Nuurul Hudaa Media

  • Home
  • Nuurul Hudaa Media

Nuurul Hudaa Media spreading Islamic law

Difaaca Sheekh Cismaan Xiddig: furfuridda hadalkii gefka ahaa ee Islaanimadiisa lagu duray.Waxaan dhagaystay Muxaadaro u...
28/07/2024

Difaaca Sheekh Cismaan Xiddig: furfuridda hadalkii gefka ahaa ee Islaanimadiisa lagu duray.

Waxaan dhagaystay Muxaadaro uu jeediyay mid kamid ah Wahaabiyada, taasoo ku sheegay Sheekheennii weynaa ee caalimka ahaa ee Saahidkaa ee ku cirreystay cilmiga iyo waxbaridda inuu shirki ku dhacay oo gabayadiisu laga helayo gaalnimadii weyneyd ee diinta looga baxayay. Qofka hadduu ku dhinto shirki waxaa hubaal ah uu naarta galayo, illeen qofkii Shirki ku dhinta Eebb uma dhaafo e'. Waxaan aad ula yaabay sida fudud ee culimada Islaamka Towxiidkooda iyo Islaanimadooda loo durayo, sida fudud ee loo leeyahay Towxiid ma yaqaannaam oo ah meeshii uu qofku kasoo galayay diinta. Arrinkaasi waa xagjirnimo weyn iyo tagfiirnimo aan geed loogu soo gabban. Qofka caalimka ah, haddii la leeyahay shirki buu ku dhacay, waa marag ma doonto in la gaalaysiiyay, keliyana lala sugayo awooddii wax looga qaban lahaa.

Qofka haddii aad taageersantahay iyo haddaad kasoo horjeeddaba waa inaad xujo iyo caddeyn ku taageertaa ama uga soo horjeesataa. Sheekheenna weynna waxaan ognahay inuu Ahlu Towxiid ahaa, Shirkina shaqo ku lahayn balse kuwa gardarani ay ku dureen wax aanan jirin oo maskaxdooda uun sawiratay.

Sheekhaas duray Sheekh Cismaan Xiddig waxa uu soo qaatay beydad ka mid ah gabay uu ku ammaanayo Suubanaha naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee. Beydadkaasj waxay ahaayeen kuwaan:

ضعيفا كنت ذا جسم عليل
وليس سواك لي عون وناصر
فأدركني وجد لي ذا المعالي
بما يشفي الظواهر والسرائر
وكن لي يا رسول الله حرزا
من الأسواء باطنها وظاهر

Haddaan afsoomaaliyeeyo waxay noqoneysaa sidatan: " waxaan ahay daciif aan taag badan lahayn, xanuunsan, mana lihi [maalinta Qiyaame] - gargaare iyo hiiliye aanan adiga ahayn. kii maqaamka sarreeyayoow, isoo haleel, iiguna deeq waxa kasha iyo korkaba daawo u ah [ oo ah shafaacadaada maalinta qiyaame]. Ii noqo xirsi xir aan kaga bedbaado xumaha sir iyo caadba[Illeen qofkii loo shafeeco qaado waxa uu ka bedbaadayaa naarta e' ".

Intaas waa macnaha guud ee gabayga Sheekha, inta aan ku kulmiyay calaamaddan [ ], waa faahfaahin aan anigu saaray oo ah sida dhabta ah ee uu sheekhu ka wado, balse wadaadku uu leexiyay, kuna fasiray sida uu asagu rabo, taasoo runtii aanan habbooneyn.

Arrimaha aan aadka ula yaabay waxa waaye Sheekhaas ku xadgudbay Sheekheenna weyn waxa uu dhahay maanan akhrin kutubtiisa balse waxaa isoo gaaray beydad uu leeyahay, taasoo aanan ahayn arrin wacan marka qof la naqdinayo qof, waliba ku saabsan arrin taabaneysa islaanimada qofka. Intaas keliya Sheekhu muusan ku khaldamin ee waxa uu ku khaldamay, diiwaanka Sheekha oo uusan wado akhrin, ee keliya dhowr beyd oo kamid ah 50 beyd oo kamid ah gabay uu ku ammaanay Suubanaha naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.

Haddaba, fasiraadda khaldan ee uu sheegay Sheekhu, taasoo ah in Sheekh Cismaan Xiddig uu Nebiga Eebbe la simay, markuu dhahay: gargaare aanan adiga ahayn ma haysto, waa fasiraad 100% khaldan oo aad u fool xun. Eebbaan kugu dhaarshee, Sheekha intaa le'eg oo gabayadiisu ka buuxaan weyneynta Eebbe iyo Towxiidkiisa, aaminan in Suubanaha yahay Nebi uu Ilaahay soo diray sidee buu u aaminsanaan karaa in Nebigu Ilaah yahay la siman Eebbe.

Si aan u burinno dooddaas tagfiirka ah waxaan dib ugu noqoneynaa gabayada qiimaha badan ee Sheekha. Sheekhu waxa uu leeyahay diiwaan gabayeed muunaddiisu iyo maamuuskiisa aanan laga sheekeyn karin. Waa toddobo gabay, oo mid kasta mowduuc ku saabsan yahay. Midka koobaad waxa uu uga hadalayaa u durraamashada[ducada] Eebbe, edbinta nafta iyo isudhuldhigga Eebbe. Beydadkiisa waxaa kamid ah:

أحاطت بي الآثام من كلة جهة
فليس مفر سوى رفع شكوتي
إلى مالك الملك ذي الفضل والثنا
فليس لمن يرجوه غير مسرة
ولست بأهل ان أنا بحيلتي
موارد عفو أو مناهل رحمة
ولكن أرجو من الله أن ينالني
جوده والعفو في محض منحة

"Waxa uu leeyahay dunuubteyda ayaa badatay, meel u cararo iyo meel aan ciirsada ma haysto oo aan ka aheyn dhibteyda inaan Eebbe weyne u sheegto, asagaana ka rajeynayaa dambi dhaaf iyo naxariis barax tiran" Sidaas buu Eebbe u weyneynayaa oo uu leeyahay qof aan asaga ahayn ma lihi, asagaana ii dambi dhaafaya. Haddaba ma iskeeneysaa hadalka laga sheegay Sheekha ee ah inuu Eebbe la simay, oo uu dhahay kaligaa baa ii gargaaraya iyo hadalka Sheekha ee aan hadda soo guurinnay. Waa maya jawaabtu. Qofka sideedaba dhammaan sooyaalkiisa ayaa la wada akhriyaa, kaddib ayaa sawir guud laga qaataa.

Sidoo kale Sheekhu waxa uu ku leeyahay isla qasiidada uu wadaadkani soo qaatay beydkan soo afjaraya sheegashada beenta ah ee xadgudka ah:

وأحسن ختمنا منا وفضلا وفي
الاجداث كن لي عونا وناصر

"Eebbow, khaatumada noo wanaaji, qabrigana iigu noqo hiiliye iyo gargaare". Sidaan beydkan ku cad Eebbe ayuu ku tilmaamayaa gargaaraha dhabta ah ee uu leeyahay, marka sow been cad noqonmeyso in la dhaho Sheekhu Nebiga ayuu ka aamisanyahay gargaaraha dhabta ah ee asaga mooyee cid kale uusan jirin. Allow marqaati baa ka tahaye waa been iyo masabbid.

Haddaba beydadka uu wadaadku soo qaatay, ee aa ku fasirnay inuu ula jeedo maalinta qiyaamo, maxaa

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nuurul Hudaa Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share