05/10/2026
CABASHADA BULSHADA DEGMADA GURE BAQAQSA
Waxaa muddooyinkii u dambeeyay soo baxayay cabashooyin ay bulshada degmada Gure baqaqsa ka muujinayaan xaaladda adeegyada aasaasiga ah ee degmada.
Bulshada ayaa si gaar ah uga cabanaya biyo la’aan, adeegyada Anteenka oo aan si wanaagsan u shaqayn, iyo caqabado kale oo saameyn ku yeeshay nolol maalmeedka shacabka.
Sidoo kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhalinyaro doonayay inay cabashadooda iyo tabashadooda si toos ah u gudbiyaan loo taxaabay xabsiga. Arrintan waxay dhalisay walaac iyo su’aalo ku saabsan sida loo wajahayo cabashooyinka shacabka iyo xaqa ay bulshada u leedahay inay si nabad ah u gudbiso tabashadeeda.
Cadalaad TV waxay ugu baaqaysaa hay’adaha ay khusayso inay si dhab ah u dhageystaan cabashada bulshada, una caddeeyaan shacabka xaaladda adeegyada degmada iyo sababta keentay caqabadaha jira.
Shacabka Gure baqaqsa waxay xaq u leeyihiin adeegyo aasaasi ah oo shaqaynaya iyo in cabashadooda loo maro hannaan sharci iyo nabad ah.