Galmudug News

Galmudug News Welcome to the Galmudug News.

WARARKA MAANTA 9ka Agoosto  2026 Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaallihii? Yaa noqon doona guddoomi...
08/09/2026

WARARKA MAANTA 9ka Agoosto 2026
Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaallihii? Yaa noqon doona guddoomiyshs cusub hplaha shacabka? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
South Sudan 9ka Agoosto 2026Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Dalka Koonfurta Suudaan Amb. Jaamac Xasan Khaliif, ayaa farriin u diray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, Danjiraha ayaa ku ammaanay Jaaliyadda midnimada, isku duubnida iyo wadajirka ay muujinayaan, isagoo ku boorriyey inay qaataan kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA iyo Baasaboorka Soomaaliya, si ay u helaan aqoonsi rasmi ah, loogana war hayo wixii caqabado ah ee ku yimaada.
Safiir Jaamac ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay si wanaagsan ula shaqeeyaan hey’adaha dowladda, isla markaana ay ilaashadaan midnimadooda iyo isku duubnidooda.
Puntland 9ka Agoosto 2026 MADAXWEYNAHA OO KULAN LA QAATAY SARAAKIISHA CIIDAMADA KALA DUWAN EE DOWLADDA PUNTLAND EE SUGAN GOBOLKA MUDUG.
Gaalkacyo: 08 Agoosto 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland ee ku sugan Gobolka Mudug.
Kulanka waxaa ka qaybgalay saraakiisha ciidamada kala duwan oo ay hogaaminayaan Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi, Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda nabadgelyada Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland, iyadoo la iska xog-waraystay xaaladaha amni iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasilloonida.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa saraakiisha ciidamada kula dardaarmay adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida Puntland, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta, feejignaanta iyo gudashada waajibaadka ka saaran sugidda amniga.
Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey xubno ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.
— DHAMMAAD -----
Maraykanka 9ka Agoosto 2026Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mareykanka ee USCIS ayaa mar kale si ku-meel-gaar ah u kordhisay muddada ay shaqeynayaan dukumentiyada oggolaanshaha shaqada (EAD) ee dadka Soomaaliyeed ee haysta Temporary Protected Status (TPS).
Kordhinta cusub ayaa oggolaanshaha shaqada gaarsiineysa 10-ka Agoosto 2026, halka kordhintii h**e ay ku ekeyd 5-ta Agoosto.
Go’aankan ayaa imaanaya xilli ay weli socdaan dacwado la xiriira qorshaha dowladda Madaxweyne Donald Trump ay ku joojinayso TPS-ka dalal dhowr ah, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Arrintan ayaa sidoo kale daba socota go’aan ay Maxk**adda Sare ee Mareykanka gaartay 25-kii Juun 2026, kaas oo u oggolaaday maamulka Trump inuu sii wado qorshihiisa lagu joojinayo TPS-ka muwaadiniinta Haiti iyo Syria.
Go’aanka maxk**adda ayaa saameyn ku yeeshay dacwado kale oo ku saabsan TPS, oo ay ku jirto dacwadda ka socota maxk**ad ku taalla Massachusetts ee ay kooxo u doodaya dadka Soomaaliyeed kaga horjeedaan joojinta TPS-ka Soomaaliya.
USCIS ayaa sidaas oo kale lagu amray inay u hoggaansanto amar maxk**adeed oo la soo saaray 21-kii Luulyo, kaas oo khuseeya kordhinta oggolaanshaha shaqada ee qaar ka mid ah dadka haysta TPS ee codsaday cusbooneysiinta EAD-yadooda ka hor 30-kii Oktoobar 2025.
Kordhinta cusub ee ilaa 10-ka Agoosto ayaa ka dhigan in dadka Soomaaliyeed ee ku tiirsan dukumentiyadan ay weli haystaan muddo kooban oo dheeraad ah oo ay ku sii isticmaali karaan oggolaanshaha shaqada, iyadoo xaaladda TPS-ka Soomaaliya ay weli ku xiran tahay dacwadaha maxk**adaha iyo go’aannada dowladda Mareykanka.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 4Ta Agoosto  2026 Su’aalaha Maanta: Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku...
08/04/2026

WARARKA MAANTA 4Ta Agoosto 2026
Su’aalaha Maanta: Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 4ta Agoosto 2026 Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay isugu yimaadeen khubaro militari oo ka socda dalalka ciidamada ku biiriya Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM). Kulankan ayaa hordhac u ah shirka la filayo inay yeeshaan Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee dalalka ka qeyb qaata hawlgalka.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo diyaarin lahaa qorshe wadajir ah oo lagu fulinayo go'aannadii ka soo baxay shirkii gaarka ahaa ee madaxda dalalka taageera AUSSOM, kaas oo dhowaan lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda. Qorshaha ayaa la sheegay inuu hagayo wejiga xiga ee iskaashiga dhinaca amniga.
Qodobada ugu muhiimsan ee laga dooday waxaa ka mid ahaa dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, xoojinta wadaagga xogaha sirdoonka iyo sidii si dhow loogu mideyn lahaa awoodaha iyo agabka ay adeegsanayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa taageeraya.
Guddoomiyaha guddiga khubarada militariga, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa sheegay in qorshaha la diyaarinayo uu ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada AUSSOM iyo dalalka ciidamadooda ku biiriyay hawlgalka, si loo kordhiyo waxtarka howlaha amniga.
Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in qorshaha ay khubaradu soo diyaariyeen loo gudbin doono Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca, kuwaas oo dib u eegi doona ka hor inta aan si rasmi ah loo meelmarin. Ansixintiisa ayaa la filayaa inay saldhig u noqoto qorshayaasha hawlgal ee xiga.
Kulankan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda amniga ay wadaan dadaallo ku aaddan maalgalinta AUSSOM oo wajahaysa dhaqaale la’aan, taasoo ay u sii dheer tahay in Dowladda Maraykanka ay shaacisay in dhammaadka sanadkan ay joojin doonto taageerada xafiiska UNSOS oo bixiya taageerada howlgalka AUSSOM.
Dhawaan, dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ku kulmay Kampala ayaa dalbaday in howlgalka lagu kordhiyo 18- 24 bilood oo dheeraad ah, si Soomaaliya loogu diyaariyo in ay la wareegto masuuliyadda amnigeeda.
Muqdisho 4ta Agoosto 2026 Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacisay jadwalka iyo shuruudaha lagu maamulayo howlaha Xajka ee sanadka 1448H/2027, iyadoo ugu baaqday shirkadaha iyo xujeyda Soomaaliyeed inay u hoggaansamaan nidaamka cusub. Wasaaraddu waxay sheegtay in qorshahan lagu diyaariyay kadib markii dowladda Sacuudiga ay dejisay jadwalka rasmiga ah ee howlaha Xajka, si loo dardargeliyo diyaarinta adeegyada loo fidinayo xujeyda Soomaaliyeed.
Sida ku cad war-saxaafadeedka, dhammaan muwaadiniinta doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka waxaa lagu amray inay si degdeg ah isu diiwaangeliyaan, isla markaana baasaboorkooda iyo lacag hormaris ah oo dhan 2,000 oo doollar ku wareejiyaan shirkadaha adeegga Xajka ee ay Wasaaraddu ruqsadda siisay.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale faraya shirkadaha adeegga Xajka inay siiyaan xujeyda adeegyo tayo leh oo ay ku jiraan gaadiid, hoy, cunto iyo daryeel caafimaad, isla markaana ay la galaan heshiisyo shaqo oo caddeynaya xuquuqda iyo waajibaadka labada dhinac.
Dhanka kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in bixinta adeegyada Xajka lagu maamuli doono nidaam elektaroonig ah (System), iyadoo shirkadaha laga doonayo inay xogta xujeyda ku diiwaangeliyaan nidaamkaas.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa uga digtay shacabka inay la macaamilaan shaqsiyaad ama shirkado aan haysan ruqsad rasmi ah, waxayna xustay in qiimaha rasmiga ah ee adeegyada Xajka la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo daraasadda qiimeynta adeegyada Xajka ee 1448H/2027.
Galmudug State 4ta Agoosto 2026 Xisbiga Towfiiq ayaa ku gacan seyray natiijada doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiillada ee Galmudug ee ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka, isagoo ku eedeeyay guddiga in habraaca doorashada lagu tuntay rabitaanka codbixiyeyaasha isla markaana la dhaawacay hannaanka doorasho qof iyo cod ah.
War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigu ayuu ku sheegay in natiijada lagu dhawaaqay ay shacabka Galmudug ka qaaday xuquuqdoodii dastuuriga ahayd, isla markaana ay meesha ka saartay kalsoonidii laga qabay geeddi-socodka doorashada. Xisbiga ayaa ku dooday in habka loo maareeyay codbixinta iyo tirinta codadka uu hareeyay musuq iyo eex, taasoo, sida uu sheegay, si weyn u saameysay natiijada k**a dambaysta ah.
Towfiiq wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay filayeen doorasho hufan oo ka tarjumaysa rabitaankooda, balse natiijada lagu dhawaaqay aysan waafaqsanayn codadkii ay goobaha codbixinta ka diiwaangeliyeen wakiilladiisa. Xisbiga ayaa ka digay in aqbalidda natiijadan ay dhaawici karto kalsoonida lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ka qaybgalka shacabka ee doorashooyinka mustaqbalka.
Xisbigu wuxuu ugu baaqay guddiga doorashooyinka iyo dhinacyada ay khusayso in dib loogu noqdo go'aanka lagu dhawaaqay, isla markaana dib-u-eegis madax-bannaan lagu sameeyo natiijooyinka iyo codadka laga kala helay tobanka degmo ee doorashadu ka dhacday, si loo xaqiijiyo in rabitaanka shacabka si sax ah loo muujiyo.
Sida uu xisbigu sheegay, doorashada tobanka degmo ee Galmudug waxaa codkooda dhiibtay 58,519 qof, halka codadka halaabay ay gaarayeen 987, oo u dhiganta ku dhowaad boqolkiiba hal. Towfiiq ayaa ku andacooday in uu helay 53,054 cod oo u dhiganta 53.85% codadkii golaha wakiillada, taasoo uu sheegay inay u saamaxaysay inuu ku guuleysto 47 ka mid ah 89-ka kursi ee golaha.
Dhanka goleyaasha deegaanka, xisbigu wuxuu sheegay inuu helay 54,064 cod oo u dhiganta 54.87% codadkii la dhiibtay, isagoo ku dooday in natiijadaasi siinaysay 104 ka mid ah 243-da kursi ee goleyaasha deegaanka ee Galmudug.
Guddiga Doorashooyinka ayaa shalay ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashadii goleyaasha deegaanka ee Galmudug, iyagoo sheegay in Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu noqday ururka ugu codadka badan, isagoo helay 135,247 cod iyo 63 kursi, halka Ururka Towfiiq uu galay kaalinta labaad kadib markii uu helay 26,003 cod iyo 12 kursi.
Maraykanka 4ta Agoosto 2026 Xildhibaan Andy Ogles oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa gudbiyay mooshin lagu dalbanayo xil ka qaadista Garsoore Allison Burroughs, kadib markii ay mar kale hakisay qorshihii maamulka Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayay Barnaamijka Ilaalinta Ku-meelgaarka ah (TPS) ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Garsooraha ayaa soo saartay amar sii haynaya TPS-ka iyo rukhsadaha shaqada ee ku dhowaad 1,100 qof oo Soomaali ah, inta ay maxk**addu ka go'aamineyso dacwad ay gudbiyeen dadka ka faa'iideysta barnaamijka.
Ogles ayaa ku eedeeyay garsooraha inay ka tallaabsatay awooddeeda sharci, isla markaana ay iska indha-tirtay go'aan h**e oo ay gaartay Maxk**adda Sare ee Mareykanka, isagoo ku tilmaamay tallaabadeeda "faragelin garsoor".
Dacwadda cusub ee Soomaalida ayaa ku saleysan dood ah in go'aanka maamulka Trump uu ku saleysan yahay takoor ku saleysan jinsiyadda iyo asal ahaan waddanka, arrin Garsoore Burroughs ay u aragtay in ay mudan tahay in maxk**addu sii baarto ka hor inta aan TPS-ka la joojin.
Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqday in Soomaaliya aysan mar dambe buuxin shuruudihii lagu sii hayn lahaa TPS, iyadoo qorshuhu ahaa in barnaamijku dhammaado 17-kii Maarso.
TPS waa barnaamij bini'aadantinimo oo siiya magangelin ku-meelgaar ah iyo oggolaanshaha shaqada dadka ka yimid dalal ay ka jiraan dagaallo ama masiibooyin dabiici ah. Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalka ku jiray barnaamijkan tan iyo 1991-kii.
Mooshinka Ogles ayaa la filayaa inuu wajaho dood sharci iyo siyaasadeed, maadaama taariikh ahaan garsoorayaasha federaalka aan xilka looga qaadin oo keliya go'aannada ay gaaraan, balse loo baahan yahay caddeyn muujinaysa inay ku kaceen xadgudub culus ama falal ka baxsan waajibaadkooda

Waqooyi Bari 4ta Agoosto 202 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛 𝐭𝐢𝐫𝐨 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐧𝐚𝐝-𝐠𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐢
Laascaanood , 03 Agoosto 2026 : Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa boqolaal shacab ah iyo hoggaanka sare ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari caawo kala qeybgalay xafladda sanad-guuradda koowaad ee kasoo wareegtay asaaska maamulkan, taas oo lagu qabtay fagaare ku yaala magaalada Laascaanood.
Hadal-jeedin dhinacyo badan taabanaysay oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa ka jeediyay ayuu ku bogaadiyay sida maamulka durba u hano-qaaday, isaga oo u qirey Waqooyi Bari ka maamul ahaan wax badan u qabsoomeen, tahayna in shacabka ay ku faro adeegaan. Wuxuu intaas ku daray in dowladda Federaalka ka go’antahay tabantaabinta Waqooyi Bari oo uu xusey in ay tahay astaan midnimo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray shacabka reer Waqooyi Bari meel walba ay joogaan dal iyo debbadba, wuxuuna bogaadiyey horumarka ay ku tilaabsatay halkaa sanno oo uu jiray maamulka Waqooyi Bari.
“Deegaankaan dad geesiyaal ah ayaa kasoo jeeda, ummadda Soomaaliyeedna raadkaasi ayey daba socdaan, muddo dheer oo uu dagaal ku jiray, haddane ku socdo waa sababtaasi, meel fog baad dadka Soomaaliyeed ugu qorontihiin, hormuudna waa u tihiin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Wuxuu ugu baaqay shacabka iyo maamulkaba in si walaalnimo ah oo daris-wanaag ah kula dhaqmaan dowlad-goboleedyada kale , lana tixgaliyo xiriirka ehelnimo ee bulshada ka dhaxeeya.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyeey doorashadii qof iyo cod ee dhowaan ka dhacday Galmudug, wuxuuna xusey in meelo kale oo dalkana laga qaban doono, si awoodda shacabka loogu celiyo. Wuxuu cambaareeyay aragtiyada siyaasiyiinta qaar kasoo yeeraya ee ah in talada dalka laga saaro gacanta Soomaalida, taas oo uu sheegay wax aanan marnaba dhici doonin.
Mar uu soo hadal-qaaday caqabadaha waaweyn ee dalka haysta ayuu sheegay in ay kala yihiin kooxagaha argagixisada ee fikradaha qaldan xambaarsan iyo kooxaha siyaabaha kala duwan u abaabul ee horumarka dowladnimo ee dalka diiddan.
Intii ay xafladda socotay waxaa hadalo kooban jeediyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiiradda Federaalka oo ay faahfaahiyeen mashaariic heerkii fulinta gaaray ee haatan laga hirgalinayo deegaanadan

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 1da Agoosto  2026 Su’aalaha Maanta: Yaa albaabadii ka soo xiray Madaxweyne h**e Xassan Iyo qoyskiisa? Max...
08/01/2026

WARARKA MAANTA 1da Agoosto 2026
Su’aalaha Maanta: Yaa albaabadii ka soo xiray Madaxweyne h**e Xassan Iyo qoyskiisa? Maxaa Wasiiradiisa iyo gabartiisa looga soo tarxiilay ? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 1da Agoosto 2026 T𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐮 𝐝𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝
Muqdisho, Jimce, 31 Luuliyo 2026 : Ra’iisul WasaarahMadaxweynaha xilka ka dhammaaday Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u rabaa in uu burburiyo Iyo ? Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaallihii? Maxuu Madaxweyne h**e Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo Iyo ? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare h**e Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne h**e Xassan? Ha wiqleyso!
Kampala 1da Agoosto 2026 TMadaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa sheegay in Afrika aysan ka tegi doonin Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in joogitaanka ciidamada Uganda ee dalka uu salka ku hayo mabda'a midnimada Afrika, amniga gobolka iyo taageeridda dowladnimada Soomaaliya. Museveni ayaa hadalkan ka jeediyay gunaanadka shir saddex maalmood socday oo ay isugu yimaadeen madaxda dalalka ciidamada ku leh Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kuwaas oo ay ka mid yihiin Uganda, Itoobiya, Kenya, Jabuuti, Masar iyo Burundi.
Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in inkastoo dalkiisu uusan xuduud toos ah la lahayn Soomaaliya, haddana go'aanka ay ciidamadoodu uga qayb qaadanayaan howlgalka uu ku saleysan yahay laba arrimood oo waaweyn: la dagaallanka xagjirnimada khatar ku ah bulshada iyo muujinta garab istaag dalalka gobolka ee wajahaya khataraha amni.
Museveni wuxuu sheegay in xagjirnimada diimeed ay halis ku tahay xasilloonida Geeska Afrika, isagoo xusay in Afrika ay leedahay taariikh ku dhisan kala duwanaansho, is-ixtiraam iyo wada noolaansho, isla markaana aysan aqbali karin in fikrado adag lagu qasbo bulshooyinka Afrika.
Waqti sii h**eeyay, Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo shir guddoominayay kulanka Taliyeyaasha Ciidamada, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo diyaariyo qorshe Afrikaan hoggaaminayo, maadaama Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) lagu wado inuu soo afjaro howlihiisa 31-ka Diseembar 2026.
Africom 1da Agoosto 2026 Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa sheegay in taageerada mustaqbalka ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya ay ku xirnaan doonto sida ay dowladda u xaqiijiso xasillooni siyaasadeed, u xoojiso maamul wanaagga, isla markaana ay sii waddo horumarka laga gaarayo la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Waraysi gaar ah oo uu ka qaaday Cumar Faaruuq Cusman, Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Anderson wuxuu ku sheegay in Mareykanku uusan ka jeesan Soomaaliya, balse iskaashiga labada dhinac uu u baahan yahay hoggaan siyaasadeed oo mideysan iyo natiijooyin muuqda oo dhanka amniga ah.
"Haddii Soomaaliya ay hoggaanka qabato oo dowladda ay hormuud ka noqoto sugidda amniga iyo dowlad-dhiska, Mareykanku wuxuu sii wadi doonaa taageeradiisa, maadaama ay jirto dano wadaag," ayuu yiri Anderson.
Wuxuu uga digay in khilaafaadka siyaasadeed ee daba dheeraada ay wiiqi karaan iskaashiga labada dal, isagoo xusay in haddii xasillooni siyaasadeed la waayo ay adkaan karto in Mareykanku sii wado heerka taageerada uu hadda bixiyo.
Taliyaha AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada kumaandooska Danab, oo Mareykanku gacan weyn ka geystay dhismahooda, ay ka mid yihiin ciidamada ugu tayada wanaagsan qaaradda Afrika, balse ay hadda mas'uuliyadda Soomaaliya tahay ilaalinta iyo horumarinta awooddooda si ay u sii hoggaamiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.
Anderson wuxuu xusay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay muujiso horumar joogto ah oo ka dhan ah argagixisada si loo sii xaqiijiyo joogitaanka iyo taageerada Mareykanka.
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa caqabado siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, iyadoo isla markaana ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Muqdisho 1da Agoosto 2026 Ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe waxay horseed u yihiin soo kabsashada dhaqaale ee Soomaaliya, iyagoo gacan ka geysanaya hal-abuurka gudaha, keenayana fursado shaqo.
Maalgashiga dhaqaale oo bartilmaameedsan iyo barnaamijyada dhisidda awoodda ee ganacsatada gudaha ayaa fure u ah gaarista horumar dhaqaale oo waara iyo dhisidda adkeysi qaran xiliga fog
Muqdisho 1da Agoosto 2026 WAR-SAXAAFADEED
Farriin Tacsi ah oo Ku Saabsan Shilkii Naxdinta Lahaa ee Baska kaas oo ka Dhacay Dalka Aljeeriya.
Muqdisho | 01 Agoosto 2026
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya kadib shilkii naxdinta lahaa ee bas kaas oo ka dhacay meel u dhow magaalada Boumerdes maanta oo Jimca ah, Shilkaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 25 qof iyo dhaawaca tobannaan kale.
Dowladda Soomaaliya waxay la qeybsaneysaa murugada qoysaska ay ehelladoodu ku geeriyoodeen shilkaas iyo bulshada ay saameysay, iyadoo garab taagan Dowladda iyo shacabka Aljeeriya xilligaan adag ee murugada leh.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay u rajaynaysaa dhammaan dhaawacyada ku jira isbitaallada inay si degdeg ah oo buuxda u bogsadaan.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa inay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya xilliyada adag ee murugada leh.
DHAMMAAD
Muqdisho 1da Agoosto 2026 Waxaa sharaf wayn noo ah in aan ku howlannahay qabanqaabada Shir-Waynaha Badaha Soomaaliyeed ee 1aad.
Ujeeddada ugu wayn ee shirkan oo sanadle noqon doono ayaa ah in ay isku waraystaan bahwaynta soomaaliyeed ee Badaha ku shaqada leh oo si wayn u falanqeyn doono aragtida siyaasadeed iyo tan farsamo ee lama huraanka u ah in aan si dhamaystiran uga faa'ideysanno, u difaacanno una daryeelno badaheenna baaxadda wayn leh.
Waxaan qayb ka nahay caalam dhammaantiis ku hardamaaya badaha iyo marin-biyoodyada istiraatiijiga ah, waxaana lama dhaafaan ah in aan curinno ara

Muqdisho 1da Agoosto 2026 a Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u direy bulshada deegaanada Puntland & Maamulkaba sanad guuradda 28-aad ee dhismihii dowlad goboleedka Puntland awgeed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa bulshada deegaanadaas ku bogaadiyay biseylkooda dowladnimo iyo nabadda , isaga oo sidoo kale hambalyeeyay hoggaankii soo maray maamulkaas kaalintii ay ka qaateen dowlad dhiska dalka iyo dhabar-adeygii ay muujiyeen xiliyadii kala duwanaa ee lagu jiray dhismaha iyo yagleelidda maamulkaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii u rajeeyay hoggaanka & bulshada gobolada Puntland nabad waarta, Horumar & Barwaaqo.
- DHAMMAAD –
Cabdinaasir Axmed Bashiir

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 31ka Luulyo  2026 Su’aalaha Maanta: Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoys...
07/31/2026

WARARKA MAANTA 31ka Luulyo 2026
Su’aalaha Maanta: Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ? Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u rabaa in uu burburiyo Iyo ? Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaallihii? Maxuu Madaxweyne h**e Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo Iyo ? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare h**e Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne h**e Xassan? Ha wiqleyso!
Muqdisho 31ka Luulyo 2026 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta uddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga dalka, geeddi-socodka doorashooyinka madaxa-bannaan iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda. Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Qalabka Sida Soomaaliyeed, iyadoo dowladda sheegtay in ciidamada ay guulo ka gaareen dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana jab lagu gaarsiiyay kooxda.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyey Hindise-sharciyeedka Diiwaangelinta iyo Rukhsad-siinta Ganacsiyada, kaas oo dowladda ay sheegtay inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu nidaaminayo deegaanka ganacsiga iyo kor u qaadista hufnaanta maalgashiga.
Sidoo kale, Golaha ayaa meel mariyey heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Agaasinka Guud ee Arrimaha Diinta ee Madaxtooyada Turkiga iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha diinta, waxbarashada iyo tababarrada la xiriira adeegyada diimeed.
Shirkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay waddo howlgallo amni oo ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana ay dowladda federaalku adkeyneyso dadaallada la xiriira dib-u-habeynta hay'adaha dowliga ah iyo hirgelinta hannaan doorasho oo ay sheegtay inuu ku saleysan yahay dimuqraadiyad iyo ka-qaybgal siyaasadeed.
Kampala 31ka Luulyo 2026 Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay ciidamada Midowga Afrika kaalintii ay ka qaateen taageeridda dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya, isagoo sheegay in iskaashiga dalalka Afrika uu weli muhiim u yahay la dagaallanka kooxaha hubeysan iyo xoojinta amniga dalka. Taliyaha ayaa hadalkaan ka jeediyay furitaanka shirka aan caadiga ahayn ee Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca (CDF) ee dalalka ciidamada u dira Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo ka socda magaalada Kampala ee Uganda.
Shirka Kampala ayaa si gaar ah diiradda u saaraya mustaqbalka AUSSOM, iyadoo la filayo in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) uu soo afjaro hawlihiisa dhammaadka bisha December 2026.
Tani waxay dalalka Afrika ku qasbaysaa inay dardargeliyaan qorshe cusub oo Afrika hoggaaminayso si loo maareeyo saadka iyo taageerada howlgalka.
Madaxa Qaybta Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika, Sarreeye Guuto Cheick Dembele, ayaa sheegay in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, inkastoo howlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhinaca maalgelinta ah. Wuxuu xusay in midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika ay lama huraan u yihiin ilaalinta horumarka amniga iyo dhismaha hay'adaha ciidamada Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, ayaa ugu baaqay dalalka ciidamada ku leh AUSSOM inay muujiyaan midnimo, hal-abuur iyo go'aan adag si loo ilaaliyo howlgalka, isagoo sheegay in dhimista maalgelinta ay durba saameyn ku yeelatay hawlgallada ciidamada ee jiidaha h**e.
Gunaanadka shirka farsamo ayaa la filayaa in loo gudbiyo wasiirrada gaashaandhigga, ka hor shir madaxeed aan caadi ahayn oo ay yeelan doonaan hoggaamiyeyaasha dalalka ciidamada ku leh AUSSOM, kuwaas oo la filayo inay go'aan ka gaaraan jihada mustaqbalka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Maraykanka 31ka Luulyo 2026 Dowladda Mareykanka ayaa mar kale si ku-meel-gaar ah u kordhisay ansaxnimada dukumentiyada oggolaanshaha shaqada ee dadka Soomaaliyeed ee haysta Xaaladda Ilaalinta Ku-meel-gaarka ah (TPS), iyadoo muddada cusub laga dhigay inay socoto ilaa 3-da Agoosto 2026 Go'aanka cusub ee ay soo saartay Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mareykanka (USCIS) ayaa yimid maalmo kaddib markii kordhintii h**e ay ku ekayd 29-kii Luulyo. Tallaabadan ayaa sii wadday kordhinno gaagaaban oo xiriir ah, iyadoo ay weli socdaan muranno sharci oo ku saabsan mustaqbalka TPS ee dalal dhowr ah, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Arrintan ayaa daba socota go'aankii Maxk**adda Sare ee Mareykanka ee 25-kii Juun 2026, kaas oo u oggolaaday maamulka madaxweyne Donald Trump inuu sii wado qorshihiisa lagu joojinayo TPS-ka waddamada Haiti iyo Suuriya.
Go'aankaas ayaa saameyn ku yeeshay dacwadaha kale ee la xiriira TPS, oo ay ku jirto dacwad ay maxk**ad federaali ah ka waddaan ururro u dooda xuquuqda muhaajiriinta oo ka dhan ah Waaxda Amniga Gudaha (DHS), taas oo quseysa dadka Soomaaliyeed ee haysta TPS.
Muqdisho 31ka Luulyo 2026 Soomaaliya ayaa ku biirtay isbahaysi ciidan badeed oo cusub oo ay hoggaaminayso Sacuudi Carabiya, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga marin-biyoodka Bab al-Mandeb, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xilli ay sii kordhayaan khataraha amni ee saameynaya maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah. Isbahaysigan oo loo bixiyay Multinational Maritime Defense Alliance ayaa waxaa ku mideysan Sacuudi Carabiya iyo 13 dal oo kale. Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Sacuudiga, ujeeddadiisu waa in la xoojiyo iskaashiga difaaca badda, lana ilaaliyo xorriyadda maraakiibta iyo marinada ganacsiga ee isku xira Badweynta Hindiya iyo Badda Mediterranean-ka.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka saxiixay heshiiska, waxaana sidoo kale xubno ka ah Turkiga, Masar, Pakistan, Jabuuti, Yemen, Qatar, Baxrayn, Kuwait, Urdun, Bangladesh, Suudaan iyo Comoros. Kulankii lagu dhisay isbahaysiga waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday 43 waddan iyo Midowga Yurub.
Ku biiritaanka Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah leh maaddaama dalka uu leeyahay xeebta ugu dheer Afrika, isla markaana uu ku yaallo Gacanka Cadmeed oo ka mid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan caalamka. Bab al-Mandeb, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaa mara qiyaastii 10 ilaa 12 boqolkiiba ganacsiga badda ee dunida, oo ay ku jiraan malaayiin foosto oo shidaal ah maalin kasta.
Isbahaysiga cusub ayaa la dhisay iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ku beegsanayaan maraakiibta maraysa Badda Cas iyo Bab al-Mandeb, taas oo sare u qaadday walaaca laga qabo amniga maraakiibta iyo xasilloonida suuqyada tamarta ee caalamka.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa lagu sheegay in howlaha isbahaysigu ay ka koobnaan doonaan wadaagga xogaha sirdoonka, qorshaynta hawlgallada, tababarrada wadajirka ah iyo iskaashiga lagu sugayo amniga badda. Waxa kale oo lagu adkeeyay in isbahaysigu yahay mid difaac oo keliya ah, islamarkaana aanu bartilmaameedsanayn dal gaar ah.
Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale sheegtay in albaabku u furan yahay dalal kale oo doonaya inay ku biiraan isbahaysiga, marka ay dhammaystiraan habraacyadooda gudaha. Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalalka ugu horreeya ee saxiixay heshiiska cusub, kaas oo la filayo inuu door ku yeesho amniga marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

UGanda 31ka Luulyo 2026 Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ooa galinkii dambe ee Khamiista gaaray magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, ayaa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni, xilli ay socdaan diyaar-garowga shir madaxeedka dalalka taageera howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Museveni ayaa sidoo kale falanqeeyay dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada, iyagoo adkeeyay muhiimadda iskaashiga gobolka si looga hortago khataraha amni ee saameeya Geeska Afrika.
Labada madaxweyne ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan shir madaxeedka dalalka ciidamadoodu ka qeyb qaataan Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Kampala.
Shirka ayaa la filayaa inuu xoogga saaro mustaqbalka taageerada amniga Soomaaliya, xoojinta howlgalka AUSSOM iyo sidii loo sii dardargelin lahaa dadaallada lagu dhisayo hay’adaha amniga iyo dowladnimada dalka.
Soomaaliya ayaa weli wajahaysa caqabado amni oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo dowladda Federaalka ay ku tiirsan tahay taageerada dalalka gobolka iyo saaxiibada caalamiga ah si loo xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed loona xaqiijiyo xasillooni waarta.
Kulanka Kampala ayaa muujinaya dadaallada sii socda ee Soomaaliya iyo Uganda ay ugu jiraan xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah, iyadoo labada hoggaamiye ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in beesha caalamku sii waddo taageerada amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galmudug News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share