09/19/2025
Dacwaa naloo heeystaa Maanta.
Hal million Qof Diyadood ayaa Somalida laga rabo.
Alex Jones oo ah Wariye Caan ka ah Mareykanka, leh TV iyo Hanti fara badan. Waxa uu ku dhashay Dallas-Texas USA, 11/Feb/1974.
Waxa uu leeyahay Somalida waxaan u heeysanaa in ka badan Hal Million Qof oo Reer Yurub ah oo ay Adoonsadeen.
Waxa ay lahaayeen Xeebo dhaadheer iyo Jasiirado ay Xakumaan, Badda ku wareegsana waxaa la dhihi jiray, (Somali Sea) Qarniyaal ka hor, Sharcigoodu waxa uu ahaa Ciddii soo gasho Fasax la'aantood, iyaga iyo Hantidooda in la qaato. Badda gunteeda waxaa yaal Qalfooftii Meydadkii Awoowa yaasheen. Xataa Chinaha iyo Jabaanka Bad mareenadaa waa Adoonsan jireen.
Dadka ay Qabsadaan waa Adoonsan jireen, qaar Beerahey ku Fala jireen, Qaarna waa iibsan jireen. Xeebta ayeey ku xiri jireen oo baahi ayey noo dili jireen. Haddii aan Reer Galbeed nahay, Waxa ay nagu heeystaan maxaad Adoonsiga nooga joojiseen.
Hadda, Somalida Mareykanka joogto waxa ay aamisanyihiin in ay naga saareeyaan, Ummadaha kale ee Halkaan joogo waa na xushmeeyaan oo waa iska shaqeystaan, laakin Somalida Halkaan joogto waa isla weynyihiin oo Anaga ayey Tartan nagula jiraan.
Somalidu waa fiican tahay, Muslimku waa fiican yahay ayaad leedihiin, waa been iska jira, wakhtigii h**e Kaniisado badan oo yurub ku yiil iyagaa gubay, haddana Kaniisadaheena ayeey Gataan oo Masaajid ka dhigaan, war Somalida iska ilaaliya, ayuu leeyahay Alex.
Weli Dadka Cadaankaa iyo Afrikaankaa ee Dalkooda joogo, waa qafaashaan waana Adoonsadaan waana iibsadaan.
Somalidu, Afrikaan ma ahan waa jinsi gooni ah,
Hidda raaca Dhiigooda, ilaa yurub ayuu SOOgaaray oo dhiigoodaa nagu jiro.
Alex, Warkiisa ma wax baa ka jiro, mse ummadahoow nagu diraa?.