12/26/2025
WARARKA MAANTA: 26ka Diseembar 2025
Su’aalaha Maanta: Yaa qabtay doorashada ka dhacday ee been iyo hal xisbi ah? Maxuuse baxsad/Fakad demniile Fahad Yaasiin Xaaji “Daba-Naasle” u weeraray Madaxweyne Mudane Xassan “Dhhuuso-Fooxiye” iyo doorashada beenta ah ee xisbigiisa kaliya ay iska qabsadeen? Meeqo Wasiir oo ah ayaa ku jira Golaha Wasiirada Dan Qaran? Yaa diiday inuu sameeyo ? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuurka? Yaa beddelay dastuurka dalka? Yaa warbaahinta iska dhex caynaaya? Meeqo Wasiir ayeey Shabab ku leeyihiin xukuummadda Dan-Qaran? Maxuu u amray Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” in argagixisada la siiyo kaarka aqoonsiga ID Cards? Maxay isku dagaaleen Madaxweyne h**e Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Fahad Yaasiin “Daba-Naasle”? Yaa diiday inuu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Dastuuriga Ha wiqleyso!
Muqdisho 26ka Diseembar 2025
Muqdisho 26ka Diseembar 2025 Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa soo dhaweeyay qabsoomid ay ku sheegeen mid guul iyo nabad ku dhammaatay ee doorashooyinka Golaha Deegaanka Banaadir oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
AUSSOM ayaa ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah safarka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya iyo hanaanka dhismaha dowladnimada.
Bayaan saxaafadeed oo uu soo saaray, AUSSOM ayaa lagu sheegay in doorashooyinkani ay astaan u yihiin markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah oo shacabka caasimadda Soomaaliya ay si toos ah ugu codeeyaan hoggaankooda deegaan, iyagoo adeegsanaya nidaamka “hal qof, hal cod”, taas oo muujinaysa kororka ka-qaybgalka bulshada iyo mas’uuliyadda muwaadiniinta.
“Markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah, muwaadiniinta Muqdisho waxaa loo suurtageliyay inay si toos ah u doortaan hoggaankooda deegaanka iyagoo adeegsanaya codbixin guud,” ayuu yiri El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) isla markaana ah Madaxa AUSSOM.
Wuxuu intaas ku daray in habsami u socodka doorashada ay muujisay adkaysiga, geesinimada iyo go’aanka shacabka Soomaaliyeed.
Muqdisho 26ka Diseembar 2025 Qiyaastii 500 askari oo Mareykan ah ayaa weli ku sugan gudaha Soomaaliya, iyagoo si toos ah uga qayb qaata dagaalka ka dhanka ah ururrada Al-Shabaab iyo Daacish, inkasta oo faahfaahinta howlgalladaasi ay aad u kooban tahay.
Ciidamada Mareykanka ayaa la shaqeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo fulinaya howlgallo gaar ah, talo-bixin militari iyo duqeymo cirka ah. Si kastaba ha ahaatee, Mareykanku ma shaaciyo si joogto ah khasaaraha, bartilmaameedyada iyo saameynta dhabta ah ee howlgalladiisa, arrintaas oo dhalisay su’aalo ku saabsan heerka daahfurnaanta hawlgallada militari ee ka socda Soomaaliya.
Warbixin ay baahisay Fox News ayaa tilmaantay in Soomaaliya ay ka mid tahay goobaha uu Mareykanku ka wado dagaallada ugu aamusan, iyadoo wararka ku saabsan duqeymaha iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish inta badan la shaaciyo kaddib marka ay dhacaan ama aan gebi ahaanba la bixin.
Joogitaanka Mareykanka ee Soomaaliya wuxuu soo bilowday 1990-meeyadii, balse dib ayuu u xoogaystay kaddib 2017, xilli Mareykanku kordhiyay duqeymaha cirka ah iyo ciidamo gaar ah oo taageeraya dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Inkasta oo 2020 la amray in inta badan ciidamada laga saaro dalka, haddana 2022 ayaa dib loo soo celiyay boqolaal askari.
Horraantii 2025, Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, ay weli tahay furin dagaal oo muhiim ah, balse Mareykanku uu dib u eegayo joogitaanka ciidamadiisa.
Iyadoo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish uu weli socdo, ayaa maqnaanshaha xog rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha iyo natiijooyinka howlgallada Mareykanka waxa uu sii xoojinayaa dooddaha ku saabsan daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka hawlgallada militari ee Soomaaliya.
Nairobi 26ka Diseembar 2025 Agaasimihii h**e ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa si adag u dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay in uu inkiray taariikhda doorashooyinka ka hirgalay qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan Puntland iyo Somaliland.
Fahad Yaasiin ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka leexday waajibaadkiisii qaranimo, isaga oo isweydiiyay in xilka uu u dhaartay uusan ahayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu xusay in Madaxweyne Xasan uusan aqoonsan guulaha taariikhiga ah ee ay Somaliland ka gaartay doorashooyinka qof iyo codka ah, isla markaana uu sidoo kale iska indho-tiray doorashooyinkii la midka ahaa ee ka qabsoomay Puntland.
“Khudbaddii madaxweynaha ee xalay waxay ahayd mid muujinaysay farxad iyo faan xad-dhaaf ah,” ayuu yiri Fahad Yaasiin, “balse waxaa la yaab leh inuusan marna xusin Puntland iyo Somaliland oo hirgaliyey doorashooyin buuxiyay shuruudihii sharciyadda iyo ogolaanshaha dadweynaha.”
Fahad ayaa sidoo kale xusuusiyay in xilligii Puntland ay qabanaysay doorashada qof iyo codka ah, Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka digayay islamarkaana ku hanjabayay inay burbur ku dhammaan karto, halka maanta uu si buuxda u dafiraayo taariikhdaas.
Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in nasiib darro uu madaxweynaha ku faanayo doorasho uu ku tilmaamay mid dhinac walba ka dhaawacan, ku dhisan “Qof iyo Qasab,” islamarkaana ka dhacday hal magaalo oo keliya, taas oo aan matali karin rabitaanka guud ee shacabka Soomaaliyeed.
Jaamacada Carabta 26ka Diseembar 2025 Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abuu Al-Qayt, ayaa soo dhaweeyay dadaallada ballaaran ee ay dowladda Soomaaliya ku qabatay doorashadii ugu horreysay ee goleyaasha degaanka ee codbixin toos ah tan iyo sanadkii 1969.
Wuxuu tallaabadan ku tilmaamay mid muhiim ah oo togan, kana tarjumeysa xoojinta muwaadinnimada, sharciyadda dastuuriga ah, isla markaana gacan ka geysaneysa taageeridda nabadda bulshada iyo horumarka dalka.
Axmed Abuu Al-Qayt ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay hormariyaan wada-hadal iyo is-afgarad qaran, si looga gudbo caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee jira, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada iyo dardargelinta hanaanka dhismaha dowladnimada.
Dhankiisa, La-taliye Jamaal Rashiid, afhayeenka Xoghayaha Guud, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay si dhow ula socoto hab-socodka doorashada ka dhacday magaalada Muqdisho, ayna u aragto tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ka-qaybgalka shacabka, loogana gudbayo nidaamka doorashooyinka dadban ee soo jiray tan iyo 1969 una wareegaya nidaamka codbixinta tooska ah ee “hal qof, hal cod”, sida ku cad dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Jaamacadda Carabta ay diyaar u tahay in ay bixiso taageero siyaasadeed iyo mid farsamo, iyada oo la kaashaneysa hay’adaha dowladda Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso himilooyinka sharciga ah ee shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan nabad, xasillooni, barwaaqo iyo soo celinta doorka dowladnimo ee qaranka.
si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir