Somali Doctor

  • Home
  • Somali Doctor

Somali Doctor Medical & Health

25/05/2020

This is the World Health Organization (WHO) official page. Join the conversation!

Wadamo dhowr ah ayaa mamnuucay in dalalkooda la soo galiyo dharka la soo isticmaalay ee soomaalidu u taqaano "huudheey" ...
05/04/2020

Wadamo dhowr ah ayaa mamnuucay in dalalkooda la soo galiyo dharka la soo isticmaalay ee soomaalidu u taqaano "huudheey" iyadoo laga cabsi qabo in cudurka Corona laga qaado.Fadlan fariintaan waa mid muhiim u ah bulshada. Mahadsanid

Maxaa dila Kelyahaaaga?⚠️Waxaa aad usoo badanaayo dhalinyaro ka cabaneysa (Ka sheeganeysa) Kelyo xanunka .Fadlan waxaan ...
05/03/2020

Maxaa dila Kelyahaaaga?⚠️

Waxaa aad usoo badanaayo dhalinyaro ka cabaneysa (Ka sheeganeysa) Kelyo xanunka .

Fadlan waxaan idinla wadaagayaa muhiim ah dhamaantena na caawin doonta .

Maalmo ka hor waxaan Baraha bulshada ku arkay Somaali badan oo dhaqtar ujiifa kelyo xanun ama kelyihii inay fadhisteen (shaqo joojiyeen) . kuwaaso gargaar loo raadinaayo ama caawinaad .

Hadaba waxaan idin wadaa farin muhiimna ah hadi aad aragto farintaan la wadaag qofkasto walalkaaga ah , laga yaabo gudbintada inay badbado unoqoto qof kale .

Waxaan idinla wadaagaya 6 qodob ugu weyn ee sababi karta in kelyaha shaqo joojiyaan .

1- In laga daaho Musqusha (Suuliga) : wax badan oo aad kaadi haysta ku haysato kaadi badan ayaa sababi karta qatar badan , ka soomaali ahaan caado ayeyba ino tahay inan kaadida ceshano mudo badan ,

Hadaba ogow hadii kaadi-haysta ku raagto kaadi badan ay sababi karto in bakteeriyadda si dhaqsi ah ugu taranto kaadi-haysta , taaso sababi karta in tubooyinka kaadida dib ugu celiyaan , infekshan-na ka dhalan karro , ogowse kaadi waa sunta laso sifeeyey (Filtareeyey) loguna talagalay in jirka laga saaro .

2- Cunida Cusbo badan : Yareyso cunida cusbada badan hana cunin wax ka badan 5.8 Gram cusbo ah Maalintii

3- Cunida Hilib badan : Cunida cuno barotiin ku badan yahay waxay waxyeeleysaa/sababta qatarta xanuunada kelyaha , waayo cuntada barotiinka leh marka la dheefshiido waxah so deysaan maadada AMMONIA taaso sun ku ah kelyaha .

Hadi ay badan tahay hilib cunidaada qatar badan ayad ugu jirta keliyo xanunka .

4- Cabidda Biyo yar: Kelyahena waa in ay ahaadan kuwa aad u joogteeya fuuqcelinta si ay u joogteyso shaqadeeda , biyaha badan waxay ka caawiyaan in qulqulka dhiiga u kordho taaso sunta jirka ku jirta sahleyso in si dhasi leh loo saaro .

5- Caffeine - waa iskujirka cabitaanada fudud (Sodas & soft drinks) waayo waxay kordhiyaan cadaadiska dhiiga kelyaha-na waxay bilaabayaan in ay dagaalamaan , Marka jooji xadiga badan ee cabida kookada maalinkasta .

6- Daaweynta oo laga daaho : iska daawey xanunada cafimaad o dhan si jirkaaga fiyow qab udaremo

La wadaag asxaabta kale

✍ Feisal Cholera

Dr.Liiban

Ku dadaal Caafimaadka NaasahaBismillah,Mawduuceenu maanta wuxuu ku saabsan yahay faahfaahin iyo warbixin ku saabsan arri...
15/04/2019

Ku dadaal Caafimaadka Naasaha

Bismillah,
Mawduuceenu maanta wuxuu ku saabsan yahay faahfaahin iyo warbixin ku saabsan arrin maalmahaan la isla dhex marayay baraha bulshada taasoo ku saabsan in naasaha dumarka lagu adkeeyo ama lagu xoojiyo ku daliigista kareemka vasilin-ta iyo daawada ilkaha "Toothpaste".
Inta aan arintaas u gudbin marka h**e aan waxyar ka tilmaamo waxa ay naasuhu ka samaysan yihiin iyo waxyaabaha kale ee jirka qeybihiisa kale kaga duwan yihiin.
Naasaha wuxuu Alle ka sameeyay afar waxyaabood oo kala ah:
Qanjirro naasaha u gaar ah loona yaqaano "lobules" ama "Glandular Tissue", kuwaasoo howshoodu tahay inay caanaha soo saaraan.
Tubooyin caanaha ka soo qaada qanjirradaas oo soo gaarsiiya ibta loona yaqaano "Ducts"
Unugyo iyo n**o gaar ah oo naasaha Alle ka sameeyay kuwaasoo kala ah "Fibrous Tissue iyo Connective tissue"
Dufan ama baruur naasaha ku dhex jirto "Adipose tissue".
Marka labada qeyb ee ugu dambayso waa kuwa qaabilsan cufnaanta iyo muuqaalka naasaha, waana labada uu isbadalka ku dhaco markay naasuhu jilcayaan ama dhacayaan. Qaab dhismeedka naasaha ee kor ku cad waxaa laga faa'idaysanayaa in naas nuujintu aysan sabab u noqon karin in naasuhu jilcaan, waana arrin ay cilmibaarayaashu isku waafaqsan yihiin in naas-nuujintu aysan naasaha jilcin, laakiin uurku uu yahay.
Midda kale oo muhiimka ah oo iyadane la isku waafaqsan yahay waa in wax murqo ah aysan naasaha ku jirin, marka dadka aaminsan ama sheegayo in jimicsi lagu xoojiyo naasaha ama lagu adkeeyo wax ka jiro malahan, maadaama wax muruq ah uusan Alle ku dhex abuurin naasaha.
Intaa ka dib, su'aashu waxay tahay maxaa keeno in naasuhu ay jilcaan? qaabkeene u jilcaan, haweenkuna ma ku kala duwan yihiin?
Waxaa jiro dhowr sabab oo cilmibaaris lagu xaqiijiyay inay naasuhu dabciyaan, waxaana ka mid ah:
Sigaarka: haweenku sigaarka cabo ama lagu ag cabo, waxaa la xaqiijiyay in sigaarka uu burburiyo borotiin ku jira maqaarka naasaha xoojiyo loona yaqaano "Elastin"
Tirada uurka: kullamaa hooyadu ay uur yeelato, waxaa isbadal ku dhaca naasaha, uur walbo midkuu ka dambeeyane naasuhu way ku dabcaan khaasatan markuu uurku isku dhaw dhaw yahay.
Da'da: kullamaa da'da haweentu ay weyn tahay kullamaa naasuhu ay jilcaan, kullamaa naasuhu ay wayn yihiin, kullamaa ay la jilcaan da'da.
Miisaanka jirka: qofka oo si dhakhso ah miisaan ku fuulo ama si dhakhso ah uga dhaco weliba markuu miisaanka dhacayo ama korayo uu ka weyn yahay 20 kiilo.
Jimicsiga: Orodka, rucelynta iyo gaardinta waa jimicsiga ugu badan ee naasaha jilciyo.
Markuu caaafimaadka ka hadlayo naaso jileeca wuxuu adeegsadaa erayga "Ptosis" kaasoo leh heerar lagu qiyaaso jileeca naasaha iyadoo heerkulbeegu yahay meesha ay ibtu kaga aadan tahay naaska.
Arrinta kale oo haweenku badanaa qaladka ka fahansan yihin waa in keeshaliga ama rajabeetadu ay naasaha ka ilaaliyaan jileeca iyo dhicintaanka ama xoojiyaan naasaha, taasina waa fikir qaldan oo haweenka qaar ku kallifa inay habeen iyo maalin ku joogaan xirashada naaso-gashiga.
Vaseline-ta & Daawada Ilkaha:
Vidoe-ga maalmahaan ay bulshadu isla dhex marayso kaasoo lagu sheegayo in vaselin-ta iyo macjuunta ay naasuhu adkeeyaan, waa arrin aan sal iyo raad caafimaadka ku lahayn, khaasatan daawada ilkaha waxaa laga qaadi karaa dhibaatooyin halis ku ah caafimaadka markii loo isticmaalo meelo aan ilkaha ahayn, Waxyaabaha lala yaabo waxaa ka mid ah dadka fikradaan faafinayo inay dhaheen in daawada ilkaha la marinayo ibta naaska, waana halis sababtoo ah daawadaasi waxay u sii gudbi kartaa naasha iyadoo ka gudbayso tubooyinka caanaha soo qaado ee ibta ku furan, waana arrin laga qaadi karo cudurro halis ah.
Dhakhaatiirta ilkaha waxay ka digaan in daawada ilkaha aan loo isticmaalin maqaarka maadaama ay keento kor qallayl iyo dildillaac, iskaba daa in la mariyo ama lagu daliigo xubin xasaas ah sida naasaha oo kale.
Vaselin-ta sidoo kale waa maqaar-subkiye, loo adeegsado kaga hortagga kor qallaylka iyo dildillaaca maqaarka, laakiin uma gudbo waxna uma tarto jirka gudihiisa.
Ma jirtaa qaab naasaha loo adkeeyo:
Qaabka kaliya ee naasaha lagu adkeeyo waa in qalliin lagu sameeyo iyadoo xeyr lagu tallaalo ama la geliyo qalab sida buufinka oo kale ah, kaasoo dhowr nuuc u kala baxo, mana ahan waxyaabo loogu talagalay naas la damcsan yahay in ilmo la nuujiyo kaasoo ah hadafka uu Alle dumarka ugu abuuray naasaha. Ogow isbadalka ku dhaca naasaha waa arrin dabiici ah, mana ahan arrin la isku ceebeeyo ama u gaar ah qof gooni ah, waxayna la mid tahay isbadallada kale ee jirka ku dhaco.
Talo & Digniin:
Internetka waxaa lagu soo daabacaa qoraallo iyo video-yo been abuur ah oo hadafkoodu yahay kaliya in la daawado ama la akhristo, qaarkoodne ay xambaarsan yahay fariimo halis ku ah bulshada, marka waxaan ku talinayaa in wax walba oo internetka la soo geliyo aan la rumaysanin ama la dabbaqin, waxaa wax laga naxo ah in arrintaan ay tijaabiyeen haweenka qaar ka mid ah, kuwaasoo noo sheegay inay ku xanuusadeen, qaar waxay ka qaadeen infekshanka loo yaqaano "Mastitis", qaar kale xasaasiyad iyo naasaha oo bararay, qaarne maqaarka naasaha oo isbadalay.
Ogow wax walba oo aad akhriso ama daawato in aad iska hubiso adigoo weydiinayo dadka aqoonta u leh inta aadan ku tijaabin jirkaaga, ogow jirkaagu waa amaano Alle kuu dhiibtay sidaa rabtid k**a yeeli kartid. Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoctorupdate.wordpress.com/

Cuncunka xubnaha taranka sababaha iyo daawadaGuud ahaan jirka markuu dareemo xasaasiyad ama waxyaalo uu dhibsanayo qofka...
24/03/2019

Cuncunka xubnaha taranka sababaha iyo daawada

Guud ahaan jirka markuu dareemo xasaasiyad ama waxyaalo uu dhibsanayo qofka wuxuu isku arkayaa cuncun.
marka cuncunka inta badan wuxuu ka dhashaa nadaafad darrada, gaar ahaan meelaha laablaabka jirka, sida kilkilaha iwm.

marka qofka uu xoqo meesha cuncuneysa waxaa laga yaabaa inay guduudato ama nabro yaryar ay yeelayo.
waxaa jira cuncun u noqanaya cuntada aad cunayso ama jirkaaga oo burutiino kale ay soo galeen, oo keeni kara cuncun.
laakin cuncunka xubnaha taranka ayaa lagu tiriyaa kan ugu halista badan oo ay ka imaan karaan dhibaatooyin caafimaad oo aan fiicnayn.
Maxaa yeelay xubnaha taran waxay ku jiraan meelo qarsoon oo laablaab leh, meeshana kulayl ayay leedahay, dhidid ayaa ka imaanaya, qofka marka uu ka tago nadaafad daa’in ah meesha qurun ayay noqonaysaa.
Raga qaar xiniinyaha ayay ka dareemaan cuncunka, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa qofka inuusan iska baddalin kastuumada dhowr maalmood, marka waxay u keenaysaa finan inay kaga soo yaacaan meesha shuunka cajiraha hoostooda sidoo kale xubinta taran.
diinta waxay fartay qofka inuu iska xiiro timaha hoose – bisqinta – shuunka, mar kastana inuu isdaahiriyo.
sidoo kale dumarka iyagana waxaa laga yaabaa in cambarka uu kaga soo baxo finka ama nabarka, gaar ahaan faruuraha waaweyn ee cambarka (siilka), iyadana waxaa laga yaabaa inay arrintaas ay u keento nadaafad darrada.
waliba dumarka ayaa ugu daran meesha laablaabkooda isla markii isbaddalo, naagta waxaa laga rabaa inay iska baddasho kastuumada ama nigiska mar walba, sidoo kale inay nadaafadda ku dadaasho, timaha hoose (bisqinta) waa inay marwalba iska xiirtaa, taasna waa fidrada oo diinta ay fartay.
Dumarka qaar waxay ka sheegtaan laabka naasaha hoostooda inay finan kaga soo baxaan, ama ibta naaska , taasna waxay noqon kartaa inta badan, rajastiinada ama rajabeetada inaysan nadiif ahayn ama gabadha muddo badan inay xirneyd.
sidoo kale cuncunka xubnaha taranka waxaa laga yaabaa inuu galao weeraga futada ama dabada, taasna waxaa dhici karto inay keento nabro afka dababa kasoo baxo, waxaa la rabaa qofka inuu nadaafadda iyo dahaarada ku dadaalo, timaha dababa kasoo baxo waa inuu iska xiiraa, waayo waxay ka mid yihiin timaha lays amray in layska xiiro, bal iyagaaba ka daran kuwa gumaarka kasoo baxo.
Nabraha waxay kasoo bilowdaan finka, finkana wuxuu ka dhashaa inta badan bakteeriyada, bakteeriyadana waxay ka dhalataa nadaafad la’aanta.
aad isaga ilaali wasakha dharka gudaha laga xirto wasaklhiisa, daawada finka intaad raadin lahayd waxaa kuu roon onaad dahaarada kaga hortagtid.

Address

Estlight

25260

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Doctor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali Doctor:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share