Wargeyska Muqdisho

Wargeyska Muqdisho Ku Soo Dhawaada Wargeyska Muqdisho. Wargeyska Muqdisho is a Property of Somali Media Empire. http://www.somalimediaempire.so/

Wake up  ! Who created the      ? Why did the World Bank Group  preferred to fund the phony project of   Fraudster James...
08/28/2026

Wake up !
Who created the ? Why did the World Bank Group preferred to fund the phony project of Fraudster James Ayugi who claimed to be founding and implementing the in ? Who were two Somali paid consultants in his bogus project?

Well, as we know that the Founder of the Somali Digital Platform & the ICT of OSGIT was Ambassador Dr. Badal Kariye who established on September 30, 2002, and he has never ever applied for or sought any financial sponsorship from foreign governments or international NGOs
Ambassador Dr. Badal Kariye is an internationally prolific writer, journalist, security expert & ICT Consultant.

WARARKA MAANTA 27ka Agoosto 2026 Su’aalaha Maanta: Maxxa ka cusub  ? Yaa shacabka   bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka  ? ...
08/27/2026

WARARKA MAANTA 27ka Agoosto 2026
Su’aalaha Maanta: Maxxa ka cusub ? Yaa shacabka bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho, Agoosto 27ka 2026 Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Xarunta Dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC), Mudane Jan Egeland.
Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha, colaadaha, barakaca, cunto-yarida iyo khatarta Super El Niño, iyo sidii loo xoojin lahaa u-diyaargarowga iyo ka jawaabista musiibooyinka.
Jan Egeland ayaa kormeeray xafiisyada iyo howlaha Xarunta SoDMA, isagoo u kuur-galay hawlaha Hay’adda ee digniinta h**e, gurmadka deg-degga ah iyo adkeysiga bulshada.
Muqdisho, Agoosto 27ka 2026 Wasiirka Horumarinta iyo Afrika ee UK, Kirsty McNeill, ayaa madaxda Soomaaliyeed ugu baaqday inay yeeshaan wada-hadal wax dhisaya oo xoojinaya midnimada dalka, isla markaana horseedaya horumar siyaasadeed iyo heshiis guud oo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya Baaqan ayaa yimid xilli wasiiraddu booqasho ku joogto Soomaaliya, iyadoo kulan ay Muqdisho kula yeelatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay kaga wada hadleen mudnaanta siyaasadeed iyo amni ee dalka.
McNeill ayaa carrabka ku adkaysay in horumar laga sameeyo wada-hadalka siyaasadeed iyo qorshaha kala-guurka amniga uu muhiim u yahay sii wadidda kalsoonida iyo taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya.
Wasiiraddu waxay sidoo kale sheegtay in UK ay weli ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto sidii loo gaari lahaa dal amni, xasillooni iyo barwaaqo leh.

Somaliland Agoosto 27ka 2026Xafiiska Somaliland ayaa taageeray Xafiiska Isku-xirka iyo Amniga Badaha Somaliland si loo qabto shirkiisa saddex-biloodlaha ah iyo wadatashi istiraatiiji ah oo heer qaran ah oo ku saabsan Maareynta Dhibaatooyinka iyo Adkaysiga, kaas oo ujeeddadiisu ahayd xoojinta isku-xirka iyo iskaashiga daneeyayaasha muhiimka ah ee qaybta badaha Somaliland.
Wadatashiga ayaa isu keenay daneeyayaal muhiim ah si ay uga wada hadlaan khataraha badda, ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah, isku-duwidda xaaladaha dhibaatooyinka iyo sii wadidda adeegyada aasaasiga ah.
Doodaha ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray amniga internetka, hirgelinta Xeerka Amniga Maraakiibta iyo Dekedaha Caalamiga ah, isgaarsiinta dadweynaha, waajibaadka hay’adaha iyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta caalamiga ah.
Ka-qaybgalayaashu waxay aqoonsadeen isku-xirnaanta iyo ku-tiirsanaanta muhiimka ah, baahiyaha jira iyo tallaabooyinka mudnaanta leh ee la qaadi karo si loo xoojiyo u-diyaargarowga, loo wanaajiyo isku-duwidda xaaladaha dhibaatooyinka, loona kordhiyo adkaysiga qaybta badaha Somaliland.
IMO, Agoosto 27ka 2026 Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa ku baaqday in si degdeg ah wax looga qabto soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya, xilli lix markab oo ganacsi iyo in ka badan 90 badmaaxiin ah lagu hayo gacanta kooxaha burcad-badeedda ee ka howlgala Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee IMO, Arsenio Dominguez, ayaa digniintan soo saaray kadib afduubkii markabka shidaalka qaada ee Seamull, oo sidoo kale loo yaqaan Sibu 1, kaas oo 20-kii Agoosto ay qabsadeen kooxo looga shakisan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah.
Dominguez ayaa sheegay in afduubka markabkan uu ka dhigan yahay markabkii lixaad ee hadda gacanta ugu jira burcad-badeed iyo kooxo hubeysan, isagoo ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan badmaaxiinta la haysto.
Sida ay sheegtay Xarunta Isku-xirka Macluumaadka Badaha (JMIC), lix markab oo ganacsi ayaa weli lagu hayaa gacanta kooxaha afduubka geysta. Waxay kala yihiin Honour 25, Sward, Eureka, Asana, Lutuf iyo Seamull.
Laba ka mid ah afduubyadan ayaa dhacay toddobaadkan gudaheed. Markabka xamuulka ee Lutuf ayaa 17-kii Agoosto lagu qafaashay meel qiyaastii afar mayl-badeed u jirta xeebta Puntland, kaddib markii koox hubeysan ay dusha uga fuushay.
Saddex maalmood kaddib, lix nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay Seamull xilli uu marayay Gacanka Cadmeed, qiyaastii 136 mayl-badeed bariga magaalada Al Mukalla ee Yemen. Kooxdu waxay la wareegtay markabka, waxayna u weecisay dhanka Soomaaliya.
Markabka oo culeyskiisu yahay 32,200 tan ayaa h**e loogu yaqaanay magaca Sibu 1. Waxaa la sheegay inuu diray fariin digniin ah oo ahayd “PIRATE ONBOARD HELP” ka hor inta uusan beddelin jihadiisa, waxaana hadda lagu soo waramayaa inuu ku xiran yahay meel ka baxsan xeebaha bari ee Soomaaliya.
Afduubyada cusub ayaa ku soo beegmaya xilli burcad-badeedda Soomaaliya, oo sanadihii u dambeeyay hoos u dhac weyn laga dareemayay, ay mar kale halis ku noqdeen maraakiibta isaga kala goosha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.
JMIC ayaa sheegtay in dabeylaha xilliga monsoon-ka koonfur-galbeed ay weli adkeynayaan in burcad-badeeddu doonyo yaryar ku gaaraan meelaha aadka uga fog xeebaha, balse biyaha ku dhow xeebaha Soomaaliya ay siinayaan fursad ay kooxahaasi ku howlgalaan.
Afduubka Seamull, oo ka dhacay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale muujinaya in kooxaha burcad-badeeddu ay weli awood u leeyihiin inay gaaraan maraakiib ku sugan masaafo dheer.
Xoghayaha Guud ee IMO ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo xoojiyo iskaashiga ciidamada badda ee caalamka, isaga oo xusay in wada-shaqeyn caalami ah ay h**e ugaalin weyn uga qaadatay xak**aynta burcad-badeednimadii Soomaaliya.
Muqdisho, Agoosto 27ka 2026 Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay go’aanka Maxk**adda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashadii ka dhacday dowlad-goboleedka Galmudug. Qoraal uu Guddigu soo saaray ayuu ku sheegay in go’aanka Maxk**adda Sare, oo ku taariikhaysan 24-ka Agoosto 2026, uu khuseeyo murankii ka dhashay doorashadii isku-sidkanaa ee lagu qabtay Galmudug.
Guddiga ayaa sheegay inuu go’aankiisa ku saleeyay kaalinta dastuuriga ah ee Maxk**adda Sare, sarreynta sharciga iyo mabda’a ah in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor oo waafaqsan sharciga.
Sida uu Guddigu sheegay, Qodobka 73-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxk**adda Sare siinaya awoodda ay ku dhageysan karto, go’aan uga gaari karto, isla markaana xallin karto dacwadaha la xiriira doorashooyinka.
Bayaanka ayaa lagu yiri "Iyadoo taas laga duulayo, Guddiga Doorashooyinka ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aanka Maxk**adda Sare ee Soomaaliya ee ku saabsan doorashadii lagu qabtay Galmudug."

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne h**e Xassan u amray in Buulo Eelaay la burburiyo? Maxay Qaranadda Midooway u xirayaan xa...
08/26/2026

aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne h**e Xassan u amray in Buulo Eelaay la burburiyo? Maxay Qaranadda Midooway u xirayaan xafiiskooda? Meeqo shaqaalaha Qaramadda Midooway ayaa dib ugu cararay Kenya? Maxay Qaranadda Midooway u jareen dhaqaallihii ay siin jireen Wasaaradda Cadaakadda? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Sacuudi CarabiyaAgoosto 26ka 2026Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kaga qayb geli doono shirka aan caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo lagu qabanayo magaalada Jiddah
Muqdisho, Agoosto 26ka 2026 Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la qaatay Wasiirka Boqortooyada UK u qaabilsan horumarinta caalamiga ah iyo Afrika, Kirsty McNeill oo Muqdisho soo gaartay.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray mudnaanaha iyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo sidoo kale fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo UK
Muqdisho, Agoosto 26ka 2026 Dowladda Soomaaliya iyo Nigeria ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga. Wadahadalladan ayaa magaalada Muqdisho ka dhacay kaddib markii Danlami Ibrahim, oo ah safiirka Nigeria u magacaaban Kenya, isla markaana noqonaya Soomaaliya, uu nuqullo ka mid ah waraaqaha aqoonsigiisa u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Nigeria ayaa sheegtay in labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah, iyadoo diiradda la saaray arrimaha gacan ka geysan kara xasilloonida gobolka iyo kobaca dhaqaalaha.
Qodobada la isku raacay in iskaashiga lagu sii ballaariyo waxaa ka mid ah waxbarashada, amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, arrimaha qurba-joogta, dhaqanka iyo dhaqaalaha hal-abuurka.
-Muqdisho, Agoosto 26ka 2026 Qaramada Midoobay ayaa bilowday dhimista shaqaalaheeda rayidka ah iyo qorsheynta iibinta qaar ka mid ah hantideeda ku sugan Soomaaliya, iyadoo xiisadda dhaqaale ee sii xoogeysaneysa ay halis gelinayso nidaamka saadka ee taageera howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Ugu yaraan 10 shaqaale rayid ah oo ka tirsan Kooxda Taageerada Warfaafinta ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay (AU-UN IST) ayaa lagu wargeliyay in qandaraasyadooda la soo afjari doono 10-ka Sebtembar.
Ilo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegay in shaqaale kale laga yaabo in shaqada laga jaro toddobaadyada iyo bilaha soo socda, iyadoo Qaramada Midoobay ay isku dayeyso inay yareyso kharashaadka.
Dhanka kale, Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya UNSOS ayaa raadinaysa shirkado qaban kara iibinta hanti ay Qaramada Midoobay leedahay, taas oo ay ka mid yihiin gaadiid, matoorro, qalab culus, qalabka tiknoolajiyadda, qalabka caafimaadka iyo agabka hoyga.
Iibinta hantidan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan mustaqbalka taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalka African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM).
UNSOS ayaa muddo dheer ahayd laf-dhabarta saadka ee howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo bixisa adeegyo ay ka mid yihiin gaadiidka, duulimaadyada, caafimaadka, isgaarsiinta, hoyga iyo adeegyada injineernimada.
Miisaaniyadda UNSOS ee sannad-maaliyadeedka 2026-27 ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad 481.7 milyan oo dollar, taas oo ka hooseysa 520.6 milyan oo dollar oo loo ansixiyay sannadkii h**e.
Hase yeeshee, taageerada UNSOS ee AUSSOM waxaa wajahaya waqti k**a dambeys ah oo ka dhow, iyadoo oggolaanshaha hadda jira ee Golaha Ammaanka uu dhacayo 31-ka December.

TOOS: Xildhibaan Jeesow oo runta u sheegay Beesha Habargidir & door...

WARARKA MAANTA 25ka Agoosto 2026 Su’aalaha Maanta: Yaa ka goostay mushaharka ciidanka qaarkood? Maxay tahay Maxkammadda ...
08/25/2026

WARARKA MAANTA 25ka Agoosto 2026
Su’aalaha Maanta: Yaa ka goostay mushaharka ciidanka qaarkood? Maxay tahay Maxkammadda Sare ee aan ka hadli karin barakaca ka socda? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
-Muqdisho, Agoosto, 25ka, 2026 Komishaneer Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), ayaa munaasabadda gunaanadka hawlaha UNTMIS ee caddaaladda iyo asluubta ka sheegay in Soomaaliya ay u gudbayso marxalad cusub oo u baahan hoggaan qaran, korjoogteyn madax-bannaan iyo wada-shaqayn hay’adeed oo joogto ah.
Komishaneer Farxaan ayaa sheegay in soo afjaridda hawlgalka UNTMIS aan loo arkin oo keliya gunaanad, balse ay tahay kala-guur loogu gudbayo masuuliyad, hoggaan iyo in hay’adaha Qaranka Soomaaliyeed ay la wareegaan masuuliyadda.
Munaasabadda ayaa lagu soo gunaanaday 13 sano oo UNSOM/UNTMIS ay taageero ka geysanayeen ku dhaqanka sharciga Soomaaliya. Komishaneer Farxaan ayaa adkeeyay in caddaaladda iyo asluubtu ay salka ku hayaan dhowrista xuquuqda aadanaha, isla markaana qofka xorriyaddiisa laga qaaday aanu lumin karaamadiisa iyo xuquuqdiisa aasaasiga ah.
Waxa uu sidoo kale bogaadiyay kaalinta Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta gudaha iyo kuwa caalamiga ah ay sannadihii la soo dhaafay ka qaateen horumarinta hay’adaha caddaaladda iyo asluubta Soomaaliya
-Muqdisho, Agoosto, 25ka, 2026Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay qabanaysaa kulan aqooneed muhiim ah, kaas oo looga hadli doono qiimaha sumcadda, doorka diblomaasiyadda iyo dhisidda mustaqbalka Soomaaliya.
“Reputation is Currency: Narrative, Diplomacy, and the Making of Somalia’s Future.”
Kulanka waxaa marti ku ah oo soo jeedinaysa 𝐀𝐦𝐛. 𝐇𝐨𝐝𝐚𝐧 𝐎𝐬𝐦𝐚𝐧 𝐀𝐛𝐝𝐢, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, isla markaana ah Safiirka aan degganayn ee Japan, Vietnam iyo Mongolia
Muqdisho, Agoosto, 25ka, 2026 Guddoomiyaha Xisbi siayasadeed Towfiiq, Sheekh Axmed Shaakir, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxk**adda Sare ee Soomaaliya ay ku laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka ee maamulka Galmudug. Sheekh Axmed Shaakir oo shir jaraa'id qabtay ayaa taageerayaasha xisbigiisa ugu baaqay inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan go’aanka kasoo baxay Maxk**adda Sare, isaga oo sheegay in uu yahay tallaabo rajo cusub u abuureysa dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu hambalyo u diray taageerayaasha xisbiga, isagoo sheegay in dadaalkii ay sameeyeen uu miro dhalay, isla markaana cabashooyinkii ay gudbiyeen ay Maxk**addu tixgelisay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay go’aanka ku soo dhaweeyaan si nabad ah, isagoo ka digay wax kasta oo keeni kara qalalaase.
Sheekh Axmed Shaakir ayaa ciidamada qalabka sida iyo dowladda federaalka ugu baaqay inay ilaaliyaan amniga iyo shacabka, gaar ahaan xilli ay bulshada qaybaheeda kala duwan muujinayaan rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah.
Waxa uu sheegay in xisbigiisu muddo siddeed bilood ah u taagnaa doorasho xor iyo xalaal ah oo ku saleysan mabaadi’da iyo habraacyada doorashada, isagoo ku tilmaamay go’aanka Maxk**adda Sare mid xaqiijinaya dadaalkooda.
Maxk**adda Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug, oo dhacay 30-kii Luulyo 2026, aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka.
Muqdisho, Agoosto, 25ka, 2026 Maxk**adda Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug, oo dhacay 30-kii Luulyo 2026, aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka. Go’aanka oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxk**adda Sare, Baashi Yuusuf Axmed, ayaa lagu sheegay in habkii loo maamulay loona qabtay doorashooyinka uu ka leexday mabaadi’da dastuuriga ah ee doorasho xor, xalaal iyo caddaalad ah.
Maxk**addu waxay sheegtay in khaladaadkii dhacay intii ay socotay doorashadu aysan ahayn kuwo la iska indho-tiri karo, balse ay si weyn u dhaawaceen hufnaanta, xornimada iyo xalaalnimada doorashada, isla markaana ay saameyn ku yeesheen natiijooyinkii kasoo baxay.
Maxk**adda Sare ayaa sidaas darteed burisay natiijooyinka doorashadii 30-kii Luulyo, waxayna Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ku amartay inuu qabto doorashooyin cusub oo Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug ah.
Maxk**addu waxay tilmaantay in doorashooyinka cusub lagu qabto waqtiga ugu dhow ee macquulka ah, iyadoo si buuxda loo raacayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, Sharciga Doorashooyinka, Sharciga Dhismaha Guddiga iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda.
Si looga fogaado firaaq maamul oo saameyn ku yeelan kara adeegyada bulshada iyo xasilloonida Galmudug, Maxk**addu waxay go’aamisay in hay’adaha hadda jira ay sii hayaan xilalkooda ilaa laga soo doorto hay’ado cusub oo ku yimaada doorasho waafaqsan sharciga.
Maxk**addu waxay sheegtay in arrintan loo tixgeliyey danta guud, joogtaynta maamulka iyo baahida loo qabo in laga hortago xaalad maamul la’aan ah.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 24ka Agoosto 2026 Su’aalaha Maanta: Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad   ah Iyo Bangida Adduunka lagac lag...
08/24/2026

WARARKA MAANTA 24ka Agoosto 2026
Su’aalaha Maanta: Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
-Muqdisho, Agoosto, 24ka, 2026 Ra’iisul Wasaare Xamse “Dhammaystirka Dastuurka Dalka hal doollar oo uu ajnabi leeyahay kuma bixin, Haddii bulshada Soomaaliyeed aysan u istaagi lahayn qabyo ayuu ahaan lahaa.
Muqdisho, Agoosto, 24ka, 2026 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda DanQaran 2022–2026, taasi oo lagu dhex diyaarinayo Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ku tallaabsatay guulo wax-ku-ool ah, kuwaas oo ay saldhig u yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga Qarni-jirka ah ee 2060, oo ah aragti ka timid madaxda sare ee dalka.
Howl-wadeennada diyaarinaya warbixinta wax-qabadka Xukuumadda ayaa la-wadaagay Ra’iisul Wasaaraha, waxyaabihii ka hirgalay Lixda Tiir ee amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, Soomaali-heshiis ah, dunidana heshiis la’ah, iyo Garsoorka, iyada oo warbixinta ay muujisay koror weyn oo dhinac kasta ah.
Mudane Xamsa, waxa uu sheegay in loo baahanyahay dadaal, midnimo iyo isku-duubni iyo wada-shaqayn, si bulshadu ugu tallaabsato horumar muuqda oo la taaban karo. Waxa uu xusay in aynu u soconnaa Soomaali mid ah, aysan argagixiso joogin, Soomaali barwaaqo ah oo Khayraadkeeda lasoo baxday, dalkeedana maalgashatay.
“Waxa aan doonaynaa in laga wada shaqeeyo horumarka Qaranka, hirgalinta hiigsiga dalkeenna iyo midnimada ummadda, waxa aan hubaa in meesha aan u soconno ay fogtahay oo aysan dhowayn, wali kow ma joogno waxa ina sugaya jid-dheer oo u baahan samir iyo adkaysi, waxa aynu u soconnaa Soomaali mid ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo carrabka ku adkeeyay in Warbixinta Wax-qabadka ayaa sheegay in warbixinta wax-qabadka ay qeyb ka tahay dhaqanka la-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran iyo shacabka Soomaaliyeed, si bulshada loogu soo bandhigo wax-qabad istus oo i taabsii ah,
Warbixinta waxaa qeyb ka ah diyaarinteeda dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, iyada oo warbixinta k**a dambaysta ah loo gudbiyay Akadeemiyad Goboleedka Afka iyo Dhaqanka si loogu sameeyo tifaftir dhanka Qoraalka iyo Eray-bixinta afka Soomaaliga ah maadaamaa ay tahay dhaxa-reeb ah.
- DHAMMAAD
Kenya Agoosto, 24ka, 2026 Bangiga Adduunka ayaa shirkadda teknoolojiyadda ee Kenya laguna magacaabo Webmasters Kenya Limited iyo aasaasaha iyo madaxa fulinta shirkadda, James Ayugi, ka mamnuucay inay ka qayb qaataan mashaariicda uu maalgeliyo Bangiga, muddo ugu yaraan shan sano ah. Go’aanka ayaa ka dhashay baaritaan lagu sameeyay habraacyo la xiriiray laba mashruuc oo Bangiga Adduunku ka maalgeliyay Soomaaliya, iyadoo guddiga cunaqabateynta Bangiga uu sheegay in shirkadda iyo mas’uulkeeda lagu helay dhaqan khiyaano ah.
Guddiga ayaa sheegay in shirkaddu ay si khaldan u sheegtay in laba khabiir oo muhiim ah ay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan qandaraasyo hoos yimaada mashaariicda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la isticmaalay taariikh-nololeedyada (CV-yada) khubaradaas iyada oo aan oggolaansho laga haysan.
Arrintan ayaa la xiriirtay mashruuca Somali Core Economic Institutions and Opportunities Project (SCORE) iyo mashruuca Somalia Capacity Advancement, Livelihoods and Entrepreneurship through Digital Uplift (SCALED-UP), kuwaas oo lagu taageerayay horumarinta dhaqaalaha, adeegyada dijitaalka ah iyo fursadaha shaqo ee Soomaaliya.
Mashruuca SCORE waxaa Soomaaliya lagu maalgeliyay heshiis gaaraya 3.3 milyan oo dollar, iyadoo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya loo xilsaaray fulintiisa. Sannadkii 2018-kii, shirkado ay Webmasters Kenya Limited ka mid ahayd ayaa loo doortay qandaraas lagu horumarinayay nidaamyada otomaatiga ah ee adeegyada ganacsiga, kaas oo qiimihiisu ahaa 330,000 oo dollar.
Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda iyo James Ayugi ay ku guuldarreysteen inay si buuxda uga jawaabaan codsiyo dukumentiyo ah oo loo diray intii lagu guda jiray baaritaan iyo hubin ay sameysay waaxda hufnaanta Bangiga Adduunka.
-Muqdisho, Agoosto, 24ka, 2026 Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo hoggaanka Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saaray cabashooyinka la xiriira dhulka iyo tallaabooyinka dowladda ee dib-u-habeynta dhulalka danta guud. Kulanka oo uu guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa lagu falanqeeyay sida loo maareyn karo dhulalka danta guud iyo goobaha loo yaqaan Obasiiboyinka, iyadoo la isku dayayo in xal loo helo cabashooyinka ka imaanaya shacabka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ilaalinta milkiyadda gaarka loo leeyahay ay tahay arrin mudnaan gaar ah leh, isla markaana aan la oggolaan doonin in lagu xadgudbo dhul ay si sharci ah u leeyihiin muwaadiniintu.
Dhankooda, Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda ay xaq sharci ah u leedahay maamulidda, bixinta iyo dib-u-qaabaynta dhulka danta guud iyo Obasiiboyinka, balse ay tahay in arrimahaasi loo sameeyo si waafaqsan maslaxadda guud, iyadoo sidoo kale la tixgelinayo dadka danyarta ah.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 23a Agoosto 2026 Su’aalaha Maanta: Maxaa ka dhacay dalka  ? Maxay Dowlad   uga masayrsan tahay socdaalka ...
08/23/2026

WARARKA MAANTA 23a Agoosto 2026
Su’aalaha Maanta: Maxaa ka dhacay dalka ? Maxay Dowlad uga masayrsan tahay socdaalka Madaxweynaha PuntlandState oo booqasho ku jooga ? Maxuuse Maraykanka u diiday dhaqaalaha inuu siiyo ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
-Muqdisho, Agoosto, 23, 2026 Horjoogayaal AS ah oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo goor dhaw laga fuliyay deegaanka Warciise ee Shabeelaha Dhexe Halkaas oo ay ku Suganyihiin AS.
Duqeyntaan ayaa lala eegtay Guri ay kaga sugnaayeen Warciise horjoogeyaasha AS iyo dagaalamayaashooda sida ay sheegtay NISA.
''Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa daqiiqado ka hor howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Warciise ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Halkaas oo lagu bartilmaameedsaday guri ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsan AS" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo goor dhaw ka Soo baxay NISA.
Somaliland Agoosto, 23, 2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay in si nabad ah oo wada-hadal ah loo xalliyo khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Maamulka Waqooyi Bari. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu maanta Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Professor Yaasiin X. Maxamuud (Faratoon), Jeneral Mahad Cambaashe, Siyaasiyad Fahiima Yusuf Quuje, Guddoomiyaha Guddida Nabadda Cabdulqaadir Jirde, wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda nabadeed, midnimada iyo wadajirka bulshada, iyadoo Madaxweynaha Somaliland uu sheegay in tan iyo markii loo dhaariyey xilka 12-kii December 2024 ay mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisu ahayd ilaalinta nabadda iyo xasilloonida.
Madaxweyne Cabdiraxmaan ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasadeed iyo xurgufi ee jira lagu xallin karo wada-hadal, is-afgarad iyo walaalnimo, isaga oo tilmaamay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay in xal nabadeed laga gaadho khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Maamulka Waqooyi Bari.
Muqdisho, Agoosto, 23, 2026 MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYEY HESHIIS MUHIIM U AH SOOMAALIYA.
Muqdisho, Soomaaliya- 22 Agoosto, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 5-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 142-Xildhibaan ayaa Xildhibaanada Golaha waxay Akhrinta koowaad marsiiyeen Heshiiis-hoosaadka Qaramada midoobay ee sharciga badaha (UNCLOS) ee ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala duwanaanshaha noolaha badda ee aagga ka baxsan awooda Qaranka (BBNJ AGREEMENT),kaasoo ay gudbisay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada, waxaana warbixinta heshiiskan golaha la wadaagay wasiir kuxigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Mudane Xuseen Cali Xaaji.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulanka soo xiray ayaa xildhihaanada golaha kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan shaqada ay Qaranka u haayaan, si loogu guuleysto ka shaqeynta shuruucda muhiimka ah ee golaha hortaala kalfadhiga 8-aad.
Ugu dambeyn Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska, Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta, Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Warbixinta Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka dambiyada kufsiga iyo anshax xumada kale iyo Warbixinta Akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka wax ka baddalka qeybtiisa 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.
Muqdisho, Agoosto, 23, 2026 Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay xog ka hayso duqeymo laga geystay xeebaha Puntland. Cumar Cali Cabdi oo maanta saxaafadda si kooban ula hadlay ayaa u sheegay in haddii ay xeebaha Soomaaliya ka dhacayaan hawlgallo milatari oo ka dhan ah kooxaha burcad badeedda, dowladda federaalka ay tahay hay’adda sharci ahaan u leh go’aaminta arrimaha noocaas ah.
Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay diyaarinayso warbixin dhammaystiran oo ku saabsan dhacdooyinka ka dhacay xeebaha, isagoo tilmaamay in tallaabooyin laga qaadi doono xaaladda soo korortay.
“Warbixin dhammaystiran ayaa la soo diri doonaa, haddii Alle idmo,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wargeyska Muqdisho posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share