Somali Wired News

Somali Wired News Welcome to the Somali Wired News! http://www.somaliwirednews.com Somali Wired News is a Property of Somali Media Empire.

WARARKA MAANTA 25ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa raba inuu Madaxweynaha   Mr. Saciid Deni xilka lagu tu...
10/25/2025

WARARKA MAANTA 25ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa raba inuu Madaxweynaha Mr. Saciid Deni xilka lagu tuuro? Yaase diiday inuu sameeyo Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa Guddoomiye u doortay Maama Jawaahir Baarqab? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 25ka Oktoobar 2025 Adeeg waxtar leh oo ay xirfadi ka muuqato oo ay bixiyaan Ciidanka Asluubta ayaa ah aas-aaska hannaanka sareynta sharciga ee dalka. Sidaas darteed, magaalada Muqdisho ayaa dhowaan lagu qabtay kulan ay taageertay Qaramada Midoobay, kaas oo lagu horumarinayay nidaam asluub oo ammaan ah isla markaana dhowraya bini’aadannimada guud ahaan Soomaaliya.
Khubaro ka socotay UNTMIS iyo UNODC ayaa qabtay aqoon-is-weydaarsi farsamo oo socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo ay ka qayb galeen 20 xubnood oo ka kala socday Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ciidanka Asluubta iyo bulshada rayidka ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa agabka tababarka, si wadatashi dheeraad ah loola yeesho Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Muqdisho 25ka Oktoobar 2025 Ciidanka Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Garasbaaley ee magaalada Muqdisho ayaa ku gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan iney dhac u geysanayeen dad shacabka ah.
Ragaani oo ah laba nin oo ka tirsan askarta ciidanka dowladda ayaa la qabtay iyagoo ku guda jiray fal dhac ah oo ka geeynayeen waaxda Siinka dheer ee degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.
War kooban oo kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ragaan ku eedeysan dhaca dadweyne loo gudbin doono maxkamadaha ku shaqada leh kiiskooda.
Labada askari ee lagu soo qabtay falka dhaca ah ayaa lagu kala magacaaba Dable Mustaf Niisaam Maxamed iyo Dable Anas Maxamed Muumin, kuwaas oo ku labisna dareeska ciidamada dowladda.
Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho iney la shaqeeyaan ciidamada amniga, islamarkaana ay soo gudbiyaan wax kasta oo ku saabsan falalka amni darrada ah, si loo sugo amniga guud ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Soo qabashada ragaan dhaca dadweyne ku eedeysan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ciidamada amaanka magaalada Muqdisho ay si weyn u kordhiyeen howlgalada ay uga hortagayaan dhibaatooyinka loo geysto dadka ku nool qeybaha kala duwan ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Puntland 25ka Oktoobar 2025 Shir maalmo u socday isimada dhaqanka ee Gobolka Bari ee magaalada Boosaaso ayaa lagu soo gabagabeeyay war murtiyeed ay kaga hadlayeen xaaladda guud ee Puntland iyo tan gaarka ah ee gobolka Bari.
Isimada ayaa kulankooda diiradda ku saaray midnimada ummadda Soomaaliyeed, xaaladda siyaasadeed ee Puntland, howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad, cabashada kaluumaysatada iyo adeegyada bulshada ee magaalada Boosaaso.
Warmurtiyeed kasoo baxay shirkooda ayay ugu baaqeen madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, isla markaana la hormariyo danaha guud ee dadka iyo dalka.
Isimadu waxay sheegeen inay si dhow ula socdaan isbeddellada siyaasadeed ee ka socda Puntland, ayna muhiim tahay in isimada dhaqanka Puntland ay isugu yimaadaan shir degdeg ah si loogu gogol xaaro shirweynaha saamileyda Puntland, maaddaama uu isbeddel ku yimid nidaamkii Puntland lagu dhisay 1998-kii.
Dhinaca amniga, isimadu waxay bogaadiyeen howlgalka uu maamulka Puntland ka wado buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, iyagoo Alle uga baryay naxariis intii ku dhimatay iyo caafimaad degdeg ah dhaawacyada, iyagoo maamulka ugu baaqay in la daryeelo askarta ku dhaawacantay iyo agoomaha askarta geeriyootay.
Isimadu waxay ka hadleen cabashooyinka kasoo yeeraya kaluumaysatada xeebaha Puntland, kuwaas oo sheegay in ay dhibaato ku hayaan jirriif sharci darro ah oo halis geliyay noloshooda iyo hantidooda. Waxay ugu baaqeen Puntland in ay si degdeg ah wax uga qabato arrintaas.
Ugu dambayn, waxay madaxda sare ee Puntland ku booriyeen inay wax ka qabtaan cabashooyinka shacabka Boosaaso ee la xiriira qiimaha sare ee biyaha iyo korontada, isla markaana ay magaalada Boosaaso siiyaan qeyb kamid ah dakhliga dekedda Boosaaso si loogu adeegsado horumarinta kaabayaasheeda dhaqaalaha.
Dhanka kale, Xasan Shire Abgaal, oo kamid ah mucaaradka Puntland, ayaa soo dhoweeyay bayaanka ay soo saareen isimada dhaqanka ee gobolka Bari. Wuxuu sheegay in uu bogaadinayo war murtiyeedka isimada oo ka hadlayay xaaladda Puntland iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.
Wuxuu intaas ku daray inuu ka codsanayo isimada dhaqanka ee Puntland inay taageeraan qabsoomidda shir weyn oo la isku imanayo, maadaama uu isbeddel ku yimid heshiiskii aas-aaska Puntland ee 1998-kii.
Muqdisho Iyo Addis Ababa 25ka Oktoobar 2025 Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyadoo shirkii 11-aad ee Madasha Sare ee Tana ee Amniga Afrika uu diiradda saaray doorka istiraatiijiga ah ee gobolkaasi ku leeyahay arrimaha amniga iyo horumarka qaaradda.
Maalintii ugu horraysay ee shirka, oo lagu qabtay magaalada Bahir Dar ee waqooyiga Itoobiya, ayaa lagu falanqeeyay arrimaha amniga iyo iskaashiga dalalka gobolka, iyadoo hoggaamiyeyaashu ku baaqeen in la dardar geliyo tallaabooyinka wadareed ee lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka.
Aqoonyahano iyo mas’uuliyiin heer sare ah ayaa ka qeyb galay shirka, waxaana madasha ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Ambassador Hadera Abera, oo sheegay in Itoobiya ay door muuqda ka ciyaartay ilaalinta amniga iyo nabadda gobolka.
Ambassador Hadera ayaa hoosta ka xarriiqay in Itoobiya ay sii wadi doonto doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan dhiirrigelinta nabadda iyo iskaashiga dalalka deriska ah.
“Itoobiya waxay sii xoojin doontaa kaalinteeda muhiimka ah ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika,” ayuu yiri Hadera.
Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Ali Mohamed Omar, ayaa faahfaahiyay dadaallada ay Soomaaliya waddo ee dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo sugidda nabadda kaddib sanado badan oo colaado ah.
Sidoo kale, Wakiilka Ururka IGAD ee Midowga Afrika, Maureen Achieng, ayaa soo bandhigtay kaalinta sii kordheysa ee IGAD ee ku aaddan fududeynta wadahadallada, xallinta khilaafaadka iyo kor u qaadidda midnimada dalalka Geeska Afrika.

✔ Subscribe ✔ Share ✔ Like ✔Wardoon Waxaad ka heleysaa Wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 24 SaacNagu soo biir oo Subscribe saar ChanalkeenaDEG D...

WARARKA MAANTA 24ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Maxuu laba sanno muddo kororsi ah u dalbanayaa Madaxweyne ...
10/24/2025

WARARKA MAANTA 24ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Maxuu laba sanno muddo kororsi ah u dalbanayaa Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa Guddoomiye u doortay Maama Jawaahir Baarqab? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Turkey 24ka Oktoobar 2025 LSafaaradda Dowladda Soomaaliya ee Ankara ayaa bilihii lasoo dhaafay ku mashquulsanayd xal u helitaanka sharciga deganaanshaha qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.
Danjire Faxtudiin Cali Maxamed (Ospite) asaga oo ka duulaya arinkaas ayuu shir muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Ali Yerlikaya, Kulanka waxaa diirada lagu saaray arrimo la xiriira deganaanshaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga iyo sidi arrinkan xal waara loogu heli lahaa.
Danjire Ospite ayaa mahad gaar u celiyay Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka XFS oo arrinkan Safaaradda si dhow u gala shaqeeyay, Sidoo kale, wuxuu danjiruhu mahad weyn u celiyay Jamhuuriyadda Turkiga, taageerada iyo garab-istaagga joogtada ah ee ay mar walba u muujiyaan Dowladda Soomaaliya.
Muqdisho 24ka Oktoobar 2025 Lubumbashi, Kongo DRC, Octoober 24, 2025: Wafdi uu hogaaminayey Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo EAC, Mudane Ilyaas Cali Xasan ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Lubumbashi ee ka tirsan gobolka Haut-Katanga dalka DRC Kongo, Masuuliyiin ka tirsan Dowladda DRC Kongo iyo bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey danjiraha.
Danjire Ilyaas oo Socdaal shaqo uu ku jooga dalka DRC Kongo, ayaa u kuur galaya xaaladda dadka Soomaaliyeed kuheysata wadankaas, isagoona kulamo kale duwan la-qaatey Jaaliyadda degan magaalada Kinshasa, sidoo kale wuxuu kulamo kala duwan la-qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Lubumbashi.
Muqdisho 24ka Oktoobar 2025 Maanta waa Maalinta Qaramada Midoobay - iyo sidoo kale sanadguuradii 80aad ee QM! Qaramada Midoobay waa ururka caalamiga ah ee ugu weyn adduunka, taas oo ka dhigaysa in uu si dhab ah u noqdo mid caalami ah oo dunida dhan gaara, laakiin sidoo kale aad ayuu uga sii xeeldheer yahay intaas: waa "Ballanqaad nool oo ku baahsan soohdimaha, buundooyinka qaaradaha iyo dhiirigeliyaha jiilasha."
Muqdisho 24ka Oktoobar 2025 Tuulada Kursi ee degmada Wajeer, ayaa si weyn looga ammaanay qoys Soomaaliyeed oo muddo ku dhowaad laba sano daryeelay haramacad dhal ah, kadib markii ay si lama filaan ah uga heleen meel cidla ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Adeegga Duurjoogta Kenya (KWS).
Qoyska oo ay hormuud u yihiin Bashiir Cabdi Xuseen iyo qoyskiisa ayaa sheegay in ay haramcadka yar heleen isagoo aad u tabar daran, halka hooyadiis oo bakhtiday ay agtiisa ku taallay. Bashiir oo la hadlayay BBC-da ayaa xusay in ay carruurtiisu markii h**e arkeen xayawaanka, islamarkaana ay u waceen si uu u eego xaaladdiisa
“Maalin maalmaha ka mid ah ayaa carruurtii yaryareyd ii sheegeen in ay arkeen bahal yar oo macluulsan, Markii aan u tagay waxaan arkay haramcad yar oo geedka salkiisa hoos galay, hooyadiisna wey ag taallay, Wuu liitay, markaas ayaan soo qaaday oo daryeel u sameeyay,” ayuu yiri Bashiir.
Qoyska ayaa haramcadka si kalgacal leh u korsaday, waxayna muddo dheer siiyeen daryeel, cunto iyo hoy, ka hor inta aysan ugu dambayn ku wareejin Hay’adda Duurjoogta ee Kenya (KWS).
Saraakiil ka tirsan KWS ayaa sheegay in ay ku sameeynayaan baaritaan caafimaad iyo qiimeyn lagu hubinayo caafimaadka iyo hab-dhaqanka xayawaanka, kahor inta aan la geyn xarunta duurjoogta ee lagu daryeelo.
Hay’adda KWS ayaa qoyska ku bogaadisay talaabadooda naxariisda iyo masuuliyadda leh ee ay ku badbaadiyeen xayawaanka, waxayna sheegeen in dhacdadan ay tusaale fiican u tahay sida bulshada deegaanku uga qayb qaadan karto ilaalinta duurjoogta dalka.
Dhacdadan ayaa dhalisay hadal heyn iyo bogaadin ballaaran oo ka timid bulshada deegaanka iyo baraha bulshada, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen qoyskaasi “geesiyaal deegaanka u adeega.”
Maraylanka 24ka Oktoobar 2025 Dowladda Maraykanka ayaa xalay duqeymo ka fulisay togga Baallade, halkaas oo ay weli ku sugan dagaalamayaal katirsan kooxda Daacish.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Muddo kororsi waa waajib, Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh waxuu xaq u leeyahay haddii ay mucaaradka diidaan qof iyo cod,...
10/23/2025

Muddo kororsi waa waajib, Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh waxuu xaq u leeyahay haddii ay mucaaradka diidaan qof iyo cod, in loogu daro muddo sannad ama laba sanno si uu dalka u gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah taasoo laga wada qaban doono gudaha dalka iyo dibadda oo ay jaalliyado farabadan oo Soomaali ah ay ku nool yihiin. Dowladda Dan-Qaran waxay qabatay shaqooyin itus oo itaabsii ah marka khaladaadka yar yar iyo hammiga mucaaradka waxaa ka weyn ka shaqaynta danta guud iyo nabadgelyada dadka iyo dalka.
Waa nasiib-darro weyn in ay maamul goballeedyada dalka ka dhisan aysan si wada-jira ula shaqaynayn Dowladda Federaalka Soomaaliya ayagoo dadka maamulladaas maamula ama hoggaamiya ay kaliya siyaasadda ka dhex fiirsadaa/ka dhex ugaarsadaan wixii danahooda shaqsi ahaaneed ay ku gaari karaan tan 1991dii ilaa iyo maanta.
waxay u baahan tahay siyaasiyiin iyo shacab ka wada shaqeeya danta guud iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed oo aan u shaqaynayn shisheeye iyo shisheeye kalkaal kuwaasoo umalaynaya inay weligood khaldi karaan Ummada Soomaaliyeed oo dulqaad farabadan soo muujinaysay muddo 35 sanno ah.
Illaahay ha laga baqo oo dib hanoo celinina siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda Dowladda Dan-Qaran!

Waad Mahadsan Tihiin Dhamaantiin,
Qoraa Dr. Badal W. Kaariye

WARARKA MAANTA 23ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa diiday inuu baaro kiiskii lagu dilay Kornayl Ikraam Ta...
10/23/2025

WARARKA MAANTA 23ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa diiday inuu baaro kiiskii lagu dilay Kornayl Ikraam Taxaliil Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa doorasho bug ah qabsan raba? Yaa diiday inuu sameeyo Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa Guddoomiye u doortay Maama Jawaahir Baarqab? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 23ka Oktoobar 2025 Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr, ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanada Ceel Lahelay iyo Dhaban-dhulkuheys ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay khasaare culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in lagu dilay ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, halka kuwo kale oo badan lagu dhaawacay, kuwaas oo uu ku jiro horjoogihii Al-Shabaab ee ka howlgalayay aagga Ceelgaras.
Warbaahinta Qaranka sheegtay in Howlgalka uu qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha nabadda iyo nolosha shacabka diidan, waxaana la sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad dagaal oo ay ka tageen cadowgu markii ay ka carareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.
Wararka ka imaanaya deegaanka ayaa tilmaamaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan weli ka socdaan tuulooyin dhowr ah oo hoos taga Ceelgaras, iyadoo ciidanku ay wadaan baadi-goob iyo nadiifin ay kaga hortagayaan in Al shabaab dib ugu soo laabto.
Saraakiishu waxay bulshada ku nool deegaannadaas ugu baaqeen inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo nabadda waarta ee Galmudug.
Muqdisho 23ka Oktoobar 2025 Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku xiray sii deynta maxaabiista ciidamada Somaliland ee ay gacanta ku hayaan, in la gaaro heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaaddii ka dhacday gobolka Sool.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi, oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in maxaabiista la sii daayo iyada oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin dagaalladii Laascaanood.
“Ma sii deynayno maxaabiis sabab la’aan. Qaar ka mid ah maxaabiista waxay ku lug leeyihiin dambiyo culus, waxaana suuragal ah in la horkeeno maxkamad si loogala xisaabtamo xasuuqii iyo barakacintii loo geystay shacabka Laascaanood,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Dr. Aadan ayaa sheegay in haddii wadahadal dhab ah dhaco oo Somaliland ay ogolaato heshiis nabadeed, ay diyaar u yihiin in la sii daayo maxaabiista ay gacanta ku hayaan. “Laakiin inta Somaliland aaminsan tahay inay dhulkan xoog ku qabsan karto, ma suurtoobi karto in maxaabiis la kala wareego,” ayuu raaciyay.
Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in maamulkoodu u h**ey u sii daayay 25 maxbuus, oo uusan garanayn waxa lagu beddeshay sii deyntooda. Wuxuu xusay in maamulka Waqooyi Bari uusan ku faraxsanayn in muddo saddex sano ah maxaabiis la kala haysto, eeddana wuxuu dusha ka saaray Somaliland oo diiddan wada hadal sida uu sheegay.
Hadalka guddoomiyaha ayaa imaanaya xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu doonayo in maamulka Waqooyi Bari ay ku wareejiyaan Dowladda Federaalka maxaabiista Somaliland, si loo abuuro kalsooni.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo bishii July ee sanadkan safar ku tagay Laascaanood, ayaa ku guulaystay inuu kala wareego maamulkii SSC-Khaatumo 25 maxbuus oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland, kuwaas oo lagu sii wareejiyay maamulka Somaliland.
Dhawaan, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in maxaabiista labada dhinac la kala hayo la sii daayo, si loo xoojiyo nabadda iyo dib u heshiisiinta gobolka.
Muqdisho 23ka Oktoobar 2025 Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr ayaa caawa deegaanada Ceelahelay iyo Dhaban-dhulkuheys ee gobolka Galgaduud ka fuliyey howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyey cadowga Khawaarijta ah.
Saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey inay dileen ugu yaraan shan dhagarqabe, iyagoo howlgalkaas ku dhaawacay maleeshiyaad kale oo horjoogihii Khawaarijta ee aagga Ceelgaras uu ku jiro.
Howlgalka ayaa weli ka socda tuulooyin u dhow deegaanka Ceelgaras, waxayna dhagarqabayaashii Khawaarijta isaga carareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.
Muqdisho 23ka Oktoobar 2025 Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray digniin adag oo ku socota xildhibaanada si joogto ah uga maqnaada fadhiyada Baarlamaanka iyagoo aan lahayn cudur daar sax ah ama fasax caafimaad, kaddib markii laba fadhi oo todobaadkan qorshaysnaa ay baaqdeen sababo la xiriira quorum la’aan.
Habdhoowraha Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullaahi Nuux, ayaa fadhigii maanta ka akhriyey magacyada xildhibaanadii ka maqnaa kulamadii h**e, isagoo sheegay in tallaabadan lagu xaqiijinayo isla xisaabtan iyo masuuliyad.
Baarlamaanka Federaalka ayaa caadiyan isugu yimaada saddex jeer usbuucii, Sabti, Isniin, iyo Arbaco, hase yeeshee labadii fadhi ee ugu dambeeyay ayaa la joojiyey sababo la xiriira tirada xildhibaanada oo aan buuxin shuruudda quorum-ka, kaliya hal fadhi ayaa si guul leh u qabsoomay toddobaadkan.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa marar badan ku booriyay xildhibaanada in ay si joogto ah uga soo qaybgalaan fadhiyada, si loo horumariyo howlaha sharci dejinta iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah.
Waxaa sidoo kale lagu wargeliyay in magacyada xildhibaanada aan soo xaadirin lagu magacaabi doono fadhiyada soo socda si loo muujiyo cidda ka gaabisay shaqada Baarlamaanka.
Digniintan ayaa muujineysa sida ay muhiimka u tahay ka-qaybgalka joogtada ah ee xildhibaanada, maadaama maqnaanshaha badan uu dhaawacayo waxqabadka iyo shaqo gudashada hay’adda sharci dejinta ee dalka.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay si dhab ah u daba-galaan xildhibaan kasta oo aan waajibaadkiisa gudan, si loo hubiyo in Golaha Shacabka uu si buuxda u shaqeeyo.
Muqdisho 23ka Oktoobar 2025 Ka-qaybgalka siyaasadda haweenku waa shardi aasaasi u ah sinnaanta iyo dimoqraadiyadda dhabta ah - iyadoo la taageerayo dadaallada noocan oo kale ah ee Soomaaliya, ayey UNTMIS dhowaan iskaashi la sameysay Ururka Suxufiyiinta Galmudug (Galja) waxaana magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay aqoon-is-weydaarsi labo maalmood ah oo ku saabsanaa qoondada haweenka ee 30% ee baarlamaanka dalka.
Tababarkan ayaa waxaa isugu yimid 30 suxufi iyo wakiilo ka socday bulshada rayidka ah oo ka kala yimid guud ahaan Galmudug si kor loogu qaado fahamkooda iyo soo tebinta iyo u ololeynta sidii haweenku ay si siman uga qayb qaadan lahaayeen hannaanka siyaasadda.

si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir

WARARKA MAANTA 22ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa doorasho bug ah qabsan raba? Yaa diiday inuu sameeyo  ...
10/22/2025

WARARKA MAANTA 22ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa doorasho bug ah qabsan raba? Yaa diiday inuu sameeyo Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 22ka Oktoobar 2025 Maxkamadda Degmada Dharkeenley ayaa soo saartay amar rasmi ah oo lagu soo xirayo Maxamed Cabdullaahi Siyaad, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Yaaqshiid, kadib markii uu si toos ah u weeraray xarunta Maxkamadda, isagoo sida lagu sheegay warqadda maxkamadda, si cad u hor istaagay amar maxkamadeed.
Sida ku cad waraaqda amarka soo qabashada ee ay soo saartay Maxkamadda Dharkeenley (Ref: M.D.Dh.Ref.15/2025), Maxamed Cabdullaahi Siyaad ayaa lagu eedeeyay in uu sameeyay falal ka dhan ah sharcig, sida, Hor istaag amar maxkamadeed, Aflagaado iyo hanjabaad, Weerar uu si toos ah ugu qaaday xarunta maxkamadda isagoo wata ciidamo iyo hub sharci darro ah
Wararka la helayo ayaa sheegaya in falka weerarka uu yimid kadib markii maxkamaddu ay qabatay, dacwad ka dhan ah Maxamed Cabdullaahi, taasoo ku saabsanayd in uusan bixin kirada guri uu ka deganaa degmada Dharkeenley, taas oo keentay muran sharci ah oo la horgeeyay maxkamadda.
Maxkamadda ayaa sheegtay in uu si buuxda ugu xadgudbay qodobbada kala ah 263, 267, 268 iyo 269 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS), kuwaas oo quseeya falal liddi ku ah amniga, hanjabaadda, iyo caqabadeynta fulinta amar maxkamadeed.
Guddoomiyaha Maxkamadda Dharkeenley, Dr. Maxamed Aadan Cusmaan, ayaa ku amray Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Dharkeenley in uu si degdeg ah u soo xiro Maxamed Cabdullaahi Siyaad, loona keeno maxkamadda si dacwaddiisa loo qaado.
Waxaa weli la sugayaa war rasmi ah oo kasoo baxa maamulka gobolka ama dowladda hoose ee Muqdisho oo ku saabsan falka eedeysanaha iyo tallaabada laga qaadayo.
Muqdisho 22ka Oktoobar 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in la dhiso deked cusub oo masaafo dhan 35 km u jirta magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo ganacsiga badda loona yareeyo ciriiriga dekedda Muqdisho ee hadda jirta.
Dekeddan cusub ayaa sida dowladdu sheegtay waxay qeyb ka noqon doontaa qorshe ballaaran oo lagu casriyeynayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, sida dhismaha garoon diyaaradeed oo caalami ah iyo aag ganacsi oo gaar ah.
Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur, oo wareysi siiyay warbaahinta Alcaraby ayaa sheegay in dekedda hadda jirta ay noqotay mid kaalin muhiim ah ka ciyaarta dhaqaalaha Soomaaliya iyo ganacsiga gobolka.
Maareeyaha dekeddu wuxuu sheegay qorshayaasha horumarineed ee cusub inay gacan ka geysan doonaan in dakhliga dekeddu uu gaaro $500 milyan sanadkiiba sanadka 2030, taasoo abuuri doonta sida uu sheegay in ka badan 25,000 shaqo oo toos ah iyo kuwo dadban.
Dhawaan, Dekedda Muqdisho ayaa lagu qiimeeyay dekedda ugu wanaagsan Bariga Afrika, iyadoo kaalinta labaad ka gashay dalalka Sahel iyo Saxaraha, sida lagu muujiyay warbixin kasoo baxday qiimaynta waxqabadyada dekedaha oo uu soo saaray Bangiga Adduunka.
Si kastaba, ciriiriga maraakiibta waaweyn ayaa weli ah caqabad, taasoo ka mid ah sababaha keentay qorshaha deked cusub. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay xoogga saareyso ilaalinta badeecadaha la soo dejiyo, ka hortagga badeecooyinka sharci-darrada ah iyo kuwa waqtigoodu dhacay, iyo joojinta isku dayada tahriibka daroogada, taasoo xoojinaysa ammaanka dhaqaalaha iyo caafimaadka dalka.
Sanadkii 2024, dekedda Muqdisho ayaa laga soo dajiyay, lagana dhoofiyay ku dhawaad 2 milyan oo tan oo badeecooyin ah, oo kala ah; cuntada, shidaalka, qalabka dhismaha, iyo dhoofinta xoolaha iyo kalluunka.
Xudur 22ka Oktoobar 2025 Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa Xalay fiidkii h**e howlgal qorsheysnaa oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay duuleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Ciidamada ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay meel qiyaas ahaan u jirta degmada ilaa 8 KM, halkaas oo la tilmaamay in kooxdu ka waday abaabulka weerar ay doonayeen iney geystaan gudaha magaalada Xudur.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay ilaa 10 xubnood oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab, kadib dagaal culus oo waqti koobnaa halkaas ku dhexmaray labada dhinac.
"Ciidanka Xoogga Dalka oo helay xogta cadawga oo ahayd dhaq-dhaqaaqa Khawaarijta ayaa si degdeg ah uga hortagay dhagartii ay maleeshiyaadku wadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo sababay khasaare culus oo soo gaaray kooxda, ciidamada ayaa dilay in ka badan 10 dhagarqabe" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle sare Maxamed Yariis ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka sidoo kale ciidamadu kusoo furteen hub kala duwan oo ay ka mid yihiin qoryaha nooca culus ee BKM ah iyo AK47.
Taliye Maxamed Yariis ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaani uu qeyb ka yahay dadaalada joogtada ah ee la doonayo in dalka looga ciribtiro maleeshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana ciidanku ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.
Muqdisho 22ka Oktoobar 2025 Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, ayaa sheegay in xiritaanka Hay’adda Maraykanka u qaabilsanayd Horumarinta Caalamiga ah (USAID) ay saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha dalka.
Hodan Cusmaan oo ah madaxa bangiga, taasoo hadal ka jeejisay shirkii Financial Times Africa Summit ee London, ayaa sheegtay in hakinta gargaarka Maraykanku ay sababtay hoos u dhac weyn oo ku yimid dhaqdhaqaaqa ganacsiga, ururinta canshuuraha, iyo wax soo saarka guud ee gudaha.
Waxay intaas ku dartay in qaybaha sida caafimaadka, waxbarashada, iyo barnaamijyada horumarinta ay si gaar ah u dhaawacmeen, taasoo daciifisay ganacsiyada maxalliga ah isla markaana gaabisay maalgashiga adeegyada muhiimka ah.
Madaxa bangigu waxay xustay in saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay hakinta gargaarku aysan ku koobnayn dowladda kaliya, balse ay si toos ah u saameysay bulshooyinka ku tiirsanaa shaqooyinka iyo mashaariicda laga maalgeliyo gargaarka dibadda.
Hakinta gargaarka ayaa timid kadib go’aankii Madaxweyne Donald Trump ee horraantii sanadkan, kaasoo ahaa dhimista miisaaniyadda gargaarka dibadda iyo xidhitaanka USAID.
Hodan Cusman ayaa tilmaamtay in Soomaaliya ay u baahan tahay in la xoojiyo nidaamyada dakhliga gudaha iyo in la soo jiito maalgashi gaar ah si loo yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka caalamiga ah.
Waxay sheegtay in Bangigu uu qorsheynayo istaraatijiyado cusub oo dhiirrigeliya ganacsiga iyo maalgelinta maxalliga ah, hase yeeshee waxay sheegtay in dib u dhisidda kalsoonida maalgashadayaasha ay qaadan doonto waqti.
http

si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir

WARARKA MAANTA 21ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa  ka ooynaaya E-Visa   ? Maxuu yahay khilaafka Hirshabe...
10/21/2025

WARARKA MAANTA 21ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa ka ooynaaya E-Visa ? Maxuu yahay khilaafka Hirshabeele, Koonfur Galbeed Iyo Dowladda ? Yaa diiday inuu sameeyo Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 21ka Oktoobar 2025

Jubbaland State 21ka Oktoobar 2025 Waxaan maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA), xaruntan ayaa si casri ah loo dhisay, isla markaana lagu maalgeliyay canshuurta shacabka Jubaland.
Xaruntan cusub waxay ka tarjumaysaa dadaalka joogtada ah ee Dowladda Jubaland ee ku aaddan xoojinta amniga, horumarinta hay’adaha dawliga ah, iyo dhismaha awood dowladnimo oo waarta.
Waxaan si gaar ah ugu bogaadinayaa hoggaanka Hay’adda JISA iyo dhammaan howlwadeenada kala duwan oo si hufan uga soo dhalaalay waajibaadkooda shaqo, muujiyayna dadaal, daacadnimo, iyo go’aan adag oo ku aaddan ilaalinta nabadda iyo horumarka Jubaland.
Muqdisho 21ka Oktoobar 2025 Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta soo xiray tababar ku saabsanaa Hannaanka Diyaarinta Miisaaniyadda, oo muddo laba maalmood ah ka socday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.
Tababarkan oo ay ka qayb galeen agaasimayaasha guud iyo howlwadeennada Wasaaradda, ayna bixinayeen khubaro ka socday mashruuca SJGAP ee uu taageero Midowga Yurub, ayaa lagu baranayay habraacyada la xiriira fulinta iyo warbixinta miisaaniyadda, xaddidaadda kharashaadka, isla-xisaabtanka, iyo qorshaynta ku saleysan waxqabadka, iyadoo la xoojinayay fahamka iyo adeegsiga nidaamyadaas.
Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo barnaamijyada tababarrada iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha, si loo hubiyo in qorshaynta iyo diyaarinta miisaaniyadda Wasaaradda ay si buuxda ula jaanqaado howlaha mudnaanta u leh qaranka iyo dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha difaaca dalka.
Muqdisho 21ka Oktoobar 2025 Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa soo gabagabeysay aqoon is-weydaarsi ay soo agaasintay iyadoo kaashaneysa Ururka Jaamacadda Carabta kaas oo socday mudo saddex maalmood ah waxaana loo qabtay qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha dalka iyo qaybaha kala duwan ee ururrada dhallinyarada.
Ujeeddada barnaamijku oo ahaa in lagu dhiirrigeliyo fahamka dhallinyarada ee isbeddelka bulshada sidoo kalana la xoojiyo aqoonta ku saabsan Himilada Horumarka Waara (SDGs) ayaa waxaa munaasabada xiritaanka ku sugnaa Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha mudane Maxamed Cabduqaadir Cali iyo wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr Cali Xaaji.
Wasiir Maxamed Cabduqaadir oo munaasbada xiritaanka ka hadlay ayaa Dhallinyarada u ballanqaaday in Wasaaraddu siin doonto fursado ka qeybgal barnaamijyada dhallinyaarda ay Jaamacadda Carabtu qabato, xitaa kuwa lagu qabto dalka dibadiisa,Isagoo ku bogaadiyay dhallinyarada dadaalkooda iyo ka-qaybgalka aqoonta la xiriirta horumarinta bulshada.
Ugu dambayn, ardayda iyo dhalinyarada ka faa’iideysatay aqoon is-weydaarsiga ayaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin iyo bilado ay bixisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS.

si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir

Address

Washington D.C., DC

Telephone

+12028485280

Website

http://www.wirednews.so/

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Wired News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share