25/07/2026
Siyaasaddu waa inay noqotaa tartan ku saleysan karti, daacadnimo iyo danta guud, ee aysan noqon aalad lagu xaqiijiyo dano shaqsiyeed.
Marka hoggaamiye lagu qiimeeyo waxqabadkiisa dib u dhiska, nabadda iyo horumarka shacabka, haddana laga leexiyo jidka adeegga dadweynaha sababo aan danta guud ahayn, waxaa dhaawacmaya kalsoonida bulshada iyo haybadda hay’adaha dowladda.
Jagadu sharaf kuma yeelato qofka ku fadhiya; qofka ayaa sharaf ku yeesha waxa uu bulshada u qabto. Taariikhduna ma xafiddo buuqa siyaasadda ee waxay qortaa raadkii waxqabadka iyo go’aannadii saxda ahaa.
Xikmaddu waxay oranaysaa: “Run iyo caddaalad waa tiirka dowladnimada.” Haddii tiirkaas la wiiqo, waxaa daciifa kalsoonida shacabka.
Galmudug waxay u baahan tahay hoggaan lagu doorto karti iyo hufnaan, ee aan lagu xulan dano cid gaar ah. Danta guud waa inay mar walba ka sarreyso danta shaqsiga, waayo ummaddu waxay ku hormartaa caddaalad, isla xisaabtan iyo hoggaan masuul ah.