11/04/2022
Colaadda Ukraine: Reer Galbeedka oo loo iftiimiyay qaabka ay ku joojin karaan duullaanka Ruushka
Ruushka ayaa tamarta ugu badan siiya Yurub
In gebi ahaanta la hakiyo iibsiga tamarta Ruushka ayaa joojin karta colaadda Ukraine, sida uu ku taliyay madaxii h**e ee arrimaha dhaqaalaha u qaabilsanaa Madaxweyne Vladimir Putin.
Dr Andrei Illarionov ayaa sheegay in Ruushka uusan "dhan u qaadan" hanjabaada dalalka kale ee ah inay yareynayaan isticmaalka tamarta.
Yurub ayaa ilaa haatan iibsata shidaalka iyo gaaska Ruushka, inkastoo ay sheegtay inay dhimayso ku tiirsanaanta dalkaas.
Sanadkii la soo dhaafay, kharashaadka ay bixisay dowladda Ruushka ayaa 36% ka yimid dhakhliga tamarta.
Lacagtaas u soo xarootay ayaa inteeda badan waxaa bixiyay Midowga Yurub oo 40% gaaska ka hela Ruushka halka 27% shidaalkana uu ka soo dhoofsado waddankaas.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee ururkaas, Josep Borrell, ayaa maalmo ka hor sheegay in "maalintiiba ay bilyan Euro dhakhli ahaan u siiyaan Ruushka".
"Haddii dalalka Galbeedka ay si dhab ah u hakiyaan gaaska iyo shidaalka Ruushka, waxaan hubaa in bil ama laba bilood gudahood uu ku joogsanayo duullaanka Ruushka," ayuu yiri la taliyihii h**e ee Putin.
"Waa qaabka ugu wanaagsan ee ay dalalka Galbeedka wax uga qaban karaan xaaladda taagan," ayuu hadalkiisa raaciyay.