03/11/2025
WARARKA MAANTA: 3da Nofeembar 2025
Su’aalaha Maanta: Maxay odaayashanka dhaqanka ee beelaha Harti kadiideen Madaxda Iyo ? Maxaa ka cusub maxaabiistii ay dagaalka ku qabatay Dowladda Waqooyi Barri? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran”? Yaa warbaahinta qasbay inaysan soo gudbin fashilkiisa? ?Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Mogadishu 3da Nofeembar 2025 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer degdeg ah ku sameeyay xarun ka tirsan Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha Qaranka (NIRA) oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaddib cabashooyin ballaaran oo ay shacabka muujiyeen.
Kormeerkan ayaa yimid kaddib markii muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ay muujinayeen xaalad adag oo ay wajahayeen haween iyo gabdho Soomaaliyeed oo habeenkii ku hoyanayay bannaanka xarunta NIRA si ay u helaan kaararka aqoonsiga qaranka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in xaaladdaas aanan la aqbali karin, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in shacabka si cadaalad ah oo sharaf leh loogu adeego.
“Xaaladda aan ku aragnay baraha bulshada waa mid aan la aqbali karin, Gabdhaha Soomaaliyeed waa in aan lagu khasbin inay yimaadaan habeenkii ama ay bannaanka seexdaan, taas waxay khatar gelinaysaa amnigooda, sidoo kale waa arrin aan habboonayn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa faray madaxda hay’adda NIRA in ay ballaariyaan saacadaha shaqada si loo yareeyo ciriiriga iyo saxmadda dadka, isla markaana adeegyada loo dhoweeyo bulshada si ay si fudud u helaan kaararka aqoonsiga.
Sidoo kale, wuxuu amray in la habbeeyo nidaamka adeeg bixinta, iyadoo la kala saarayo safafka dadka iska diiwaangelinaya iyo kuwa kaararka qaadanaya, si looga fogaado in qof doonaya inuu kaliya qaato kaarkiisa uu waqtigiisa ku lumiyo safar aan isaga khusayn.
Mogadishu 3da Nofeembar 2025 Taliska Ciidanka Danab ee Puntland ayaa sheegay in maamulka hadda jooga uu joojiyay dhammaan xuquuqdoodii iyo mushaarkii ay ku lahaayeen, isla markaana ciidankooda lagu hayo hanjabaad joogto ah.
War-saxaafadeed maanta kasoo baxay taliska Danab ayaa lagu sheegay in ciidanka Danab ay yihiin ciidanka u geeriyooday una dhaawacmay difaaca Puntland, haddana weli ay heegan u yihiin ilaalinta amniga shacabka iyo dalkooda.
Ciidanka Danab waxay sheegeen inay shaqadooda sii wadi doonaan, inkastoo ay muujiyeen in ay ka walaacsan yihiin xaaladda haatan ka jirta Puntland.
Waxay so dhoweeyeen dhalinyarada cusub ee aqoonyahannada ah ee kuso biiray ciidanka booliska, iyagoo sheegay inay la shaqayn doonaan, si loo xoojiyo amniga caasimadda.
Ciidanka Danab oo uu hoggaamiyo sarkaal lagu magacaabo Gen. Jimcaale Jaamac Takar, waxay ahaayeen ciidamadii h**ey uga horyimid doorashooyinka qof iyo cod, islamarkaasna ku lug lahaa dagaalkii ka dhacay magaalada Garowe sanadkii 2023, kaasoo ay ku dhinteen illaa 30 qof.
Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar ku saabsan in maamulka Puntland uu mushaaraadkii ka goosay ciidanka Danab iyo ciidamo kale oo Puntland uga howlgalayay Sool iyo Cayn.
Mogadishu 3da Nofeembar 2025 Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim ah kuwaas oo kala ah Sharciga Barakacayaasha Gudaha iyo Sharciga Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.
Fadhiga maanta ee Aqalka Sare ayaa guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdullaahi Timacadde , waxaana lagu ansixiyay shuruucdan kaddib akhrinta saddexaad oo ay soo jeediyeen guddi-hoosaadyada ku shaqada leh arrimahaas.
Sanatar Deeqo Xasan Xuseen, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, ayaa soo bandhigtay akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, iyadoo tilmaantay in sharcigan uu siinayo ilaalin iyo xuquuq sharciyeed dadka ku barakacay gudaha dalka, kuwaas oo ka badan 4 milyan oo qof.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Xoosh, ayaa uga mahadceliyay Sanatarrada Aqalka Sare ansixinta sharcigan muhiimka ah, isaga oo xusay in uu door weyn ka ciyaari doono xoojinta nidaamka federaalka iyo u adeegidda bulshada nugul.
Sidoo kale, Sanatar Saciid Cawke, oo ka tirsan Guddiga Caddaaladda iyo Garsoorka Aqalka Sare, ayaa soo jeediyay akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka, kaas oo dhigaya nidaam lagu xaqiijinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan kaalmo sharciyeed marka ay wajahaan dhibaatooyin sharci ama maxk**adeed.
Sanatar Naciima Xasan Gadhwayne, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda iyo Garsoorka, ayaa iyaduna u mahadcelisay Sanatarrada Aqalka Sare, iyadoo sheegtay in sharcigan uu kor u qaadi doono helitaanka caddaalad iyo sinnaan sharciyeed dhammaan muwaadiniinta dalka.
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa bogaadiyay go’aanka Aqalka Sare, wuxuuna ku tilmaamay guul sharci-dejin oo muhiim u ah dowladnimada iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed.
WAR SAXAAFADEED
Muqdisho, November 03, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa shalay howlgal qorshaysan ka fuliyay tuulada Ceel-weyne, oo hoos tagta deegaanka Ceel-baraf, degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaa halkaas lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta, iyada oo la dilay 23 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad. Howlgalkan ayaa la qaaday kaddib markii la xaqiijiyay in argagixisadu ay Maleeshiyaadkooda isugu keentay goob ay maalmihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen, si ay halkaas uga dhigtaan gabbaad ay kasoo abaabulaan falal lagu carqaladeynayo amniga. 30-kii October 2025, waxaa sidoo kale goobtan ka dhacay hawlgal midkaan lamid ah kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaarijta. Intii uu socday howlgalkan lagu naafeeyay cadowga ma jirin wax khasaare ah oo gaaray shacabka. Haddaba si loo ciribtiro Khawaarijta fadlan muwaadin, haddii aad aragto wax khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.
Enjoy the videos and music that you love, upload original content and share it all with friends, family and the world on YouTube.