30/05/2026
Xog Fashilisay Musuq-maasuqa Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Curyaamiyey Horumarka iyo Wax-soo-saarka Warbaahinta Qaranka
Musuq-maasuq muddo dheer ka jiray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa si qoto dheer u saameeyey shaqadii, horumarkii iyo sumcaddii wasaaraddaas oo ka mid ah hay’adaha dowladda ee ugu shaqaalaha badna.. Dadka arrintan ka hadlay ayaa ku doodaya in musuq-maasuqu aanu ku koobnayn hal waax ama hal mashruuc, balse uu taabtay dhammaan dhinacyada muhiimka u ah wax-qabadka wasaaraddu qaranka u xil-saaran tahay.
Mid ka mid ah meelaha muuqda ee saamaynta musuqu aafeeyey ayaa ah dhinaca qalabaynta iyo casriyeynta warbaahinta qaranka. Waxa la tilmaamayaa in qof kasta oo goob war laga duubayo yimaadda uu si sahlan u dareemi karo farqiga u dhexeeya warbaahinta qaranka iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ama xitaa warbaahinta cusub ee ku shaqaysa baraha bulshada.
Waxa la arkaa in wariyaha ka socda Telefishanka Qaranka Somaliland, oo ay ahayd inuu noqdo qofka ugu qalabka iyo farsamada horumarsan goobta, mararka qaarkood lagu arko isagoo wata hal kamarad oo keliya, taasina aanay mararka qaarkood xitaa agabkeedu aanu si buuxda u dhamaystirnayn. Halka Dhalinyarada warbaahinta ee ku shaqeeya Baraha bulshada ay haystaan qalab casri ah oo isugu jira kamarado muuqaal lagu duubo, kuwo sawirro lagu qaado, diyaaradaha Drone-ka loo yaqaan ee lagu duubo muuqaallada hawada sare, kombiyuutarro gacanta lagu qaato iyo adeegyo internet oo u sahla inay shaqadooda ku dhamaystiraan goobta ay joogaan.
Waxa la rumaysan yahay in xaaladdani ay ka dhalatay maamul-xumo iyo ku-takrifal dhaqaale oo muddo dheer soo jiitamayey, taas oo sababtay in miisaaniyaddii loogu talagalay horumarinta qalabka iyo tayeynta wax-soo-saarka aanay gaadhin halkii loogu talagalay.
Dhaliilaha kale ee jira ayaa tilmaamaya in caqabadaha ugu waaweyn ee wasaaraddu wajahdo aanay ku koobnayn qalab la’aan oo keliya, balse ay sidoo kale saameeyeen nolosha shaqaalaha iyo kor u qaadista aqoontooda. Sida la sheegay, miisaaniyadaha loogu talagalay tababarrada, wacyigelinta, kobcinta xirfadaha shaqaalaha, samaynta iyo horumarinta barnaamijyada, iyo dhiirrigelinta shaqaalaha ayaan si buuxda u gaadhin ujeeddooyinkii loo qorsheeyey.
Sida ay sheegayaan ilo ka tirsan wasaaradda, waxaa jira madaxyo maaliyadeed oo miisaaniyadooda loogu talagalay tayaynta shaqaalaha iyo wax-soo-saarka, balse aan si muuqata uga muuqan shaqada iyo adeegyada ay shaqaaluhu helaan. Eedeymahaasi waxay tilmaamayaan in dhaqaalahaasi inta badan ku ururo gacanta masuuliyiinta maamusha wasaaradda, halkii uu si toos ah ugu bixi lahaa horumarinta shaqaalaha iyo tayaynta adeegyada warbaahineed.
Dhanka kale, fanaaniinta qaranka ayaa iyaguna ka mid ah qaybaha sida weyn uga cabanaya xaaladda jirta. Waxaa lagu eedeeyey wasaaradda inay ku fashilantay daryeelka iyo taageerada fanaaniinta, kuwaas oo door muuqda ka qaatay xafladaha qaran, ololayaasha wacyigelinta iyo kor u qaadista qiyamka bulshada. Fanaaniinta ayaa la sheegay inay la daalaa dhacayaan qalab la’aan, xafiisyo la’aan iyo goobo ku habboon oo ay ku kaydsadaan agabkooda ama ugu diyaar garoobaan bandhigyada qaranka.
Xogaha aanu helayno ee la xidhiidha musuq-maasuqa ayaa sidoo kale xusaya in Idaacaddii weynayd ee Qaranka, oo ahayd laf-dhabarta warbaahinta dawladda, ay saamayn ku yeesheen dhibaatooyin la xidhiidha maamul-xumo iyo dayacaad. Sidoo kale, waxaa jira eedo la xidhiidha nidaamyada tamarta qoraxda ku shaqeeya ee ku dhexyaalla wasaaradda, kuwaas oo la sheegay in lagu bixiyo kharashaad joogto ah oo aan natiijadoodu si muuqata uga dhex muuqan adeegyada ay bixiso wasaaraddu.
Cabashooyinka ugu badan ee shaqaalaha ka imanaya ayaa ah qalab la’aanta joogtada ah ee haysata wariyayaasha iyo farsamayaqaannada. Sida la sheegay, marar badan shaqaaluhu waxay ku khasbanaadaan inay raadiyaan kamaradihii, tripod-yadii, kaadhadhkii memory cards) iyo makarafoonadii ay shaqada ku gudan lahaayeen, halka warbaahinta yaryar ee gaarka loo leeyahay ay haystaan qalab dhamaystiran oo u diyaarsan hawl maalmeedkooda.
Dadka falanqeeya xaaladda wasaaradda ayaa aaminsan in arrimahani ay sabab u noqdeen in Warbaahinta Qaranku ay ka hadho tartanka warbaahinta gaarka loo leeyahay, isla markaana ay lumiyaan fursado badan oo la xidhiidha casriyeynta, tayaynta wax-soo-saarka iyo kor u qaadista kalsoonida bulshada.
Iyadoo arrimahaas oo dhami jiraan, waxa lagama maarmaan ah in la sameeyo dib-u-eegis dhamaystiran oo dhinacyada maamulka iyo maaliyadda ah, si loo ogaado halka ay ku baxaan miisaaniyadaha loogu talagalay horumarinta wasaaradda, tayaynta shaqaalaha iyo qalabaynta warbaahinta qaranka. Waxa sidoo kale mudan in la xoojiyo isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo la socodka mashaariicda lagu horumarinayo wasaaradda, si loo xaqiijiyo in dhaqaalaha qaranku gaadho ujeeddooyinkii loo qoondeeyey.
Ismaciil Faarax Maxamed
[email protected]