haash media

haash media Himiladeenu waa horumar iyo haqiiqo sugan.

15/09/2026

Shir Jaraa’id, Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed Ugaas Hassan Abdi Mohamed.

Iran oo sheegtay inay jiraan dalal mareykanka ka cabsada oo si hoose iyaga ula hadla, "Wadamo ayaa iyaga oo Mareykanka k...
15/09/2026

Iran oo sheegtay inay jiraan dalal mareykanka ka cabsada oo si hoose iyaga ula hadla,

"Wadamo ayaa iyaga oo Mareykanka ka baqaya oo an codkooda kor uqaadi karin hoos noogu sheega inay na garab taagan yihiin, dalalkaas kuma dhiiran karaan inay cadeeyan oo la ogaada kuwaas ma madax banaan yihiin mise waa la haystayaal." Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee iran Masoud Pezeshkian ayaa sidaasi yidhi.

Madaxweynaha Somaliland, Cirro oo ka hadlaya Mareykanka ayaa sheegey in xidhiidh dhow & iskaashi kala dhexeeyo Puntland ...
14/09/2026

Madaxweynaha Somaliland, Cirro oo ka hadlaya Mareykanka ayaa sheegey in xidhiidh dhow & iskaashi kala dhexeeyo Puntland oo ay si wadajir ah ula dagaallamayaan khataraha amni; "Waxaan leenahay Puntland, Xidhiidh iyo iskaashi dhow, waxaan isu furnay isku-socodka dadka & ganacsiga, wadajir ayaan u wajahnaa khataraha oo idil oo ay ku jiraan argagixisada, burcad-badeedda & wixii kaleba... wwaxaannu dhisnay guddiyo labada dhinac ah oo si joogto ah u kulma. Laba jeer ayay guddiyadaasi ku kulmeen Nairobi iyo Addis Ababa."

Somaliland ayaa Washington ku soo bandhigtay aragtideeda ku aaddan iskaashi istiraatiiji ah oo ay la yeelan karto Mareyk...
14/09/2026

Somaliland ayaa Washington ku soo bandhigtay aragtideeda ku aaddan iskaashi istiraatiiji ah oo ay la yeelan karto Mareykanka, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay dimuqraadiyadda, amniga iyo iskaashiga gobolka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka uu horseedi karo horumar iyo fursado cusub, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Lahaanshaha Somaliland ee gacanka Berbera iyo kaabi kuhaynta Badda Cas, ayuu sheegay in ay fursado Hargeisa fursad weyn u tahah.

Dhanka kale, Somaliland waxay sheegtay in xiriirka ay la yeelatay Israa’iil uu yahay mid ku dhisan dano istiraatiiji ah, oo ay ku jiraan iskaashi dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Somaliland, Cirro: "Soomaali waa walaaleheen waxaan la jecel nahay nabad & dowladnimo, balse Dowladda-dhexe...
14/09/2026

Madaxweynaha Somaliland, Cirro: "Soomaali waa walaaleheen waxaan la jecel nahay nabad & dowladnimo, balse Dowladda-dhexe ee Muqdisho ayaa kala qaybisa dadka Soomaalida halkii ay mideyn lahayd; Baydhaba wey weerartay, Puntland wey isku dayday, Jubbaland wey weerartay, waxaana laga yabaa in annagana nagu soo socoto...."

Dabageed "Hirshabeella Amni dara iyo qalalaasa ayaay galeysaa sababta oo ah Xasan sheekh hal reer ayuu wax u ogol yahay ...
14/09/2026

Dabageed "Hirshabeella Amni dara iyo qalalaasa ayaay galeysaa sababta oo ah Xasan sheekh hal reer ayuu wax u ogol yahay Xawaadle wixii kala dhaxeeyay walaalahood waa loo diiday."
Yuusuf Dabageed oo la weydiiyay Cidda amni darada sameyn doonto ayaa wuxuu sheegay in isaga iyo reerkiisa sameyn doonaan wax walba oo ay awoodaan si ay xaqood u helaan.

Iran oo soo riday Diyaarad Drone MQ1 ah xili ay marinka Hormuz dul mareysay.Ciidamada Ilaalada Kacaanka Jamhuuriyadda Is...
14/09/2026

Iran oo soo riday Diyaarad Drone MQ1 ah xili ay marinka Hormuz dul mareysay.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee iran ayaa subaxnimadan soo riday diyaarad nooca an duuliyaha lahayn oo casri ah oo nooceedu yahay MQ-1, taas oo dul heehaabaysay Marinka Hormuz.

Diyaarada ayaa xiligaas waday howlo indha indheyn ah si ay xogaha Ciidamada iyo dhaqdhaaqaaqooda marinka ubasaasta.

14/09/2026

Jen, Tariq Mohammed Abdullah Saleh oo ahaa Ninkii ugu sareeyey xulufada Sacuudiga ee gacanta ku hayay Xeebaha Badda Cas, kana cararay markii ay Xuutigu qabsadeen magaalada Mokhaa, ayaa gaaray caasumada Sacuudiga ee Riyadh, isagoo halkaas wada hadal kula leh madaxda Boqortooyada.

Magacaabisyo ayuu sameeyey markii uu Sacuudiga tagey, isagoo dibu habeyn kusameeyey taliska ciidankisii hubkii & gacan kuhayntii dhulkaba laga qaaday, wuxuu tilmaamay in uu dib u qabsanayo xeebaha Badda Cas.

Tariq oo uu adeer u yahay Madaxweynihii h**e ee Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay in ay dib u qabsanayaan xeebaha Badda Cas iyo Baabul Mandab ee laga qabsaday, isagoo maalmo kahor Dooni ku baxsaday oo aan dagaalamin markii ay Xuutigu cariiriga galiyeen.

Sida ay warbaahinta carabta sheegayso Tariq ayay Sacuudigu mariyeen marin amni ah oo kuyaala Geeska Afrika, diyaarad gaar ah ayaana loogu diray dalalka gobalka, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Jeneraalkan waxay saaxiib ahaayeen Caydaruus Subeydi, hayeeshee wuxuu u diga rogtay bilowgii sannadkan dhinaca Sacuudiga, taas oo kaliftay in Xuutigu ka adkaadan kana qabsadaan dhulkii uu ka soo jeeday.

Safiirkii Turkiga ayaa Soomaliya sidaan mu macsalaameeyay "Soomaaliya waa dal aan nahay masiir-wadaag, isla markaana mee...
14/09/2026

Safiirkii Turkiga ayaa Soomaliya sidaan mu macsalaameeyay "Soomaaliya waa dal aan nahay masiir-wadaag, isla markaana meel gaar ah kaga jira qalbiga iyo siyaasadda dalkeenna"...

Dawladda Nigeria, ayaa lagu warramaya inay toddobaadkii h**e heshiis qarsoodi ah la gasha ururka Boko Haram oo mar xirii...
14/09/2026

Dawladda Nigeria, ayaa lagu warramaya inay toddobaadkii h**e heshiis qarsoodi ah la gasha ururka Boko Haram oo mar xiriir la lahayd Al Qaacida iyo kooxo kale oo ku xiran,inkastoo aan la bixin faahfaahin la xiriirta heshiiska, hadana Al Jazeera iyo warbaahinta maxalliga ah ee Nigeria , waxay sheegeen heshiiska inuu soconayo saddex bilood,ujeeddaduna tahay in la tijaabo sida heshiis lala galo ururkan u shaqeyn karo iyo sii deyn boqollaal qof oo u xiran Boko Haram.

Lama sheegin waxa ay Boko Haram heshiiskan ku heli doonto, maaddama ay joojinayso weerarrada iyo afduubka,halka aan la shaacin cidda dhex dhexaadinta heshiiskan lagu gaaray sameysay.

Address

Mogadishu

MOGADISHU

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when haash media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to haash media:

Shortcuts

Share