KOW TV

KOW TV KOW TV is on a mission to CREATE, INSPIRE, INFLUENCE, and CHANGE MINDS for a better tomorrow!

16/08/2025

"Qofku wuxuu is leeyahay hadaad qabyaaladda diido wax noqon maysid, cabsidaa Dawladda ayaa looga baahan yahay inay ka saarto" Wasiir Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

16/08/2025

"Xukuumadda cusub waxa ka go,an in qabyaalada la dabarjaro"
Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amiga JSL Cabdalle Maxamed Carab

16/08/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta daah-furay kulan ah tababar iyo aqoon is weydaarsi loo qabtay Madaxda cusub ee Hay’adaha madaxa bannaan ee Dawladda.

𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝1.Fadhigii 31-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammh...
16/08/2025

𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
1.Fadhigii 31-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaas oo lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo la xidhiidhay dhaqaalaha ammaanka iyo dedaallada ictiraaf raadinta.

2.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kormeer hawleed ku tagay Xarunta Wakaaladda Madbacadda Qaranka JSL oo uu ugu kuurgalay adeegyada ay hayso qaranka.
3. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa Xafiiskiisa shahaado sharaf Abaal-marin ah ku guddoonsiiyey afar qof oo dhalinyaro ah oo ku guulaystay kaalmaha ugu sarreeya ee Imtixaan laba heer ah oo la xidhiidha Aqoonta iyo Xirfadda Hantidhawrka Qaranka.

4.Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa xafiiskiisa ugu qabtay kulan guddi-hoosaadka Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf raadinta ee Golaha Wasiirrada JSL, oo uu guddoomiye u yahay Wasiirku.

5.Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si ballaadhan ugu mahadcelisay Xildhibaan Ted Cruz oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Maraykanka, kaasi oo si xeel-dheer Madaxweyne Trump ugu guubaabiyay inuu aqoonsado JSL, isagoo ku sifeeyay dal noqon doona xulafada Maraykanka ee Geeska Afrika.

6.Wasiirka Madaxtooyada Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay inay Somaliland noqon doonto wax wada qabsi muhiim ah u soo kordhiya Maraykanka iyo xulafadiisa.

7.Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdilaahi Baashe ayaa daah-furay Casharka Tafsiirka Quraanka Kariimka oo laga marin doono Masaajidka ku dhex yaala xarunta Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland.

8.Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa soo bandhigtay warbixinta Tusmada Qiimaha Macaamiisha (Consumer Price Index - CPI) ee bishii July 2025. taasoo muujinaysa heerka isbeddelka qiimaha badeecadaha iyo adeegyada ugu badan ee ay bulshadu isticmaashay.

9.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL mudane Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socota Hay’adda Socdaalka adduunka ee IOM.

10.Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), ayaa furay kulan ballaadhan oo wada tashi ah, kaasoo ay ka soo qayb-galeen daneeyayaasha mashruuca Bulsho ee uu maal-geliyo Baanka Adduunku.

11.Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay madax sare oo ka socotay xarunta dhexe ee hay’adda UNICEF.

12.Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay wefti ka socday Jaamacadda East Anglia ee dalka Ingiriiska, kuwaas oo uu hoggaaminayey Dr. Awed Araya.
13.Wasiirka Wasaaradda Xannaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Md. Cumar Shucayb Maxamed, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Kawaanka Qaliinka Xoolaha ee degmada Ceel afweyn ee gobolka Sanaag.

14.Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah shirkadaha dhoofiya xabkaha iyo faleenka, iyo ganacsato qurbo-joog ah oo danaynaya gacsigaas.

15.Guddoomiyaha Baanka Somaliland Mudane Cabdinasir Axmed Xirsi oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka Baanka Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa kulankii saddex biloodlaha ahaa la yeeshay Guddida Sare ee Shareecada Baanka Somaliland.

𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐥𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐤𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐎𝐋𝐍𝐀

14/08/2025

Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay laba Eedaysane oo ka ganacsanaayay 10 Harimacad.

14/08/2025

Madasha Indheer-garadka Somaliland oo booqday Jaamacada Tima-Ade ee Magaalada Gabiley.

14/08/2025

Xoghayaha Gobolka Sanaag ayaa Xilkii u Kala Wareejiyey Maamulhii H**e ee Cisbitaalka Degmada Ceerigaabo Dr Ayaanle Kood Buure iyo Maamulihii Dhowaan Xilkaasi Loosoo magacaabay Khadar Cabdi Baaruud.

14/08/2025

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL ayaa faahfaahin ka bixiyey tartanka Oraddada oo lagu qaban doono magaalada Hargeysa oo ay ka qaybgalayaan qaar ka mid ah waddama caalamka

14/08/2025

Guddoomiyaha gobolka M/Jeex.

14/08/2025

Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland Mudane Cabdale Maxamed Carab.

13/08/2025

"Sababta KULMIYE loo hadal hayaa waa awoodda uu leeyahay oo dad badan baqdin gelinaysa" Gud. Samaale.

13/08/2025

"Go'aanka xisbiga gobollo iyo degaamo lagama soo gooyee ee xafiiska xisbigaa laga jaraa" Gud. Axmed Cabdi Dheere.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when KOW TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to KOW TV:

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share

Shirkadda Fikradaha Cusub ee Xayaysiiska iyo Daabacaada

KMC (KOW MEDIA CORP), waa shirkad ku caan baxday in ay soo kordhiso firkado cusub oo ay bulshada uugu adeegto.