Voss tv

Voss tv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Voss tv, TV Channel, jigjiga, .

MAXAY SOOMALIDU  KA BIYO DIIDAY?Xisbiyada mucaaradka ee Soomalida ayaa wallaac ka muujiyay geedi-socodka Shirwaynaha wad...
14/07/2026

MAXAY SOOMALIDU KA BIYO DIIDAY?

Xisbiyada mucaaradka ee Soomalida ayaa wallaac ka muujiyay geedi-socodka Shirwaynaha waddatashiga Qaran.

Ergooyinka guud ee ka qayb galaya waa 4000 qof. Soomalidu 206 qof ayay ku leedahay. Ergooyinka marka h**e waxaa loo qaybin doona 8 koox oo midkasta ka kooban 500 Qof. Hadana waxaa loo sii jajabinaya 250 koox kasta. Markale kooxaha ayaa loo qaybinaya 50 Qof ila tiro ka hooseysa.
Koox kasta marka la dooddo go'aanka ay qaadanayso waa loo coddeynayaa. 70% codka ugu bata ayaa la qaadanayaa.

Arrintas waxay keenaysa in Deeganada mataladoodu yarayd codkoodu kooxaha ku baaho. Waxay keeni in tiro yar aad ku yeellato kooxaha hoose qaarkood, koox walbana codka aqlibiyada maadama go'aankodu noqonayo waxay sababi karta in saameyntadu koobnato. Koox 250 qof oo aad 12 qof ku lahayd maxaa laga filan karaa? Waa doodda ay keenen xubno mucaaradka Deeganka ah.

Qowmiyadaha kale mucaarad, iyo shacaba mawduucan ayay hadal hayaan. Siyaasiyinta Deegannaduna maadama xisbigii tallada hayay ka tirsan yihiin oo ay horrey mawqif u qaaten hoostay ka riixayaan; iyagoon darreenkoda bannaanka keenin ayay meelo dhex marinayaan.

Fallanqayno ayaa bishan-ba laga sameeya, doonistoda ayay muujinayan shirka kahor; laakin Soomalidu mawduucan ma hadal hayso.

Waddatashiga sababta loo qabtayna waa in la dooddo, ergooyinku darrenkoda bannanka keenan. Laakin Soomalida koox walba cabsi rabaaniya haysata.

La soco qaybaha kale ee dooddaha kulanka.

Abiye Ahmed, ayaa xadhiga ka jaray garoonka Magaalada Debremarkos ee Deeganka Axmarada oo uu dhismihiisu dhammaaday. Sod...
12/07/2026

Abiye Ahmed, ayaa xadhiga ka jaray garoonka Magaalada Debremarkos ee Deeganka Axmarada oo uu dhismihiisu dhammaaday. Soddon sanno kaddib ayay duulimaadku u bilawdeen.

Deeganka Axmarada, Laba meel oo Oromiya ah iyo Debubka ayaa garoomo diyaarad laga dhisay.

Deeganka Soomalida oo kii ugu ballaadhna ah, gobaladuna jidad haysan garroomo ma helin.

Kuwii duurka ku jiree dagaallamayay wakaas, kuwii mucaarad iyo muxaafadba Abiye taabacsana- cidina kasoo horjeedina waxba ma hayaan.

Garsoore Omar Abdulkadir Artan  Ayaa Maanta Tababar La Xidhiidha Dhexdhexaadinta iyo Habsami U daadihinta Ciyaaraha u Qa...
12/07/2026

Garsoore Omar Abdulkadir Artan Ayaa Maanta Tababar La Xidhiidha Dhexdhexaadinta iyo Habsami U daadihinta Ciyaaraha u Qabtay Garsooreyaasha Deegaanka.

Ardaydii h**ey Diploma u qaadatay(10+3, ama 12+2) ama Tiknikada ee aan qaadan CoC-da, islamarkana Degree, Master ama PhD...
11/07/2026

Ardaydii h**ey Diploma u qaadatay(10+3, ama 12+2) ama Tiknikada ee aan qaadan CoC-da, islamarkana Degree, Master ama PhD qaatay ayaa hada imtixaan laga qaadaya. Imtixaan tayada lagu xaqiijiyo ayaa laga qaadaya arday kasto Degree billaabay isagoon marin Coc-da. Tan ayaa ka dhiggan in arday qalin jabiyay 12 sanno kahor lagu noqon doono shahaadoyinkiisa. Xitaa haduu PhD qaatay oo uu Dibloma ka soo bilaabay waa in uu Coc-da wato.

Waxaa jiray xoggo sheegaya in ardadyii toban sanno kahor qalin jabisay dhammaan imtixaan laga wadda qaadi doono, laakin xogtu saas maaha, waxa imtixaan lagu celinayo waa ardayda Deploma qaadatay ee Degree bilaabay iyagoon COC- qaadan. Ardayda Jaamacadaha ka baxay ee 12aadka baasay kuma jiraan miri-rigtan.

Arday Master ah ayaa macquul ah in imtixaankan lagu xidho.

11/07/2026

DEGMADA BAABILI: Ardayda Dugsiga Sare ee Degmada ayaa maanta u ambabaxay jaamacada Jigjiga si ay ugu fariistaan Imtixaanka Qaran ee Fasalka 12-aad Qaybta Social science.

Waxaan u rajaynaynaa guul iyo gobannimo. Alle ha u fududeeyo imtixaanka, hana ku gallado natiijooyin wanaagsan. Guul baan idiin rajaynaynaa.

Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Siti, Horyaalka Tartanka Kubadda Cagta ee Goboladda DDS 2026. Waxaa ciyaarta maa...
10/07/2026

Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Siti, Horyaalka Tartanka Kubadda Cagta ee Goboladda DDS 2026.

Waxaa ciyaarta maanta nagala soo qayb galay Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdiqaadir Cartan iyo Tababaraha Xulka Kubadda Cagta ee Itoobiya Solomon Sahle.

Garsoore Cumar Cartan ayaa si wayn loogu soo dhaweeeyay Magaalada Jigjiga. Looma kala hadhin soo dhawayntisa. Madaxtooya...
10/07/2026

Garsoore Cumar Cartan ayaa si wayn loogu soo dhaweeeyay Magaalada Jigjiga. Looma kala hadhin soo dhawayntisa. Madaxtooyada, Mayorka,wasiirka dhalinyarada, ciidanka Baambeyda, kooxaha fanka iyo qaybaha bulshada ayaa ka qayb galay.

Ra'iisal Wasaaraha ISRL ayaa markii ugu h**eysay si cad ugu baaqay Trump inaan Turkiga loo gacan gelin diyaaradaha dagaa...
06/07/2026

Ra'iisal Wasaaraha ISRL ayaa markii ugu h**eysay si cad ugu baaqay Trump inaan Turkiga loo gacan gelin diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Natanyahu wuxuu arrintaa u sababeeyay in Erdogan uu yahay hogaamiye neceb Mareykanka isla markaana doonaya inuu burburiyo ISRL, Sidoo kale wuxuu sheegay in Turkigu uu xoog ku haysto kala badh dhulka jasiirada Qurbus oo ah Dal ka tirsan NATO, sidoo kalena ay u hanjabayaan Giriiga.

Ra'iisal Wasaaraha ISRL wuxuu intaasi raaciyay in Erdogan uu si cad uga hadlo inuu qabsanayo magalada Qudus, sidoo kalena Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkigu uu si cad u sheegay inuu maalin uun noqon doono qofka maamuli doona Qudus.

Natanyahu wuxuu yidhi "marka xaaladdaas oo dhan laysku daro waxaan qabaa in Mareykanku uu Turkiga siin diyaaradaha jiilka shanaad ee F-35." Wuxuuna si cad u tilmaamay in arrintaasi hadii ay dhacdo ay si weyn u badalayso miisaanka awooda ee gobolka, isagoo ka baryay Trump inuu sii damaanad qaado in ISRL ay sii ahaato awooda dhinaca cirka ugu xooga badan bariga dhexe.

Address

Jigjiga

JIGJIGA

Telephone

+251983081420

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Voss tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share