykanka uu si cad u miro-dhalay.
Sida ay tilmaameen saraakiisha Puntland, ilaa 85% hoggaankii sare ee Daacish ee ku sugan Puntland ayaa la burburiyay tan iyo markii uu howlgalkan bilowday.
Saraakiisha sare ee la dilay ayaa lagu tilmaamay kuwo door muhiim ah ku lahaa hannaanka maamulka iyo hawlgalada kooxda Daacish. Waxaa la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin:
Cabdixakiim Badiin Mawaledd (Yemeni): Madaxii booliska gudaha (Hizba), kuna hadli jiray af-Soomaali.
Marwaan Cabdirizaaq (Tunisian): Madaxii dagaalyahanada ajnabiga ah.
Barow Cabdi Macallin (Soomaali – Gedo): Madaxa maamulka ee Shebaab-Dhaasaan.
Axmed Salaax Sudaani (Sudanese): Madaxii wacyigelinta diinta (Da’wah).
Ibraahim Hayyaan (Moroccan): Madaxii qaraxyada.
Dr. Xakiim Ubayda (Malaysian): Madaxii caafimaadka.
Axmed Muuse Siciid (Soomaali – Bari): Madaxii xiriirka dibadda, kana hadli jiray Carabi iyo Ingiriisi.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgalladan sii socon doonaan ilaa kooxda Daacish laga cirib tiro guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Puntland.