Wargeyska Jamhuuriyadda

Wargeyska Jamhuuriyadda Ku Soo Dhawaada Wargeyska Jamhuuriya

WARARKA MAANTA 20ka Luulyo, 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa iska leh hubka ay qabatay    ? Maxuuse Madaxweyne Mudan...
07/20/2025

WARARKA MAANTA 20ka Luulyo, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa iska leh hubka ay qabatay ? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ka qarinayaa shacabka Soomaaliyeed ee uu muqalas hubka u xuub-siibtay? Yaase yihiin ganacsatada hubkan soo gaday? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa b**bay shacabka Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho Luulyo 20ka, 2025

Muqdisho Luulyo 20ka, 2025 Waxaa maanta oo Axad ah markale lagu wadaa in madaxtooyada Soomaaliya kulan ku wada yeeshaan madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Mucaaradka ee ku midoobay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Kulankaan ayaa ah ujeedkiisa in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhageysto tabashada xubnaha Mucaaradka ah, waxaana kulankaani maanta dhacaya horay ugu balameen labada dhinac wareegii labaad ee wada hadalladooda ee soo dhacay 3-dii bishaan Luulyo.
Xubnaha Madasha Mucaaradka ah ayaa waxaa hoggaaminaayo Madaxweynihii h**e ee dalka Shariif Shiikh Axmed, waxaana wehlinaya Raysal wasaarayaashii h**e, guddoomiyaashii, madax kale iyo siyaasiyiin caan ah.
Shirka maanta dhexmari doona madaxda Mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu lafa guri doona doodaha la xiriira dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka dalka.
Lama oga natiijada rasmiga ah ee kasoo bixi karta shirkaan oo ah mid si weyn indhaha ugu wada hayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.
Ugu dambeyntii shirkaan oo ah kii sadaxaad ayaa ku soo aadaya, iyadoo maamulada Puntland iyo Jubbaland ay diidan yihiin nidaamka wax ka badalka Dastuurka dalka iyo jiheynta doorashooyinka.
Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.
Muqdisho Luulyo 20ka, 2025 Dowladda Soomaaliya, oo ah xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay saxiixa heshiiska ay kala saxiixdeen Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo ururka hubeysan ee M23.
Heshiiskan ayaa lagu saxiixay magaalada Doha ee dalka Qatar, wuxuuna tallaabo muhiim ah u yahay dadaallada dib loogu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka bariga DRC oo ay muddo dheer ka taagnaayeen colaado hubeysan iyo dhibaatooyin bani’aadamnimo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si gaar ah u bogaadisay doorka muhiimka ah ee ay Dowladda Qatar ka qaadatay fududeynta wadahadalladan, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay in lagu guuleysto dadaallada nabadeed ee ka socda gobolka.
“Soomaaliya waxay si buuxda u garab taagan tahay shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo dadaallada ay ugu jiraan inay helaan nabad, xasillooni iyo horumar waara,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.
Soomaaliya waxay sidoo kale ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ka shaqeeyaan hirgelinta heshiiska si dhameystiran, ayna sii wadaan wadahadalka iyo is-fahamka, si loo sugo nabad waarta oo dhexmarta dhammaan dhinacyada isku haya gudaha DRC iyo guud ahaan gobolka Harooyinka Waaweyn.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada goboleed iyo kuwa caalami ah ee lagu horumarinayo xasilloonida, nabadda iyo horumarka waara ee Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay warka wasaaradda.
Somaliland Luulyo 20ka, 2025 Somaliland ayaa sheegtay in go’aankii ay Qaramada Midoobay xayiraadda hubka kaga qaaday Soomaaliya uu ahaa mid khaldan, kadib markii shalay xeebaha Puntland lagu qabtay markab sida hub aad u badan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ku sheegay in go’aanka lagaga qaaday xayiraadda hubka Soomaaliya uu sababay kaliya qalalaase.
"Go’aanka Qaramada Midoobay kaga qaaday xayiraadda hubka waddanka fashilmay ee Soomaaliya wuxuu horseeday cawaaqib baaxad leh oo sababay xasillooni darro. Halkii uu gacan ka geysan lahaa nabadda iyo xasilloonida, wuxuu xoojiyay kooxaha xagjirka ah wuxuuna sii huriyay amni darrada ka jirta gobolka," ayuu yidhi wasiirku.
Wuxuu sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in si degdeg ah dib loogu eego go'aanka qaadista cunaqabataynta hubka. “Beesha caalamku waa inay si degdeg ah dib u eegis ugu sameeyaan tallaabadan, iyagoo tixgelinaya khataraha sii kordhaya ee ku wajahan Geeska Afrika,” ayuu yidhi.
Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib markii maamulka Puntland Jimcihii gacanta ku dhigay markab loo malaynayo in laga leeyahay Turkiga oo siday shixnad aad u badan oo hub ah iyo dabaabado dagaal. Markabkaas ayaa la geeyay dekedda Boosaaso, mana cadda waxa Puntland ka yeeli doonto.
Xogaha qaar ayaa sheegaya in markabkani u socday magaalada Muqdisho, isla markaana hubka saarnaa uu ahaa deeq loo waday dowladda federaalka. Laakiin Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay warbaahintu wax ka waydiisay arrintan, ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.
Puntland dhankeeda waxay sheegtay in laga yaabo in hubka loo waday kooxaha argagixisada ah ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya, waxayna xuseen in uu yahay hub badan oo khatar galin kara ammaanka. Sidaas darteedna, waxay sheegeen inay dowladda federaalka kula xisaabtami doonaan.
Dhowr baabuur oo siday hub fudud ayaa bilihii lasoo dhaafay lagu qabtay meelo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo aan la ogayn cidda ay u rarnaayeen. Baabuurtaasi waxaa dhacday maleeshiyaad beeleed.
Waxaa jira falanqeeyayaasha qaar oo dowladda dhexe ku eedeeya inay ku guuldarreysatay xakameynta fiditaanka hubka. Waxay sheegeen in Soomaaliya aanay weli diyaar u ahayn in laga qaado cunaqabataynta hubka.
Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qabta aragti ka duwan taas, iyada oo sheegtay in oggolaanshaha hubku uu wax ka tarayo la dagaalanka argagixisada.

WARARKA MAANTA 19ka Luulyo, 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa yiri waa in la farogeliyo   sida Maamulada kale? Yaase ...
07/19/2025

WARARKA MAANTA 19ka Luulyo, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa yiri waa in la farogeliyo sida Maamulada kale? Yaase hubkii la qabtay keenSaday? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa b**bay shacabka Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho Luulyo 19ka, 2025 Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ciidanka heeganka Afrikada Bari oo ka furmay Mogadishu.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo furey shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku rajo weyn tahay in la hirgeliyo himilooyinkii loo aas aasay ururka, isagoo u mahadceliyay dalalka Soomaaliya ka taageera adkeynta amniga gaar ahaan la dagaalanka argagaxisada.
Muqdisho Luulyo 19ka, 2025 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane, Abdalla Cuteybi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay Danjiraha, guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya ee dhinacyada horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxa uuna uga mahadceliyay doorka Ururka Jaamacadda Carabta wada-shaqaynta wanaagsan ee kala dhexaysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Danjire Cabdalla Cuteybi, ayaa sheegay in ay dalkeenna imaan doonaan wafdi sare oo ka socda Jaamacadda Carabta kuwaas oo dalka ka hirgalin doona mashaariic, isaga oo xusay doorka wanaagsan ee Soomaaliya ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.
— Dhammaad —
Suuriya Iyo Israa’iil Luulyo 19ka, 2025 Suuriya iyo Israa’iil ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin uu dhexdhexaadiyay Mareykanku, sida uu sheegay Danjiraha Mareykanka u fadhiya Turkiga, Tom Barrack. Heshiiskan ayaa yimid kadib weeraro cirka ah oo ciidamada Israa'iil ay ka gaysteen guddaha Suuriya, iyaga oo sheegay in ay u hiilinayaan qabiil lagu magacaabo Duruus oo ay dowlada Suuriya is hayaan.
Danjire Barrack ayaa qoraal uu saaka h**e ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in xabbad-joojinta uu Mareykanku taageersanyahay, islamarkaana ay “soo dhaweeyeen” waddamada Turkiga, Urdun iyo deriska kale ee Suuriya. Wuxuu ugu baaqay beelaha kala duwan ee ku nool Suuriya sida Duruus, Baduuga, Sunniga, iyo qowmiyadaha kale – in ay hubka dhigaan, oo ay si nabad ah uga shaqeeyaan dhismaha qaran mideeya shacabka Suuriya.
Weli wax war ah k**a soo bixin dowladda Suuriya ama Israa’iil si rasmi ah, balse ilo xog-ogaal ah oo Israeli ah ayaa sheegay in Israa’iil ay aqbashay in ciidamada nabadgelyada gudaha ee Suuriya si ku-meelgaadh ah loogu oggolaado in ay galaan gobolka Suwayda muddo 48 saacadood ah, si loo dejiyo xaaladda.
Arbacadii lasoo dhaafay, Israa’iil waxay duqeymo xooggan ku beegsatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Suuriya ee magaalada Dimishiq, iyo sidoo kale saldhigyo ciidan oo ku yaalla Suwayda. Israa’iil waxay sheegtay in weeraradaasi ay u fuliyeen si ay u difaacaan bulshada laga tirada badan yahay ee Duruus, kuwaas oo ay sheegtay in lagu beegsaday dagaal beeleedyo u dhaxeeya kooxo hubaysan oo Duruus ah, beelaha Baduug, iyo sidoo kale ciidamada dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bulshada Duruus ku tilmaamay "walaalo", isagoo xusay in Israa’iil ay daryeelayso danahooda. Qiyaastii hal milyan oo ka mid ah beesha Duruus ayaa ku nool Suuriya, badankoodna waxay ku sugan yihiin Suwayda, halka ku dhowaad 150,000 oo kale ay ku nool yihiin Israa’iil.
Inkastoo heshiis xabbad-joojin ah ay Arbacadii gaadheen beesha Duruus iyo dowladda Suuriya, haddana Israa’iil ayaa isla maalintaas weerar kale qaaday oo sababay dhimashada ugu yaraan saddex qof iyo dhaawaca 34 kale. Madaxweynaha ku-meelgaadhka ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa Khamiistii h**e hadal telefishinka laga sii daayay ku sheegay in ilaalinta xuquuqda iyo nolosha shacabka Duruus ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa.
Wuxuu intaas ku daray in Suuriya ayna doonayn in ay dagaal la gasho Israa’iil, balse aysan cabsi ka qabin haddii la isku dayo in dalka la kala furo furo. Jimcihii shalay, dagaal kale oo culus ayaa mar kale ka qarxay Suwayda, gaar ahaan beelaha Duruus iyo Baduuga, taas oo keentay in dowladda Dimishiq ay ciidamo gaar ah u dirto gobolka si loo xakameeyo xaaladda.
Heshiiskan cusub ee la gaadhay ayaa la rajaynaya in uu noqdo mid loo dhan yahay, loogana faa’iideeyo xasiloonida gobolka iyo in la yareeyo daadinta dhiigga shacabka. Inkastoo ay jirto cabsi sii kordheysa, haddana beesha caalamku waxay ku boorinaysa dhammaan dhinacyada in ay ka shaqeeyaan nabad waarta.
Puntland Luulyo 19ka, 2025 Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa si kulul u cambaareeyay shirka ka socda magaalada Laascaanood ee lagu dhameystirayo SSC Khaatumo, isaga oo ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan waxba ka quseyn Puntland.
Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in la joogo waqtigii albaabada la isugu dhufan lahaa shirkaas.
newsinWasiir Caydiid ayaa ku adkaystay in deegaannada SSC ay ka mid yihiin Puntland, sidaas darteedna aysan Puntland aqbali doonin go’aan kasta oo kasoo baxa shirkaas.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si dadban ugu soo duushay gobolka Sool, iyada oo wata qorshe siyaasadeed oo lagu burburinayo midnimada iyo jiritaanka Puntland.
Wuxuu tilmaamay in dowladda federaalku ay boorso ku wadato maamulka cusub ee laga dhisayo deegaannada Sool iyo Sanaag, taasoo uu sheegay in laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah.
“Shirka hadda socda ma ahan kii ay isimadu go’aamiyeen bishii Febraayo 2023. Shirkaas Laascaanood ka socda wuxuu ka yimid abaabul laga soo maleegay magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.
Wuxuu intaas ku daray in shirkaasi yahay mid loogu talagalay in la kala fogeeyo Dhulbahante iyo Harti, isagoo ku tilmaamay magaalada Laascaanood "god waraabe" oo ay saldhig ka dhig ka dhigteen cid kaste oo duullaan ku ah jiritaanka Puntland.
Muqdisho Luulyo 19ka, 2025 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameydsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Harboole.
Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa Warsaxafadeedka ku sheegtay in howlgalka in khasaare dhimasho iyo dhaawaca leh lagu gaarsiiyay saraakiil sar sare iyo xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaatee Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga laguma shaacin magacyada saraakiisha sar sare ee lagu dilay howlgalka iyo tirada guud ee rasmiga ah ee kooxda looga dilay, hayeeshe waxaa qoraalka Wasaaradda lagu xusay in dib laga soo faahfaahin doono khasaaraha dhabta ah.
Ugu dambeyntii maalmihii la soo dhaafay ciidanka xoogga dalka ayaa si weyn u kordhiyay howlgalada ka dhan ah Al-shbaab ee ka socday gobolada dalka, gaar ahaan gobolada ku yaala deegaanada maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhameystiran:
Muqdisho Luulyo 19ka, 2025 Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Xoosh oo howlo Qaran u jooga magaalada Laascaanood ayaa kormeer ku sameeyay Xarunta Guddiga Farsamo ee Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo halkaas oo ay ka socoto Diiwaangalinta Ergada.
Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay howlaha wax ku oolka ah oo ay hayaan Guddiga Farsamo, isagoo faray dardargalinta Diiwaangalinta Ergooyinka si guulo looga gaaro Geeddiga Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.
Intaasi ka dib, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa waqti la qaatay qaar ka mid ah Ergada iyo shacabka magaalada Laascaanood, iyagoo Wasiirka la wadaagay rabitaankooda ku aaddan Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.
Puntland Luulyo 19ka, 2025 Maamulka Puntland ayaa sii dayay Markab nooca xamuulka ah oo siday hub culus oo nooc kasta leh iyo gaadiid dagaal, kaasi oo ciidanka difaaca ee Puntland, gaar ahaan cutubka badda ee PMPF ku qabteen xeebta Bareeda ee Raascaseyr.
Sida ay inoo xaqiijiyeen sadaakiil ka tirsan ciidamada Puntland, baaritaan kadib waxaa markabka loo fasaxay inuu sii wato socdaalkiisa, iyadoo la filayo in uu magaalada Muqdisho gaaro 21-ka bishan July.
Markabkan oo kasoo shiraacday dalka Turkiga ayaa waxa uu sida shixnad hub ah, taas oo xukuumadda Ankara ugu tala-gashay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Noocyada kala duwan ee hubka culus, gaadiidka gaashaman ee dagaalka, Beebayaal casri ah oo aan h**ey Geeska Afrika loo keenin iyo shixnad nooc kasta leh oo saanad militeri ah ayaa saaran Markabka.

WARARKA MAANTA 18ka Luulyo, 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa Ciidanka Badda   u saxiixay inay waardiyo ka noqdaan ba...
07/18/2025

WARARKA MAANTA 18ka Luulyo, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa Ciidanka Badda u saxiixay inay waardiyo ka noqdaan badda oo ay rabaan inay xoog ku qaataan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa kala diray Madaxweyne Mudane Saciid Deni “Biliq”? Meeqo maamul Gobaleed ayeey noqatay State, State, State, State Iyo Raas Caseyr State? Maxuu yahay sababta u aaday Jarmalka? Maxuuse yahay xanuunka haya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxayse tahay sababta safarka Madaxweynaha ee caafimaad loo qarinaayo? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa b**bay shacabka Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho Luulyo ``8ka, 2025 Dowladda Itoobiya ayaa maanta Muqdisho uga dhawaaqday in cutubyada ugu horreeya ee ciidanka howl-galka AUSSOM ee dhankooda ka imaanaya ay ka dhigayaan kuwa badda, isla markaana ay diyaariyeen maraakiib, doonyo iyo guud ahaan agabkii ay ciidankaasi ku hawl-geli lahaayeen.
Saraakiisha Itoobiya ayaa dood yaab leh ku soo bandhigay shirweynaha talisyada ku bahoobay Ururka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika ee ESF oo ka socda Muqdisho, iyagoo lasoo baxay heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa, markii la qeybsanayey ciidanka AUSSOM, xilligaas oo Soomaaliya ay ogolaatay in ciidamada loo soo dirayo ay ka mid noqonayaan kuwa badda.
Saraakiisha Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa si adag u diiday qorshaha Itoobiya ay Soomaaliya ku keeneyso ciidankeeda badda.
Ajendaha shirkan ayaa markii h**e ahaa xal u helidda caqabadaha ku xeeran nabadgelyada gobolka, ka hortagga dambiyada ka gudba xuduudaha dalalka ku midoobay ururkan iyo iskaashiga dhanka ciidamada, balse Itoobiya ayaa damaceeda ku soo gudbisay shirka.
Dood adag oo lagu sigtay in lagu kala tago shirka ayey abuureen saraakiisha Itoobiya ay u soo dirtay Muqdisho, halka saraakiisha Soomaaliya ay si cad u diideen in warbixintii ay ka jeedinayeen shirkaas ay sii socoto, wuxuuna shirku maanta ku soo dhammaaday buuq iyo sawaxan.
Muqdisho Luulyo ``8ka, 2025 Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay iney si buuxdo u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Suuriya, waxayna ku baaqday in la ilaaliyo madax banaanida iyo midnimada dalkaas.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay caqabadaha jira iyo dagaalada in lagu xaliyo wada hadal, si looga fogaado dhibaatooyinka la dhasha dagaalka.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay iney xal kasta u aragto in lagu wajahi karo inuu ku saleysnaado is ixtiraam iyo wadahadal, iyadoo la dhowrayo ilaalinta maslaxadda shacabka dalkaasi Suuriya.
“Soomaaliya waxaa ay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee Suuriya, iyadoo taageereysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo go’aamada siyaasadeed ee qarankaa” ayaa lagu yiri qoraalka kaso baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Warsaxafadeedkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, xili Israa’iil ay weerar duqeymo ku qaaday xaruumaha Wasaaradda Difaaca Suuriya iyo meel u dhow madaxtooyada dalkaas, waxaana duqeymahaasi ay geysteen khasaarooyin kala duwan oo naf iyo maalba keh.
Muqdisho Luulyo ``8ka, 2025 Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca dalka Rwanda, Jenaraal Mubarakh Muganga, ayaa u soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qaybgalayo Shirka 34-aad ee Golaha Siyaasadda ee Ciidamada Kaydka Bariga Afrika (EASF), kaasoo si rasmi ah uga furmay caasimadda Soomaaliya 17-ka Bishaan Luulyo, waxaana lagu wadaa inuu socdo ilaa 19-ka.
Jenaraal Muganga waxaa socdaalkiisa ku wehelinaya Komishineerka Booliska Gerard Rumanzi, oo matalayay Taliyaha Guud ee Booliska Rwanda, Felix Namuhoranye.
Shirkan heerkiisu sareeyo ayaa waxaa ka qaybgalaya taliyeyaasha ciidamada difaaca iyo saraakiil sare oo ka socda laamaha amniga ee dalalka xubnaha ka ah EASF, waxaana lagu falanqeeyay arrimo muhiim ah oo la xiriira, Istaraatiijiyado lagu xoojinayo nabadda iyo xasiloonida gobolka, Qorsheyaasha howlgallada degdegga ah ee Ciidanka Kaydka Bariga Afrika iyo Wada-shaqaynta dhanka amniga ee dalalka xubnaha ka ah ururka
Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Ciidamada Difaaca Rwanda (RDF) ayaa lagu sheegay in shirku uu yahay fursad muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada amniga iyo siyaasadda ee Bariga Afrika, si looga hortago khataraha sii kordhaya ee gobolka ka jira.
Taliyaha Ciidamada Difaaca Rwanda ayaa sheegay in Rwanda ay weligeed u taagan tahay ilaalinta nabadda gobolka, wuxuuna tilmaamay in iskaashiga milateri iyo midka siyaasadeed ee Bariga Afrika uu yahay furaha xallinta khilaafaadka iyo horumarinta xasilloonida.
Wuxuu intaas ku daray in Rwanda ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda hawlgalada EASF iyo in la dhiso ciidan wadajir ah oo si degdeg ah uga jawaabi kara xaaladaha degdegga ah ee dhaca gobolka.
Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go'aammo muhiim ah oo wax ka taraya iskaashiga dalalka Bariga Afrika ee dhanka amniga iyo siyaasadda, waxaana warbixin rasmi ah laga sugayaa dhammaadka shirka.
Muqdisho Luulyo ``8ka, 2025 Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa shaaca ka qaaday inay hayaan xog sugan oo muujinaysa in kooxda Al-Shabaab ay damacsan yihiin inay weerar ku qaadaan Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu si buuxda ugu diyaar garoobeen weerar kasta oo lagu soo qaado xarunta, isagoo carrabka ku adkeeyay in haddii Al-Shabaab isku dayaan weerar, aysan jiri doonin wax ka fakada gacanta ciidanka ay leeyn doonaan.
“Waxaan helnaa xog joogto ah oo muujinaysa meelaha ay doonayaan inay kasoo galaan si ay ula baxaan kuwa iyaga ka xiran ee xabsiga lagu haayo, Waxaan si buuxda uga feejignahay dhagartooda, mana oggolaan doono in weerarkooda uu hirgalo,” ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa sidoo kale digniin u diray dadka ku meereysanaya agagaarka Xabsiga Dhexe, isagoo sheegay in ciidanka Asluubta ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ka baxsan midka caadiga ah, lagana doonayo inay feejignaadaan cid kasta oo goobahaasi soo maraysa.
Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan waxa uu sidoo kale digniin u jeediyay ciidanka, isagoo uga digay in isticmaalka badan ee taleefannada gacanta (mobilada) uu sababi karo dabacsanaan amni, taasoo u sahli karta cadowga inay dhibaato geystaan.
“Ciidanku waa inay muujiyaan midnimo, isla markaana ay iska saxaan akhlaaqda, Waa muhiim in aysan raadin garaado, balse ay diiradda saaraan badbaadada naftooda iyo sugidda amniga,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn, Taliyaha waxa uu ciidamada ku dhiirrigeliyay inay si toos ah ugu soo gudbiyaan wixii dhibaato ama qalad ah ee ay arkaan, si loo saxo, loona adkeeyo difaaca xarumaha muhiimka ah.

WARARKA MAANTA 17ka Luulyo, 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta:Yaa   kala diray Madaxweyne Mudane Saciid Deni “Biliq”? Yaa ...
07/17/2025

WARARKA MAANTA 17ka Luulyo, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta:Yaa kala diray Madaxweyne Mudane Saciid Deni “Biliq”? Yaa Meeqo maamul Gobaleed ayeey noqatay State, State, State Iyo Raas Caseyr State? Maxuu yahay sababta u aaday Jarmalka? Maxuuse yahay xanuunka haya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxayse tahay sababta safarka Madaxweynaha ee caafimaad loo qarinaayo? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa b**bay shacabka Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho Luulyo 17ka, 2025 Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa Arbacadii duqeymo xooggan ka geystay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, iyadoo lala beegsaday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo meel ku dhow madaxtooyada. Weerarkan ayaa imanaya iyadoo ay sii xoogaysanayaan dagaallada ka socda koonfurta Suuriya, gaar ahaan gobolka Suwayda oo ay ku badan yihiin dadka kasoo jeeda beesha Druze.
Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Suuriya, weerarkan waxaa ku dhintay ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka. Warbaahinta caalamka ayaa soo werisay in diyaarado dagaal ay si hoose u dulmareen caasimadda, kaddibna ay fuliyeen duqeymo xooggan oo sababay qaraxyo waaweyn iyo qiiq cirka isku shareeray.
Xukuumadda ku-meelgaadhka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed al-Sharaa ayaa si adag u cambaareysay weeraradaas, iyagoo ku tilmaamay duullaan ka dhan ah madax-bannaanida Suuriya. Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in weerarada ay yihiin kuwo lagaga jawaabayo waxay ay ku tilmaantay "gardaro iyo tacaddiyo lagula kacayo beesha Druze" ee ku nool koonfurta dalka Suuriya.
Bayaan kasoo baxay militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in la beegsaday albaabka xarunta taliska militariga ee Dimishiq iyo badhtilmaameed ku dhow madaxtooyada. Sidoo kale, sarkaal sare oo Israa’iili ah ayaa sheegay in ciidamada Suuriya ayna waxba ka qaban weerarada lagu hayo dadka Druze, sidaas darteedna ay noqdeen qayb ka mid ah dhibka.
Dagaalka Suwayda ayaa noqday mid salka ku haya isqabqabsi qowmiyadeed iyo mid siyaasadeed, iyadoo beelaha Druze iyo Bedouin ay ku hardamayaan gacan-ku-haynta gobolkaas. Dowladda Suuriya ayaa la safatay beelaha qaar, taasoo sii hurisay colaadda.
Dadka deegaanka Suwayda ayaa ku eedeeyay dowladda in ay ku guuldarreysatay ilaalinta dadka shacabka ah, halka Israa’iil ay duqeymaheeda ku sii kala fogeysay dhinacyada is haya. Qaar ka mid ah dadka reer Suuriya ayaa aaminsan in Israa’iil ay u adeegsanayso xaaladda cakiran si ay u daciifiso dowladda cusub ee ku timid kacdoonkii December 2024.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa bartiisa bulshada ku sheegay in dalkiisu la hadlay dhammaan dhinacyada isku haya Suuriya, islamarkaana la gaadhay heshiis ku meel gaadh ah oo lagu soo afjarayo rabshadaha saqdii dhexe ee xalay.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in golaha ammaanka uu shir degdeg ah yeelan doono Khamiista si ay uga arrinsadaan xaaladda sii xumaanaysa ee Suuriya. Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa golaha ugu baaqay in la cambaareeyo waxa uu ugu yeedhay "xasuuq ka socda dhulka Suuriya".
Israa’iil waxay si cad u sheegtay in aysan ogolaan doonin in dowladda cusub ee Suuriya – oo ay ku tilmaantay "jihad doon isku dhex dhuumanaya" – ay si buuxda ula wareegto koonfurta dalka, taasoo la rumeysan yahay inay ka leedahay muhiimad istaraatiiji ah.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in tobannaan qof lagu dilay dagaallada maalmahan ka socday magaalada Suwayda iyo deegaannada ku hareeraysan. Colaadda ayaa ah mid u dhexeysa ciidamada dowladda, maleeshiyaad deegaanka ah iyo kooxaha hubeysan ee beelaha Bedouin. Dadka rayidka ah ayaa noqday kuwa ugu badan ee waxyeelladu ka soo gaadhay.
Xaaladda Suuriya ayaa markale u muuqata mid u sii jeedda qalalaase ba’an iyada oo ay jirto baahi bini’aadanimo. Dadka deegaanka waxay ka cabanayaan cunto yari, koronto la’aan iyo daryeel caafimaad oo liita, iyadoo duqeymaha cirka ee Israa’iil iyo dagaallada gudaha ay sii xumeynayaan duruufaha nololeed ee shacabka.
Muqdisho Luulyo 17ka, 2025 Ganacsatada ku sugan qeybta Bagaashka ee Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa si adag uga cabanaya dhul b**b iyo barakicin ay sheegeen in si xoog ah loogu hayo, iyagoo tilmaamay in muddo ku dhow 50 sano ay goobahooda ganacsi ku shaqeysanayeen.
Mid ka mid ah ganacsatada la hadlay warbaahinta ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay rag qowleysato ah u dirtay si ay ugu khasbaan ganacsatada inay ka guuraan goobaha ay si sharci ah ugu ganacsanayeen sanado badan.
"Waxaan nahay dad ganacsiyo ka dhistay suuqaan muddo dheer, Ma aqbaleyno in si xoog ah naloo barakiciyo, iyadoo la sheegayo in dhulku dad kale loo xeerinayo," ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadaasi.
Waxaa la sheegay in ganacsatada lagu wargeliyay in muddo shan maalmood gudahood ay uga guuraan, taasoo keentay in ay sameeyaan bannaanbax ballaaran oo ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha, kaasoo ah suuqa ugu weyn ee Soomaaliya, isla markaana ka mid ah suuqyada ugu waaweyn ee qaaradda Afrika.
Arrintan ayaa si weyn waxaa uga hadashay Xildhibaan Faiza Jeyte, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Waxay sheegtay in maamulka degmada Howlwadaag iyo booliska gobolka Banaadir ay yihiin kuwii ka mas’uulka ahaa sugidda amniga, ilaalinta hantida iyo nafta muwaadiniinta, balse aysan ahayn kuwo qayb ka noqda barakicinta ganacsatada yaryar.
"Dhibka ka dhacaya Bakaaraha haddii aan si degdeg ah loo joojin, mas’uuliyadda waxa qaadi doona maamulka degmada iyo booliska gobolka, Suuqa Bakaaraha waa isha dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed, laguma badali karo dano gaar ah," ayay tiri xildhibaan Faiza.
Waxay intaas ku dartay in taariikhda iyo qiimaha uu suuqu leeyahay aysan ahayn mid lagu beddeli karo danaha shaqsiyaadka gaar ah ee dhaqaale raadiska ah.
Puntland Luulyo 17ka, 2025 Puntland ayaa si cad u sheegtay in aysan aqoonsanayn maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo sheegtay in aysan jirin sharci ay ku dhisantahay maamul gaar ah oo kasoo baxay deegaanka Beesha Dhulbahante.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay soo dhaweysay doorkii ay Isimada Beesha Dhulbahante ka qaateen dib u xoraynta Laascaanood 6-dii February 2023, balse aysan aqbaleyn in deegaan gaar ah uu yeesho maamul ka madax bannaan Puntland.
“Dowladda Puntland waxay si cad u sheegaysaa in aysan jirin sharci ay ku timid in Beesha Dhulbahante ay sameystaan maamul gaar ah,” ayaa lagu yiri warka.
Waxaa sidoo kale lagu xusay in dhamaan beelaha dega Sool, Cayn iyo guud ahaan deegaanka Dhulbahante ay ka mid yihiin Puntland tan iyo markii la aasaasay 1998.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale cambaareysay faragelin ay sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hayso arrimaha amniga ee Puntland, taasoo ay ku tilmaantay mid horseedeysa xasillooni darro iyo fursad ay ka faa’iideystaan kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish.
Dhanka kale, maamulka SSC-Khaatumo ayaa si kulul uga jawaabay warka kasoo baxay Puntland, isagoo sheegay in jiritaanka SSC uusan ahayn wax laga doodi karo.
Madaxweyne ku xigeenka SSC-Khaatumo, Dr. Maxamed Ismaaciil Shiine, ayaa yiri:
“Waxaa nasiib darro ah qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland. Maamulka SSC-Khaatumo waa dawlad xubin ka ah hannaanka Federaalka ee dalka, taasoo aan cidna laga aqbalayn inay su’aal geliso jiritaankeeda.”
Dr. Shiine wuxuu intaasi ku daray in SSC ay shacabka Puntland u hayso wanaag iyo walaalnimo, balse ay ka go’an tahay in aayo-katashiga reer SSC-Khaatumo uu yahay “khad cas” aan la jabin karin

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wargeyska Jamhuuriyadda posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share