15/01/2025
Waxaa la yiri i, beri ayaa waraabe ka soo dacwooday in sumcadiisi la xumeeyay, xan iyo war aan jirina laga faafiyay. Wuxuuna ku cowday, in lagu sheego dembiyo aanu qabin, islamarkaasna wixii xun oo dhanna lagu eedeeyo isaga.wuxuu sheegtay, kuna dacwooday in aan aqoon fiican loo lahayn ee uu ka duwan yahay sida laga aaminsan yahay iyo waliba danbiyada lagu sheego.
Arimihii oo daaha ka qaaday oo uu afka ku dhuftay, ee uu tilmaamay Waraabihii in lagu xanto ama lagu tuhun san yahay ee uu doonayo in laga daayo oo aan mar danbe luugu yeerin waxaa ka mi ahaa , Inaanu ahayn mid wax booba, oo xaraan cun ah ama amaanada aanu xijin Karin oo ku xad gudba wax kasta oo lagu amaaneeyo.
Markii Dhurwaagii la dhegaystay, ayaa waxa la go´aansaday in dhurwaaga laga daayo eedeynta oo ka cabanayo , islmarkaasna loo lala dhaqmo sida ummadda inteeda kale loo lala dhaqmo. waxaase la damcay in dhurwaaga la tijaabiyo oo imitaxaan laga qaado ka hor inta aan lagu soo dhex dayn umada in waxa uu sheegay ay been yihiin ama waxa lagu sheegay ay Been yihiin.
Waxaa lagu yirihaaday Dhurwaa:
Dhurwaayow!!! hadalkaaku waa gar iyo daw. xaqna waad u leedahay in lagu aamino, balse waaba la hubsan dooneeye, ka bilow hawsha aad sumcaddaada ku hagaajinaysid ilaalinta hashaan iyo nirigteeda yar ee ay dhashay. ma laguugu yimid iyagoo Aamin ah oo isla markaasna bedqaba, mise, sida la sheegayo waxyeelo u geysatay hashaas iyo nirigteeda?
Dhurwaagii oo ka jawaabaya waydiintaas,ayaa hadalkii dhexda ka kala jarayaya,waxaa uu yiraahday ''Midba''
hadalkii lama dhamayn balse dhaxda ayaa uu ka soo galay laakiin waa la sii waday oo dhurwaaga si faah faahsan ayaa loo siiyay warka maasha la yiri '' Nin kuu digay kuma dilin'' hadalkii dhurwaaga la waydiiynayay ayaa waxaa loo kala qaaday labo qaybood waxaana lagu yiri
waa tan koowaade '' Haddii laguugu yimaado, iyagoo bedqaba, waxaa lagaa bedelayaa magac xun iskadaayoo magacaase , waxaa laguu bixin magaca, "Aamin" ".
Waa tan labaade '' Laakiin haddii loo yimaado, adigoo hashii iyo nirigteedii yaraydba dhib u geystay, waxaas lagaa sheegayaa, Dhurwaayow! waa rune, waxba ha ka xumaan oo ha ka dan qanin, waa wax aad adigu geysataye naftaada iyo magacaada".
Dhurwaa, oo isku kalsooni ka muuqato, ayaa u xaqiijiyay inuu yahay mid aamin ah, oo wixii lagu aamino loogu imanaayo, iyagoo sidoodi ah, Amaano qaadkiisuna uu badan yahay. wuxuu kale oo ku dardaarmay inaan shaki oo aan walwal laga qabin, ee uu hashaan iyo nirigteedaba, si fiican u sii maamuli doono soona daajin doono.
Markii laga tegay, ayuu Dhurwaagii wuxuu is adkeeyaba, is hayn kari waayay, wuxuuna go'aansaday, in aanu ku dheeraanin hasha iyo nirigteedaba, ee uu raadiyo hab waxna uu ku yara cuno, islamarkaasina aanay cid dareemi karin.!!!!
Dhurwaagii ayaa wuxuu ku fakay oo uu go'aan ku qaatay,inuu hasha ka goosto afarta naas oo keli ah. Waayo ayuu is yiri: "cidi arki mayso naasaha."aqoon daranaa maba oga In hasha wax lagu wata oo dhan ay tahay Naasaha marka ay nirigtu u noogtu marna cida leh ay listaan.
'' Ka daroo Dbi dhal'' Dhurgaagii ayaa mar labaad is hayn kari waayay waxaana uu is tusay in uu wax cuno nirigta yar oo aan laga markaasi ayaa waxaa uu jartay Faruuraha Afka h**e si aan looga dareemin.
In Mudu ah ka gadaal ayaa dadkii imitaxaanka ka qaadayay waraabahii u yimaadeen iyagoo ay ka mooqatu farxad maadaama ay kor ka arkeen Hashii iyo nirigtii oo aan dhib wayn ka mooqain marka kor laga fiiriyo laakiinse war moog ayay yihiin in mudu ah waxay amaaneen Dhurwaagii howsha fiican ee uu qabtay waxayna guda galeen farxad wayn ,iyadoo weli lagu jiro farxaddii iyo raynrayntii, ayaa la damcay in hashii la godlo[Caano naaseheeda lagu soo rogo].
Markii uu Dhurwaagii arkay meesha xaal iyo arini marayso ,ogaadayna inaanun baxsanayn,oo sirtiisi ay soo baxayso, ayuu boobay hadalkii, wuxuuna yirii, oraahdaan caanka noqday ee reebtay taariikhda iyo halhayska :" MAXAY KA NUUGTAA AMA KU NUUGTAA?"
Waxba wax baa lagu keenaa sheekadaan dheer waxaan ku keenay maanta ayaa waxay ku aadayn 1-Jully 2007 waa 47 guuridii ka soo wareegtay xiligii ay soomaaliya ay xoriyada ka qaadatat Talyaaniga isla markaasna ay midoobeen labadii Gobo lee Soomaaliya ee Waqooyiga Somalia iyo Koonfurta Soomaaliya,habeenkii xalay ahayd ayaa loo dabaal dagay '' MAXAAN U DABAAL DAGNAA MAXAASE KA DAGAAL DAGNAA'' maxaa loo dabaal dagayaa dal xor ah lama haysto sidaa waxaa yiri qoraa Soomaaliyeed oo dhaliishan Ciidamada Ethiopian-ka ee dalka soomaaliya soo galay waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin gumaysi.
Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi ayaa asbuucii h**e daba yaaqadiisii waxaa uu sheegay in aysan ciidamadiisa dalka soomaaliya ka soo bixi doonin ilaa xal laga gaari doono Shirka dib u hishiisiinta soomaaliya ee 15 July 2007 lagu wado in lagu qabto dalka taas ayaa waxay u mooqataa in ay la mid tahay hadalkii dhuwraaga ee ahaa in uu yahay mid aamin ah balse dantiisa fiirsanayay.
C/laahi Yuusuf Axmed Madax waynaha DFKMG ah oo 1-dii July 2007 ayaa isagoo khudbad ka jeedinayay habeenimadii Axadu soo galysay ee ay ku aadanayd 47 guuradii markii ayaa isna sheegay in ay tahay nasiib daro in xoriyadii soomaaliya ee loo soo hal gamay in maanta la ciideeyo taas oo la yaab ku noqday dadka soomaaliyeed ee ka soo horjeeda Gumaysiga Ethiopianka ee uu ku hayo Soomaaliya ha dareen sanaadaan ama yaysan dareen sanaan Madaxdeena,qoraa Soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri '' Maxaa loo dabaal dagaa dalkeeniiba xoriyad maahaane xoriyada soomaaliya Madaxda DFKMG ah ayaa December tii aan soo dhaafnay 27-keedii Dumiyay 2007.
Balse Soomaaliya xoriyadeeda waxay xanuunsatay 1991 markii cudurka qablaayada la yiraahdo uu ku dhacay Aabeen (Soomaali )[Aabaha Soomaali waa dowladnimada] isagoo u dhintay cudurkaasi qabyaaladaha ilo soomaali waxay noqdeen Agoon waxaana soo korsaday Hooyadood Soomaaliya[Yanii Dhulka Soomaaliyeed] oo aanan guursan cid ka danabsyo aabeheen Soomaali,1991-ilaa 2006 ayay hooyo Soomaaliya ahayd islaan garoob ah ka dib markii laga dhintay.
Hooyadeen Soomaaliya ayaa Ilmihii ay dhashay qaar ka mid ah loo adeegsaday in hooyadood laga dhigto Aduun sidii la doono laga yeelo oo caruurteeda kii la doono la dilo waxii la doonana dhulkeeda laga dhaco wiilasha caasiyaasha ah ee ay Hooyo Soomaaliya dhashay wali ma garowsan in ay hooyadood u soo kaxaysteen Gumaysi.
Nasiib xumda kale oo ku dhacday Hooyo Soomaali waxaa ka mid ah Caruurteedii mid ka mid ah ayaa 1993[waa markii Maamulka Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland uu sheegtay inuu koostay]waxaa uu sheegtay in Hooyadiis Soomaaliya oo ka madax banan yahay oo uusan la joogi Karin dhib kasta ha ku dhecee waxaana uu la magac baxay Somaliland isagoo dhamaan in kiray walaalihiis iyo hooyadiis oo uu yiri waxba iska kaaya galin,.
Puntland oo ka mid ahaa Caruurta ay Dhashay Hooyo Soomaaliya ayaa isagu 1998 Qaan gaaray[waa markii la yigleelay DGPL ee soomaaliyeed,waxaana uu isku dayay in uu bad baadiyo caruurta la dhaltay ee aan Qaan gaarin ee dhibka ka caalka waayay, 2004 ayaa Puntland waxaa uu gaaray,21 sano waxaana loo doortay in uu walaalhiis ee ka yar yar bad baadiso balse way dadaashay oo ilaa 2006-dii xiligaas oo uu soo kacay isna Puntland walaalkiis ka yaraa oo la oran jiray Koonfur oo inta badan dhibka ku soo koray 1991 -2006 markii uu Qaan gaaray Koonfur[yancii markii ay dhasheen weeye maxaakimta islaamiga ah ee Soomaaliyeed] 2006 ayaa mudu lixbilood ah waxaa uu ku noqday nin aftahan ah oo nabad iyo kala danbayn soo celiyay waxaan markiii uu iska dareemay xoog iyo muruq damcay inuuu walaalkiisii ka waynaa ee Puntland ahaa ka fara maroojiyo taladii loo doortay ee ahayd ee ahayd in nabad oo soo celiyo balse nasiib xumo aan loo baahanyn waxaa isku dhacay labadii walaala ahayd.
Puntland waa uu ka xanaaqay wiilkaan ka yar ee fag fagta badan ee ay hadana walaala yihiin waxaana dhex maray diri ay ka dhex faa'iidaysteen cadowga umada Soomaaliyeed waxaana meesha ka tagay wiilkii yaraa isagoo walaalkiis.
Wali k**a qoosan in uu wiilkii Puntland ahaa ee ay dhashay hooyo Soomaaliya inoo doonayo dowladnimo iyo bad baadinta walaalihiisa ka yar yar, balse Cadowga Umada Soomaaliyeed,ee Ethipoanka ahaa ee aan dariska ahayn oo arkay in aan nahay agoon aan aabe lahayn oo wiilashii ugu waa waynaa ee sadexda ahaa ee Somaliland iyo Puntland iyo Koonfur ay is khilaafsan yihiin sidaa darteed ka dhex faa'daysay
Ilmo Soomaaliyay walaalo ayaad tihiin ee midooba aaan is xornaynee dib kasta raaxo ayaa ka danbayso Soomaaliya ha israacdo ha midowdu ha hishiiso.
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
[email protected]
Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2007