SNTV Welcome to the SNTV!

This Page is Official Property of the Somali Media Empire (SME), & it's part of media outlet platforms so, if you want to share information and news as it happens in Somalia http://www.somalimediaempire.com/

WARARKA MAANTA 28ka Siteembar, 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Maxay beesha calaamka ugu qabatay 24 saac Madaxweyne Mud...
09/28/2025

WARARKA MAANTA 28ka Siteembar, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Maxay beesha calaamka ugu qabatay 24 saac Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” inuu iscasilo? Yaa boobay hantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
New York 28ka Siteembar, 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Midowga Afrika (AUC), Qaramada Midoobay (UN), iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK), ayaa si wadajir ah u qabtay kulan ka dhacday Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York, taas oo lagu xoojiyey taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Kulanka ayaa dib u xaqiijiyey go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan isbeddel dhanka amniga iyo lahaanshaha qarannimo, iyadoo lagu bogaadiyey doorka AUSSOM ee taageeridda ciidamada amniga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, ilaalinta xarumaha muhiimka ah, sugidda waddooyinka saadka, iyo horumarinta dadaallada xasilinta.
Ka qaybgalayaasha ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay dalalka ciidanka iyo booliska ku tabarucay, iyagoo xusay geesinnimada iyo halganka askartooda. Waxa kale oo carrabka lagu adkeeyay kaalinta muhiimka ah ee Midowga Yurub ku lahaa bixinta deeqaha dhaqaale ee Midowga Afrika iyo taageerada joogtada ah ee xasilinta Soomaaliya.
Waxa lagu muujiyey walaac ku saabsan khataraha amni ee ka dhalan kara haddii aan la buuxin farqiga maalgelineed ee weli taagan. Ka qaybgalayaashu waxay ku baaqeen in deeq-bixiyeyaasha dhaqanka iyo kuwa cusub ay bixiyaan maalgelin joogto ah, la saadaalin karo oo waarta, si AUSSOM ay u fuliso waajibaadkeeda inta lagu jiro xilliga kala guurka.
Sidoo kale, waxaa lagu soo dhaweeyay ballanqaadyada cusub ee ku saabsan kharashaadka howlgalka, iyadoo la adkeeyay in sii jiritaanka AUSSOM uu ku xiran yahay taageero dhaqaale oo waafaqsan baahiyaha amniga iyo xasilinta Soomaaliya.
Muqdisho 28ka Siteembar, 2025 Laba dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo lagu qabtay iyaga oo ku xadgudbaya calanka dalka Kenya intii lagu guda jiray ciyaar kubadda cagta ah oo ka dhacday garoonka Nyayo National Stadium, ayaa maxk**ad lagu soo taagay magaalada Nairobi, iyaga oo wajahaya dacwado badan.
Dhallinyaradaan oo da’doodu kala tahay 14 iyo 17 sano ayaa lagu qabtay muuqaal baraha bulshada ku faafay iyaga oo ku dul socda calanka Kenya xilli lagu jiray ciyaar ka tirsan CAF Champions League oo dhex martay Mogadishu FC (Soomaaliya) iyo Kenya Police FC Sabtidii, 20-ka September.
Muuqaalka ayaa la helay ayaa abuuray caro iyo falcelin ballaaran oo ka timid shacabka iyo siyaasiyiinta Kenya, taas oo keentay in codad xoog leh loo jeediyo in la soo qabto dhallinyaradaas.
Labada dhalinyarada ah ayaa hortagay Maxk**adda Carruurta ee Nairobi, halkaas oo Garsoore Sare Rose Gitau uu ku amaray in lagu hayo xarunta ilaalinta carruurta ee Gigiri ilaa warbixin bulsho laga sameeyo, si loo ogaado xaaladooda iyo waxa la gudboon maxk**adda.
Ehelada carruurta ayaa codsaday in loosii daayo si ay iyagu u daryeelaan, balse garsooraha ayaa sheegay in mas’uuliyadda marxaladdan kaliya ay qaadi karaan waalidiinta dhalay.
Dacwadaha lagu soo oogay dhallinyarada waxaa ka mid ah:
Gelitaan sharci-darro ah oo ay ku soo galeen Kenya, Waxyeello u geystaaan calanka qaranka oo astaan mideyn ah iyo Kicin buuq intii lagu jiray dhacdo ciyaareed dadweyne.
Xeer-ilaalintu waxay codsatay in carruurta lagu sii hayo si loo xaqiijiyo da’dooda iyo wareysi dheeraad ah. Dhakhtar dowladeed ayaa baari doona da’dooda maaddaama aysan keenin dukumentiyo rasmi ah. Maxk**addu waxay kaloo amartay in warbixin ka timaadda Xafiiska Carruurta (Children’s Bureau Office) lasoo bandhigo xilliga dacwadda la xusayo.
Muqdisho 28ka Siteembar, 2025 Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ku guuleysatay hawlgal qorsheysan oo ay ku qabteen qof asal ahaan Soomaali ah balse haysta dhalashada mid kamid ah dalalka Yurub.
Qofkan ayaa lagu eedeeyay in uu si sharci-darro ah uga shaqeynayay tahriibinta dadka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaasoo lagu daabulo waddamo kala duwan iyada oo la marsiinayo dariiqyo khatar ah
Hawlgalka lagu qabtay eedeysanaha ayaa lagu fuliyay iyadoo la adeegsanayo qalabka casriga ah ee lagu hubiyo laguna raad-raaco dukumentiyada socdaalka, taasoo fududeysay in si degdeg ah loo aqoonsado loona xiro.
Mas’uuliyiinta Hay’adda Socdaalka ayaa sheegay in eedeysanaha muddo lagu raad-joogay, isla markaana xogaha la helay ay caddeeyeen in uu door muuqda ku lahaa isku dubaridka safarrada sharci darrada ah, taasoo halis gelisay nolosha dhalinyaro badan.
Ugu dambeyn, eedeysanaha ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay Hay’adda Dambi Baarista si ay u dhamaystiraan baaritaannada sharciga ah, una gudbaan tallaabooyinka xiga ee dacwadda.
Hay’adaha ammaanka ayaa ku booriyay shacabka in ay la shaqeeyaan hay’adaha dowliga ah si loo xakameeyo dambiyada la xiriira tahriibka iyo ka ganacsiga dadka, kuwaas oo si xun u saameeya bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.
Muqdisho 28ka Siteembar, 2025 Fariin ku socota Guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed Mudane Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Mudane Madaxweyne anoo Xurmo Sharaf iyo Ixtiraam kuu haya ayaan Jecleystay inaan ku xasuusiyo Taariikh aan goob joog u wada aheyn.
17-11-1991-dii Waxaa Muqdisho ka billaawday Dagaal socday Afar bilood oo xiriira Dagaalkaas oo burburiyay Magaalada Dad badana galaaftay haarihiisiina weli Muqdisho ku yaalaan.
Mudane Madaxweyne sidaad ogtahay Dagaalkaas waxaa kala Hoggaaminayay Allaha u wada naxariistee Madaxweyne Cali Mahadi Maxamed oo Laba sano oo ku meel gaara loo doortay iyo Gan. Maxamed Faarax Ceydiid oo ahaay Guddoomiyaha Ururkii USC.
Mudane Madaxweyne sidaad ogtahay waxaa dagaalkaas sabab u ahaa Walaalo wax Soomaali ka dhexeeya isu quuri waayay Ummadduna waxey eedday Cadkaanoow ama ku cunay ama ku ciideeyay.
Haddaba Mudane Shalay laba sano oo loo quuri waayay Madaxweyne Cali Mahadi waxaad ogtahay ka dheceen Dal iyo Dowladnimana ku burburtay Maanta Sodon iyo Shan sano kadib Madaxweyne Xassan Sheekh oo aad Walaalo tihiin muddo xileedkiisuna weli dhammaan inaad ku qabsato talada sow jidkii lagu Jabay maaha?
Calaa kulli xaal Mudane Madaxweyne Taariikhada dib u eeg. Xasuuso wixii la soo maray. Abniga Muqdishana yow eersan. Insha Allaah Guul iyo Garasho Mahadsanid Mudane Madaxweyne.
Wabillaahi Towfiiq
Puntland 28ka Siteembar, 2025 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay burburiyeen awoodda in ka badan laba kun oo dagaalyahan oo badankoodu ajnabi ahaayeen, kuwaas oo Daacish ku haysteen dhulka ku teedsan togga Jaceel ee buuraha Calmiskaad.
Madaxweyne Deni oo bixiyay wareysi tan iyo sidii uu u bilowday dagaalka Daacish, wuxuu sheegay in qorshaha Daacish uu ahaa in bishii June ay weerar culus kusoo qaadaan magaalada Boosaaso, balse sirdoonka Puntland ay ka hortageen kadib markii ay heleen xogta weerarka.
Madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray in dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad aysan ka badneyn dhowr iyo sodomeeyo, kuwaas oo u abaabulan kooxo toban toban ah. Wuxuu sheegay in howlgalka ka dhanka ah Daacish la soo gabagabeeyay 95%.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in ururka Daacish uu haystay hub noocyo kala duwan leh iyo xarumo ay ku sameysteen beeo iyo warshado hub lagu farsameeyo, taasoo uu sheegay in ay caddeyn u ahayd inay qorsheynayeen joogitaan dheer.
madaxweynuhu wuxuu sheegay in dagaalkaan Puntland ay ku wayday boqolaal askari, iyo kumanaan dhaawac ah. Wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyay dowladaha Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta oo taageero muuqata ka siiyay dhinacyada duqeymaha iyo xogta sirdoonka.
Muqdisho 28ka Siteembar, 2025 Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka qeybgalay kulan lagu xusayay 1500 sanaguuradii ka soo wareegtay dhalashadii Nebi Maxamed (NNKH). Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa Ururka Waddamada Islaamka (OIC).
Dhammaan wasiirradii ka hadlay munaasabaddan waxaa ay si weyn u xuseen in risaaladii iyo noloshii Nebigaba (NNKH) ay ahayd mid naxariis, caddaalad, nabad iyo isudulqaadasho bani’aaddamka baraysay.
Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo kulankaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dunida maanta ay si ba’an ugu faafayso nacaybka loo qabo Islaamka iyo Muslimiinta (Islamophobia), sidaa darteed ay lagamamaarmaan tahay in muslimiintu ay u istaagaan sare-uqaadista qiyamka suubban ee diinteena xaniifka ah iyo tusaalihii Nabigeenna (NNKH), ee raxmadda, jeceylka iyo bani’aaddanimada lahayd, si sumcad-dilka iyo suuradxumaynta diinteenna looga hortago.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday iyada oo la isku boorriyay waddamada dunida Islaamka ay iskakaashadaan kobcinta iyo weyneynta dhaxalkii Nebigeenna (NNKH).

WARARKA MAANTA 26ka Siteembar, 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa la dili rabaa mucaaradka  ? Yaa boobay hantidii dadw...
09/26/2025

WARARKA MAANTA 26ka Siteembar, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa la dili rabaa mucaaradka ? Yaa boobay hantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 26ka Siteembar, 2025 Maxk**adda Ciidanka Qalabka sida ayaa sii daaysay Laba askari oo loo haystay in ay si sharci darro ah ku saxiixeen qaliin lagu sameeyay hooyo xaamilo ahayd oo lagu magacaabi jiray Marxuumad Nimco Muuse Axmed, taasoo si muran dhaliyay ugu geeriyootay qaliinkaasi.
Marxuumaddu waxay ku jirtay xilligeedii dhalmada, waxaana baaritaanada caafimaad lagu ogaaday in ilmaha caloosheeda ku jiray uu geeriyooday, taasoo keentay in qaliin degdeg ah lagu sameeyo.
Kiiska waxaa lagu soo oogay laba askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed.
Labadaasi eedeysane ayaa lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah u saxiixeen oggolaanshaha qaliinka marxuumadda, iyagoo ku andacoonaya inay yihiin seyga iyo walaalka marxuumadda, arrin aysan xaq u lahayn sharci ahaan, maadaama oggolaanshaha noocaas ah looga baahnaa qaraabada rasmiga ah ama waalidka ilmaha caloosha ku jiray.
Ka hor qaliinka, marxuumadda waxaa la geeyay isbitaalo kala duwan kuwaas oo dhamaantood isku raacay hal natiijo ah in ilmaha caloosha ku jira uu dhintay, laga maarmaana ay tahay qaliin degdeg ah in lagu sameeyo, Eedeysanayaashu waxay dib ula noqdeen Isbitaalka Digfeer, iyagoo codsaday in adeegga caafimaad loo fidiyo si bilaash ah, maadaama aysan awoodin qarashka.
Sida uu qabo habraaca caafimaad iyo sharciga caafimaadka, isbitaalka waxaa laga rabay inuu helo oggolaansho sharci ah oo ka yimaada ehelka rasmiga ah ee bukaanka, gaar ahaan marka bukaanku yahay xaamilo, Hase yeeshee, eedeysanayaashu waxay saxiixeen oggolaanshaha iyagoo aan xaq u lahayn, taasoo dhalisay dacwadan.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah oo qaatay waqti dheer, wuxuuna codsaday qaadista kiiska 20-kii bishan (Sebtembar 2025).
Maxk**adda Ciidamada Qalabka Sida, oo si qoto dheer u dhageysatay dhamaan dhinacyada dacwadda, ayaa ugu dambeyn go’aamisay In la siiyo xoriyadooda labada Dable kadib markii la waayay caddeymo muujinaya in falalkooda ay ahaayeen kuwa ula kac ah ama danbiyeed, iyadoo lagu tixgeliyay in falalkooda ay ku timid xaalad degdeg ah oo bini’aadantinimo ah.
Muqdisho 26ka Siteembar, 2025 Mas'uuliyiin ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ciidammada ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay xireen saddex qof oo caan ah, kuwaas oo kala ah Wasiirkii h**e ee Diinta iyo Awqaafta, Cumar Cali Rooble, iyo ganacsatada Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale.
Xariggan ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Global ee magaalada Muqdisho, halkaas oo Cali Xaaji Iimaan uu deganaa, Saddexdan qof ayaa si weyn ugu dhawaa siyaasiyiinta mucaaradka, waxayna si fagaare ah uga cadeeyeen dhaliishooda sida dowladda u maareysey muranka dhulka ee Siinaay, oo maalmahan si weyn uga taagnaa gudaha caasimadda.
Maalin kahor xarigooda, raggan ayaa kamid ahaa koox siyaasiyiin ah oo lagu rasaaseeyey gudaha Xarunta saldhiga booliska ee Degmada Wardhiigley, iyadoo ay muuqato in cadaadis xooggan lagu saarayo mucaaradka si loo hakiyo abaabulka mudaharaad ballaaran oo lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho maalinta Sabtida.
Dowladda ayaa si cad uga soo horjeedda mudaharaadkaas, iyadoo ku doodaysa in uu yahay mid khatar ku ah amniga, Wararka qaar ayaa sheegaya in xarigga saddexdan ruux uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyey, iyadoo lagu tuhunsan yahay in uu yahay isku day lagu caburinayo aragtida mucaaradka.
Ugu dambeeyn dadaalo siyaasadeed ay sameeyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horseeday in Dhammaan saddexdii qof ee la xirey la sii daayo goor dambe oo xalay ah, inkastoo ilaa iyo hadda aysan jirin wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo ku saabsan sababta xarigooda ka dambeeysay.
Dhinaca kale, abaabulayaasha mudaharaadka ayaa sheegay in qorshuhu siduu yahay uu u socon doono, iyagoo ugu baaqay shacabka iyo beesha caalamka inay indhaha ku hayaan xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda hadalka iyo isu imaatinka.
Muqdisho 26ka Siteembar, 2025 Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo guddomiyay shir looga hadlayey amniga Caasimadda oo ay yeesheen Hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa amray culus siiyay qeybaha kala duwan ee laamaha amniga.
Shirka kadib Wasiir Fartaag oo warbaahinta la hadlay ayaa faray laamaha amniga in wixii hada ka dambeeya ay amar u qabaan ka hortaga cid walba oo uu sheegay iney qalqal galineyso amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
“Laamaha amniga Caasimada waxay amar u qabaan cid kasta oo amniga lid ku ah in gacan bir ah ku qabtaan.” Ayuu yiri Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Wasiirka amniga ayaa sidoo kale xusay in magaalada Muqdisho aanan lagu dhex wadan karin hubka culus iyo gaadiidka dagaalka, wuxuuna uga digay xubnaha siyaasiyiinta Mucaaradka iney markale qaadaan taalabo la mid ah tii Saldhiga degmada Warta Nabadda.
"Waxaa wax laga xishoodo ah in rag madax kasoo noqday dalkan hadana doonaya in markale noqdaan madax ay hub culus ku weeraraan Saldhig ciidan ayagoo leh dad ku xiran ayaan soo damiinan rabnay, dadka xiran ma dhashiike iyo BKM ayaa lagu soo damiinana waa ceeb waxaas, waxay aheyd iney la hadlaan Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo haday la hadlaan ugu keeni lahaa dadkaas meesha ay joogaan" ayuu yiri Wasiir Fartaag.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya in Muqdisho ay tahay meel amni ah, islamarkaana cid kasta oo dooneysa carqaladeynta amniga in dowladdu ku qabaneyso gacan bir ah.

"Kuwa Cali Dheere u yeerana ee afka argagixisada ku hadla waxaan leeyahay Muqdisho argagixiso waxba k**a qaadi karto oo si awood ah ayaa looga saaray, taas ha ogaadaan" ayuu yiri Wasiir Fartaag.
Isagoo ka hadlaayay dhanka banaanbaxa Mucaaradka ku dhawaaqeen berito inuu dhacayo ayuu sheegay Wasiirka in sharciga dalku uu ogol yahay qabsoomida banaanbaxyo madani ah oo dadweynuhu ay cabashadooda kusoo gudbin karaan, hayeshe aan la aqbali karin banaanbaxyo lagu ilaalinayo hub, kaasoo wax yeeleynaya amniga, islamarkaana keeni kara isku dhacyo sababi kara dhibaatooyin kale.
Ugu dambeyntii hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka amniga gudaha ayaa ah mid sii xoojin kara xiisad siyaasadeed oo hor leh, maadaama mucaaradku ku dhawaaqeen qabashada banaanbaxaan, halka dowladda ay u muuqato inay ku adkaysaneyso in la joojiyo.

si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir

WARARKA MAANTA 25ka Siteembar, 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Maxay ciidamo badan u soo galeen  ?  Maxuu yahay dagaalk...
09/25/2025

WARARKA MAANTA 25ka Siteembar, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Maxay ciidamo badan u soo galeen ? Maxuu yahay dagaalka ka dhex qarxay kooxihii -Jadiid iyo Iyo Nolol? Yaa tuugsigii Carabka ka dhex bilaaway Xarunta Qaramada Midooway Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa madaxdii dalka u diiday inay shiraan oo dili rabay shalay? Yaa boobayhantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
New York 25Ka Siteembar 2025 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed barbar socda Meertada 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey la qaatay Dhaxal-sugaha dalka aan walaalaha nahay ee Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax.Kulanka ayaa intii uu socday waxa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha guud ee gobolka ee labada dal ay dan-wadaagta ka yihiin.
New York 25Ka Siteembar 2025 Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, “Waxaan aaminsanahay in waqtiga noo haray doorashada lagu qaban karo, kharashka doorashada waxaa bixineysa dowladda Soomaaliya, mowqifkeyga waa la garanayaa, waligey muddo kororsi ma ogolaan, inaan xafiiskaan ka tago welwel iguma heyso, habeenkii doorashadii h**e la iiga guuleystay aniga oo qoslaya ayaan hoolka ka soo baxay, hadana in doorashada la iiga adkaado waxba k**a qabo ee waxaan rabaa dalkaan waddo sax ah inuu maro.”
Muqdisho 25Ka Siteembar 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw Warsaxafadeed ay soo saartay uga hadashay iska hor imaadkii maanta ku dhexmaray gudaha magaalada Muqdisho ciidanka dowladda iyo kuwa ilaalada mucaaradka ee ka dhacay afaafka h**e ee saldhiga degmada Warta Nabadda.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa si adag loogu eedeyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo ciidamo ay wateen iney isku dayeen inay xoog ku qabsadaan saldhigga degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
"Dowladda waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkii maanta ka dhacay afaafka h**e ee Saldhiga degmada Warta Nabadda in masuuliyaddiisa qaadayaan xubnaha Mucaaradka ah.
"Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka ayaa u digtay siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo cid walba oo qalqal galineysa amniga guud ee Caasimadda dalka ee Muqdisho.

✔ Subscribe ✔ Share ✔ Like ✔Sahanka TV Waxaad ka heleysaa Wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 24 SaacNagu soo biir oo Subscribe saar ChanalkeenaDE...

WARARKA MAANTA 24ka Siteembar, 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa diidan dhulkii dowladda inay isticmaasho ama iibiso?...
09/24/2025

WARARKA MAANTA 24ka Siteembar, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa diidan dhulkii dowladda inay isticmaasho ama iibiso? Maxuu Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye: oo soo aaday kulanka golaha Qaramada Midoway ee u raab iinuu wada iibsado hantidii dadweynaha? Yaa boobayhantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 24Ka Siteembar2025 𝗛𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗳𝘁𝗮𝘆 – La-soco qaybtii ugu dambeysay ee barnaamijka oo aan ku xuseynno Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda. Waxaa marti noogu ah Yaasin Axmed Maxamuud oo ah Agaasimaha Guud, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawlad Goboleedka HirShabeelle iyo Xamdi Cabdisalaan Aadan, oo ah Guddoomiye Ku Xigeenka Ururka Dhallinyarada Caabudwaaq ee Dawlad Goboleedka Galmudug. Waxay dib u milicsanayaan hayaanka nabadda Soomaaliya, iyagoo ka hadlaya horumarka la gaaray, caqabadaha iyo xalka suurtagalka ah.
Caabudwaaq 24Ka Siteembar2025 Shan odeyaaal dhaqameed ee ka tirsanaa madax-dhaqameedka deegaanka Ceelwaaq, kuwaas oo u afduubnaa kooxda Al-Shabaab muddo 62 maalmood ah, ayaa ugu dambeyn ka hadlay xaaladdii ay ku sugnaayeen intii lagu hayay gudaha Soomaaliya.
Madax dhaqameedka la afduubtay ayaa kasoo muuqday fagaare dadweyne oo lagu qabtay munaasabad ay dadka degaankaasi u yaqaanaan Jukwaa la Usalama oo ka dhacay magaalada Ceelwaaq, halkaas oo ay kaga warbixiyeen tacaddiyadii, cabsidii iyo dhibaatooyinkii ay la kulmeen intii lagu hayay gacanta maleeshiyaadka.
Mid ka mid ah odayaasha ayaa yiri "Waxaan la kulanay cabsi joogto ah, cunto yari, cadaadis iyo hanjabaadyo joogto ah, Maalin walba waxaan filaneeynay geeri ama nolol, laakiin Ilaahay ayaa nasoi badbaadiyay."
Markii ay kasoo laabteen gacanta afduubayaasha, madax-dhaqameedkan ayaa hadda codsanaya taageero dhaqaale iyo la-talin dhanka maskaxda ah (trauma counseling) si ay uga soo kabtaan xanuunka ay la kulmeen.
Sidoo kale, waxay taageero buuxda u muujiyeen qorshaha dowladda ee ah in la hubeeyo lana tababaro maamulayaasha deegaanka, si ay isaga difaacaan khatarta Al-Shabaab ee ku soo badanaysa gobollada xuduudka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose ee Mandera South, saraakiil amni iyo dadweyne tiro badan oo muujiyay dareen murugo leh iyo taageero ay la garab taagan yihiin madaxdaas soo maray dhibaatooyinka.
Dowladda Kenya ayaa h**ey u shaacisay qorshe ay ku doonayso in lagu adkeeyo ammaanka gobollada ku dhow xuduudka, gaar ahaan kuwa sida Mandera, Wajir iyo Garissa oo marar badan lala beegsaday weerarro argagixiso.
24Ka Siteembar2025 Montreal Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Montreal ee dalka Canada kaga qeyb galay Shirka 42-aad ee Golaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 193 dowladood oo xubno ka ah ICAO, Hay’addaha caalamiga ah, shirkadaha diyaaradaha farsameeya ee ugu waa weyn aduunka sida Airbus iyo Boeing, shirkadaha ka shaqeeya qalabka casriga ah ee maamulka duulista rayidka iyo shirkadaha amniga ee soo saara qalabka lagu sugo amniga garoomada diyaaradaha.
Shirkan 42-aad ee Golaha Guud ee ICAO ayaa la filayaa in mudada uu socdo diiradda lagu saaro arrimo ay kamid yihiin amniga duulista rayidka, hal abuurka cusub ee farsamada, horumarinta kaabeyaasha garoomada diyaaradaha, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca Hawada.
Wafdiga dowladda Soomaaliya uga qeyb galay shirkaan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cabdikariin Cabdow Xeydar, waxaana ku wehliya masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan iyo masuuliyiin kale.
Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale halkaasi ka wada kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelanayaan nasuuliyiinta dhigoda ah ee ka qeyb galeysa shirkaan, iyagoona kala hadlaya sida lagu horumarin karo adeegyada duulista rayidka.
Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in ka qeybgalka shirkan uu Soomaaliya u yahay fursad muhiim ah, si loo xoojiyo xiriirka kala dhexeeya dalalka xubnaha ka ah ICAO iyo waliba iney ka faa’ideysataan sidii loo hormarin lahaa adeegyada duulista rayidka ee dalka.
Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sanadahii ugu dambeeyay horumaro waa weyn oo la taaban karo ka sameysay dhanka horumarinta adeegyada duulista rayidka Soomaaliyeed.
Moqokori 24Ka Siteembar2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo lagu dilay sadax ka mid ah saraakiisha sar sare ee kooxda u qaabilsaneyd gobolka Hiiraan.
Howlgalkan ayaa ahaa mid si gaar ah ay u fuliyeen ciidanka Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee (NISA oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka.
War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday sadax horjooge oo muhiim u ahaa kooxda Al-shabaab, islamarkaana dhibaato xoogan horay uga geystay deegaanada gobolka Hiiraan.
Sadaxda horjooge ee howlgalkan duqeynta ah lagu dilay waxaa ka mid ah oo magaciisa la shaacisay horjooge Cabdi Xiiray oo la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha sare ee kooxda, islamarkana ka dambeeyay weeraro iyo falal amni darro oo ka dhacay deegaanada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Warka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in faahfaahin intan ka badan oo ku saabsan howlgalka iyo natiijadiisa rasmiga ah la soo bandhigi doono saacadaha soo socda.
Howlgalkan duqeynta ah ee lagu dilay horjoogayaashan ka tirsana Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowladda ee garabka ka helaya kuwa saaxiibada Caalamka ay kordhiyeen mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Join this channel to get access to perks:https://www.youtube.com/channel/UCoBcQ0XGb6Fc_u6eLHgJ8nA/join

WARARKA MAANTA 21ka Siteembar, 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa la afgamin rabaa Madaxweyne mise Raysal Wasaare? Max...
09/21/2025

WARARKA MAANTA 21ka Siteembar, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa la afgamin rabaa Madaxweyne mise Raysal Wasaare? Maxuu Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye: oo soo aaday kulanka golaha Qaramada Midoway ee ? Yaa boobayhantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 21Ka Siteembar2025 R𝐚'𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚” 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐥𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐲𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚
Muqdisho, Axad, 21 Sebteembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taasi oo laga hirgelinayo dhisme casri ah oo qeyb ka qaadan doona horumarinta deegga Waxbarasho ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda Waxbarashada dalka ay muujinayso dadaalka dowladda ee ku aaddan tayeynta adeegyada bulshada iyo barbaarinta Ubadka Soomaaliyeed, maadaama ay wasaaraddani ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowladda.
“Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal badan gelisay tayeynta waxbarashada dalka iyo casriyeynta dhammaan nidaamyada waxbarashada bilow ilaa dhammaad, waxaa la dhisay Guddiga Tacliinta Sare si loo helo waxbarasho jaamacadeed oo horumarsan, Waxaana naga go’an in ubadkeennu helaan aqoon iyo xirfad tayo sare leh”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
“Wasaaraddaan Waxaa ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, maadaama ay maamuleyso wixii ugu muhiimsanaa ee dalkani uu lahaa oo ah ubadka, dhallinyarada doonaya in ay wax bartaan dowladda waxaa ay ku leeyihiin waa in ay hagaajiso goobihii ay wax ku baran lahaayeen”.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dalka dadaalkooda ku aaddan horumarinta adeegga waxbarasho ee dalka, ilaalinta xogta ardayga iyo casriyeynta nidaamka tacliinta.
— Dhammaad —
Muqdisho 21Ka Siteembar2025 Madaxweyne Kajjoog dhiiqaad lugaha la galoohoysaa ee kajjoog!
Dhulka danta guud waa hanti ay wadaagaan muwaadiniinta masuulna ay uga tahay dowlada, waxaana loogu talagalay inay ka faa’iideystaan bulshada oo dhan, gaar ahaan kuwa danyarta ah ee aan haysan meel ay ku nastaan. Marka la xaraasho dhulkan oo masaakiinta laga raro, waxaa dhacaysa kow, iney waayaan meel ay ku noolaasaan iyo labo cadaalad darro iyo dulmi ka hor imanaya mabda’a Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee soojireenka ah.
Allaah (SWT) wuxuu yiri:
وَلَا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُم بَيْنَكُم بِالْبَاطِلِ وَتُدْلُوا بِهَا إِلَى الْحُكَّامِ لِتَأْكُلُوا فَرِيقًا مِّنْ أَمْوَالِ النَّاسِ بِالْإِثْمِ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ
(البقرة: " Ha cunina hantida dadka si baadil ah, hana u siinina laaluush kuwa xukunka haaya si aad si baadil ah ugu cuntaan hantida dadka xumaan iyo dulmi idinkoo og.”
Sidoo kale Nabigeenna (NNKH) wuxuu yiri:
مَنْ ظَلَمَ قِيدَ شِبْرٍ مِنَ الْأَرْضِ طَوَّقَهُ اللَّهُ إِيَّاهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ مِنْ سَبْعِ أَرَضِينَ
(رواه البخاري ومسلم)
“Qofkii si dulmi ah dhulka cid kale uga qaata, Alle wuxuu maalinta qiyaame qoorta kaga xannibi doonaa toddobo dhul oo is dul saaran.”
Aayaddan iyo xadiiskani waxay ina tusayaan in xaraashka iyo xoog ku qaadashada dhulka dadka masaakiinta ah ay tahay arrin diinta Islaamka ka hor imanaysa, isla markaana dhalin karta caro dadweyne iyo khalkhal bulsho.
Taariikhdu waxay marag ka tahay waxa ka dhalan kara in dulmi iyo xoog lagu qaato xuquuqda shacabka:
Aan fiirino dhowrka tusaale.
Dadka Nebal ayaa markii laga xanibay adeegyada isgaarsiinta lana maquunjyay ku kacay bannaanbaxyo ballaaran, taas oo dhalisay fowdo iyo khasaare naf iyo maalba leh ugu dambeyna lagu riday dowladii wadanka oo dhan.
Wadanka Suudaan dhowr jeer ayaa kacdoonno ka dhashay cadaalad darro iyo xaraash dhul iyo hanti shacabka laga qaaday, taas oo horseeday dagaallo iyo burbur dowladeed ilaa Suudaan ay u kala go'do labo dal.
Dalal kale oo Afrika ah hadii aan iyaga Fiirinana, Taariikhdu waxay caddeysay in markasta oo shacabka la cadaadiyo, ay kacaan, iyadoo natiijadu noqoto nabadgelyo darro iyo burbur dhaqaale, tusaale dheer inaga oo aan raadinin burburkii sodonka sano ee aan sooo marnay waxa uu ka dhashay kacdoon dad weyne ee Dowladii Militariga ee Soomaaliya.
Mudane Madaxweyne, bulshada Soomaaliyeed waxay maanta u baahan tahay caddaalad, isku-duubni iyo nabad. Amarka xaraashka dhulka masaakiinta waa mid dhaawici kara kalsoonida shacabka ee dowladnimada, isla markaana kicin kara kacdoon dadweyne oo sababi kara burbur aan laga soo kaban karin.
Hadaba waxaan kaa dalbanayaan inaad si degdeg ah u qaado talaabooyiinkan soo socda
1) Garsoorka iyo Booliska far in aysan bulshada dulminin.
2) Dhulka danta guud haloo daayo dadka danyarta ah.
3) Dowladdu waa iney u jiheysataa iney la timaado qorshe doorasho oo loo dhanyahay.
4) Dowlada waa ineysan qasbin bulshada oo ay joojiso caburinta.
Ugu dambeyntii, Nabigu (NNKH) wuxuu yiri:
مَا مِنْ عَبْدٍ يَسْتَرْعِيهِ اللَّهُ رَعِيَّةً يَمُوتُ يَوْمَ يَمُوتُ وَهُوَ غَاشٌّ لِرَعِيَّتِهِ إِلَّا حَرَّمَ اللَّهُ عَلَيْهِ الْجَنَّةَ
(رواه مسلم)
“Qofka Alle masuul uga dhigo dad, oo uu dhinto isagoo khiyaano u geystay dadkii loo dhiibay, Jannada Alle waa ka xaaraantinimeeyaa.”
Haddaba Madaxweyne, masuuliyadda Alle kugu dhiibay ummada Soomaaliyeed waa mid culus, bulshada adiga ayaa masuul lagaaga dhigay, ee fadlan ka digtoonow dulmiga iyo amarada keeni kara kacdoon dadweyne.
New York 21Ka Siteembar2025 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa golaha nabadda iyo amniga ee ugu sarreeya adduunka iyo madasha iskaashi, taas oo leh wadashaqeyn dhinacyo badan leh, muddo tobannaan sano ah ka dib, Soomaaliya waxay noqotay xubin aan joogto ahayn muddada 2025-2026.
Halkaan waxaa ka muuqda, Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay oo khudbad ka jeediyay fadhi uu lahaa golaha.
Awdal 21Ka Siteembar2025 “Xog kasoo baxday baadhitaan lagu sameeyay weerar uu sheegay Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Jabuuti in koox aan la garanayn kusoo qaaday laba jeer, ayaa lagu sheegay in wakiilku isagu xabado isku dhuftay, naftiisana dhaawac u geystay sababo aan illaa hadda la garanayn awgood.
Guddida Nabadgelyada ee Gobolka Awdal oo baadhitaan ku sameeyay weerarrada la sheegay in lagu qaaday Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Jabuuti, Cabdifataax Cilmi Muxumed, ayaa sheegay in ay ogaadeen in wakiilku uu isagu is dhaawacay, kadib markii ay sameeyeen baadhitaan, isla markaana uu xabbad isagu isku riday.
Wakiilku waxa uu maalmo ka hor sheegay in koox hubeysan ku weerartay isagoo safar ku marayay jidka isku xidha Boorama iyo Gabiley, dhaawicii soo gaadhayna loo dhigay isbitaalka Boorama. Hase yeeshee markii uu kasoo bogsaday dhaawacii h**e ee isbitaalka kasoo baxay, ayuu mar kale sheegay in gurigiisa lagu soo weeraray isla markaana xabbad afka kaga dhacday.
“Tani waxa ay ahayd, sida nooga muuqata baadhista, in uu baastooladda afka gashaday kadibna gudaha iskaga dhuftay, isagoo ciridkiisa ka ilaalinaya. Waa baastooladda nooca yar yar ee Turkiga sameeyo, waxaana noo soo baxday in rasaasta iyo baastooladdii la adeegsaday ay isleeyihiin,” ayuu yidhi Taliyaha Laanta Baadhista Dambiyada Gobolka Awdal, Dhamme Maxamed Cabdillaahi Muuse.
Guddidu waxa kale oo ay sheegeen in dhakhtarku xaqiijiyay in dhaawaca ka muuqday wakiilka aanu ka imaanin xabbad dibedda kaga timid, balse uu gudaha iskaga dhuftay. Sidoo kale, markii ay baadhis sameeyeen waxay sheegeen in ay ogaadeen in baastoolad uu haystay uu u adeegsaday dhaawacyadaas, isla markaana ay gurigiisa ka heleen kiniinno loo isticmaalo xanuunnada dhimirka.
Ilaa hadda lama oga sababta ku kalliftay falalkaas. Waaxda baadhistuna waxay sheegtay in wakiilku labada jeerba sheegay in aanu garanayn cidda xabbadda ku dhuftay, balse raadadka rasaasta oo laga helay gurigiisa ay caddeeyeen in aanu weerar dibedda kaga iman, isla markaana uu isagu isku dhuftay xabbaddaas, baastooladdana uu gurigiisa kaga tegay.
Muqdisho 21Ka Siteembar2025 “Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Ahmed Moallim Fiqi, ayaa si cad ugu muujiyey taageero Congress-woman Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, taasoo keentay fal-celin siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba laga dareemay.
Wasiir Fiqi ayaa bartiisa Facebook ku qoray: “Haddii gabadheenna loo beegsanayo aqoonsigeeda, si adag ayaan u garab istaagi doonaa… Anigoo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, si cad ayaan u leeyahay Waxaan la jirayaa Ilhan.”
Fiqi wuxuu sidoo kale ku tilmaamay Ilhan “gabar tusaale fiican u ah bulshada,” isagoo xusay inay guul gaartay “iyada oo aan cidna ku tiirsanayn.”
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dadka dhaleeceynaya aysan xaq u lahayn in ay "Soomaaliya ku eedeeyaan ama u gafaan meesha ay ka dhalatay awgeed."
Hadalka Wasiirka ayaa si degdeg ah u kiciyey dood ku saabsan hab-dhaqanka diblomaasiyadeed iyo faragelinta arrimaha gudaha ee waddan kale.
Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib markii Ilhan Omar ay dhaleeceyn adag ay kala kulantay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo wax ka sheegay Dalka ay kasoo jeedo ee Soomaaliya si lamid ah markii ay habka qaxootiga ah ay ku galaysay wadankaasi.
Ilhan Omar, oo ah gabadh Soomaali-Maraykan ah, kana tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, ayaa marar badan wajahday dhaleeceyn la xiriirta aragtideeda siyaasadeed iyo asalka dalka ay ka soo jeedo, Si kastaba ha ahaatee, waxay kaloo tahay si weyn taageero uga haysataa bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool iyo kuwa gudaha Soomaaliya.

si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SNTV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

SNTV is a media outlet, and property of Somali Media Empire (SME)

We edit, publish and disseminate information and news at it happens