23/05/2024
Wasaaradda Waxbarashada Puntland.
Go'aan ay Wasaaraddu soo saartay, iyada oo imtixaanka guud ay ka dhiman tahay laba beri ayaa lagu yidh;
1.Arday kasta oo aan si sax ah ugu soo gudbin fasalka 12aad sababo la xiriira beddel aan sax ahayn ama in la bootiyey k**a qaybgalayo imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad sannad dugsiyeedka 2023 – 2024.
2. Dhammaystirka waxbarashada ardayda;
 Ardayda aan si sax ah oo xiriir ah ugu soo gudbin fasalka 12aad lana soo bootiyey waxay dhammaystiranayaan waxbarashadooda sannad dugsiyeedka 2024 – 2025 si bilaash ah iyagoo waxkabaranaya dugsiyadii ay h**e wax uga baranayeen.
3. Beddellada aan saxda ahayn;
 Laguma dhaqmi karo beddellada aan saxda ahayn iyo kuwa hubinta u baahan ilaa laga xaqiijinayo xogta ardayda wadatey beddelladaas, waxaana la farayaa mas’uuliyiinta ay khuseyso ee u xilsaaran arrimaha beddelka ardayda inay hubiyaan xogta dhabta ah ee ardayda wadatey beddellada aan saxda ahayn.
4. Dugsiyada;
 Dhammaan Maamuleyaasha dugsiyada hoos ku xusan waxaa la farayaa inay yimaadaan xarunta dhexe ee wasaaradda, taariikhdu markay tahay 1/6/2024.
 Magacayada dugsiyada;
1. Dugsiga sare ee Iftin (Boosaaso).
2. Dugsiga sare ee Xalane (Boosaaso).
3. Dugsiga sare ee Cumar Binu Cabdicasiis (Boosaaso).
4. Dugsiga saree e Bender-qaasim (Boosaaso).
5. Dugsiga sare ee Ugaas Yaasiin (Boosaaso).
6. Dugsiga sare ee Imaamu Shaafici (Boosaaso).
7. Dugsiga sare ee Biyo-kulle (Boosaaso).
8. Dugsiga sare ee 1da Agoosto (Boosaaso).
Gumbax TV