Somali Gazette

Somali Gazette Welcome to the Somali Gazette
Somali Gazette is a Member and Property of Somali Media Empire.

Somali Media Empire is the biggest Free Public Media in Somalia and in the Horn of Africa, and it belongs these list of Media Outlets. Somali Cable News

Horn Cable News

Mogadishu Life

Somali Wired News

Somali Bulletin

Somali Mobile News

Somali National News

Somali National Post

Somali National Journal

Somali Federal Radio

Somali Federal TV

Somali Federal News

Somali Media Empire


Wargeyska Dalka

Somali Newspaper

Mogadishu Bulletin

Somali Gazette

Somali Digital News

Mogadishu Wired

Mogadishu Daily News

Mogadishu City News

Mogadishu City Journal

Mogadishu City Press

Mogadishu Times

Mogadishu Post

Mogadishu Media

Mogadishu Bulletin

Somali Magazine

Somaliland News

Somaliland Magazine

Somaliland Bulletin

Somaliland Gazette

Puntland News

Puntland Magazine

Puntland Gazette

Jubbaland Magazine

Jubbaland Gazette

Galmudug Gazette

Galmudug Magazine

Somalia ICT

Somali Consultancy

Mogadishu Bookstore

Mogadishu Multimedia

Somali Business Consultants

Somali ICT Engineers

Somali Hotels Associations

Mogadishu City Tourism

Somaliland GazetteSomaliland Magazine

Puntland Gazette

Puntland Magazine

Jubbaland Gazette

Jubbaland Magazine

Somali Private Sector Tourism

Mogadishu Tour Guide

Mogadishu Wifi

Mogadishu Wireless

Mogadishu Photography

Mogadishu Bank

Somali Insurance

Somali Publisher

Somali Petroleum Company

Somali Gasoline Company

somaligasoline.com

Somali Petrol

Somali Spare Parts

Breezybooklog1Breezybook

Bulbbook

Myidbook

unifysoftwareslUniifysoftwares

WARARKA MAANTA:29ka Nofeembar 2025Su’aalaha Maanta: Yaa   amray in la siiyo kaarka aqoonsiga? Maxayse tahat wadashaqaynt...
11/29/2025

WARARKA MAANTA:29ka Nofeembar 2025
Su’aalaha Maanta: Yaa amray in la siiyo kaarka aqoonsiga? Maxayse tahat wadashaqaynta ka dhexeysa Shabab Iyo Dowladda ? Yaa kamid ah argagixisada ee goalaha Wasirrada, lamaha Amniga Iyo Agaasimayaasha ? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuurka? Yaa beddelay dastuurka dalka? Maxuu u amray Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” in argagixisada la siiyo kaarka aqoonsiga ID Cards? Maxay isku dagaaleen Madaxweyne h**e Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Fahad Yaasiin “Daba-Naasle”? Yaa diiday inuu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Dastuuriga Ha wiqleyso!
Muqdisho 29ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Wasiirka Wasaaradda Md Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la yeeshay safiirka Dowladda Japan u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Matsuura Hiroshi ayaga oo kulankooda kaga wada hadlay dadaalada ay dowladda Japan ugu jirto arrimaha horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed si gaar ah mashruuca National Youth Service oo ah mashruuc balaaran oo ay mardhow bilaabi doonto Wasaaradda.
Safiirka ayaa soo dhaweeyay qorsheyaasha ballaaran ee Wasaaradda kuwaas oo lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed asaga oo tilmaamay in dowladda Japan ay diyaar u tahay kala shaqeynta Wasaaradda ee arrimaha dhallinyarada.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda oo ay kulanka ku wehliyaan Agaasimaha Qorsheynta Md. Xamza Cabdiwahaab iyo La taliyaha arrimaha mashaariicda W***y Murithi ayaa safiirka kaga mahadceliyay qaabilaaddiisa iyo sida uu usoo dhaweeyay barnaamijyada lagu hormarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Muqdisho 29ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Qaramada Midoobay waxay dooneysaa inay maqasho aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku saabsan arrimaha ugu muhiimsan ee saameeynaya iyaga, iyo sidii QM ay u xoojin lahayd ka-qaybgal waxtar leh iyo wada-hadalka loo dhan yahay.
Haddii aad xiisaynayso sahanka:
- Waxaa lagu heli karaa af-Soomaali iyo Ingiriisi labadaba
- Wuxuu u furan yahay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed
- Wuxuu xirmayaa 30-ka Noofambar 2025
Aragtidaadu waxay ka caawin doontaa Qaramada Midoobay inay dhisto wada-hadallo macno leh oo lala yeesho dhallinyarada, iyo inay qaabayso iskaashiga mustaqbalka ee bahda QM ay la yeelan doonto Soomaaliya.
Waxaan rajeyneynaa inaan maqalno codkaaga!
Muqdisho 29ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay shir heer wasiir ah oo dalalka IGAD uga arrinsanayeen Hirgelinta Baaqa Nairobi ee Arrimaha Qaxootiga
Mudane wasiir Cali Xoosh oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Qaxootiga, Dadka soo guryo noqday, Barakacayaasha iyo dhibaatooyinka Banii’aadnimada, isbadalka cimillada iyo abaaraha ay keenaan.
“Inkasta oo ay jiraan caqabado, haddana Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an hirgelinta mabaadi’da iyo himilooyinka Baaqa Nairobi. Sanadihii la soo dhaafey, waxaan si joogto ah uga shaqeynay in ballanqaadyadaas loo beddelo xalal wax ku ool ah oo kor u qaada nolosha qaxootiga, barakacayaasha, dadka soo laabanaya iyo bulshadda gudaha dalka” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaiya mudane Cali Xoosh.
Mudane Wasiir Cali Xoosh waxaa uu ka hadlay oo kale shuruucda ay Soomaaliya sameysay oo howshan xalkeeda qeyb ka ah sida; ansixinta Sharciga Qaxootiga iyo Magangalyo-doonka bishii Sebtembar 2023 iyo Sharciga Barakacayaasha Gudaha (IDP Bill) oo isna la meel mariyay bishan, taas oo nidaamkeenna qaran u dhoweysay heerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Xoosh waxuu dalalka IGAD usoo jeediyey in laga wada shaqeeyo amniga gobolka, la iskana kaashado kor u qaadista adeegyada kaabayaasha ee hormarka keenaya.
Muqdisho 29ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay Madasha Wasiirrada Beeraha Adduunka ee sanadkan, kaasi oo hal ku dhiggiisu ahaa “Ka hortagga luminta cuntada iyo biyaha iyo ilaalinta mustaqbalkeenna”.
Wasiirka waxa uu madasha ka jeediyay khudbad ujeedkeedu ahaa in la qaado tallaabo degdeg ah oo caalami ah si wax looga qabto khataraha isa soo taraya ee amni-darrada cuntada iyo biyo yarida.
Wasiirku waxa uu madasha ka sheegay saameynta sii kordhaysa ee isbeddelka cimilada, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay durba la tacaalayso abaaro soo noqnoqda, hoos u dhaca wax-soosaarka beeraha, iyo yaraanta biyaha. Wuxuu ku adkeeyay in yareynta khasaaraha cuntada iyo biyaha ay maanta tahay waajibaad deegaan, dhaqaale, iyo bini’aadannimo, iyadoo ay Soomaaliya ka go’an tahay hirgelinta Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay A/RES/74/209, kaas oo ku baaqaya in dunida oo dhan ay xoojiso dadaallada lagu dhimayo khasaaraha cuntada iyo biyaha si loo gaaro horumar waara.
Muqdisho 29ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 28-ka November, 2025
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdu ay mas’uul ka tahay ilaalinta arrimaha tiir dhexaadka u ah jiritaanka bulshada oo ay ugu horreeyaan diinta, dhaqanka, afka, amniga iyo kobcinta nolasha shacabka.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Labaad ee Warqadda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo muddo laba maalmood ah ka socday Caasimadda Muqdisho.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay ilaalinta sareynta sharciga.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Muqdisho.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradda Xagjirka (P/CVE).
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dalka Marooko uga qeybgaley Madasha Sanadlaha ah ee MEdays.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), kaas oo sannadkan diiradda lagu saarayo horumarinta iyo casriyeynta adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Koowaad ee Bahda Caddaalladda, oo looga hadlay horumarinta sharciga, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hey’adaha garsoorka.
10- Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Axmed Xasan Yuusuf u magacaabey inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda.
11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, oo ka furmay magaalada Luanda ee dalka Angola.
12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa ka qeyb-galay kalfadhiga 21-aad ee Shirweynaha Guud ee UNIDO oo ka socda magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
13- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa furay tababar loo qabtay xirfadlayaasha ka shaqeeya nidaamka caddaaladda carruurta.
14- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa soo xiray kulan heer sare ah oo ay yeesheen Guddiga Hagista Barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta.
15- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa daahfuray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda ee Wasaaradda.
16- Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Marrakech kaga qaybgalay Shirka 93-aad ee INTERPOL, halkaas oo looga hadlay amniga caalamiga ah, ka hortagga dembiyada xudduudaha, la dagaallanka scam-yada, iyo habraacyada casriga ah ee Interpol.
17- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si rasmi ah u daah-furay Mashruuca cusub oo lagu magacaabo Somalia Productive, Resilient, and Inclusive Growth (SPRING) oo uu maalgalinayo Bangiga Adduunka.
18- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah isaga diiwaan geliyay xarunta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee magaalada Gaalkacyo, gobolka Mudug.
19- Wasiirka Amniga Gudaha General Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Munir Karaloğlu.
20- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qaabilay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr.Hideki Matsunaga.
21- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa si rasmi u daahfuray Shirweynaha Xalalka Horumarineed kaasi oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara.
22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa'uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa khudbad ka jeediyay Shirka 55-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira, isagoo xusay horumarka Soomaaliya, doorashooyinka ka dhacaya dalka iyo qadiyadda Falastiin.
23- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 34-aad ee Golaha Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO), oo si rasmi ah uga furmay magaalada London.
24- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Al-Makhzoumi ayaa Muqdisho ka furtay ololaha 16-ka maalmood ee la dagaallanka tacaddiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha, kaas oo si xooggan uga socon doona guud ahaan dalka.
25- Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa kormeeray shaqooyinka ka socda xarumaha Waxbarashada ee dowladdu u qorsheysay in lagu siiyo koronto bilaash ah oo laga dhalinayo cadceedda.
26- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka degaanka ayaa degaanka Cali Heele ee Galgaduud, ku dilay Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal, oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sare ee argaxisada Al Shabab, kadib hawlgal halkaasi ka dhacay.
27- Hey’adda NISA ayaa degaanka Cumar Beere ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay horjoogihii argagixisada Al-Shabaab Xasan Siidoow Xuseen iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa, kaas oo ka mas’uul ahaa abaabulka qaraxyada iyo weerarrada amni-darrada ee gobolka.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA:28ka Nofeembar 2025Su’aalaha Maanta: Yaa kamid ah argagixisada   ee goalaha Wasirrada, lamaha Amniga Iyo ...
11/28/2025

WARARKA MAANTA:28ka Nofeembar 2025
Su’aalaha Maanta: Yaa kamid ah argagixisada ee goalaha Wasirrada, lamaha Amniga Iyo Agaasimayaasha ? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuurka? Yaa beddelay dastuurka dalka? Maxuu u amray Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” in argagixisada la siiyo kaarka aqoonsiga ID Cards? Maxay isku dagaaleen Madaxweyne h**e Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Fahad Yaasiin “Daba-Naasle”? Yaa diiday inuu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Dastuuriga Ha wiqleyso!
Muqdisho 28ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo saakay aroortii h**e ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilkan ayaa yimid kadib markii gaari nooca xamuulka qaada ah oo kasoo baxay dekada weyn ee Muqdisho uu ku dhacay Mooto Bajaaj mareysay wadada oo ay saaranayeen sadax ruux.
Sadaxda ruux ee saarna Bajaajta ayaa la xaqiijiyay in mid ka mid ah uu geeriyooday, iyadoo labada ruux ee kale uu soo gaaray dhaawac culus, kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Muqdisho.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in darwalkii waday gaariga Xamuulka ah uu isaga baxday goobta uu shilka ka dhacay, islamarkaana haatan ay baadi goob ugu jiraan ciidamada amaanka sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen.
Shilkaan saakay ka dhacay Isgoyska Jubba ayaa sababay in mudo kooban uu xirmo dhaqdhaqaaqii isku socodka wadadaas, waxaana xusid mudan shilalka noocan oo kale ah inta badan loo sababeeyo khibrad yarida darawalada qaar oo gaadiidka si xad dhaaf ah u kaxeeya, taasina ay keento inay lumiyaan xakamaynta gaariga marka ay wajahaan xaalado halis ah.
DDSI 28ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Haweenka iyo hablaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa wajahaya nooc cusub oo tacadiyo ah, kuwaas oo ay horseedeen aaladaha dhijitaalka ah, sida in lagu rakaateeyo muuqaallo laga duubay.
Agaasimaha Waaxda Carruurta iyo Dumarka ee Xafiiska Haweenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Suhuura Xasan Cumar, oo waraysi gaar ah siisay BBC Somali, ayaa ka warbixisay dambiyada loo adeegsado aaladaha casriga ah ee haweenka iyo hablaha lagu beegsado.
“Way jiraan kiisaskan, hadda ma badna, laakiin hordhac way jiraan. Hadda kiis la xukumay ayaa jira oo 7 sano iyo dhowr bilood lagu xukumay, kaasoo khuseeya fiidiyow laga duubay gabdho; kuwa kale oo sidan oo kale u socda oo nidaamka ku jira way jiraan,” ayay tidhi Suhuur.
Waxay sheegtay in wali bulshadu aanay si weyn ugu baraarugsanayn khatarta baraha bulshada iyo telefoonada casriga ah, kuwaas oo laga yaabo in lagu rakaateeyo muuqaallo si qarsoodi ah loo duubay, ama sawirro gaar kuu ah oo si aan ku talo-gal ahayn u baxa.
“Tusaale ahaan, gabadh ayaa xidhiidh lala samaynayaa; marka uu waqti socdo waxa aad arkaysaa gabadhii oo fiidiyowyo iyo sawirro laga codsanayo, waxaana dhici karta in lagu rakaateeyo,” ayay Suhuur hadalkeeda ku dartay.
Waxay sheegtay in hablaha dacwadaha furta ee isdifaaca ay weli aad u yar yihiin Deegaanka Soomaalida, balse ay jiraan hablo aad u badan oo sawirro iyo muuqaallo khaas ah laga hayo oo lagu rakaateeyo, kuwaas oo albaabada gadaashooda ku dhibaataysan.
Waxay intaas ku dartay in maalmihii u dambeeyay, oo lagu jiro 16-ka Cisho ee u Dhaqdhaqaaqa Tacadiyada Ka Dhanka ah Haweenka iyo Hablaha, ay xafiisku qaadayeen tallaabooyin wacyigelin bulsho ah oo ku saabsan tacadiyada loo adeegsado telefoonada, isla markaana ay si gaar ah ula kulmayaan qaybaha bulshada ee kala duwan.
16-ka Cisho ee u Dhaqdhaqaaqa Tacadiyada Jinsiga Ku Salaysan, oo sannadkasta la xuso inta u dhaxaysa 25-ka November ilaa 10-ka December, ayaa adduunka oo dhan looga guntadaa sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka. Halku-dhigga sannadkan wuxuu yahay: “Aynu u midoowno sidii loo cidhibtiri lahaa tacadiyada loo adeegsado aaladaha dhijitaalka ah ee ka dhanka ah haweenka iyo hablaha.”
Puntland 28ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, ayaa sheegay in ay cunaqabatayn xooggan saareen goobaha ay Daacish kaga harsan yihiin buuraleyda Calmíska, si looga jaro sahay kasta oo ay ku sii joogsan karaan.
Cabdifataax ayaa sheegay in meelaha ay Daacish ku dhuumaneyso si buuxda loo hareereeyay, ayna ka mid tahay qorshaha in laga xannibo raashiinka, shidaalka iyo adeegyadii kale ee gaari lahaa.
“Waxaa saaran dowladda iyo ciidankeeda culeys aad u weyn, waxaana ka mid ah in nimanka dhinac walba laga cunaqabateeyo oo aan waxba u gali karin, laguna hareereeysan yahay,” ayuu yiri
Wuxuu xusay in xubno kooban oo Daacish ah ay weli si dhuumaaleysi ah ugu sugan yihiin qaybaha hoose ee buuraha Calmíska, balse wuxuu sheegay rajo ka muujiyay in hawlgallada socda ay ku dhamaan doonaan muddo kooban.
Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay in juqraafiga deegaanka ay caqabad weyn ku noqotay ciidamada, maaddaama dhulku yahay mid si weyn u dhib badan oo aan gaadiidka culus geli karin. “Ciidamada waxaad ku aragteen inay ku socdaan Dameero, Awr iyo xataa lug, sababtoo ah waa meel aad u adag in si fudud loo gaaro,” ayuu yiri Cabdifataax.
Waxaa uu intaas ku daray in ay ciidamada khasab ku noqotay in ay adeegsadaan farsamooyin kala duwan oo ku habboon deegaannada buuraha ah, si loo xaqiijiyo in kooxdaasi gebi ahaanba laga saaro meesha ay ku dhuumaaleysanayaan.
Hadalka wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland ayaa kusoo aadaya xilli shalay ay ku beegnayd markii la qorsheeyay in lagu dhawaaqo in lasoo afjaray howlgalka Hilaac ee muddada sanadka ah lagula dagaalamayay ururka Daacish.
Qorshaha ayaa dib u dhacay sababa la xiriira madaxweyne Deni oo ku maqan dibadda. Si kastaba ha ahaatee, weli dagaalamayaa katirsan Daacish ayaa ku sugan Baallade oo Boosaaso u jira 20km. Dad badan ayaa maamulka Puntland uga digay in lagu dhawaaqo in lasoo afjaray Daacish, iyadoo aan weli laga nadiifin togga Baallade iyo degaanada ku dhow.
Muqdisho 28ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Waxaan toddobaadkan barnaamijka 𝗧𝘂𝗯𝘁𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 uga hadleynnaa xuquuqda dadka naafada ah ee ku nool Soomaaliya iyo baahida loo qabo in la kordhiyo ka qaybgalintooda dhammaan qaybaha nolosha.
Qaybta koowaad ee Barnaamijka, Adno Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Xuquuqda Aadanaha ee Hay’adda Naafada Qaranka, Soomaaliya ayaa qeexaysa xaaladda ka qaybgalinta iyo ilaalinta xuquuqda loo simman yahay ee dadka naafada ah ee ku nool Soomaaliya. Adno waxay kale oo ka hadlaysaa caqabadaha waa wayn ee ay qabaan dadkas, iyo waliba xalka, iyo sababta ay muhiim u tahay xaqiijinta sharafta dadka naafada ah iyo in si buuxda loga qaybgaliya si loo tagaeero himilooyinka horumarineed ee ballaaran.
Qaybta labaad, Axmed Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Ururka Naafada Galmudug ayaa nala wadaagaya afkaar la xiriirta xaaladaha dhabta ah ee ay wajahayaan dadka naafada ah ee ku sugan Soomaaliya. Axmed wuxuu sharraxayaa isbaddallada degdegga ah ee saameyn la taaban karo samayn kara, isagoo sharraxaya sida hay’addiisa ay ula shaqayso dawladda Soomaaliya, hay’adaha maxalliga ah iyo bahwadaagta caalamiga ah si loo horumariyo xuquuqda naafada. Wuxuu kaloo noo sheegayaa sida tallaabooyinkas ay ka mid yihiin horumarinta adeegsiga goobaha dadweynaha iyo xoojinta wacyigelinta ay gacan uga gaysan karaan dhisidda deegaan loo dhan yahay oo taageero u leh dadka naafada ah.
Waxaa barnaamijka martigelinaya Faa’isa Cabdi iyo Cabdicasiis Diiriye.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA:27ka Nofeembar 2025Su’aalaha Maanta: Yaa waalay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” oo dembiyadiisa...
11/27/2025

WARARKA MAANTA:27ka Nofeembar 2025
Su’aalaha Maanta: Yaa waalay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” oo dembiyadiisa is-daawanaay? Yaa diiday inuu sameeyo ? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuurka? Yaa beddelay dastuurka dalka? Maxuu u amray Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” in argagixisada la siiyo kaarka aqoonsiga ID Cards? Maxay isku dagaaleen Madaxweyne h**e Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Fahad Yaasiin “Daba-Naasle”? Yaa diiday inuu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Dastuuriga Ha wiqleyso!
Galmudug 27ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Magaalada Dhuusamareb, waxaa lagu qabtay aqoon is waydaarsi saddex maalmood socday oo ay taageertay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNTMIS kaasi oo isku keenay 30 haween ah oo ka kala socday ururrada bulshada rayidka ah ee Galmudug si loo dhiso fahamkooda nidaamyada doorashada korna loogu qaado u qareemiddooda ku aaddan kordhinta matalaadda haweenka ee hay'adaha la soo doorto.
Tabobarkan oo ay qabatay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug, ayaa sidoo kale ujeedadiisu ahayd in la xoojiyo hoggaaminta haweenka, in la gaaro qoondada haweenka ee 30%, iyo in laga gudbo caqabadaha bulsho, sharci, iyo dhaqaale ee hortaagan ka-qaybgalka buuxa ee haweenka ee siyaasadda.
Muqdisho 27ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah oo ka kooban ilaa 11 dhagar-qabe, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso isla markaana ku dhuumaaleysanayay Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.
Dhagar-qabeyaashan ayey Khawaarijtu u soo diyaariyeen inay fuliyaan shirqoollo argagixiso, basaasnimo, iyo inay isku dhex qarin karaan shacabka, Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo hayay xogtooda oo dhammeystiran ayaa mid mid u soo qabtay xilli ay qaarkood gacanta kula jireen fal-dambiyeedyo argagixiso.
Xubnahan Khawaarijta ah ayaa loo gudbin doonaa hay’adaha ku shaqada leh, si looga qaado tallaabada ku habboon. Fadlan Muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.
Muqdisho 27ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Taliyaha qeybta guud ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay amniga guud ee Caasimadda iyo ka hortagista falalka lidka ku ah amniga.
Kulanka ayaa ugu h**eyn waxaa warbixino la xariira xaalada amniga looga dhageystay saraakiisha ciidanka Booliiska, gaar ahaan falalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale kulanka looga arinsaday kulanka howlgalada looga hortagayo tuugada dhaca ka geysata qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Taliyaha Mahdi Cumar Muumin ayaa faray ciidamada Booliiska gobolka Banaadir iney dardar galiyaan amniga, islamarkaana ay ka hortagaan kooxaha dhaca iyo dhibaatada u geysta shacabka ku nool Muqdisho.
"Shirka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, feejignaanta ciidamada, iyo ka hortagga falalka dhaawici kara sumcadda Booliska" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa imaanaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir ay si weyn uga cabanayeen falalka la xariira dhaca Moobeelda oo ay u geysanayaan burcad hubeysan.
Muqdisho 27ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Ururka Suxufiyiinta ee NUSOJ ayaa soo bandhigay warbixin cusub oo muujinaysa in haweenka suxufiyiinta ah ay kordheen tacaddiyada, hanjabaadaha iyo cabsi-gelinta lagula dhaqmo gudaha dalka.
NUSOJ, oo ka tirsan Ururka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta (IFJ), waxay ku baaqeen in sharciyo adag la hirgeliyo si loo difaaco haweenka warbaahinta ka shaqeeya loona ciqaabo dadka ka dambeeya xadgudubyadaas.
Warbixintan ayaa shaacisay in muddadii u dhexeysa 2023 iyo 2025 la diiwaangeliyey 79 kiis oo ku saabsan tacaddiyo galmo iyo kuwo ku salaysan jinsiga oo lagula kacay haweenka suxufiyiinta ah.
Xadgudubyada ugu badan waxaa ka mid ah sida ay sheegtay NOSUJ, hanjabaado, iyo codsiyo lagu dalbanayo raalli-gelin galmo oo ragga qaar uga faa’iidaystaan cabsi-gelinta shaqada iyo ballanqaadyo shaqo. Dhaqamadaas ayay sheegtay inay goobaha shaqada ka dhigayaan kuwo cabsi leh oo aan ammaan u ahayn haweenka.
Dhanka kale, NOSUJ ayaa ka digtay halis cusub oo ah isticmaalka sirdoonka macmalka ah (AI), kaasoo lagu geysto weeraro online ah oo loo adeegsanayo in lagu dhaawaco sumcadda haweenka warbaahinta. Warbixintu waxay soo bandhigtay sheekooyin ay ka mid tahay suxufiyad la kulantay hanjabaado galmo iyo dil ah kadib warbixin ay ka qortay musuqmaasuq ka jira maamulka deegaanka..
NUSOJ waxay sheegtay in tacaddiyo badan aan la soo sheegin, maaddaama haweenka suxufiyiinta ah ay ka baqaan in shaqada laga eryo ama aargudasho. Arrintan waxay abuurtay sida NOSUJ sheegtay, dhaqanka aamusnaan ah oo u oggolaanaya dadka tacaddiga geysta inay ku sii shaqeeyaan iyaga oo aan cawaaqib xumo la kulmin.
Xoghayaha guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Osman, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ku faani karin in ay ilaaliso xorriyadda saxaafadda haddii haweenka suxufiyiintu ay maalin walba la kulmaan hanjabaad iyo bahdil.
Muqdisho 27ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu uga hadlayo xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay abaarta dalka ka jirta, taas oo hadda saameysay ku dhowaad shan milyan oo qof.
Farmaajo wuxuu sheegay in dadkaasi ay yihiin kuwo aan helin gargaar ku filan, isla markaana xaaladdooda ay soo jiitamaysay labadii sano ee lasoo dhaafay.
Madaxweynihii h**e ayaa baaq culus u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan culimada iyo ganacsatada, isagoo ka codsaday in ay hiil u fidiyaan dadka dhibaateysan, maaddaama kaalmooyinka caalamiga ahi hoos u dhacay isla markaana aysan daboolayn baahida dadka u baahan gurmadka degdegga ah.
Sidoo kale, Farmaajo wuxuu u yeeray qurbe-joogta Soomaaliyeed iyo madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, isaga oo ku adkeeyay in ay isku duubni uga jawaabaan xaaladda adag.
Wuxuu sheegay inuu rajo ka qabo in Beesha Caalamka ay dardar geliso gurmadka, si loo gaarsiiyo qoysaska tabaaleysan ee ku nool gobollada ay abaaruhu sida daran u saameeyeen.

Nyd de videoer og den musik, du holder af, upload originalt indhold, og del det hele med venner, familie og verden på YouTube.

WARARKA MAANTA:26ka Nofeembar 2025Su’aalaha Maanta: Yaa kamid ah Warbaahinta uu la shiray Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawa...
11/26/2025

WARARKA MAANTA:26ka Nofeembar 2025
Su’aalaha Maanta: Yaa kamid ah Warbaahinta uu la shiray Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas”? Maxuu u amray Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” in argagixisada la siiyo kaarka aqoonsiga ID Cards? Maxay isku dagaaleen Madaxweyne h**e Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Fahad Yaasiin “Daba-Naasle”? Yaa diiday inuu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Dastuuriga Ha wiqleyso!
Muqdisho 26ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Hadii 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗳𝘁𝗮𝘆– La-soco qaybtii ugu dambeysay ee Barnaamijka 𝗧𝘂𝗯𝘁𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮, si aad u dhageysatid Sowdo Xuseen Maxamuud, ku xigeenka Agaasimaha Guud Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SOMWA) iyo Dhamme Fardowso Cabdullaahi Abtidoon, Taliyaha waaxda Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo ka hadlaya dadaallada haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed looga difaacayo rabshadaha dijitaalka, caqabadaha ay baraha bulshada ku wajahaan iyo tallaabooyinka la qaadayo si xuquuqdooda iyo badqabkooda baraha dijitaalka loo dhawro.
Qaahira 26ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa'uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shirka 55-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta.
Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u jooga dalkaas, Mudane Cali Cabdi Awaare.
Muqdisho 26ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Duhulow, ayaa maanta booqasho ku tagay Safaaradda Dowladda Turkiga ee Muqdisho, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay Danjire Alper Aktaş, Safiirka Dowladda Türkiye ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan maamulka socdaalka iyo amniga xuduudaha.
Danjire Aktaş ayaa muujiyay sida ay Dowladda Türkiye uga go’an tahay taageeridda awoodda farsamo ee lagu horumarinayo nidaamka socdaalka dalka Soomaaliya.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud, Mudane Mustafa Duhulow, ayaa uga mahadceliyay Danjiraha soo dhawaynta diirran, isagoo tilmaamay in wada-shaqayn wanaagsan kala dhaxayso safaaradda, isla markaana ay ka go’an tahay fududeynta adeegyada dalku-galka, deggenaanshaha, iyo habraacyada kale ee muwaadiniinta Turkiga ee u socdaalaya ama ku sugan Soomaaliya.

Comaan 26ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Xulka qaranka Soomaaliya ayaa caawa wajahaya dhiggiisa Oman, kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka Carabta FIFA Qatar 2025, iyadoo labada dhinac ay sameeyeen diyaar garow xooggan ka hor ciyaarta ka dhici doonta Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdullaah Bin Khalifa.
Kulankan ayaa go’aamin doona kooxda u gudbeysa wareegga labaad ee tartanka, Macallinka xulka Soomaaliya, Yuusuf Cali Nuur, oo ka soo muuqday shir jaraa’id oo ka dhacay Doha, ayaa muujiyay rajo sare oo ku aaddan in Xulka Soomaaliya ay ka soo hoyn karto natiijo wanaagsan, inkastoo uu qiray in kulanka Oman uu yahay mid adag.
Yuu Cali, ayaa tilmaamay in xulka uu ka faa’iideystay khibraddii laga helay ciyaarihii tijaabada iyo tartamada Afrika.
“Diyaargarowgeennu wuxuu yahay mid wanaagsan, Ciyaartooyo badan ayaa muujiyey horumar, Hadafkeennu waa inaan soo bandhigno ciyaar geesinnimo leh oo natiijo wanaagsan keenta.”
Macallinka ayaa xusay muhiimadda ay guushu u leeyihiin ciyaartooyda iyo taageerayaasha Soomaaliyeed
“Waxaan rabnaa inaan farxad galino shacabka Soomaaliyeed iyo jaaliyadda ku sugan Qatar, Guushu waxay noo noqon doontaa dhiirigelin weyn oo na caawin doonta inaan dib ugu soo laabanno masraxa tartamada waaweyn.”ayuu yiri Tababare Yuusuf Cali.
Dhanka kale, tababaraha xulka Oman, Carlos Queiroz, oo 72 sano jir ah, ayaa muujiyay in kooxdiisu ay si buuxda u diyaar tahay, ayna ujeedadoodu tahay inay si awood leh ugu gudubto wareegga kooxaha.
Queiroz ayaa sheegay in Oman ay ka go’an tahay inay soo bandhigto ciyaar wanaagsan oo natiijo fiican keenta.
Muqdisho 26ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun adag ku ridday Maryan Maxamed Nuur, kadib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu ku soo oogay eedo culus oo la xiriira maalgelin falal argagixiso, lacag dhaqid sharci darro ah, iyo ku lug lahaansho hawlo dhaqaale oo loo adeegsaday ururka Al-Shabaab.
Sida ku cad war-saxaafadeedka ay soo saareen Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, baaritaanno qoto dheer oo la sameeyay ayaa muujiyay in Maryan Maxamed Nuur ay isticmaashay shan koonto bangi iyo shan taleefan, kuwaas oo lagu dhex marsiiyay lacag dhan $2,170,889 (Laba Milyan, Boqol iyo Todobaatan Kun, Sideed Boqol iyo Sideetan iyo Sagaal Dollar).

Xafiiska Xeer Ilaalintu wuxuu sheegay in lacagahaasi loo adeegsaday, Maalgelineed falal argagixiso, Lacag dhaqid sharci darro ah, Fulinta qaraxyo, Dillaalka iyo iibinta agab argagixiso, Isku dirka qabaa’ilka iyo dhibaatooyin kale oo argagixisadu ku hayso bulshada Soomaaliyeed
Sida lagu sheegay bayaan xafiiska xeer ilaalinta kasoo baxay, Kadib markii maxkamaddu ay dhageysatay caddeymaha la horgeeyay, waxay Maryan Maxamed Nuur ku xukuntay, 6 sano oo xabsi ah, Ganaax lacageed oo ah $20,000, In lala wareego 8 boos oo dhul ah iyo n la baab’iyo dhammaan akoonaaddeeda, lana wareegto dowladda wixii hanti ah ee ku jira
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku adkeystay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la-dagaalanka maalgelinta argagixisada, lacag dhaqidda iyo falalka khatarta ah ee halista ku haya nabadgelyada dalka.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Gazette posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share