01/12/2025
Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa shirkii dhawaan lagu qabtay Morocco ka jeediyay hadal si weyn uga dhex muuqday goobta, kuna adkeystay in Soomaaliya aysan doonayn caawimo, balse ay raadineyso iskaashi dhab ah iyo maal-gashi lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka. Hadalkan ayaa ka mid noqday hadallada ugu miisaanka culus ee laga maqlo madaxda Soomaaliya muddo ku dhow 35 sano.
Mudane Hamza Abdi Barre ayaa lagu tilmaamaa hoggaamiye ka duwan madaxda dalka soo maray, isagoo ku caanbaxay akhlaaq wanaagsan, faham diimeed, iyo jiheyn ku dhisan dowlad-wanaag iyo daacadnimo. Dad badan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa rumeysan in Hamza uu leeyahay geesinimo hoggaamineed iyo caddeyn hadal oo ka tarjumaysa aragti qaranimo iyo gobannimo.
Aragtidan ayaa sii xoogeysanaysa maadaama falalka iyo hadallada Raysal Wasaaruhu ay ka tarjumayaan hoggaamiye leh hami siyaasadeed oo sarreeya, isla markaana mudan in loo arko shaqsi u qalma hoggaaminta dalka heerka ugu sarreeya, haddii si caddaalad leh loo qiimeeyo xaaladda siyaasadeed ee maanta.