Somali National Journal

Somali National Journal Welcome to the Somali National Journal. Is a property of Somali Media Empire.

Somali Cable News

Horn Cable News

Mogadishu Life

Somali Wired News

Somali Bulletin

Somali Mobile News

Somali National News

Somali National Post

Somali National Journal

Somali Federal Radio

Somali Federal TV

Somali Federal News

Somali Media Empire

Wargeyska Dalka

Somali Newspaper

Mogadishu Bulletin

Somali Gazette

Somali Digital News

Mogadishu Wired

Mogadishu Daily News

Mogadishu

City News

Mogadishu City Journal

Mogadishu City Press

Mogadishu Times

Mogadishu Post

Mogadishu Media

Mogadishu Bulletin

Somali Magazine

Somaliland News

Somaliland Magazine

Somaliland Bulletin

Somaliland Gazette

Puntland News

Puntland Magazine

Puntland Gazette

Jubbaland Magazine

Jubbaland Gazette

Galmudug Gazette

Galmudug Magazine

Somalia ICT

Somali Consultancy

Mogadishu Bookstore

Mogadishu Multimedia

Somali Business Consultants

Somali ICT Engineers

Somali Hotels Associations

Mogadishu City Tourism

Somaliland GazetteSomaliland Magazine

Puntland Gazette

Puntland Magazine

Jubbaland Gazette

Jubbaland Magazine

Somali Private Sector Tourism

Mogadishu Tour Guide

Mogadishu Wifi

Mogadishu Wireless

Mogadishu Photography

Mogadishu Bank

Somali Insurance

Somali Publisher

Somali Petroleum Company

Somali Gasoline Company

somaligasoline.com

Somali Petrol

Somali Spare Parts

Breezybooklog1Breezybook

Bulbbook

Myidbook

unifysoftwareslUniifysoftwares

WARARKA MAANTA 4ta Abriil 2026Su’aalaha Maanta: Maxay tahay biliqada Iyo kufsiga ka socda     oo jab iyo halaag gashay? ...
04/04/2026

WARARKA MAANTA 4ta Abriil 2026
Su’aalaha Maanta: Maxay tahay biliqada Iyo kufsiga ka socda oo jab iyo halaag gashay? Maxuu Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye” uga inqilaabay Madaxweyne Lafta-Gareen? Yaa kamid ah madaxda bandowga ay Maraykanka geliyeen? Maxaa loo baa’ibiyey Dowladda Koonfur Galbeed? Maxuu ku dhacay Digil Iyo Mirifle? Maxaa ku dhacay Janaraal Shubka oo gurigiisa uu dhacay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u mgacaabi rabaa Dowlad ? Yaa kashifay fashilka Iyo musuqmaasuqa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Goorma ayeey dhacaysaa Doorashada ? Yaa wakhtiga ka dhammaanayaa? Yaa diiday inay shacabka helaan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddeshay dastuurka? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho 5ta Abriil 2026

Iiran 5ta Abriil 2026 Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay soo ridday laba diyaaradood oo dagaal oo Mareykan ah, iyadoo la xaqiijiyay in mid ka mid ah duuliyeyaashii la badbaadiyay, halka mid kalena weli la la’yahay oo baadi-goobkiisu socdo.
Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah diyaaradaha lagu soo riday gobolka Kohgiluyeh iyo Boyer-Ahmad, halka mid kalena ay ku burburtay Gacanka. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in labada duuliye ay ka boodeen diyaaradda kadib markii la beegsaday, waxaana ciidamada gaarka ah ee Mareykanka u suurtagashay inay soo badbaadiyaan mid ka mid ah duuliyeyaasha.
Sidoo kale, Iiraan ayaa sheegtay inay beegsatay diyaarad kale oo Mareykan ah oo nooca A-10 ah, balse waxaa la xaqiijiyay in duuliyihii diyaaraddaasi uu badbaaday. Intaas waxaa dheer, helikobtar nooca Blackhawk ah oo ku jirtay howlaha samatabbixinta ayaa la weeraray, iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah shaqaalihii saarnaa ay dhaawacmeen, inkastoo ay badbaaday.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa shacabka ugu baaqday inay ka qeyb qaataan raadinta duuliyaha maqan, iyadoo abaalmarin loo ballanqaaday cid kasta oo keenta xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay. Dhacdadan ayaa noqotay markii ugu horreysay ee tan iyo bilowga colaadda in si toos ah loo soo rido diyaarad Mareykan ah gudaha Iiraan.
Dhanka kale, dabaal-deg ayaa ka dhacay caasimadda Tehran, kaddib markii milatariga Iiraan ay ku faaneen awooddooda difaac iyo inay weli ka hortagi karaan Mareykanka iyo Israa’iil.
Iiraan ayaa sidoo kale qaaday weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah Israa’iil, kuwaas oo sababay dab ka kacay goob warshadeed oo ku taalla koonfurta Negev, iyo burbur soo gaadhay dhismayaal ku yaalla magaalooyinka Rosh Haayin iyo Petah Tikvah.
Sidoo kale, Israa’iil ayaa duqeymo culus ka fulisay dalka Lubnaan, iyadoo burburisay laba buundo oo muhiim ah oo ku yaalla webiga Litani, taasoo qeyb ka ah ballaadhinta howlgalladeeda milatari ee koonfurta dalkaas.
Muqdisho 5ta Abriil 2026 Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay inay shaqo joojin ku sameeyeen madaxii Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed.
Warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha guddiga oo ku taariikheysan 4-ta Abriil 2026, kuna socotay Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Xoghayaha Guud ee GMDQS, ayaa lagu sheegay in Cabdifataax Cabdullaahi Maxamed laga joojiyay shaqadii uu ka hayay Madaxa Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed ee GMDQS.
Go’aanka shaqo joojinta ayaa lagu sheegay in ay ku timid iyadoo la tixgelinayo xeerarka guddiga iyo habraacyada shaqada iyo hawlwadeennada GMDQS.
Sidoo kale, dhammaan hay’adaha kala duwan ee GMDQS ayaa lagu wargeliyay inay tixgeliyaan go’aanka shaqo joojinta ee guddigu ku sameeyay madaxii Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed.
Si kastaba ha ahaatee, Guddiga doorasho ma sheegin sababta shaqada looga joojiyay madaxii xafiiska guddiga doorashooyinka ee Koonfur Galbeed, balse xogo aan helnay ayaa sheegaya in sababta looga joojiyay shaqada ay tahay inuu kamid ahaa dadka aad ugu dhow madaxweynihii h**e ee maamulka Koonfur Galbeed.
Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa, maalmo kaddib markii guddiga doorashooyinka Soomaaliya ay qalabka doorashooyinka geeyeen degaanada Koonfur Galbeed, si halkaas looga qabto doorashooyinka Golayaasha degaanka iyo kuwa baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Muqdisho 5ta Abriil 2026 Dekedda Islaamiga ah ee Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa bilowday adeegyo cusub oo maraakiib ah oo si toos ah ugu xidhaya dekedaha Berbera iyo Jabuuti, taas oo qayb ka ah qorshe lagu ballaadhinayo isku xidhka ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga ah.
Hay’adda Dekedaha Sacuudiga ee Mawaani ayaa shaacisay in shirkadda maraakiibta ee Pacific International Lines (PIL) ay ballaadhisay hawlaheeda dekedda Jiddah, iyada oo loo marayo adeegyo cusub oo loo bixiyay “RGS” iyo “RS2”.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay xoojinayso doorka Dekedda Jiddah oo ah xarun muhiim ah oo saadka iyo ganacsiga ah oo ku taalla Badda Cas, isla markaana ay sare u qaadayso tartanka dekedaha Sacuudiga, fududaynayso isu socodka ganacsiga caalamiga ah, kana qayb qaadanayso kor u qaadidda hufnaanta hawlaha dekedda.
"Adeegga maraakiibta ee “RGS” wuxuu isku xidhayaa Dekedda Islaamiga ah ee Jeddah iyo afar dekedo goboleed iyo kuwo caalami ah, oo ay ku jiraan Nhava Sheva iyo Mundra oo Hindiya ku taalla, Jabuuti, iyo dekeda Berbera ee Soomaaliya, ka hor inta aanu ku laaban Dekedda Islaamiga ah ee Jeddah. Adeeggan wuxuu qaadi karaa ilaa 1,810 TEU" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Dekeda Jiddah.
Dhanka kale, adeegga “RS2” ayaa xidhiidhinaya Dekedda Jiddah iyo sagaal dekadood oo waaweyn oo ku kala yaalla Aasiya iyo Bariga Dhexe, oo ay ka mid yihiin Qingdao, Shanghai, Ningbo, Nansha iyo Shekou ee Shiinaha, Singapore, Jabuuti, Sokhna ee Masar, iyo Aqaba ee Urdun. Adeeggan ayaa leh awood qaadis gaadhaysa ilaa 11,923 konteenarro, taas oo sii ballaadhinaysa isku xidhka ganacsiga ee dekedda.
Mas’uuliyiinta Mawaani ayaa sheegay in horumarkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo kaalinta Sacuudiga ee tilmaamayaasha waxqabadka caalamiga ah, isla markaana lagu taageerayo kobaca dhoofinta qaranka. Waxa kale oo uu la jaanqaadayaa istaraatiijiyadda gaadiidka iyo saadka ee dalka, oo ujeeddadeedu tahay in Sacuudigu noqdo xarun caalami ah oo isku xidha saddex qaaradood.
Dekedda Islaamiga ah ee Jiddah ayaa leh 62 meelood oo maraakiibtu ku xidhmaan, xarumo kaydinta iyo dib-u-dhoofinta, iyo nidaam gaadiid oo si toos ah uga shaqeeya dekedda, iyadoo guud ahaan awooddeedu gaadhayso ilaa 130 milyan oo tan sanadkii.
Muqdisho 5ta Abriil 2026 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumo iyo Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.
War saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa shaaca looga qaaday in Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow lagu burburiyay xarun muhiim u ahayd kooxda, halkaas oo lagu gubay lix matoor oo waaweyn oo loo adeegsan jiray farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa.
Inta uu socday howlgalkaasi, waxaa lagu dilay lix xubnood oo ka tirsanaa kooxda, oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah.
Sidoo kale, War saxaafadeedka NISA ayaa daaha looga qaaday in howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey lagu beegsaday Dagaalamayaal gabbaad ka dhiganayay dhul kayn ah, waxaana lagu dilay saddex xubnood oo kale, iyadoo la kala eryay Dagaalamayashii halkaas ku sugnaa.
Ugu dambeyn waxa ay NISA ay tilmaamtay in Howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee ay dowladdu ku wiiqeyso awoodda Al-shabaab, kuna burburineyso xarumahooda iyo abaabulkooda, Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgaladu ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro khatarta kooxaha Alshabaab iyo Daacish.
Muqdisho 5ta Abriil 2026Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulan la-qaatay odayaasha dhaqanka kuwaas oo uu kala kulmay magaalada Baydhabo, Taliyaha ayaa odayaasha kala hadlay xaaladda deegaanka iyo nolosha magaalada ka jirta, kaddib isbeddeladii dhawaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Taliye Xaamud ayaa odayaasha deegaanka u ballanqaaday in Ciidanka Qalabka Sida ay door muuqda ka qaadan doonaan sugidda amniga guud iyo caawinta bulshada.
Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyay Taliyaha kulanka uu la qaatay, waxayna ballanqaadeen in si dhow ula shaqeyn doonaan ciidanka naftooda u huraya ee dalka ka dulqaadaya cadawga argagixisada ah.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 3da Maarso 2026Su’aalaha Maanta: Yaa kamid ah madaxda bandowga ay Maraykanka geliyeen? Maxaa loo baa’ibiy...
04/03/2026

WARARKA MAANTA 3da Maarso 2026
Su’aalaha Maanta: Yaa kamid ah madaxda bandowga ay Maraykanka geliyeen? Maxaa loo baa’ibiyey Dowladda Koonfur Galbeed? Maxuu ku dhacay Digil Iyo Mirifle? Maxaa ku dhacay Janaraal Shubka oo gurigiisa uu dhacay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u mgacaabi rabaa Dowlad ? Yaa kashifay fashilka Iyo musuqmaasuqa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Goorma ayeey dhacaysaa Doorashada ? Yaa wakhtiga ka dhammaanayaa? Yaa diiday inay shacabka helaan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddeshay dastuurka? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Beledweyne 5da Maarso 2026 Howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga ayaa xalay laga fuliyey magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu beegsaday burcad hubeysan oo muddo dhibaato ku haysay shacabka.
Warbaahinta ku hadasha Afka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kusoo warantay, in Howlgalkan oo ahaa mid si wanaagsan loo qorsheeyay ayaa waxaa fuliyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qeybta 27-aad.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan xubno ka tirsan burcad hubeysan oo lagu eedeeyay inay dhac u geysanayeen dadka shacabka ah, isla markaana khal-khal gelinayeen amniga guud ee magaalada.
Taliyaha Qeybta 27-aad, Korneyl Cali Axmed Xaashi, ayaa sheegay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan, si loo ciribtiro kooxaha amni darrada wada, loona xaqiijiyo xasilloonida magaalada.
Sidoo kale, taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Beledweyne inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga, si loo gaaro nabad waarta iyo deganaansho buuxa.

Muqdisho 5da Maarso 2026 Howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada AUSSOM iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo qabtay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Salaad Cusmaan Macalin, loona yaqaan “Sahm”, xilli uu ku sugnaa deegaanka Mubaarak.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay AUSSOM, Sarkaalkaan oo 40 jir ah ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2009, isla markaana ahaa taliye guuto.
Waxaa lagu qabtay isagoo sahaminayay fariisimaha difaaca ciidamada dowladda, ka hor weerar ay Kooxda Al shabaab ku dooneysay inay kusoo weerarto saldhigyada ay leeyihiin AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Warbixinta AUSSOM ayaa xustay in “Sahm” uu la socday dagaalyahanno kale, oo ay ku jiraan xubno ajaanib ah oo dhawaan laga soo daabulay magaalada Jilib.
Intii lagu guda jiray baaritaanka, wuxuu bixiyay xog muhiim ah, isagoo sheegay in nin lagu magacaabo Ismaaciil oo u dhashay Kenya uu isu diyaarinayay fulinta weerar ismiidaamin ah, halka nin kale oo lagu magacaabo Salman uu baxsaday.
Taliyaha Qaybta Koowaad ee AUSSOM, Sarreeye Guuto Jackson Kayanja, ayaa bogaadiyay feejignaanta ciidamada fuliyay howlgalka, isagoo sidoo kale ugu baaqay bulshada inay sii xoojiyaan wada shaqeynta amniga
Muqdisho 5da Maarso 2026 Ra’iisul wasaarihii h**e ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo su’aal geliyay in hoos loo dhigay awoodii maamulkaas oo loo rogay awood hoose oo si toos ah uga amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in aanay jirin wax sharci ah oo ogolaanaya in Dowlad Goboleed lagu beddelo maamul ku-meel-gaar ah oo ka amar qaata dowladda dhexe, isagoo carrabka ku adkeeyay in nidaamka federaalka uu ku dhisan yahay awood qeybsiga dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.
“Doorashooyin waa lagu qaban karaa iyadoo uu jiro maamul ku-meel-gaar ah oo heer dowlad goboleed ah, balse su’aasha taagan waa haddii Dowladda Federaalka ay isku dayeyso inay dib u qorto jihada mustaqbalka nidaamka federaalka,” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii h**e.
Wuxuu sidoo kale ka digay in tallaabo kasta oo loogu xadgudbo dastuurka dalka ay dib u celin karto horumarka siyaasadeed ee la gaaray, isla markaana ay dalka gelin karto qalalaase cusub oo dhinaca dowladnimada ah.
Hadalka Cumar Cabdirashiid ayaa imanaya xilli ay jiraan dooddo xooggan oo ku saabsan go’aamada Dowladda Federaalka ee ku aaddan maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada qaarkood ay muujinayaan walaac ku saabsan ilaalinta nidaamka federaalka iyo madax-bannaanida dowlad goboleedyada.
Arbacadii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa waxa uu Ra'iisul wasaare kuxigeenkiisa u magacaabay inuu noqdo Hogaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Muqdisho 5da Maarso 2026 Ciidamada Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha cirka ee ay ka fuliyaan Soomaaliya, iyadoo ku dhowaad 50 weerar la diiwaangeliyay saddexda bilood ee ugu horreeya sanadka 2026, sida ay shaacisay (AFRICOM).
War-saxaafadeed ay soo saartay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, taasoo ka dhacday qiyaastii 80 mayl waqooyi-galbeed ka xigta Kismayo.
Taliska ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhigay tirada guud ee duqeymaha sanadkan ilaa 49, taasoo muujineysa koror weyn oo ku yimid howlgalada milatari marka la barbar dhigo sanadihii h**e.
AFRICOM waxay xustay in weeraradan lagu fulinayo iskaashi dhow oo lala leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada amniga, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab.
Si kastaba, AFRICOM ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca diyaaradaha, cutubyada ama hubka la adeegsaday, iyagoo ku sababeeyay arrimo la xiriira amniga howlgalka.
Kororka duqeymahan ayaa imanaya kadib sanadkii 2025 oo ahaa kii ugu duqeymaha badnaa, markaas oo AFRICOM ay fulisay ku dhowaad 125 weerar, taasoo dhaaftay rikoor h**e oo ahaa 63 weerar sanadkii 2019.
Xogta hadda jirta waxay muujineysaa in 2026 uu ka sii badan karo haddii xawliga uu sidan ku sii socdo.
Duqeymaha Mareykanka kuma eka hal deegaan oo keliya, Waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan buuraha Golis, waxaa si joogto ah looga beegsadaa dagaalyahanno xiriir la leh ISIS, halka Al-Shabaab ay weli ka howlgasho qaybo badan oo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka.
Ciidamada Mareykanka ayaa muddo dheer ku sugnaa Soomaaliya, iyagoo bixiya tababar, talo iyo taageero dhinaca sirdoonka ah oo ay siiyaan ciidamada maxalliga ah ee la dagaallamaya kooxaha xagjirka ah.
Kordhinta duqeymaha ayaa la xiriirta go’aan ka soo baxay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, kaasoo siiyay taliyeyaasha AFRICOM awood ballaaran oo ay ku go’aamin karaan goorta la fulinayo weerarada cirka.
Kororka Duqeymaha ayaa muujinaya sida Washington ay Soomaaliya ugu aragto furin muhiim ah oo ka mid ah dagaalka lagula jiro kooxaha jihaadiga ah, inkastoo ay sidoo kale dib u soo nooleyn karto doodaha ku saabsan saameynta howlgaladan ku leeyihiin amniga guud ee dalka iyo istiraatiijiyadda Mareykanka ee Geeska Afrika.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 2da Maarso 2026Su’aalaha Maanta: Maxuu ku dhacay Digil Iyo Mirifle? Maxaa ku dhacay Janaraal Shubka oo gu...
04/02/2026

WARARKA MAANTA 2da Maarso 2026
Su’aalaha Maanta: Maxuu ku dhacay Digil Iyo Mirifle? Maxaa ku dhacay Janaraal Shubka oo gurigiisa uu dhacay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u mgacaabi rabaa Dowlad ? Yaa kashifay fashilka Iyo musuqmaasuqa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Goorma ayeey dhacaysaa Doorashada ? Yaa wakhtiga ka dhammaanayaa? Yaa diiday inay shacabka helaan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddeshay dastuurka? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho 2da Maarso 2026 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta sameeyay isku shaandhayn ah ku saabsan agaasimeyaasha guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, si loo dardargaliyo howlaha dowladda ee socda.
Agaasimeyaasha la magacaabay ayaa kala ah;
1- Yuusuf Cali Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
2- Maxamed Saney Dalmar Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Shaqada iyo Bulshada.
3- Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
4- Guuleed Cabdijaliil Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.
5- Yuusuf Xasan Isaaq Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
6- Maxamed Xasan Shire Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo adeegyada bulshada, iyadoo la hubinayo in hay’adaha dowladda ay si hufan uga shaqeeyaan qorshayaasha horumarineed ee dalka.
Magacaabistan ayaa timid, iyadoo muddo xileedka xukuumadda Soomaaliya uu ka harsan yahay wax ka yar 40 cishe ah, xilli kooxaha mucaaradka ay ku doodayaan in wixii loo gaaro 15-ka May ay dowladdu lumin doonta sharciyaddeeda, haddii aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo dalka doorasho lagu gaarsiinayo.
Si kastaba ha ahaatee, Raysal wasaare Xamse ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isbeddel ku sameynayay xukuumaddiisa, isagoo xilalka ka qaaday wasiirro, halka kuwa kalena uu soo magacaabay.
Djibouti 2da Maarso 2026 Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo ku jira ololaha doorashada ee ka socda dalkaas, ayaa sheegay in uu mar kale isu soo taagay xilka kadib markii, sida uu sheegay, ay shacabka ku qasbeen inuu sii wado hoggaanka dalka.
Geelle ayaa xusay in inkasta oo uu jeclaa inuu nasto kadib ku dhowaad 30 sano oo uu talada hayay, haddana uu ka jawaabay dalab ka yimid shacabka. “Haddii aan soo joogsaday, amarka aad idinku bixiseen ayaan ku soo joogsaday,” ayuu yidhi, isaga oo tilmaamay in dadku ka codsadeen in aanu ka dagin xilka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dalka Jabuuti uu weli u baahan yahay hoggaan sii wada horumarka, si uu ula jaanqaado isbeddellada caalamka. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in ujeeddadiisu tahay inuu sii shaqeeyo si uu u qanciyo rabitaanka shacabka doonaya inuu sii joogo.
Geelle waxa uu ku dooday in nidaamka dimuqraadiyadeed ee Jabuuti uu shaqaynayo, isaga oo sheegay in shantii sanoba mar doorasho la qabto, isla markaana dalka uu yahay mid xor ah oo ay axsaabta siyaasadeed si furan ugu tartami karaan. Waxa uu intaas ku daray in haddii shacabku doortaan musharrax kale, uu aqbali doono natiijada doorashada.
Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka iyo dadka u ololeeya dimuqraadiyadda ayaa si adag u dhaliila nidaamka siyaasadeed ee dalkaas. Waxay ku eedeeyaan xukuumadda in aanay jirin fursad dhab ah oo ay mucaaradku ku tartami karaan, isla markaana aan la oggolayn xisbi mucaarad oo awood leh.
Sidoo kale, dhaliilaha la jeedinayo waxaa ka mid ah in doorashooyinka ay si weyn u maamusho Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taas oo dhalisa shaki la xidhiidha hufnaanta iyo madaxbannaanida geeddi-socodka doorashada.
Warbixinno kala duwan ayaa tilmaamaya in xaaladda warbaahinta iyo xuquuqda aadanaha ee Jabuuti ay liidato, iyadoo mucaaradka iyo ururrada xuquuqal insaanku ay sheegaan in cadaadis lagu hayo dadka ka aragti duwan xukuumadda. Waxay sidoo kale ku andacoodaan in Madaxweyne Geelle aanu diyaar u ahayn inuu si fudud uga d**o talada dalka.
Dhanka kale, nolosha dadka reer Jabuuti ayaa weli wajahaysa caqabado dhaqaale, inkasta oo dalka uu leeyahay muhiimad istiraatiiji ah oo ku aaddan ganacsiga iyo dekedaha. Haddana waxaa jira cabashooyin la xidhiidha heerka nololeed, shaqo la’aan, iyo kala duwanaanshaha dakhliga.
Warbixintan ayaa imanaysa xilli ay indhaha caalamku ku sii jeedaan doorashada Jabuuti iyo sida ay u saamayn doonto mustaqbalka siyaasadeed ee dalkaas, iskasta oo Gabi ahaanba aan la filayn in musharax aan Geelle ahayn guusha loogu dhawaaqo.

Muqdisho 2da Maarso 2026 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaray wareegto uu ku magacaabay hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, maalmo kaddib markii uu xilka iska casilay Cabdicasiis Lafta Gareen oo ay Dowladda Federaalka ku eedeysay inuu sharci darro ah ku joogay xafiiska.
Sida lagu sheegay wareegtada, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u magacaabay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkiisa labaad ee dalka, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, inuu si ku-meelgaar ah u noqdo hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, laga bilaabo 1-da Abriil 2026.
Go’aankan ayaa lagu saleeyay qodobo ka mid ah Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa khuseeya mas’uuliyadda Ra’iisul Wasaaraha iyo awoodaha xafiiskiisa.
Wareegtada ayaa sidoo kale xusay in magacaabistan ay timid kaddib markii la tixgeliyay baahida loo qabo xaqiijinta sii socoshada maamulka, ilaalinta xasiloonida siyaasadeed, amniga iyo kala dambeynta dowladeed ee Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ayaa la faray inuu qabto howlaha muhiimka ah ee maamulka, oo ay ka mid yihiin sugidda amniga, ilaalinta adeegyada dowladeed, dardargelinta wada-tashiyada iyo hirgelinta hannaanka doorasho qof iyo cod ah.
Wareegtada ayaa caddeysay in xilkaasi uu yahay mid ku-meelgaar ah, islamarkaana uu socon doono ilaa laga soo dooranayo hoggaan rasmi ah oo sharciyeysan oo uu yeesho Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale, hay’adaha dowladda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa lagu faray inay la shaqeeyaan hoggaamiyaha cusub si loo xaqiijiyo fulinta waajibaadka ku xusan diktareetada.
Maraykanka 2da Maarso 2026 Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo culus oo dhaliil iyo weerar isugu jira u jeediyay Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku sheegay in Soomaalidu yihiin dadka ugu garaadka liita adduunka.
Trump ayaa hadalkiisa ku bilaabay eedeyn ku saabsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, isaga oo yidhi: “Soomaalidu way ina xadeen, waxay inoo yimaadeen iyagoo caydh ah; maanta waxay wataan baabuur qaali ah sida Mercedes.” Hadalkan ayuu ku muujiyay aragtida uu ka qabo isbeddelka nololeed ee Soomaalida dibadda ku nool.
Isagoo sii wata hadalladiisa, Trump ayaa sawir madow ka bixiyay xaaladda Soomaaliya wuxuuna ku tilmaamay dal aan lahayn dowlad shaqaynaysa, booliis iyo nidaam sugan, isla markaana uu sheegay in ay ka jirto colaad joogto ah oo ay dadka is dilayaan maalin iyo habeen.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Soomaalida guud ahaan ay yihiin dad “wada xun,” isla markaana uu ku tilmaamay Soomaaliya meel ka mid ah kuwa ugu khatarta badan adduunka, isaga oo intaas ku daray in ayna jirin adeegyo dowladeed oo dhameystiran.
Trump ayaa hadalkiisa ku daray eedeyn la xidhiidha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, isaga oo ku andacooday in ay ku lug leeyihiin musuqmaasuq lacageed oo aad u weyn, isla markaana boqolkiiba 94 ka mid ahi ay yihiin shaqo la’aan inkastoo ay jiraan fursado shaqo. Waxa uu sheegay in Xildhibaan Ilhaan Cumar ku lug leedahay musuqmaasuq ballaadhan lakiin cidna anay baadhin.
Dhanka kale, hadallada Trump ayaa si weyn loogu dhaliilay in ayna ku dhisnayn xaqiiqooyin la hubo ama tirokoob rasmi ah, balse ay u muuqdaan kuwo siyaasadaysan oo lagu buunbuuniyay xaalado jira. Khubaro iyo warbaahinta caalamka ayaa marar badan tilmaamay in hadallada noocan ahi ayna ka tarjumin xaqiiqada dhabta ah ee Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed.
Soomaalida ayaa dhinacooda lagu yaqaannaa ganacsi, hal-abuur iyo firfircooni dhaqaale oo ay ka muujiyaan meel kasta oo ay dunida ka joogaan, iyagoo si weyn uga qayb qaata maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalalka ay ku nool yihiin. Xildhibaanad Ilhan Omar ayaana marar badan si cad u beenisay eedaha loo jeediyay, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn oo siyaasadaysan.
Muqdisho 2da Maarso 2026 Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay nidaam cusub oo lagu xakameynayo qiiqa kaarboonka, si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada loona ilaaliyo deegaanka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa lagu sheegay in nidaamkan, oo loo bixiyay “Green-Gate”, uu yahay hannaan casri ah oo dijitaal ah, kaasoo lagu cabbirayo laguna maamulayo heerka qiiqa kaarboonka ee ka dhasha hawlaha kala duwan sida warshadaha, gaadiidka iyo mashaariicda horumarineed.
Nidaamkan ayaa sidoo kale dhiirrigelinaya in la yareeyo qiiqa waxyeellada leh, iyadoo la kordhinayo isticmaalka habab deegaanka u roon. Xukuumadda ayaa sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaan hawada iyo dhirta.
Wasaaradda ayaa tilmaantay in nidaamku uu keeni doono isla xisaabtan iyo hufnaan dheeraad ah, maadaama xogta la xidhiidha qiiqa si dijitaal ah loo diiwaangelin doono loona kormeeri doono.
Qiiqa kaarboonka ee dunida ayaa si weyn u kordhiyay kulaylka caalamiga ah, taasoo keentay in heerkulka dhulku sare u kaco, barafka cidhifyaduna dhalaalo, isla markaana ay bataan masiibooyinka dabiiciga ah sida fatahaadaha, dabeylaha xooggan iyo abaaraha. Saynisyahannadu waxay ka digayaan in haddii aan la xakamayn qiiqaas, dunidu wajahi doonto dhibaatooyin si ba’an u saameyn doona nolosha bini’aadamka iyo noolaha kale.
Somaliland-na waxay si toos ah u dareentay saameynta isbeddelka cimilada, iyadoo sanadihii u dambeeyay ay soo noqnoqdeen abaaro ba’an oo saameeyay xoolaha iyo nolosha bulshada reer miyiga ah. Sidoo kale, roobab aan degganayn iyo kulaylka oo kordhay ayaa waxyeello u geystay wax-soo-saarka beeraha, taasoo sii xoojisay baahida loo qabo tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo deegaanka laguna yareynayo qiiqa kaarboonka.
Xukuumadda Somaliland ayaa ugu dambayn sheegtay in nidaamkan cusub uu muhiim u yahay mustaqbalka deegaankeeda, isla markaana uu gacan ka geysan doono la jaanqaadidda dadaallada caalamiga ah ee lagu xakameynayo isbeddelka cimilada.
Muqdisho 2da Maarso 2026 Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiwaangelisay markabkii ugu horreeyay ee qaata calanka Soomaaliya tan iyo burburkii dalka, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo dib u soo nooleyneysa sumcadda iyo awoodda badda ee dalka.
Markabka la diiwaangeliyay oo lagu magacaabo “Guney” (IMO 8230417) ayaa hadda si rasmi ah loogu diiwaangeliyay calanka Soomaaliya, kadib markii la dhammeystiray dhammaan shuruucdii iyo nidaamyadii looga baahnaa dal kasta oo bixiya calan maraakiib.
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in tallaabadan ay astaan u tahay horumar weyn oo laga gaaray dib-u-dhiska hay’adaha badda iyo kalsoonida caalamiga ah ee Soomaaliya.
“Maanta waa maalin muhiim ah oo muujinaysa in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay kaalinteedii caalamiga ahayd ee dhinaca maraakiibta,” ayuu yiri wasiirku.
Diiwaangelinta markabkan ayaa timid kadib heshiis is-afgarad (MoU) oo Wasaaraddu la saxiixatay shirkadda Somali Ship Register Limited, taas oo lagu aas-aasayo diiwaan rasmi ah oo maraakiibta adeegsata biyaha Soomaaliyeed.
Heshiiskan ayaa la filayaa inuu sahlo in milkiilayaasha maraakiibta ay si fudud ugu diiwaan geliyaan maraakiibtooda calanka Soomaaliya.
Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ugu baaqday ganacsatada iyo milkiilayaasha maraakiibta Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursaddan cusub, ayna ku diiwaan geliyaan maraakiibtooda calanka qaranka, si ay uga qeyb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka.
Wasaaradda ayaa ku tilmaamtay Tallaabadan mid qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee Xukuumadda ay ku xoojineyso maamulka iyo horumarinta kheyraadka badda, iyadoo la hiigsanayo in Soomaaliya ay noqoto dal la tartama kuwa kale ee hormuudka ka ah adeegyada maraakiibta caalamka.
Waa Markii ugu horreysay burburkii kadib uu magaalada Muqdisho ka dhaqaaqay Markab ku diiwaan-gashan magaca Soomaaliya islamarkaana uu ka dul-babanayo Calanka Soomaaliya.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 31ka Maarso 2026Su’aalaha Maanta: Yuu  Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u mgacaabi rabaa Dowlad ...
03/31/2026

WARARKA MAANTA 31ka Maarso 2026
Su’aalaha Maanta: Yuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u mgacaabi rabaa Dowlad ? Yaa kashifay fashilka Iyo musuqmaasuqa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Goorma ayeey dhacaysaa Doorashada ? Yaa wakhtiga ka dhammaanayaa? Yaa diiday inay shacabka helaan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddeshay dastuurka? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho 31ka Maarso 2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa si rasmi ah u daah-furay xarun cusub oo loogu talagalay in lagu xoojiyo howlaha amniga iyo hoggaanka mustaqbalka ee dalka.
Safiirka UK ee Soomaaliya, Amb. King, ayaa sheegay in xaruntan cusub aysan ahayn mid si gaar ah ugu adeegi doonta taageerada UK, balse ay noqon doonto meel muhiim u ah howlaha xarumaha hoggaanka ee mustaqbalka.
Wuxuu tilmaamay in xaruntu diyaar u tahay inay martigeliso shaqaalaha Midowga Afrika, isla markaana ay noqoto goob ay Afrikaanka laftoodu ka hoggaaminayaan tababarrada iyo horumarinta amniga.
Safiirka ayaa sidoo kale ammaan u jeediyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), dalalka ciidanka iyo booliska soo dira (TCCs), iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda joogtada ah ee lagu horumarinayo amniga dalka iyo dhismaha awoodda dowladda.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare, oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha Booliska AUSSOM AIGP Hillary Sao Kanu, Taliyaha Qaybta Koowaad Brig. Gen. Jackson Kayanja, iyo saraakiil ka kala socotay ciidamada, booliska, iyo shaqaalaha rayidka ee AUSSOM iyo UK.
Xaruntan cusub ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato xoojinta amniga Soomaaliya iyo taageeridda qorshaha amni ee ay hoggaaminayaan Soomaalida.
DDS 31ka Maarso 2026 Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa si adag uga hadlay arrimaha la xidhiidha aqoonsiga qowmiyadeed iyo xuquuqda siyaasadeed ee shacabka Soomaalida, isagoo caddeeyay in aanay suuragal ahayn in Soomaalinimada lagu xidho shuruudo siyaasadeed.
Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in Soomaalinimadu ayna ahayn oo kaliya dhiig, balse ay sidoo kale tahay dhaqan, dareen, iyo aqoonsi buuxa oo aan laga tanaasuli karin. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in raadinta xuquuqda siyaasadeed ee gudaha Itoobiya ayna ku xidhnaan karin in marka h**e laga tago ama la qariyo Soomaalinimada.
Wuxuu intaa ku daray in ayna jirin Itoobiya ka hor istaagi karta qowmiyad ay sheegato magaceeda, isagoo tilmaamay in nidaamka federaalka dalku uu si cad u aqoonsan yahay kala duwanaanshaha qowmiyadaha.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay kooxihii h**e ee talada hayay, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay shacabka ku qasbi jireen inay ka fogaadaan astaamahooda iyo aqoonsigooda. Wuxuu xusay in isla kooxahaas ay hadda la yaaban yihiin sida ay shacabka Deegaanka Soomaalidu ugu adkaysteen ilaalinta aqoonsigooda.
Wuxuu tilmaamay in h**e loogu cadaadin jiray shacabka inay wax ka beddelaan astaamahooda sida calanka iyo magacyada, balse maanta ay dadku ka madax-bannaan yihiin cadaadis noocaas ah. Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in shacabka Deegaanka Soomaalida uu ka gudbay marxaladihii cabsida iyo cadaadiska, isla markaana maanta ay si buuxda ugu kalsoon yihiin aqoonsigooda, taariikhdooda, iyo diintooda.
Wuxuu xusay in xukuumadda hadda jirta iyo xisbiga talada haya ee Barwaaqo ay ka go’an tahay hirgelinta nidaam federaal dhab ah oo xaqiijiya xuquuqda qowmiyadaha kala duwan. Madaxweynaha ayaa digniin u diray cid kasta oo weli aaminsan in shacabka lagu cabsi gelin karo ama lagu qasbi karo inay ka tanaasulaan Soomaalinimada iyo Islaanimada, isagoo sheegay in fikirkaas uu yahay mid duugoobay oo aan meel ku lahayn xaaladda maanta jirta.
Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in shacabka Deegaanka Soomaalida ay go’aan ku gaadheen inay ilaashadaan aqoonsigooda, isla markaana ayna mar dambe oggolaan doonin in lagu handado ama lagu cabsi geliyo arrimahaas.
Maraykanka 31ka Maarso 2026 Qaar kamid ah warbaahinta ugu caansan Maraykanka iyo caalamka ayaa si khaldan u baahisay warar sheegaya in xukuumada Somaliland ay ku baaqday in la masaafuriyo xildhibaanadda Mareykanka ee Ilhaan Cumar, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The Guardian.
Wararkaas ayaa ka dhashay qoraal lagu baahiyay barta X (Twitter) oo uu soo dhigay akoon la yiraahdo , kaas oo aan ahayn mid rasmi ah balse si khaldan isugu matalay xukuumada Somaliland. Qoraalkaasi waxa uu ka falcelinayay eedeymo uu jeediyay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance, kaas oo sheegay in Ilhaan Cumar ay ku kacday khiyaano la xidhiidha socdaalka (immigration fraud), taasi oo ay Xildhibaanadu beenisay.
Dhawaan ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa si cad u sheegtay in akoonkaasi aanu ahayn mid rasmi ah, isla markaana aan loo aqoonsan karin inuu ku hadlo magaca xukuumada. Waxay wasaaraddu ku adkaysay warbaahinta in wararka iyo bayaanada saxda ah ee laga akoonada rasmiga ah oo keliya la xigto.
Warbaahinta ay ka mid yihiin Fox News, New York Post iyo The Independent ayaa markii h**e baahiyay wararkan, hase yeeshee qaar ka mid ah ayaa markii dambe saxay, iyaga oo qirtay in akoonka la xusay aanu ahayn mid xukuumadeed oo la xaqiijiyay.
Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa si degdeg ah uga jawaabay eedeymahaas, iyaga oo ku tilmaamay “been abuur iyo isku day lagu marin habaabinayo dadweynaha.” Madaxa shaqaalaha xildhibaanadda ayaa sidoo kale xusay in hadalladaasi ay qayb ka yihiin cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya oo lagu hayo siyaasiyiin asal ahaan ka soo jeeda Soomaalida, sida The Guardian qortay.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli hadallo kulul oo ka dhan ah Soomaalida iyo Soomaaliya ay ka soo baxayaan siyaasiyiin Mareykan ah oo uu ka mid yahay madaxweyne Donald Trump, iyadoo ururada xuquuqda aadanaha u dooda ay ka digayaan in hadallada noocaas ahi ay kicin karaan naceyb iyo khataro amni oo wajahaya bulshada Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Minnesota.
Muqdisho 31ka Maarso 2026 Soomaaliya ayaa si rasmi ah u gashay marxalad cusub oo dhanka tamarta ah kaddib markii markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey uu toddobaadkan soo gaaray biyaha dalka, gaar ahaan goobta ceelka lagu magacaabo Curad-1.
War kasoo baxay Transparency Somalia Initiative (TSI) ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay muujinayso isbeddel muhiim ah, iyadoo dalka uu u gudbayo heer uu si firfircoon uga qeyb qaadan karo soo saarista shidaalka. Arrintan ayaa la filayaa inay door weyn ka ciyaarto kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, hay’addu waxay ka digtay in kheyraadka dabiiciga ah uu noqon karo mid halis leh haddii aan si hufan loo maamulin, iyadoo xustay in mararka qaar faa’iidada kheyraadka noocan ah ay ku koobnaan karto dad gaar ah halkii ay gaari lahayd guud ahaan shacabka.
Hay’adda hufnaanta Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan si toos ah u maamulin ama u kormeerin howlaha qodista shidaalka, balse ay tahay kormeere madax-bannaan oo u taagan kor u qaadista hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Hay’addu waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo hufnaanta, oo ay ka mid yihiin in si buuxda loo shaaciyo heshiisyada shidaalka, in la caddeeyo cidda leh shirkadaha ka qeyb qaadanaya howlaha qodista, iyo in la hirgeliyo nidaam furan oo lagu maareeyo dakhliga kasoo baxa kheyraadka.
Ugu dambeyn, TSI ayaa carrabka ku adkaysay in maareynta saxda ah ee dakhliga shidaalka ay muhiim u tahay ilaalinta danaha jiilasha hadda iyo kuwa mustaqbalka ee Soomaaliya.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali National Journal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share