Somali Law Journal

  • Home
  • Somali Law Journal

Somali Law Journal Somali Law Journal is a scholarly Journal focusing on legal issues and human rights in Somalia, it is stablished 1th June 2019.

Maxk**adda Sare ee SL oo muddo Asbuuc ah dib u dhigtay dhegeysiga dacwadaha, inta ay ka dhammaaneyso Doorashada Ururka Q...
22/07/2025

Maxk**adda Sare ee SL oo muddo Asbuuc ah dib u dhigtay dhegeysiga dacwadaha, inta ay ka dhammaaneyso Doorashada Ururka Qareennada SOLLA.

Maamulka Puntland ayaa Suudad ugu labistay Maxaabiistii Somaliland ee saaka laga sii daayey Xabsiyada Garoowe.Maxaabiist...
30/04/2025

Maamulka Puntland ayaa Suudad ugu labistay Maxaabiistii Somaliland ee saaka laga sii daayey Xabsiyada Garoowe.

Maxaabiistan oo tiradoodu dhantahay 15 ruux ayaa lagu qabtay dagaalkii 25 Agoosto ka dhacay Goojacadde.

📌نظرية الظروف الطارئه() هي فكرة قانونية فريدة تستخدم لمعالجة العقود في ظل تغييرات غير متوقعة.🔖تنص هذه النظرية على أنه إذ...
11/04/2025

📌نظرية الظروف الطارئه
()

هي فكرة قانونية فريدة تستخدم لمعالجة العقود في ظل تغييرات غير متوقعة.

🔖تنص هذه النظرية على أنه إذا طرأت ظروف استثنائية بعد توقيع العقد جعلت تنفيذ الالتزام مرهقا بشكل غير عادي لكن ليس (مستحيلا)، يمكن للقاضي تعديل العقد أو إعفاء الطرف المتضرر جزئيا.

📌الفرق بينها وبين القوة القاهرة

🔖القوة القاهرة: تجعل التنفيذ مستحيلا تماما - يؤدي ذلك إلى إنهاء العقد.

🔖الظروف الطارئة تجعل التنفيذ شديد الصعوبة لكنه ممكن - يؤدي ذلك إلى تعديل العقد، وليس إلغاؤه.

أمثلة تطبيقية:

1-عقود البناء: إذا ارتفعت أسعار مواد البناء فجأة بسبب حرب أو أزمة اقتصادية، يمكن للمقاول طلب تعديل الأسعار.

2-عقود الإيجار: إذا فرضت الدولة ضرائب غير متوقعة على العقارات، قد يعاد النظر في الإيجار لتخفيف العبء عن المستأجر.

3-عقود التوريد: إذا زادت تكلفة النقل بسبب كارثة طبيعية، يمكن للمورد طلب تعديل السعر.

أهميتها القانونية:

تطبق في القوانين المدنية مثل القانون الفرنسي والمصري، لكنها غير معترف بها في بعض الأنظمة مثل القانون الإنجليزي الذي يتمسك بقاعدة
"العقد شريعة المتعاقدين".

تحافظ على التوازن العقدي وتمنع الانهيار المالي للطرف المتضرر.⚖️

Inaa Lilaahi wa inaa ileysi raajicuun.Allaha u naxariisto Xamaadi Khaalid Xuseen oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.Waxa u...
03/04/2025

Inaa Lilaahi wa inaa ileysi raajicuun.

Allaha u naxariisto Xamaadi Khaalid Xuseen oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Waxa uu ahaa 21 jir ifka uga tagay 3 carruur ah oo uu dhalay.

Xamaadi waxa uu ku dhashay dalka Yemen, waxa uu ku soo barbaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, maalmo kooban ayuuna joogay Muqdisho.

Waxaa lagu dilay degmada Dharkeenley gaar ahaan xaafadda Xaaji Gaabow, isagoo watay Mooto Bajaaj uu reerkiisa ugu shaqeysanayay.

Mootada uu Marxuumku waday waxay ahayd kiro oo isagu Bajaajka ma lahayn.

Mooto Bajaajta uu waday ayaa dhiiqo gaarsiisay askari hubeysan, falkaas kaddib Xamaadi allaha u naxariistee wuu soo degay wuxuuna isku dayay inuu askariga raalli-gelin siiyo sida ay goobjoogayaal sheegeen, balse askari ayaa ku qanci waayay, markii uu Xamaada mootadiisa dib ugu laabtayna xabbad ayuu ka daba riday, wadnaha ayayna ka haleeshay sidaas ayuuna isla goobtii ugu geeriyooday, waxayna ahayd 27-kii Ramadaan.

Maamo Luul Axmed Maxamed oo ah Marxuumka Hooyadiisa oo aan la xiriiray ayaa ii sheegtay in askariga wax dilay Aabihiisa iyo adeerkiis ay u yimaadeen oo ay u sheegeen inay diyo bixinayaan.

Waa arrin labo reer u taalla oo marabo inaan halkaan uga hadlo, waayo bixinta diyo ayay ku heshiin karaan ama maxk**ad ayay wada tagi karaan.

Dhacdooyinkan dhallinyarada bajaajleyda ah lagu dilayo waa nagu soo noqnoqdeen, askarigu qoriga uma wato inuu dhalliyarada ku laayo ee waxa uu u wataa inuu cadowga kaga difaaco.

Hoggaanka ciidamada xal ma u heli karaan miyaa askartaan xabadaha iska ridaya?

Askari haddii qofka shacabka ah uu qaldan yahay xitaa adigoo xabsiga geyn kara xabbad haku ridin.

W/Q. Mohamed Ali Said

Dowladda Hungary, ayaa ku dhawaaqday in ay ka baxeyso Maxk**adda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), kaddib booqashada Raysal ...
03/04/2025

Dowladda Hungary, ayaa ku dhawaaqday in ay ka baxeyso Maxk**adda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), kaddib booqashada Raysal Wasaaraha Israiiil oo si rasmi ah u tagay magaalada Budapest.

Raysal Wasaaraha Hungary, Viktor Orbán, oo ka tirsan xisbiga midigta fog, ayaa h**e ugu casuumay Netanyahu bishii November, wax yar kadib markii ICC ay soo saartay warqad lagu soo xirayo Netanyahu, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo la xiriira howlgalka militari ee Israiiil ka waddo Gaza.

Hungary, oo ah xubin aasaasi u ah ICC, ayaa waajibaad sharci ah u leh in ay xiraan qof kasta oo maxk**addu usoo saarto amar lagu soo qabanayo. Si kastaba ha ahaatee, Orbán ayaa h**ey u sheegay in aanay fulin doonin amarkaasi, isagoo ku tilmaamay “mid fool xun, lagu qoslo, oo aan la aqbali karin.”

Waxaa la filayaa in baarlamaanka Hungary, oo uu xukumo xisbiga Orbán, uu ansixiyo sharci si rasmi ah loogu billaabo ka bixitaanka ICC, hannaankaas oo qaadan doona hal sano.

03/04/2025

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Kantooralka Magaalada Berbera ka qabtay Cabdimaalik Muuse Coldoon, xabsiga ayaana loo taxaabay.

Sonja Nientiet waa haweenay jarmal ah oo sannadii 1970 ku dhalatay dalkaas kana soo jeeda magaalada Hamm ee gobolka Nort...
27/03/2025

Sonja Nientiet waa haweenay jarmal ah oo sannadii 1970 ku dhalatay dalkaas kana soo jeeda magaalada Hamm ee gobolka North Rhine-Westphalia, waxay la shaqaynaysay haayadda laanqayrta cas " ICRC " tan iyo 2014 waxayna kasoo howl gashay dalal kala duwan oo xaalado bani-aadannimo ay ka jireen sida Syria , jamhuuriyadda dumuqraadiga ah ee Koongo iyo Soomaaliya illaa habeennimo Arbaco ah oo bil uhorraysa lagu dhex afduubtay xarunta laanqeerta cas ee magaalada muqdisho.

Sidee wax udhaceen ?

2-dii May 2018: Sonja Nientiet, kalkaaliye caafimaad oo u dhalatay Jarmalka, ayaa lagu afduubtay Muqdisho. Waxay ka shaqeyneysay Koomishanka Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) xafiiskiisa Muqdisho.. Afduubka waxaa ka dambeeyay nin magaciisa lagu sheegay Maxaamuud Maxamad Calas, oo ahaa mid ka mid ah waardiyeyaasha ICRC ee xilligaas.
Maxamuud wuxuu xaday saddex qori AK-47 iyo hal qori PKM ka hor inta uusan fulin afduubka oo uu ka xaday qolka ilaalada Hay’adda. Sidoo kale waxa uu isticmaalay gaari ay Hay’addu leedahay kaas oo isla gelinkii dambe ee maalintaas lagaa helay banaanka magaalada asaga oo banjarsan.

Xogihii amni ee islamarkiiba la helay ayaaa muujiyey in Sonja loo qaaday Xarardheere, oo ah saldhig ay Al-Shabaab xilligaas maamulayeen (Al-Shabaab k**a dambayn afduubkan sida baaritaanadu cadeeyeen). In kasta oo hay’adaha amniga ee Soomaaliya ay ogaaayeen waxa dhacay, faragelin toos ah kuma aysan sameyn. Waxaa jira su’aalo badan oo ku saabsan sababta aan tallaabo degdeg ah loo qaadin xilligaas.

21-kii Juun 2018: ICRC ayaa diyaarad ku soo dirtay Cadaado, oo ay la socdeen qalab caafimaad iyo ergo sare. Mr. Rephael, oo u dhashay Jarmalka, ayaa hoggaaminayay, isagoo isku dayay inuu la kulmo odayaasha deegaanka si uu u codsado in Sonja lasii daayo. Inkastoo dadaallo badan la sameeyay, wax natiijo ah lagama helin. Xaalada kiisku way sii murugtay..

Nofeember 2018: Ciidamada gaarka ah ee dowladda federaalka ayaa isku dayey inay soo badbaadiyaan, nasiib xumase waa fashilmay howlgalkaas.

2020-2022: Nin magaciisa ku koobay Ahmed Jayte ayaa tiro ba dhowr mar falcelino uu ka sameeyey baraha bulshada sheegay inay nooshahay, cidii warkeeda u baahan ay la xiriirto. (Lama xaqiijin cidda uu yahay iyo xiriirka ka dhexeeya afduubka).

Sirdoonka Jarmalka BND ayaa muddo laba sano ah si qarsoodi ah uga shaqeynayay kiiskan, iyadoo dhaagysanayey khadadka moobilada isgaarsiineed. Ugu dambeyntii, waxay heleen xog cad oo tilmaameysa halka Sonja lagu hayo. Xogtaasi waxay horseedday qorshe samatabixin oo la diyaariyey.

Dhmaadkii 2024: Ciidanka gaarka ah ee Jarmalka (KSK) ayaa bilaabay qorshe samatabixin ayaga oo kaashanaya dowladda Maraykanka. Markus Kreitmayr, taliyaha ciidanka gaarka ee Jarmalka, ayaa dhamaadkii Diseembar yimid Muqdisho si uu u qiimeeyo qorshaha samatabixin ee la diyaarshay. Si lama filaan ahse, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Heiko Maas, oo bixiya amarka howlgalada dib u furashada maxaabiista, ayaa joojiyey howlgalkaasi iyadoo laga cabsi qabay in maleeshiyada haysata Sonja ay dilaan.

Maxaa kasoo cusboonaaday xalay ?

Sanado kadib, fiidnimadii xalay qof aan la garanayn ayaa faallo ka dhiibtay qoraal h**e looga baahiyay arrinka sonja oo ku astaysan 7 sano ka hor qoraalkaas oo yaallay bog Facebook ah oo lagu magacaabo Somalis in Deutschland oo lagu daabaco arrimaha soomaalida jarmalka ku nool, Qofkani wuxuu sheegay in lasoo geliyay muuqaal cusub oo la xiriira Sonja, wuxuuna faalladiisa kusoo lifaaqay linkiga muuqaalka oo quraata sida aad ka aragtaan screen shotka .

Markii linkiga la furay waxaa loogu dhex tagay channel cusub oo YouTube ah, kaasoo la abuuray maalmo ka hor waxaana dhex yaallay muuqaal cusub oo ah Sonja laga qabtay iyadoo ka hadlaysa xaaladdeeda, waxay sheegtay in ay wali xabsiga ku jirto, muddo 7 sano ah oo Somalia lagu haystay, in ay xaaladeedu kasii dareyso. Waxay codsatay in si degdeg ah loo samatabixiyo, waxayna si gaar ah fariin ugu dirtay dawladda Jarmalka, qoyskeeda, iyo kansalarka Olaf Scholz si loo fuliyo dalabyada kooxdii afduubatay.

W/Q. Mustafa Osman & Abdy Habib

Maxk**ad gaar ah oo ka dhisan dalka Guinea ayaa shan sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisul wasaarihii h**e ee dalkaasi, ...
28/02/2025

Maxk**ad gaar ah oo ka dhisan dalka Guinea ayaa shan sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisul wasaarihii h**e ee dalkaasi, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira musuq-maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Ibrahima Kassory Fofana, oo h**ey u ahaa ra’iisul wasaaraha xukuumaddii madaxweynihii h**e Alpha Condé, ayaa sidoo kale lagu ganaaxay laba bilyan oo franki Guinea ah ($230,000). Xukunkiisa ayaa lagu dhawaaqay Khamiistii, magaalada Conakry ee caasimadda dalka.

Maxk**addu waxay Fofana ku heshay inuu lunsaday ilaa 15 bilyan oo franki Guinea ah ($1.7 milyan) oo ka mid ah dhaqaalaha barnaamijyada daryeelka bulshada ee dowladdii h**e, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dadaalladii wax looga qabanayay cudurka COVID-19.

06/11/2024
11/10/2024

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golah BFS oo Khubarada Sharciga ka dhegeystay Taladooda ku aadan Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka.

20/09/2024

𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈 𝐓𝐈𝐈𝐑𝐀𝐀𝐍𝐘𝐎 𝐋𝐄𝐇

Illah ha u Naxariisto 𝐀vv. 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐚𝐛 𝐁𝐢𝐥𝐞 oo ku geeriyootay Magaalada Muqdisho, waxaa allah uga baryeynaa in uu jannadii firdowsa ka waraabiyo, qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo dhammaan bahda shariyaqaannada Soomaaliyeed na Samir iyo iimaan allaha naga siiyo.... Aamiin Aamiin.

Aan 𝐮 𝐝𝐮𝐜eyno Insha'allah

16/09/2024

:عند المحاماة
الدليل اذا تسرب اليه الاحتمال سقط به الاستدلال

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Law Journal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali Law Journal:

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share