
06/23/2025
WARARKA MAANTA Juun 23, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta:Maxuu yahay shirka ka furmi doona , ? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiiikh “Dhuuso-Foociye” ku fashilmay? Maxuuse isu-maqlin wixii uu shalay dhahay? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo maqaamka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho Juun 23, 2025 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in madaxda Dowladda aysan diyaar u ahayn in dalka uu markale ka dhacdo doorasho dadban.
Isagoo ka hadlaayay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kagana qeyb-galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayey ergooyinkii ka qeybgalay Gogoshii Wadatashiga Qaran, ayuu shaaca ka qaaday in aysan suurtagal ahayn in Soomaaliya ay dib ugu laabto doorasho dadban, awooddana loo celinayo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Xukuumadiisa ay dhiirrigelinayso talooyinka ku wajahan doorashada ee ay soo gudbiyeen haldoorka Soomaaliyeed ee isugu yimid gogosha, iyo kaalinta ay ka qaadanayaan hannaanka dimuqraadiyadeed, gaar ahaan habka loo marayo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo ku timaadda rabitaanka shacabka.
Sidoo kale Ra'iisul wasaare Xamsa, ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay midnimo iyo isku duubni, si looga gudbo nolosha dadban ee dhibaatada ku haysa amniga, doorashooyinka, dhaqaalaha iyo xaqiijinta guulaha waaweyn ee loo baahan yahay in Qaranka la gaarsiiyo.
“Waxa aynu u baahannahay in aynu u gudubno hannaan lagu mideysan yahay oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isu keenaya, haddii aynu ka baxno nolosha dadban waxa aynu ka gudbayna midnimo la’aanta colaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Wali dowladda Soomaaliya waxa ay ku adkeeysanaysaa nidaam doorasho qof iyo cod ah waxaana mucaaradka dhankoodi ay sheegayaan in loo baahan yahay nidaam doorasho oo wadar ogol lagu yahay.
Muqdisho Juun 23, 2025 Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Mabaax iyo Gayacad ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka oo ahaa mid dhexmaray ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa koooxda Al-shabaab, waxaana la tilmaamay in dagaalka khasaare xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab.
Inta la xaqiijiyay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaalka saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa Mabaax iyo Gayacad, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan, sida lagu sheegay Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Federaalka.
"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeynaysaa go’aankeeda ku aaddan difaaca shacabka Soomaaliyeed, ilaalinta midnimada qaranka, iyo ciribtirka guud ee Khawaarijta caadeystay daadinta dhiigga shacabka" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Dagaalkaan ka dhacay Deegaanka Mabaax iyo deegaanada kale ee ku dhadhaw ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilawgii bishaan deegaanadaasi ay ka dhaceen dagaalo aad u qaraaraa oo dhexmaray ciidanka Macawiisleyda iyo Al-shabaab, waxaana dagaaladaasi ahayeen kuwa jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab.
Muqdisho Juun 23, 2025 Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya laga saaray liiska kuwa ku lugta leh askareeynta caruurta, oo in muddo ah safka h**e ay kaga jirtay wadamada Colaadaha ka jiraan ee Caruurta lagu askareeyo.
War ay soo saartay wasaaradda ayaa shaaca looga qaaday in mar kasta mudnaan gaar ah ay siiso ka hortagga askareynta carruurta xilliyada colaadaha hubaysan, si waafaqsan Dastuurka dalka iyo heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah ee ay Soomaaliya saxiixday.
"Wasaaradda Gaashaandhigga, oo ku hadlaysa magaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay hambalyo u diraysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida guusha go'aankii ay Qaramada Midoobay ku shaacisay 17-kii Juun 2025, 00 Ciidamada Qalabka Sida si rasmi ah looga saaray Liiska kuwa ku lugta leh askaraynta carruurta."ayaa lagu yiri war saxafadeedka Wasaaradda.
Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay Wasaaradda in ka saarida Soomaaliya ee liiska wadamada askareeya Caruurta ay caddayn u tahay isbeddelka hufan ee Soomaaliya ku tallaabsatay, waxaana ay ka dhalatay wadashaqayn dhow oo u dhaxaysay Xukuumadda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay'adaha UNICEF iyo UNTMIS, iyadoo la fuliyay qorshaha qaran ee badqabka carruurta si waafaqsan dastuurka dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee la xiriira carruurta xiliyada colaadaha hubaysan.
"Wasaaradda Gaashaandhigga oo ah guddoonka Guddiga Badqabka Carruurta ee xilliyada colaadaha hubaysan, waxay si gaar ah u bogaadineysaa shaqadii muhiimka ahayd ee ay wada qabteen xubnaha guddiga iyo hay'adaha Qaramada Midoobay"ayaa lagu yiri war saxafadeedka Wasaaradda.
Ugu dambeyn warsaxaafadedka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu xusay in ay ka go'an tahay fulinta ballan-qaadyada iyo heshiisyada u dhexeeya Xukuumadda iyo Qaramada Midoobay ee la xiriira ilaalinta carruurta xilliyada colaadaha hubaysan.
DDSI Juun 23, 2025 Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Lafa-ciise ee degmada Awbare.
“ Xisbiga Barwaaqo ka naga daweeyay nabaradii iyo hagardaamooyinkii aannu ka dhaxalnay maamulkii h**e. Waanu ku faraxsanahay in madaxweynuhu uu bulshadiisa soo gaadho, dhagaystana tabashooyinkooda”, Bulshada Lafa-ciise
Madaxweynaha oo bulshada la hadlay ayaa uga mahadnaqay soo dhawaynta balaadhan ee ay u sameeyeen bulshadu: “Aad baan ugu mahadnaqayaa bulshada Lafa-ciise ee dareenka wadaniyada leh na dareensiiya marwalba” ayuu yidhi madaxweynuhu.