Wararka Somaliland

Wararka Somaliland Breaking Somali News and Information providers

Horta yaa December ina Ictiraafayey?"Ninkaan Quusanin isagaa Quus ah"Wali xog dhab ah lagama hayo cida ina Ictiraafaysay...
15/12/2025

Horta yaa December ina Ictiraafayey?

"Ninkaan Quusanin isagaa Quus ah"

Wali xog dhab ah lagama hayo cida ina Ictiraafaysay ee Madaxweyne C/raxmaan Maxamed C/laahi inagu maaweelinayey dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey, marka laga reebo tuhunkii uu culimada usoo dhiibay safarkiisii Itoobiya kadib, kaasoo isaga laftigiisa aan illaa hada wax natiijo ah laga haynin.
Tuhunka ugu wayn ee dadweynaha lagu sabaalaynayey wuxuu ahaa Maraykan, maraykanna waxaan wali biscayne buu inoo karinayaa oo uu ku doonayaa inuu Baddeenii iyo Madaarkeeniiba ku qaato isagoo sharciga uu Ansixiyey uu ka fuudh yeelay danihiisa oo kaliya halka uu inaga hadafkeenii ahaa Ictiraaf uu daaqada ka tuuray!!!.
Yaa hadaba inoo cadeeya cida ina Ictiraafaysa haddiiba kii ugu Tunka waynaa Aduunku dhabarka inoo soo jeediyey waa halkii Madaxweyne Cigaalle "Dunidii dhabarkay inoo soo jeedisay" hadalkaasi wuxuu ahaa mid ay dadku wali hayeen niyad ah hayaanka iyo halganku inuu rajo leeyahay oo waxay ahayd Suumamka xidha!!!. Bal adba.
Madaxweyne C/raxmaan Maxamed C/laahi wuxuu si toos ah u diidanaa MOU gii Itoobiya, sida uu Muuse Biixi waraysigiisii u danbeeyey ku sheegayna waxa la mawqif ahaa Maraykanka maanta inoo cadeeyey inaanu waxba inoo haynin. Hadaba, Madaxweyne Cirro waa ayo Dalka Itoobiya iyo Maraykan inooga wanaagsanaan lahaa ee uu Ictiraafka inooga keenayaa? Jawaabta su'aashaas Maraykan baa inoo soo qadimay isla markaanna cadeeyey dharigaasi inaanu bislayn.
I'm Maraykan bilaa ictiraaf la'aan ku qaato hantideennii aynu ku gorgortani lahayn waxay muujinaysaa Madaxweyne Cirro inaanu u bislayn waxa ay dadka reer Somaliland doonayaan oo ah Madax banaani buuxda inay ku helaan khayraadkooda.
Cidii Madaxweyne Cirro ka sugaysay Ictiraafoow waxa muuqata kaasi inuu galbadaye candhuuftaada dib u liq oo halkiisii ku bedelo Shiidaalka hortii jire ba soo saari waayey inuu inoo soo saaro.
Ninkaan Quusanin isagaa Quus ah.

English Translation:

So, who was going to recognize us in December?

“He who claims he has not given up is himself already defeated.”

To this day, there is still no solid or verified information about who was supposedly going to recognize us—the recognition that President Abdirahman Mohamed Abdullahi had been using to keep us hopeful over the past few months. This is aside from the suspicion he shared with religious leaders after his trip to Ethiopia, which even he himself has not produced any results from so far.

The biggest assumption used to keep the public in suspense was the United States. Yet the U.S. is still stalling, seeking to take control of our sea and our airport, pursuing only its own interests and overriding the laws it itself approved, while discarding our primary goal—recognition—entirely.

So who, then, will clarify for us who is going to recognize us, especially when the country that was considered the strongest candidate in the world has turned its back on us? This takes us back to the words of President Egal: “The world has turned its back on us.” At that time, people still held hope that the journey and the struggle had meaning—that there was still reason to endure and tighten our belts. Reflect on that.

President Abdirahman Mohamed Abdullahi openly opposed the Ethiopia MOU, and as Muse Bihi stated in his most recent interview, that position aligned with that of the United States—which today has clearly shown us that it has nothing to offer us.

So then, President Cirro—who exactly are Ethiopia and the United States better for us than, such that they would bring us recognition? The answer to that question has been presented to us by the United States itself, which has clearly shown that this “dish” is not yet cooked.

The fact that the U.S. is ready to take our resources without granting recognition—resources we should have been negotiating with—demonstrates that President Cirro is not ready for what the people of Somaliland want: full independence achieved through control of their own resources.

Those who were expecting recognition from President Cirro should now realize that this hope has evaporated. Swallow back your saliva and instead demand from him what he has so far failed to deliver—basic fuel for the people.

He who says he has not given up is himself already defeated.

Toddobaadkan Maraykanku waxay Saldhiga Berbera ka wadaan diyaar garaw balaadhan oo ay ku diyaar garoobayaan.Illaa hada s...
14/12/2025

Toddobaadkan Maraykanku waxay Saldhiga Berbera ka wadaan diyaar garaw balaadhan oo ay ku diyaar garoobayaan.

Illaa hada si rasmi ah looma oga dhaqdhaqaaqa Maraykanku ka wado Madaarka Berbera iyo Saldhiga Milatari ee ay isaga iyo Imaaraadku ka dhisanayaan Berbera, balse toddobaadkan waxa si wayn habeen iyo maalin ba uga socota shaqo wayn ee lagu soo waramayo inay si wadajir ah u fulinayaan Maraykanka iyo shirkad ay qandaraas ku siiyeen, waxaanay tijaabo galiyeeen diyaarado drone ah oo ay ku dhex rakibeen saldhiga iyo qalab kale oo ah mid milatari.

Madaxtooyadda Somaliland iyo Jananka Ciidanka Qaranka ayaa gadh-wadeen ka ah hawshan, waxaana la filayaa Maraykanku in saldhiga Berbera si dhakhso usoo dagayo marka uu shaqadan dhameeyo. Ilo wareed yo kala duwan ayaa ka bixinaya warbixino kala duwan hase yeeshee kuwo dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Yeman uu ka jiro dhaqdhaqaaq gooni u goosad ah kaasoo Maraykanku dabada ka riixayo isla markaana uu qorshaynayo inuu ka difaaco haddii la soo weeraro.

Diyaaradaha dagaalka noocyadooda kala duwan oo ka kacay madaarka Berbera ayaa ka talaabay badda si ay usoo qiimeeyaan xaaladda Yeman ka socota, waxaanu dhaqdhaqaaqani ku soo beegnayaa iyadoo toddobaadkan Dawladda Suudaan ku Eedaysay Somaliland dekadeeda Berbera inay Itoobiya kala soo dagtay hubka kooxda RSF ay kaga soo weerartay gudaha Itoobiya.

Xukuumadda Somaliland ayaan la garanayn waxa ay kaga bedelatay Maraykanka Saldhiga Milatari iyadoo wakhtigii ay Mucaaradka ahayd ee Xukuumaddii Muuse Biixi MOU ga kula galaysay Itoobiya inay ictiraaf kaga bedelato ay si wayn uga hor timi.

Toddobaadkan xukuumadda Somaliland waxay Dalka Itoobiya usoo dirtay Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Aw qaafta kaasoo ka dalbaday majlis culyaha Islaamka Itoobiya inuu siiyo Xujaaj ka qayb gasha xajka sanadkan balse Madaxda Majlis culyaha ayaa ku gacansaydhay, waxaanay u sheegeen Madaxweynaha Somaliland inuu si toos ah uga dalbado Raysal wasaaraha maadaama xukuumaddu maamusho.

Somaliland ayaa faramadhan ka taagan Dekadeeda ay isticmaalayaan Dalalka Maraykanka iyo Itoobiya halka ay somaliland ugu jirto khatar dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay dalalka dekadeeda isticmaalayaa ka wadaan yaman iyo Suudaan oo ah dalal Muslim ah.

Wararka Somaliland

26/11/2025

Xukuumadii Ugu Liidatey Waana Tii ugu Beenta Badnayd Wali Laysma Gaadhin !!!

Reer Gabiley  Oo bilaabay inay iska Casilaan Xukuumada Cirro.Kacdoonka is Casilaada Waxaa Bilaabay Dhal Mujaahid Muxiyad...
23/11/2025

Reer Gabiley Oo bilaabay inay iska Casilaan Xukuumada Cirro.
Kacdoonka is Casilaada Waxaa Bilaabay Dhal Mujaahid Muxiyadiin Yuusuf Cadde
Hoos ka akhri.

La-taliyihii arimaha dhalinyarada Ee badhasaabka gabiley Ayaa iscasiley qoraalka hoose Ayuu qorey Muxyadiin Yuusuf Cade

Aniga oo aad uga xun xadhiga tacadiga iyo awood sheegashada ah ee ay iska kaashadeen Badhasaabka, Maayarka iyo Wasiirada Gobolka, waxa aan go'aansaday in aan iska casilo xilkii la taliye-nimo ee uu h**e iigu magacaabay Badhasaab Bookh.

Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa dhamaan shaqaalihii Xafiiska Gobolka ee aanu si hufan oo karaamo leh u soo wada shaqaynay.

Badhasaabka, Maarka iyo wasiirka waxa aan kula talin lahaa xadhigaasi aad caaqilada kula kacdeen waa godob aad gasheen. Caaqilada oo u badan odayaal waawayn oo da' ah, xanuuno leh, waxa idinku waajib ah in aad xoriyadoodii degdeg ugu soo celisaan.

"Ma gilgilo duqaytida ninkii Aw ka soo go'ay."

HALAYSKUGU SOO BOXO MUDAHARAAD LAGAGA HORTAGAYO NGO TUUGTU WADATO EE PHARO...Mashruuca Banka Wajaale Ee La fool Eryayo W...
23/11/2025

HALAYSKUGU SOO BOXO MUDAHARAAD LAGAGA HORTAGAYO NGO TUUGTU WADATO EE PHARO...

Mashruuca Banka Wajaale Ee La fool Eryayo Wax Faaido ah uguma jiraan Deegaan Sidaa Awgeed Waa in Laga Hortagaa NGO ga Pharo ah Mid Dalal badan Oo Africa ah Soo dhacay.
Waxa la rabaa In Xataa Hadhaw balka Qashinkiisa marka latumo Dib deegaanka Looga iibiyo idinkoo iskiin ubeeranjirey Una kaydsanjirey Xiliga Jiilaalka waxa kaloo odiin dheer Labada Ceel ee laqodayo in iyana Biyahooda laydinka iibindoono.
15% ayaa Jeebka Ugu dhacaya Qoyska Cirro oo hadeer uxadhko xidhay inay Dalka Boobaan.

23/11/2025

DEGDEG : Reer Gabilayow Waa In Aad Mudaharaad İskugu Soo Baxdaan Oo Wajaale Laga Soo Baxa Si Degdega “Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan

xeerka la rabo in markabka Oomaar lagu qaadaa waa xeer aanay weli goloshaau ansixini xukuumadii h**e ayaa waxay kula.dha...
19/10/2025

xeerka la rabo in markabka Oomaar lagu qaadaa waa xeer aanay weli goloshaau ansixini

xukuumadii h**e ayaa waxay kula.dhaqmi jirtay ganacsatada waaweyn ee waxyaalaha dalka faaiidada ule keenaya in ay cashuur dhaaf u samayso

xukuumada hada joogtaa markii ay timi mdxweynaha Cabdiraxmaan cirro wuxuu golayaasha u soo gudbiyey warqada oo uu kaga codsanayo

in xeerkaa dib u eegis lagu sameeyo iyo wax ka bedel taasoo uu u sababeeyey In ay badatay ganacsatada cashuur dhaafka loo sameeyaa

hadaba xeerka markii golaha wakiilada loo soo gudbiyey goluhu wax talaabo ah kamuu qaadin
waxaana ilaa iyo haysta golaha wakiilada oo aan taabanba

hadaba maadaama aan xeerkii goluhu waxba ka qaban ilaa hada waxa shaqaynaya xeerkiii h**e ee h**e loogula macaamili jiray gabacsatada
waaweyn

sidaa darteed ilaa iyo inta goluhu uu wax ka bedel ku samaynayo waxa shaqaynaya xeerkii h**e
sidaa darteed

Oomaar waxa lagula kacay hada waa sharci daro

waxaanan ku talinayaa in loo sii daayo ganacsigiisa

talabaad Oomaar waa ninka ugu cashuur bixis badan ganacsatada dalka oo dhan hala ixtiraamo sharcigana yaan laga dul talaabsan

Waa xeerka maalgashigga Soomaalilaand, xeer lr: 99/2021 qodobkiisa 24aad, faqradda 2aad.Sharciga dalka u yaallaa waa kaa...
19/10/2025

Waa xeerka maalgashigga Soomaalilaand, xeer lr: 99/2021 qodobkiisa 24aad, faqradda 2aad.

Sharciga dalka u yaallaa waa kaa, haddii la leeyahay cashuur dhaafkaa waa la hakiyay. Wasiir iska daaye madaxweynaha ayaan hakin karin sharciyan, waxa hakin kara uun cidda marka h**eba xeerkan samaysay oo golaha baarlamaanka ah.

Qaabka ay u hakin karaana waa in ay xeerkan wax ka beddel iyo ‘ammendment’ uun ku sameeyaan.

Haddii la leeyahay qaabkan aad u waddo looguma yeedhi karo ‘maalgashi’ saw dawladdu shahaaddada ‘maalgashi’ ma siin asalkeeda horaba shirkadda saliidda ee ina Oomaar. Qodob labaad; dhawr wiig uun ka hor shirkaddo yana saliiddaa caydhiin uun sida saw cashuur dhaafkaas uun loo ma samayn. Caqlan wa sharcan lan yuqbal minhu.

Waxani waa gef caddaan ah oon geed loogu soo gabban, waa baad loo la badheedhay in lagu baado Ina Oomaar. Ninkii is leh Ina Oomaar bay ku koobnaan doontaayowna waqtigaa horteenna keeni doona.

Cali Xaamud waa Basaas ushaqeeya Dawlada Jabuuti Kana Qaata Lacag dhan $3000 kun  Hadii aan laga Digtoonaan Somaliland w...
19/10/2025

Cali Xaamud waa Basaas ushaqeeya Dawlada Jabuuti Kana Qaata Lacag dhan $3000 kun Hadii aan laga Digtoonaan Somaliland waxay noqondoontaa Qaran Basaasiintu Mijo Xaabiso Oo Soo kabanwaaya Dagaalo Sokeeyana Ka bilaabmaan ..

Bal hadda aynu maangalnimada ku eegno doodda xukuumadda ee sheegaysa in Jaamac Oomaar cashuur-diid yahay:Sida aan ka soo...
19/10/2025

Bal hadda aynu maangalnimada ku eegno doodda xukuumadda ee sheegaysa in Jaamac Oomaar cashuur-diid yahay:

Sida aan ka soo xigtey Volza, Celcelis ahaan 120
ilaa 180 markab oo uu Oomaar leeyahay ayaa sanadkii ku soo xidha dekadda Berbera. Bil kasta inta u dhexaysa 10 ilaa 15 Markab weeyi.

Oomaar wuxuu soo dejiyaa badeecado ilaa 421 nooc oo kala duduwan ah (Items). Laga bilaabo Cabdiraxmaan-Tuur ilaa Biixi wuxuu ahaa ganacsatada ugu waaweyn dalka.

Tobankii sano ee u dambeeyey, celcelis ahaan waxaa dekedda Berbera ku soo xidhay 1,200 ilaa 1,800 oo Markab oo Oomaar leeyahay. Weligeed h**e looma maqal xukuumad iyo Oomaar oo alaab markab saaran cashuurteeda isku haysta. Hadday cashuur-diidnimadu dhab tahay, maxay maalin keliya taasi u dhiciweydey intii ay xukuumadihii h**e joogeen?

Maanta qudheeda 421 badeecadood ayaa bil kasta ugu yaraan toban jeer u soo dega Oomaar, 420 ka mid ah la iskuma haysto cashuurtooda e badeecad keliya oo saliiddaas ah ayaa la isku haystaa. Muxuu kuwa kale cashuurtooda u diidiwaayey ee uu tan oo kaliya u diiday hadduu cashuur-diid yahay?

Kastamka Berbera sanadkii waxaa ka soo xerooda celcelis ahaa ilaa $180 milyan, lacagtaasi in ka badan 50% waxay ka timaaddaa cashuurta badeecadaha Oomaar. Waxaa intaas u dheer in shirkadda Ominco ay ka shaqeeyaan in ka badan 30,000 oo shaqaale ah oo mid kasta mushaharkiisa 6% xukuumaddu ku cashuurto. Waa mid ka mid ah shirkadaha shaqa’abuurka ugu ballaadhan dalka ka sameeyey.

Suuqyo dhan oo ay dawleddu dakhli fiican ka hesho jiritaankoodu wuxuu ku xidhan yahay Oomaar. Ominco Group oo keliya waxaa toos ugu xidhan 61 shirkadood oo kuwa waaweyn ah.

In Oomaar dagaal lagu qaadaa, waxay la macne tahay in dhaqaale ahaan xukuumaddu madaxa baaskoolad isaga qabatay. Sida aanay doodda xukuumaddu macquulka u ahayn, ayaan dagaalka Oomaar khasaare mooyi e dheef siyaasi ah iyo mid dhaqaale toona ka imanayn.

18/10/2025

Talo Waa Maalintay Shacabiga Seegtey Balse 10 bilood Gudahood ayaabay Cirro Kucadaatey inuu Somaliwayn yahay !

Address

Isleworth

Telephone

+447448493698

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wararka Somaliland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share