09/17/2026
WARARKA MAANTA 17ka Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta: Maxaa loo dulminayaa Digil Iyo Mirifle Madaxbanaanidooda? Maxuuse Madaxweyne h**e Xassan waxba uga qaadi waayi , Iyo ? Yaase boobsay shacabka ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Beijin17ka Sebteembar 2026 Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan, oo ka socota magaalada Beijing ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.
Beledweyne 17ka Sebteembar 2026 QARAMADA MIDOOBAY OO DALBATAY
Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee beesha Xawaadle ayaa magaalada Beledweyne ku soo gabagabeeyay kulamo maalmahan u socday oo looga hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo hanaanka dhismaha maamulka HirShabelle saddexaad Beesha Xawaadle ayaa ku baaqday in la joojiyo doorashooyinka iyo habraacyada siyaasadeed ee ka socda Hiiraan, iyadoo sheegtay in aan la aqbali karin hannaan aan ku dhisnayn heshiis iyo oggolaanshaha bulshada sida lagu sheegay go'aanada kasoo baxay Shirka oo uu hogaaminaayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
War-murtiyeedka waxaa warbaahinta u akhriyey Xoghayihii h**e ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xiirey Axmed Rooble isagoo cadeeyay in Beesha aysan aqbali karin in hannaan siyaasadeed oo Hiiraan ah la sameeyo, iyadoo aan laga qaybgelin bulshada deegaanka.
Waxay sidoo kale ku baaqday Beesha Xawaadle in dhismaha HirShabelle saddexaad loo maro hannaan loo dhan yahay oo ku saleysan caddaalad, matalaad iyo awood-qaybsi ay dhinacyadu isku raacsan yihiin.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray tabashooyinka reer Hiiraan, iyadoo beesha ay ku baaqday in cabashooyinkaas si dhab ah loo qaado, lana raadiyo xal siyaasadeed oo ku dhisan wada-tashi iyo is-afgarad.
“Waa in la joojiyo dhammaan doorashooyinka iyo habraacyada aan ku dhisnayn heshiiska iyo oggolaanshaha bulshada,” ayaa lagu sheegay go’aamada kasoo baxay kulanka.
Beesha Xawaadle ayaa sidoo kale sheegtay in maamulka HirShabelle ee ka howlgala Hiiraan uu u hoggaansamo go’aamada kasoo baxay waxgaradka, isla markaana uu isu diyaariyo geedi-socodka dhismaha maamul cusub oo loo dhan yahay.
Qodob kale oo war-murtiyeedka lagu xusay ayaa ah in wixii qalalaase ama gacanka hadal ah ee ka dhasha doorasho aan heshiis lagu ahayn ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan guddiga doorashooyinka iyo guddoomiyahooda Cabdikariin Xasan.
Beesha Xawaadle waxay sheegtay in aan la dhisi karin HirShabelle waarta iyadoo la iska indha tirayo tabashooyinka iyo rabitaanka bulshada reer Hiiraan.
DDSI 17ka Sebteembar 2026Guddoomiyaha Jabhadda Xoreynta Qaranka Ogaadeeniya (ONLF), garabkeeda ku sugan gudaha Itoobiya, Cabdirakiim Sheekh Muuse oo loo yaqaan Qalbi-dhagax, ayaa sheegay in ururku door firfircoon ka qaatay geeddi-socodka wada-hadallada qaran ee Itoobiya, isagoo sheegay inay halkaas ku gudbiyeen arrimo uu ku tilmaamay kuwo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed. Qalbi-dhagax ayaa sheegay in wada-hadallada qaran ee Itoobiya loo bilaabay wax ka qabashada caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa qaab-dhismeed ee muddada dheer ka jiray dalka, isla markaana geeddi-socodka loogu talagalay inuu noqdo mid loo dhan yahay.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ururku si firfircoon uga qaybgalay wada-hadallada, isagoo soo bandhigay arrimo uu ku tilmaamay kuwo aasaasi u ah bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in ka-qaybgalka ONLF uu horseeday in qaar ka mid ah qodobadaas lagu daro ajandayaasha geeddi-socodka wada-hadalka.
Dhanka kale, Qalbi-dhagax ayaa beeniyay warar sheegayay in ONLF ay isbahaysi la samaysatay koox lagu magacaabo “Tsamdo”. Wuxuu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ayna ka tarjumayn mowqifka ururka. Wuxuu sidoo kale sheegay in wararka noocaas ah aan loo fasiran karin inay metelaan bulshada Soomaaliyeed oo dhan.
Isagoo ka hadlayay isbeddelka siyaasadeed ee ONLF, Qalbi-dhagax wuxuu sheegay in ururku uu ka jawaabay baaqii nabadeed ee dowladda Itoobiya kadib isbeddelladii siyaasadeed ee dhacay, isla markaana uu soo afjaray halgankii hubaysnaa. Wuxuu sheegay in ONLF ay markii dambe qaadatay waddo siyaasadeed oo nabadeed, ayna ka qaybqaadatay doorashadii guud ee toddobaad ee Itoobiya, halkaas oo ay ku guulaysatay kuraas baarlamaan.
Guddoomiyaha ONLF ayaa sidoo kale sheegay in nabaddii ka dhalatay soo afjaridda dagaalladii hubaysnaa ay fursad u abuurtay horumarro bulsho iyo dhaqaale oo uu sheegay in laga dareemayo Dowlad Deegaanka Soomaalida. Wuxuu sheegay in ururku doonayo in nabadda la xoojiyo, isla markaana uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowladda federaalka iyo dhinacyada kale si loo taageero geeddi-socod nabadeed oo waara.
Muqdisho 17ka Sebteembar 2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maalintii labaad ee kulamadiisa Capitol Hill ee magaalada Washington, D.C., kulamo gaar gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Maraykanka, Brian Mast, iyo Senator Mike Rounds oo ka tirsan Aqalka Senate-ka. Sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliland, kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka, amniga badda, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, iyo sidoo kale ganacsiga, maalgashiga iyo fursadaha iskaashi dhaqaale.
Kulamadan ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday dadaallada sharci-dejinta ee h**e ee Kongareeska Maraykanka ee la xidhiidha Somaliland. Sannadkii 2022, Senator James Risch ayaa Golaha Senate-ka u gudbiyey hindisaha Somaliland Partnership Act (S. 3861), kaas oo Mike Rounds uu ka mid ahaa xubnihii taageeray hindisaha.
Dhanka kale, Brian Mast ayaa 11-kii September 2025 Golaha Wakiillada u gudbiyey H.R. 5300, Department of State Policy Provisions Act, oo ah hindise sharciyeed la xidhiidha siyaasadda arrimaha dibadda iyo maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.
War-saxaafadeedka Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu kulamada kaga hadlay muhiimadda juqraafiyeed iyo istiraatiijiyadeed ee Somaliland, isaga oo tilmaamay doorka ay goobta ay Somaliland ku taallo ku leedahay marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale, sida lagu sheegay warbixinta, ka hadlay muhiimadda iskaashi dhinacyada amniga, ilaalinta isu-socodka ganacsiga caalamiga ah iyo horumarinta xidhiidhada dhaqaale ee Somaliland iyo Maraykanka.
Madaxweynaha Somaliland ayaa kulamada ku soo bandhigay qiyamka ay Somaliland sheegtay inay wadaagaan Maraykanka, oo ay ka mid yihiin xorriyadda, dimuqraadiyadda, amniga, xasilloonida iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashadu qayb ka tahay dadaallada Somaliland ay ku doonayso inay xidhiidho iyo wada-shaqayn dheeraad ah la yeelato dhinacyada siyaasadda iyo sharci-dejinta Maraykanka.
Muqdisho 17ka Sebteembar 2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan magaalada barakeysan ee Makkah, iyadoo ciidamada difaaca cirka Sacuudigu ay sheegeen inay qabteen diyaaradda oo ay soo direen kooxaha Xuutiyiinta ka hor inta ayna gaadhin magaalada. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay 16-kii September ku sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isla markaana ay cambaaraynayso weerarrada ka dhanka ah goobaha rayidka ah iyo kuwa kale ee gudaha dalkaas. Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale taageertay xaqa Sacuudiga u leeyahay inuu ilaashado dhulkiisa, dadkiisa iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.
Weerarka Makkah ayaa kusoo beegmaya xilli ay si weyn u kordheen iska horimaadyada u dhexeeya Xuutiyiinta iyo ciidamada taageersan dowladda Yemen, iyadoo colaadda gudaha Yemen ay dib uga sii dartay kadib muddo xasillooni oo aan rasmi ahayn. Wararka ayaa sheegaya in Xuutiyiintu ay weerarro isdaba joog ah ka fuliyeen gudaha Sacuudiga, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo.
Sacuudiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegay in weerarrada Xuutiyiintu ay gaadheen goobo ay ku jiraan xarumo ciidan iyo kaabayaal tamareed. 8-dii September, weerarro lala xidhiidhiyay Xuutiyiinta ayaa lagu badhtilmaameedsaday xarumo tamareed oo ku yaalla Abha, Najran iyo Jizan, waxaana maamulka Sacuudigu sheegay in tobannaan qof ay ku dhaawacmeen. Xuutiyiintu waxay weerarrada qaarkood ku tilmaameen jawaab ay ka bixinayaan duqeymaha Sacuudigu ka fuliyay Yemen.
Dhinaca kale, Xuutiyiintu waxay toddobaadyadii u dambeeyay kordhiyeen dhaqdhaqaaqooda militari gudaha Yemen, gaar ahaan xeebaha Badda Cas, halkaas oo ay qabsadeen deegaanno iyo goobo istiraatiiji ah. Warbixinno ay Reuters iyo AP baahiyeen ayaa sheegaya in dagaallada u dhexeeya Xuutiyiinta iyo xoogagga dowladda Yemen ay si weyn u xoogaysteen, taas oo sare u qaadday khatarta ah in colaadda gudaha Yemen ay mar kale si ballaadhan u qaraxdo.
Xuutiyiintu waxay bilaabeen in ay si sii kordhaysa u beegsadaan gudaha Sacuudi Carabiya xilli ay dagaallada goos-gooska ah ee labada dhinac ku dhexmaraya dalka Yemen sii xoogaysanayeen. Weerarradan ayaa kusoo biiray khilaafka militari ee muddada dheer u dhexeeyay Xuutiyiinta iyo xulafada dowladda Yemen, iyadoo Sacuudigu taageero siiyo dhinacyada ka soo horjeeda Xuutiyiinta.
IGAD 17ka Sebteembar 2026 Urur-goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay yeeshaan wada-hadallo loo dhan yahay, si heshiis ballaaran looga gaaro qaabka loo wajahayo doorashooyinka dalka. Baaqa IGAD ayaa ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee ururka oo Talaadadii lagu qabtay magaalada Jabuuti, sida lagu sheegay war-murtiyeed laga soo saaray kulanka.
Golaha Wasiirrada IGAD ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee siyaasadda inay sii wadaan wadahadallada lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad ku saabsan doorashooyinka mustaqbalka.
Baaqa ayaa ku soo aadaya xilli ay weli jiraan khilaafaad u dhexeeya dowladda federaalka, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo kooxaha mucaaradka, kuwaas oo ku kala duwan qaabka loo qabanayo doorashada.
Dowladda federaalka ayaa taageersan in dalka loo gudbo doorasho qof iyo cod ah, halka dhinacyada ka soo horjeeda ay ku adkeysanayaan in qaabka doorashada lagu saleeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.