10/09/2026
WARARKA MAANTA 10ka Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Maxuu ka cusub DGKG? Maxuu Madaxweyne h**e Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu ciidan siiyo Shiikh Aadan Madoobe? Maxuu ka kashifay Siyaasiga caanka ah Sakariye Xaaji Maxamuud “Jeeni-Haar”? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 10ka Sebteembar 2026 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗔𝗻sixiyay 𝗛𝗶𝗻𝗱𝗶𝘀𝗲-𝗦𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗮𝗸𝗵𝗹𝗶𝗴𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮.
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, kadib markii uu kasoo gudbay sadex aqrin, soojeedino iyo waydiimo lagu gorfeyeeyay kulamo kala duwan.
Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka ayaa la filayaa in ay horseedi doonto koboca dakhliga gudaha iyo xoojinta hufnaanta maaraynta maaliyada dalka.
Muqdisho 10ka Sebteembar 2026 Kulan xasaasi ah oo la xiriira go’aaminta cidda noqoneysa hoggaamiyaha Hirshabeelle ayaa caawa ka dhacay Villa Somalia, wada-xaajood adag ayaa dhex-maray siyaasiyiin uu damac uga jiray xilka Madaxweynaha oo kasoo jeeda Jowhar & MW Xasan Sheekh waxaana isla Lara-guray sida loo wajahayo doorashada iyo qofka loo sharraxayo kursiga, qaadanayana kaarka JSP.
MW Xasan Sheekh ayaa dhammaan xubnahii uu la kulmay u sheegay in ay tanaasulaan, kana yareeyaan culeyska, laakiin, waxay soo bandhigeen in ay aqbalayaan haddii meesha laga saarayo Cali Guudlaawe.
Xasan Sheekh ma uusan caddeyn in uu MW Guudlaawe uu ka saarayo loolanka, hase-ahaatee, waxa uu ballan qaaday in uu sabab u noqonayo dhismaha Hirshabeelle ka bedelan midda maanta jirta. Ilo ku dhow shirka ayaa u sheegay Barrow Show suurta-gelnimada in Xasan Sheekh uu dhisayo Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar oo ay yihiin saaxiibbo aad isugu dhow
Somaliland 10ka Sebteembar 2026 Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa magaalada Gabiley ku xidhay wariye Xasan Saleebaan Haaruun, oo loo yaqaan Xasan Galaydh, ahna mulkiilaha Galaydh TV, sida ay sheegayaan ilo ku dhow wariyaha. Xasan Galaydh ayaa la sheegay in laga soo qabtay magaalada Gabiley, halkaas oo uu u joogay safar shaqo. Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee loo xidhay iyo halka lagu hayo.
Wararka ayaa sheegaya in xadhiggiisa lala xidhiidhinayo hadal uu maalin ka hor magaalada Hargeysa ka jeediyay, kaas oo uu isaga iyo wariyayaal kale ugu baaqeen Xukuumadda Somaliland inay sii deyso wariye Cabdiqani Baylood, oo dhawaan la xidhay.
Xasan Galaydh ayaa Madaxweynaha Somaliland ka codsaday in la sii daayo Baylood, isaga oo xusuusiyay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), xilligii uu mucaaradka ahaa, uu si weyn uga soo horjeeday xadhigga iyo cadaadiska loo geysto saxafiyiinta.
Xadhigga Xasan Galaydh ayaa dhaliyay falcelin ballaadhan iyada oo xukuumada aad loogu dhaliilay. Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa kamid ah dadka cambaareeyay xadhigga, isaga oo ku baaqay in wariyaha iyo suxufiyiinta kale xorriyaddooda loo soo celiyo. “Xadhigga noocan ah, ceeb iyo qiimo la’aan wax aan ahayn xukuumaduhu k**a qaadaan. Waxaan ku baaqayaa in weriye Xasan Gallaydh iyo suxufiyiinta kale ba xoriyaddooda loo soo celiyo. Xadhiggani macquul ma aha!”
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Somaliland ka taagan tahay dood ku saabsan xorriyadda hadalka iyo sida ay xukuumaddu ula macaamilayso warbaahinta iyo suxufiyiinta.
Muqdisho 10ka Sebteembar 2026 Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF), kaddib markii garab ka tirsan ururka uu sheegay inay suuragal tahay in dib loo bilaabo halgankii hubaysnaa. Madaxweyne Mustafe oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee deegaanka ayaa sheegay in kooxo uu ku tilmaamay kuwo siyaasiyan fashilmay ay isku dayayaan inay dadka u abuuraan filasho ah in isbeddel siyaasadeed iyo colaad cusub ay soo socdaan. Waxa uu sheegay in Itoobiya ay xilligan wajahayso caqabado amni iyo siyaasadeed, iyadoo meelo ka mid ah dalka ay ka socdaan halganno hubaysan, isla markaana kooxaha qaar ay arrinta ka faa'iidaysanayaan.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dhaliilay kooxo uu sheegay inay muddo tobannaan sano ah ku jireen halgan aan natiijo muuqata laga gaadhin. “Waxa jira kooxo dadka ku leh isbeddal ayaa soo socda, colaado in laga abuuro deegaanka raba. Kooxahaasi waa kooxo fashilmay siyaasiyan oo muddo ka badan 42 sano ku jiray siyaasad aan midho-dhalayn.”
Mustafe ayaa sheegay in hadallada iyo waxa uu ku tilmaamay “sheeko-xariirooyinka” laga baahinayo warbaahinta ayna wax ka beddeli karin xaaladda deegaanka, isla markaana kooxahaasi ayna haysan awood siyaasadeed ama taageero shacab oo gudaha deegaanka ah oo ay isku halayn karaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka aan loo abuuri karin “filasho been ah”, isagoo tilmaamay in muddadii dheerayd ee halganka hubaysan iyo siyaasadeed aan laga arag horumar uu sheegay in bulshada loogu ballanqaaday. “40-kaas sano wax hoos dhac ah mooyee wax kor u kaca lama arag,” ayuu yidhi Madaxweynaha, isaga oo intaas ku daray in arrintaasi ay muujinayso, sida uu sheegay, in dadka sidaas u fikiraya ayna lahayn hoggaan siyaasadeed oo macquul ah.
Soomaaliya 10ka Sebteembar 2026 Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee lagu eedeeyay ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ee Suudaan, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka loona helo xal siyaasadeed oo ay Suudaaniyiintu hoggaaminayaan. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva, Khadra Maxamed Dualle, ayaa hadalkan ka jeedisay kulan ka dhacay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, kaas oo looga hadlayay warbixintii ugu dambeysay ee guddiga xaqiiqo-raadiyaha ee Suudaan.
Soomaaliya waxay sidoo kale ku baaqday in dadka ay colaadaha saameeyeen loo fududeeyo helitaanka gargaarka bani’aadannimo, iyadoo carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug yeelata xadgudubyada ka dhanka ah rayidka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageersan tahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Suudaan, iyadoo sidoo kale diidday faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalkaas.
Muqdisho waxay taageertay dadaallada Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ee lagu raadinayo xal nabadeed oo lagu soo afjaro colaadda Suudaan.
Hadalkan ayaa yimid xilli warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ay ka digtay doorka shabakado dibadeed oo hub, tababar iyo taageero saadka ah siiya dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan, taas oo sii kordhisay dhibaatada dadka rayidka ah.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.