23/02/2020
Walaalo u dhashay Cambodia oo 98 iyo 101 jir ah oo 47 sanadood kaddib midoobay.....
Laba hablood oo walaalo ah oo ay - da'doodu tahay 98 iyo 101 - ayaa dib u midoobay markii ugu horraysay muddo 47 sanadood ah kaddib markii ay mid walba moodday inay tankale dhimatay intii uu jiray maamulkii argagaxa badnaa ee Khmer Rouge ee 1970-yadii.
Hasayeeshee Ben Sen, oo 98-jir ah, ayaa sidoo kale waxa ay sidoo kale la midowday walaalkeed oo 92-jir ah, kaas oo ay moodaysay inuu dhintay, hay'ad maxalli ah ayaa sidaas ku warrantay.
Haweenkan walaalaha ah ayaa waxaa isugu dambaysay 1973, laba sanadood ka hor markii shuuciyiintii uu hogaamin jiray Pol Potled ay la wareegeen awoodda dalka Cambodia.
Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa loo malaynayaa in ay dhinteen intii uu maamulka dalkaas hayay xisbiga Khmer Rouge.
Qoysas badan ayaa kala lumay mudadaas, iyadoo waalidiinta laga qaadan jiray carruurtooda xilli maamulka uu doonayay inuu helo awood buuxdo oo uu dalka ku maamulo.