04/04/2026
WARARKA MAANTA 4ta Abriil 2026
Su’aalaha Maanta: Maxay tahay biliqada Iyo kufsiga ka socda oo jab iyo halaag gashay? Maxuu Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye” uga inqilaabay Madaxweyne Lafta-Gareen? Yaa kamid ah madaxda bandowga ay Maraykanka geliyeen? Maxaa loo baa’ibiyey Dowladda Koonfur Galbeed? Maxuu ku dhacay Digil Iyo Mirifle? Maxaa ku dhacay Janaraal Shubka oo gurigiisa uu dhacay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u mgacaabi rabaa Dowlad ? Yaa kashifay fashilka Iyo musuqmaasuqa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Goorma ayeey dhacaysaa Doorashada ? Yaa wakhtiga ka dhammaanayaa? Yaa diiday inay shacabka helaan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddeshay dastuurka? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho 5ta Abriil 2026
Iiran 5ta Abriil 2026 Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay soo ridday laba diyaaradood oo dagaal oo Mareykan ah, iyadoo la xaqiijiyay in mid ka mid ah duuliyeyaashii la badbaadiyay, halka mid kalena weli la la’yahay oo baadi-goobkiisu socdo.
Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah diyaaradaha lagu soo riday gobolka Kohgiluyeh iyo Boyer-Ahmad, halka mid kalena ay ku burburtay Gacanka. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in labada duuliye ay ka boodeen diyaaradda kadib markii la beegsaday, waxaana ciidamada gaarka ah ee Mareykanka u suurtagashay inay soo badbaadiyaan mid ka mid ah duuliyeyaasha.
Sidoo kale, Iiraan ayaa sheegtay inay beegsatay diyaarad kale oo Mareykan ah oo nooca A-10 ah, balse waxaa la xaqiijiyay in duuliyihii diyaaraddaasi uu badbaaday. Intaas waxaa dheer, helikobtar nooca Blackhawk ah oo ku jirtay howlaha samatabbixinta ayaa la weeraray, iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah shaqaalihii saarnaa ay dhaawacmeen, inkastoo ay badbaaday.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa shacabka ugu baaqday inay ka qeyb qaataan raadinta duuliyaha maqan, iyadoo abaalmarin loo ballanqaaday cid kasta oo keenta xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay. Dhacdadan ayaa noqotay markii ugu horreysay ee tan iyo bilowga colaadda in si toos ah loo soo rido diyaarad Mareykan ah gudaha Iiraan.
Dhanka kale, dabaal-deg ayaa ka dhacay caasimadda Tehran, kaddib markii milatariga Iiraan ay ku faaneen awooddooda difaac iyo inay weli ka hortagi karaan Mareykanka iyo Israa’iil.
Iiraan ayaa sidoo kale qaaday weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah Israa’iil, kuwaas oo sababay dab ka kacay goob warshadeed oo ku taalla koonfurta Negev, iyo burbur soo gaadhay dhismayaal ku yaalla magaalooyinka Rosh Haayin iyo Petah Tikvah.
Sidoo kale, Israa’iil ayaa duqeymo culus ka fulisay dalka Lubnaan, iyadoo burburisay laba buundo oo muhiim ah oo ku yaalla webiga Litani, taasoo qeyb ka ah ballaadhinta howlgalladeeda milatari ee koonfurta dalkaas.
Muqdisho 5ta Abriil 2026 Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay inay shaqo joojin ku sameeyeen madaxii Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed.
Warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha guddiga oo ku taariikheysan 4-ta Abriil 2026, kuna socotay Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Xoghayaha Guud ee GMDQS, ayaa lagu sheegay in Cabdifataax Cabdullaahi Maxamed laga joojiyay shaqadii uu ka hayay Madaxa Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed ee GMDQS.
Go’aanka shaqo joojinta ayaa lagu sheegay in ay ku timid iyadoo la tixgelinayo xeerarka guddiga iyo habraacyada shaqada iyo hawlwadeennada GMDQS.
Sidoo kale, dhammaan hay’adaha kala duwan ee GMDQS ayaa lagu wargeliyay inay tixgeliyaan go’aanka shaqo joojinta ee guddigu ku sameeyay madaxii Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed.
Si kastaba ha ahaatee, Guddiga doorasho ma sheegin sababta shaqada looga joojiyay madaxii xafiiska guddiga doorashooyinka ee Koonfur Galbeed, balse xogo aan helnay ayaa sheegaya in sababta looga joojiyay shaqada ay tahay inuu kamid ahaa dadka aad ugu dhow madaxweynihii h**e ee maamulka Koonfur Galbeed.
Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa, maalmo kaddib markii guddiga doorashooyinka Soomaaliya ay qalabka doorashooyinka geeyeen degaanada Koonfur Galbeed, si halkaas looga qabto doorashooyinka Golayaasha degaanka iyo kuwa baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Muqdisho 5ta Abriil 2026 Dekedda Islaamiga ah ee Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa bilowday adeegyo cusub oo maraakiib ah oo si toos ah ugu xidhaya dekedaha Berbera iyo Jabuuti, taas oo qayb ka ah qorshe lagu ballaadhinayo isku xidhka ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga ah.
Hay’adda Dekedaha Sacuudiga ee Mawaani ayaa shaacisay in shirkadda maraakiibta ee Pacific International Lines (PIL) ay ballaadhisay hawlaheeda dekedda Jiddah, iyada oo loo marayo adeegyo cusub oo loo bixiyay “RGS” iyo “RS2”.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay xoojinayso doorka Dekedda Jiddah oo ah xarun muhiim ah oo saadka iyo ganacsiga ah oo ku taalla Badda Cas, isla markaana ay sare u qaadayso tartanka dekedaha Sacuudiga, fududaynayso isu socodka ganacsiga caalamiga ah, kana qayb qaadanayso kor u qaadidda hufnaanta hawlaha dekedda.
"Adeegga maraakiibta ee “RGS” wuxuu isku xidhayaa Dekedda Islaamiga ah ee Jeddah iyo afar dekedo goboleed iyo kuwo caalami ah, oo ay ku jiraan Nhava Sheva iyo Mundra oo Hindiya ku taalla, Jabuuti, iyo dekeda Berbera ee Soomaaliya, ka hor inta aanu ku laaban Dekedda Islaamiga ah ee Jeddah. Adeeggan wuxuu qaadi karaa ilaa 1,810 TEU" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Dekeda Jiddah.
Dhanka kale, adeegga “RS2” ayaa xidhiidhinaya Dekedda Jiddah iyo sagaal dekadood oo waaweyn oo ku kala yaalla Aasiya iyo Bariga Dhexe, oo ay ka mid yihiin Qingdao, Shanghai, Ningbo, Nansha iyo Shekou ee Shiinaha, Singapore, Jabuuti, Sokhna ee Masar, iyo Aqaba ee Urdun. Adeeggan ayaa leh awood qaadis gaadhaysa ilaa 11,923 konteenarro, taas oo sii ballaadhinaysa isku xidhka ganacsiga ee dekedda.
Mas’uuliyiinta Mawaani ayaa sheegay in horumarkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo kaalinta Sacuudiga ee tilmaamayaasha waxqabadka caalamiga ah, isla markaana lagu taageerayo kobaca dhoofinta qaranka. Waxa kale oo uu la jaanqaadayaa istaraatiijiyadda gaadiidka iyo saadka ee dalka, oo ujeeddadeedu tahay in Sacuudigu noqdo xarun caalami ah oo isku xidha saddex qaaradood.
Dekedda Islaamiga ah ee Jiddah ayaa leh 62 meelood oo maraakiibtu ku xidhmaan, xarumo kaydinta iyo dib-u-dhoofinta, iyo nidaam gaadiid oo si toos ah uga shaqeeya dekedda, iyadoo guud ahaan awooddeedu gaadhayso ilaa 130 milyan oo tan sanadkii.
Muqdisho 5ta Abriil 2026 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumo iyo Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.
War saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa shaaca looga qaaday in Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow lagu burburiyay xarun muhiim u ahayd kooxda, halkaas oo lagu gubay lix matoor oo waaweyn oo loo adeegsan jiray farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa.
Inta uu socday howlgalkaasi, waxaa lagu dilay lix xubnood oo ka tirsanaa kooxda, oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah.
Sidoo kale, War saxaafadeedka NISA ayaa daaha looga qaaday in howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey lagu beegsaday Dagaalamayaal gabbaad ka dhiganayay dhul kayn ah, waxaana lagu dilay saddex xubnood oo kale, iyadoo la kala eryay Dagaalamayashii halkaas ku sugnaa.
Ugu dambeyn waxa ay NISA ay tilmaamtay in Howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee ay dowladdu ku wiiqeyso awoodda Al-shabaab, kuna burburineyso xarumahooda iyo abaabulkooda, Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgaladu ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro khatarta kooxaha Alshabaab iyo Daacish.
Muqdisho 5ta Abriil 2026Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulan la-qaatay odayaasha dhaqanka kuwaas oo uu kala kulmay magaalada Baydhabo, Taliyaha ayaa odayaasha kala hadlay xaaladda deegaanka iyo nolosha magaalada ka jirta, kaddib isbeddeladii dhawaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Taliye Xaamud ayaa odayaasha deegaanka u ballanqaaday in Ciidanka Qalabka Sida ay door muuqda ka qaadan doonaan sugidda amniga guud iyo caawinta bulshada.
Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyay Taliyaha kulanka uu la qaatay, waxayna ballanqaadeen in si dhow ula shaqeyn doonaan ciidanka naftooda u huraya ee dalka ka dulqaadaya cadawga argagixisada ah.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.