Hayaan Somali TV

  • Home
  • Hayaan Somali TV

Hayaan Somali TV Hayaan Somali TV we focus on people and events that affect people's lives. waad ku mahadsan tahay Booqashadada

We bring topics to light that often go under-reported, listening to all sides of the story and giving a 'voice to the voiceless.'

Gantaalka waxburburiya ee  Alyassiin 1005 oo aay Caankujihiin kooxda reer falast..n ee Xa..mas ayaa kasoo muuqday hubkii...
10/08/2025

Gantaalka waxburburiya ee Alyassiin 1005 oo aay Caankujihiin kooxda reer falast..n ee Xa..mas ayaa kasoo muuqday hubkii aay ka Carartay kooxda khawaarijta ah AS walaw aaysan wali ka hadlin Dawladda federaalka Soomaaliya hadana Su'aalo badan ayaa ka imaanaya Qaabka aay ku heshay kooxdaan Argagixiso ee Soomaaliya.

Alyassin waa garneyl ay farsameyso Jamhuuriyadda IRAN waxaana haysta oo ku dagaalama Ururka Xamaas iyo Kooxda Xuuthiyiinta , Al Yasin ayaa awood u leh inuu duleeliyo Taangiyada oo burburiyo iyadoo dagaalka Gaza lagu arkay awoodiisa . Waxaana la sheegaa in laba marxaladood uu qarxo iyadoo gumaca afka h**e uu shaqada u fududeeyo midka labaad oo qaraxa xoogan wata.

Gantaalkaan sida ba'an u burburiya Gaadiidka gashaman ayaa muujinaya inuu kasoo gudbay kooxda Xuutiyiinta ee Yeman taas oo horay looga digay inuu jiro Xiriir ka dhaxeeya kooxda Xuutiga iyo khawaarijta AS taas oo halisyeeda horay looga digay, muuqaalkaan ka imaaday Magaladda Bariire ayaa muujinaya halis wayn oo Amni taas soo dadajin doonta Talaabo Caalami ah oo laga Qaado kooxd khawaarijta AS.

Ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalka Uganda ayaa khasaare kala kulmay howlgalka ugu dambeyn sababay in magaalada B...
09/08/2025

Ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalka Uganda ayaa khasaare kala kulmay howlgalka ugu dambeyn sababay in magaalada Bariire dib loo qabsado Jimcihii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Ugu yaraan 17 askari oo ka tirsan ciidanka Uganda ayaa dhintay kuwaas oo ay ku jiraan lix askari oo toddobaadkan ku dhintay qarax gaari oo lagu weeraray.

Sidoo kale, afar dagaalyahan oo ka tirsan AS ayaa nolosha lagu qabtay intii lagu jiray wajigii ugu dambeeyay ee lagu qabsanayay magaalada.

Qabsashada Bariire waxaa ka horreeyay in dib loo xoreeyo tuulooyinka Sahaayid iyo Anole. Tallaabada xigta waxay noqon doontaa qabsashada magaalada Awdheegle, taas oo saraakiisha milatarigu saadaalinayaan in ay noqon doonto howlgal adag.

Dib-u-qabsashada Awdheegle waxay noqon doontaa guul weyn, maadaama ay ku soo celinayso gacanta dowladda dhammaan shanta buundo ee muhiimka ah ee gobolka, sidoo kalena ay AS ku riixi doonto dhinaca waqooyi ee wabiga Shabeelle.

Xigasho Haaruun Macruuf.

07/08/2025

Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Militariga Ethiopia ayaa maalintii labaad kuraysanaya Xerada Militariga Soomaaliya ee Xero UK iyada oo aay Ciidanka Xerada ku sugan aay mararka Qaar kuridayan Rasasta Qoryaha fudud ka dhaca.

Saraakiisha Ciidanka Ethiopianka ee ku sugan Magaladda Doolow ayaa horay Militariga Soomaaliya ugu Qabtay inay Magaladda Belad-Xaawo uga baxaan mudo sadex maalin ah oo hada aay ka harsantahay Saacado yar.

Dawladda Taagta daran ee Soomaaliya ayaan ilaa iyo iminka ka hadlin Xad Gudubyada Ciidanka Ethiopia aay kawadan Gobalka Gedo waxana horay aay Ciidanka Ethiopian-ku aay u weerareen Xeradii Ciidanka NISA oo intii Laweeraray intii dhimatay mooyee intii kale Xamar loo Tarxiilay mana jirto tilaabo aay Qaaday Dawladda federaalka Soomaaliya.

Isku dhac kooban oo u dhexeeyry  Labo maleeshiyo ayaa ka socda Degmadda Cadaado ee dawlad Gobaleedka Galmudug, isku dhac...
06/08/2025

Isku dhac kooban oo u dhexeeyry Labo maleeshiyo ayaa ka socda Degmadda Cadaado ee dawlad Gobaleedka Galmudug, isku dhacaan ayaa dabasocda Geerida Gabar 8 sano jir ah oo lasheegay in si barar ah loogu Gaystay kufsi kadibna Ladilay.

Labo Asbuuc ka hor ayaa dhacdo nuucaan oo kale ahi ka dhacday isla Gudaha Magaladda Cadaado manajirto wax Najiito Baaris lagu Qanco oo aay Booliiska iyo maamulka Degmada Cadaado aay u soo bandhigeen Ehelada Gabdhaha Geeriyooday.

Magaladda Cadaado ayaa Safka h**e uga jirijitay Degmooyinka ugu Amniga Badan Dalka Soomaaliya, eedaan ayaa waxaa loo jeedinaya maamulka Degmadda oo aan nacdooyinka Xad Gudubka ah ee Cayn kaan oo kale ah Tilaabo layaqaan ka Qaadin.

30/07/2025

Hanaankan Awood Qaybsiga Baarlamaanka cusub ee maamulka ay wada-jirka u dhisanayaan SSCKH & Maakhir inkasta oo ay weli jirto tabasho dhanka saamiga ah oo ay qaybaan reer Maakhir.

Tirada guud: 83 Mudane

1- Khaatumo: 45 Mudane

2- Maakhir: 38 Mudane

Beelaha Khaatumo:

40 Mudane - Siciid Harti/Dhulbahante.
3 Mudane - Fiqishini
1 Mudane - Madhibaan
1 Mudane - Geri-koombe

Beelaha Maakhir:

31 Mudane - Maxamuud Harti/Warsangali
1 Mudane - Jibraahil Ogaadeen
1 Mudane - Majeerteen Siwaaqron
1 Mudane - Axmed Harti
1 Mudane - Kaski Qabe
1 Mudane - Madhibaan
1 Mudane - Dir
1 Mudane - Dhulbahante Naaleye Axmed

28/07/2025

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa 3 kamid ah Diyaaradaha Helicopterada ah u dirtay Degmadda Belad-Xaawo ee Goledo halaas oo uu Dagaal ku dhexmarayo Ciidamadda Militariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland Dagaalka oo dib u bilawday Subaxnimadii h**e ee Saakay Gudaha iyo Daafaha magaladda Belad-Xaawo.

Diyaaradaha ayaa daabulay Dawooyin Saanad Ciidan iyo Saad loogu Tala Galay Ciidamadda uu hugaaminayo Abdirashiid Janan oo ah Sargaalka ugu Sareeya Amniga Gobalada Jubbaland Xilkaan oo aay u dhiibtay Janan dawladda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa gabi ahaanba go'an isgaarsiinta Degmadda Belad-Xaawo ee Shirkada hormuud Ciidamada ayaa Adeegsanaya isgaarsiinta Ciidamada iyo Talefoonada Satalaydka ku Xiran mana jirto wax xog ah oo laga ogaan karayo inta uu la egyahay Qasaaruhu.

Dawladda kiinya oo maamusha magaladda mandheera ayaa dhankeeda jartay isgaarsiinta shirkadaha dalkaas oo aay isticmaalayeen dadka reer Belad-Xaawo mararka aay go'odo isgaarsiinta hormuud ee Soomaaliya warar hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Kiinya aay Qab kayihiin dagaalka.

Ciidanka PMPF ee Maamulka Puntland ayaa markale weerar ku Qaaday markab Shidaal kaas oo ku Safrayey Xeebaha Raascasayr g...
21/07/2025

Ciidanka PMPF ee Maamulka Puntland ayaa markale weerar ku Qaaday markab Shidaal kaas oo ku Safrayey Xeebaha Raascasayr gaar ahaan meeshii horay looga soo Qafaalay markabka hubka sida ee Sea world kaas oo lasheegay in lagala degay hub uu u siday Xerada Militariga TurkiSom ee Magaladda Muqdisho.

Markabkaan Shidaalka oo u rarnaa Ganacsato reer Muqdisho ah kana soo shiraacday wadanada khaliijka Carbeed ayaa kabad baaday Afduub ama Qafaal aay Ciidamada PMPF aay ku doonayen inay u dhaqaniyaan dhanka magaladda Boosaaso laakiin markabka ayaa ku bad baaday bada oo aad u kacsaneed iyo Ciidanka oo watay doomo yaryar oo aan u babac dhigikarin mawjadaha Badda.

Xeebaha Soomaaliya ayaa wajahaya Cabsi iyo Ambi daro aad u wayn kadib markii uu Qilaafkii u dhaxeeya Dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul Gobaleedka Puntland lamana oga halka aay ku danbayntoonto dhibta Taagan hada.

DEG DEG: Puntland oo Ka Hadashay Markab Si Sharci-darro ah Ugu Sugnaa Xeebaha Bareeda, Hubna Siday.Dowladda Puntland aya...
20/07/2025

DEG DEG: Puntland oo Ka Hadashay Markab Si Sharci-darro ah Ugu Sugnaa Xeebaha Bareeda, Hubna Siday.

Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in markab lagu magacaabo SEA WORLD oo sida hub culus uu si sharci-darro ah ugu sugnaa muddo laba maalmood ah xeebaha magaalada Bareeda ee Gobolka Raas-Casayr, isaga oo aan wax codsi caawimaad ama sharaxaad ah u soo gudbin dowladda Puntland.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa lagu sheegay in markabkan uu si toos ah u jabiyay xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan qodobka 19aad (2)(b) iyo (g) ee heshiiska caalamiga ah ee xuduudaha badda (UNCLOS), kaas oo mamnuucaya in markab ajnabi ah, gaar ahaan mid hub sida, uu si qarsoodi ah ugu dhex socdo biyaha badda ee dowlad kale.

Waxaa lagu tilmaamay in markabkan uu ku sugnaa zone dagaal oo Puntland kula jirto kooxaha argagixisada caalamiga ah sida Daacish (ISIS), taasoo halis amni ku ah gobolka oo dhan. Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay xaq u leedahay baaritaanka iyo tallaabo ka qaadista maraakiibta si sharci-darro ah ugu sugan biyahaheeda, sida uu dhigayo qodobka 25aad iyo 27aad ee UNCLOS.

Baaritaan rasmi ah ayaa haatan socda si loo ogaado cida iska leh markabkan, ujeeddada socdaalkiisa, iyo nooca hubka uu sido. Puntland waxay si adag u cadeysay inaysan aqbali doonin xadgudubka ka dhanka ah madax-bannaanideeda badeed iyo ammaankeeda gudaha.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu dambeyn ugu baaqday shacabka Puntland iyo beesha caalamka in ay la socdaan halista ka iman karta markabkan, iyadoo xustay in Dowladda Puntland ay si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ula xisaabtami doonto cid kasta oo ku lug yeelata arrintan.

Puntland oo bilowday tirakoobka hubka saaran markabka Sea World, amartayna Taliyaha Qaybta Gobolka Raas Caseyr in war su...
20/07/2025

Puntland oo bilowday tirakoobka hubka saaran markabka Sea World, amartayna Taliyaha Qaybta Gobolka Raas Caseyr in war sugan laga keeno hubka galay gacanta shacabka xilli markabku ku sugnaa xeebta Bareedo.

Madaxda maamulka Puntland ayaa lakulmayo Canbaarayno Caalami ah iyo mid ka imaanaysa Gudaha Soomaaliya waxana Cabsi laga muujinaya Xeebaha Soomaaliya madama Ciidamo aan laga Cabsi qabin aay fuliyeen faldanbiyeed lamid ah midka Burcad badeeda oo kale.

DEGDEG:- Cabdirashiid Janan oo ah nin ku awood badan Jubaland, Farmaajo isaguna horay u xiray ayaa xil weyn loo magacaab...
20/07/2025

DEGDEG:- Cabdirashiid Janan oo ah nin ku awood badan Jubaland, Farmaajo isaguna horay u xiray ayaa xil weyn loo magacaabay.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) ayaa loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HSNQ) ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, ahna Madaxa Guud ee Hay’adaha Amniga ee Gobolka Gedo.

Magacaabistan waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo isku-xirka hay’adaha amniga ee Jubbaland, iyadoo mudnaanta la siinayo kor u qaadista amniga Gobolka Gedo iyo la-dagaallanka kooxaha khawaarijta ee halista ku haya xasilloonida gobolka iyo guud ahaan dalka.

DEG DEG: Diyaarada nooceedu yahay C-130 oo ay leedahay Imaraadka maalmahanba taalay Bosaso ayaa ka duushay airboorka Bos...
20/07/2025

DEG DEG: Diyaarada nooceedu yahay C-130 oo ay leedahay Imaraadka maalmahanba taalay Bosaso ayaa ka duushay airboorka Bosaso sida aad u jeedaan sawirada ay Satelite-yadu soo bandhigeen. Dhaq dhaqaaqa ay bilawday C-130 ayaa lagu macneen karaa mid laxiriirta arimaha cakiran ee kasoo cusboonaaday aagaasi. Halka ay uduushay iyo sababta si rasmi ah looma sheegin balse waxaa laga yaabaa iney la xariirto handadaad Turkiga katimid.

Markabka waxaa lagu qabtay xeebaha Bareeda, halkaas oo ciidamada Puntland Maritime Police Force (PMPF) ay gacanta ku dhi...
19/07/2025

Markabka waxaa lagu qabtay xeebaha Bareeda, halkaas oo ciidamada Puntland Maritime Police Force (PMPF) ay gacanta ku dhigeen.

Waxyaabaha la sheegay in markabka uu siday waxaa ka mid ah taangiyo, hub culus, qoryo waaweyn iyo rasaas, iyadoo sidoo kalena waxaa saraan gaadiid dagaal iyo qalab milatari oo casri ah. Markabkan oo magaciisu yahay SEA WORLD ayaa ka diiwaangashanaa Jasiiradda Cameroos wuxuuna ka tagay dalka Turkiga, iyadoo loo waday Muqdisho.

Puntland waxay sheegtay in shixnaddu ka timid Azerbaijan, looguna talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Xukumada Puntland ayaa markabka u soo wareejisay dhanka magaalada Bosooso, iyadoo laga keenay xagii lagu qabtay ee deegaanka Bareeda. Dhanka degaanka Caluula meelishiyaad hubaysan ayaa boobay Xaruntii ciidamada Puntland ee degaanka oo la keenay qoryaha nooca fudfudud, isla wakhtigaas ciidamo kooban ayaa ku sugnaa saldhiga halka ciidamada inta badan ay ku maqnayeen dhanka markabka.

Dowladda Federaalka ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arinta markabka ka dib markii warbaahintu su,aaalo ka weydiyeen wasiirka gashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa diiday inuu ka hadlo arintan.

Qabsashadani waxay kor u qaadday xiisadii u dhaxaysay dowladda Soomaaliya iyo Puntland, taas oo xidhiidhka labada dhinac gaadhsiin doonta dhawaac aad u weyn. Arintan waxay sidoo kale dhalin kartaa su’aalo ku saabsan saami qeybsiga hubka iyo doorka Turkey iyo Azerbaijan ee keenista qalabka milatari Soomaaliya.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hayaan Somali TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hayaan Somali TV:

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share