Yool Bulsho Organization

Yool Bulsho Organization Ushaqayn shacab
Ugar gaarid dan yar

Maanta oo ay taariikhdu tahay, 4-da Agoosto, 2025. Ururka Somali Women in Environment and Climate Change (SWECC) ayaa qa...
04/08/2025

Maanta oo ay taariikhdu tahay, 4-da Agoosto, 2025.
Ururka Somali Women in Environment and Climate Change (SWECC) ayaa qabtay Shirka Haweenka Soomaaliyeed ee Cimilada 2025 oo ku saabsanaa muhiimadda ay leedahay caddaaladda cimilada iyo kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee ilaalinta deegaanka.

Shirkaasi oo lagu qabtay Istanbul Hotel waxaa halku-dhig looga dhigay:
"Somali Women and Climate Justice: A Call to Action."

Ururka Yool Bulsho waxaa si rasmi ah uga qayb galay Agaasimaha Guud ee Ururka Yool Bulsho, Muumin Yuusuf Cali(Saami), oo matalayey ururka, kana mid ahaa masuuliyiinta sare ee ka qayb gashay shirkaan ee haweenka Soomaaliyeed ee la dagaallanka isbeddelka cimilada.

Ururka Yool Bulsho wuxuu sii xoojinayaa taageerada dadaallada deegaanka iyo doorka haweenka ee xal u helidda caqabadaha cimilada.




Maanta oo ay taariikhdu tahay Agoosto 01, 2025, Guddoomiyaha Ururka Yool Bulsho, Mudane Sakariye Maxamed Ibraahim (Dal-D...
01/08/2025

Maanta oo ay taariikhdu tahay Agoosto 01, 2025, Guddoomiyaha Ururka Yool Bulsho, Mudane Sakariye Maxamed Ibraahim (Dal-Dhise), iyo xubno ka tirsan ururka, ayaa ka qaybgalay toddobaadkii 203-aad ee barnaamijka ololaha nadaafadda xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ujeeddada barnaamijku waa in la dardar-geliyo wacyigelinta bulshada, korna loo qaado nadaafadda iyo bilicda deegaanka, gaar ahaan xeebaha, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada iyo deegaanka dabiiciga ah.

OGAYSIIS RASMI AHBarnaamij Tababar Bilaash ah oo Loo Furayo Ardayda Dhammeystay F4Ururka Yool Bulsho, oo hormuud ka ah h...
28/07/2025

OGAYSIIS RASMI AH

Barnaamij Tababar Bilaash ah oo Loo Furayo Ardayda Dhammeystay F4
Ururka Yool Bulsho, oo hormuud ka ah hawlaha samafalka, waxbarashada, iyo ilaalinta deegaanka, wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqayaa barnaamij tababaro xirfadeed oo bilaash ah, looguna talagalay dhammaan ardayda dhowaan dhammeystay fasalka afaraad ee dugsiga sare (Form Four – F4).

Koorsooyinka La Bixinayo:
🎓 Computer Literacy Course
– Tababar ku saabsan fahamka aasaasiga ah ee kombiyuutarka, barnaamijyada xafiisyada sida Word, Excel, PowerPoint, iyo adeegsiga tiknoolajiyada casriga ah.

🩺 First Aid Course
– Tababar wax ku ool ah oo ku saabsan gargaarka degdegga ah, samatabbixinta, iyo la tacaalida xaaladaha caafimaad ee lama filaanka ah.

💼 Career & Personal Development Course
– Tababar lagu kobcinayo xirfadaha shaqo raadinta sida qorista CV-ga, xirfadaha wareysiga (interview skills), iyo qorsheynta mustaqbalka waxbarasho/shaqo.

Macluumaad Muhiim ah:
📅 Taariikhda Bilaabashada: August 2025
📍 Goobta: Al-Imra International University (AIU)
💰 Qiimaha: Bilaash – lacag lagama qaadayo
🎯 Ujeedada Barnaamijka:
Kor u qaadidda aqoonta, xirfadaha, iyo wacyiga ardayda dhammeystay F4, si ay ugu diyaar garoobaan fursado shaqo, waxbarasho sare, iyo horumar shaqsiyeed.

Sida Loo Isdiiwaangeliyo:
✅ Dhammaan ardayda dhammeystay F4 waxaa si gaar ah loogu dhiirrigelinayaa inay iska diiwaan geliyaan barnaamijkan.

📲 Si aad xog dheeraad ah u hesho, fadlan nagala soo xiriir:
Lambarka: +252 614486865
WhatsApp Group-ka rasmiga ah:
👉 https://chat.whatsapp.com/IZrBLruqOiA41yMSas4zWP?mode=ac_t

Ururka Yool Bulsho
Kobcinta Aqoonta | Daryeelka Bulshada | Ilaalinta Deegaanka

Address

Sarajevo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yool Bulsho Organization posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share