14/04/2024
SOO KOOBID COLAADA BARIGA DHEXE
Qaabkee ayay isu difaacday Israel 🇮🇱 iyada oo kaalmo ka helaysa USA 🇺🇸 iyo UK 🇬🇧?
------
Horta sadax arrin waa in aan hoosta ka xariiqnaa oo kala aha.
1- IRAN 🇮🇷 ma adeegsan Drones keeda ugu halista badan.
2- Xogta weerarka IRAN 🇮🇷 banaanka ayay keentay 7 saac ka hor,waana masaafada ay Drones u soconayaan Israel
3- USA 🇺🇸 iyo UK 🇬🇧 ayaa diyaar u ahaa difaacidda Israel.
Qaabkee ayay u qabteen Drones iyo gantaaladii IRAN 🇮🇷?
1- Diyaaradaha Israel 🇮🇱, USA 🇺🇸 iyo UK 🇬🇧 ee kala duwan ayaa ku ogaarsaday hawada gaar ahaan inta ayna soo gaarin Israel.
2- Hubka qabta gantaalada ee la dhaho Gaashaanka Birta ayay u adeegsadeen qabashada Gantaalada IRAN 🇮🇷
3- Waxaa lafilayaa in ay adeegsatay Hubka SPIDRE ALL IN ONE ee ka hor geeya shoocaac Drones iyo gantaalada oo dhan,hawada ku gubaya.
4- Israel waxay ku bixisay difaacidda hawadeeda 1.4 Billions $.
Maxaa ka dhashay weerarka IRAN 🇮🇷 ?!
1- Gantaalada qaar ee IRAN waxay ku dhaceen saldhigyada Israel ee lagasoo weeray Qunsiliyadda IRAN 🇮🇷 ee Syria 1-04-2024.
2- Digniin dhab aha ayay ahayd oo ka timid IRAN kuna socotay Israel
3- Weerarka IRAN muuna beegsanin Xarumaha dhaqaalaha Israel iyo Dowladda.
4- USA 🇺🇸 oo afka ku balaarisay in ay difaacayso Israel,isla markaana ayna diyaar u ahayn weerar ballaadhan in lagu qaado IRAN waxayn niyad jab ku keentay Israel.
5- Dalala Carabaha ayaa banaanka ka istaagay weerarkan,waxayna ku baaqeen in dulqaad lamuujiyo.
6-Jordan 🇯🇴 waxaa soo gaaray dhaawac wayn dhinca sumcadda,waayo iyada oo walaalahood Palestine 🇵🇸 lagu xasuuqahayo Qasa ayay haddana leedahay,waxaan soo ridnay Drones.
7- IRAN 🇮🇷 ayaa ka dhabaysa hanjabaadeeda,sidoo kale difaacatay maqaam keeda iyo sumcadeeda.
Qaybta ( 3 ) maxaa lafilan karaa mustaqbalka ?
Abdirahman Sahal Yusuf
Qalinka 🖊
14-04-2024