Feysal Geelle

Feysal Geelle Artist

11/12/2025

Waa feker aan aaminsanaa 10 sano hor in Somalia waxa hayaa oo ay u kici ladahay mudo ka badan 34 sano ay tahay hogaan xumo.

Waxaa jira wadamo badan oo aan isku xilli burburnay iyo kuwa gadaasheen burburay oo hadana inta ka soo kabtay burburkaas aduunka ugu h**eeya dhanka dhaqaalaha iyo hurumarka.

Sabatuna waa kaliya waxaa kala duwan hogaanka, ayaga hogaankooda ayaa u sabab ah inay dalkooda dib u dhisaan hormarna ku hogaamiyaan, anagana hogaankeena ayaa ah mid aan aragti lahayn, musuq iyo qabyaaladi indhatiray, oo aan wax ahmiyada aan siineyn horumarinta dalka iyo mideynta shacabka walaalaha ee soomaaliyeed.

08/12/2025

Saraakiisha barooraneysa maantay, maxay ugarab istaagi waayey maatadii shalay cagafta la dulmarinaayey.

Dulmiga marka h**e hadaadan diidin oo aadan u hiilan dulmanaha maalinta koobaad, Waxaad sugtaa waa inuu gurigaaga kugu soo booqdo, cid kuu soo bixi doontaana majirto maalintaas.

08/12/2025

Hadii aad cooshad ama jiingad degantahay amni xumada ayaad qayb ka tahay.

Waasida uu aaminsanyahay wiilkaan ku maaleystay burburinta iyo barakicinta shacabka danyarta ah.

Kaligiisna maahan ee dhamaantood ayaa sidaas aaminsan, in shacabka danyarta ah ee cooshadaha iyo jiigadaha degani ay amni xumada qayb ka yihiin maalkooduna uu xalaal u yahay inay dhacaan.

06/12/2025

Dhalinyarada soomaaliyeed waa walaalo dhiig iyo dhaxal wadaag ah.

Siyaasiga jaajuus ah ee dowladaha shisheeya u adeegayaa yuusan isku kaana layn waxaan nahay dhamaanteen kaa dhimay kuguna dhimeye.

05/12/2025

Waxa ka socda boorama waa Xasuuq.
Waxa lagumaadayaa waa dhalinyaro, waayeel, maato iyo dad shacab ah oo aan hubaysnayn.

Waxa Shacabkaan loo laynayaa waa kaliya inay dareenkooda iyo rabitaankooda cabireen.

Halkaas waxaa laga dheehan karaa heerka duliga, caburinta, ihaanaynta shacabka iyo ku tagrifalka Awoodda uu Maraayo Somalia.

Shacabka soomaaliyeed ha garab Istaageen shacabka soomaaliyeed ee borama lagu xasuuqaayo.

03/12/2025

Awoodda camera-du maahan wax sahlan hadii aad u adeegsato sida togan ee waxtarka uleh naftaada iyo mujtamacaaga.

Qofkasta oo awood sheegta intay doonto ha la ekaatee ayada ayaa ka awood badan.

Muuqaalkaan sida aad ku aragtaan ninkaan dhalinyarda ah asaga oo shaqo maalmeedkiisa ku jira ayey uyimaadaan police-kaan sida aan filaayo ka socda immigration-ka wayna jeebeeyeen asagoo sida uu sheegaayo ah muwaandin sharciyadiisu u dhamaystiranyihiin wax dambiyana aan gelin waxa keliya ee loo haystaa waa inuu asalkiisu immigrants ahaa ama soo galooti sharci ka qaatay wadanka.

Waxa la yaabka leh ayaa ah In gabadhaan aad codkeeda maqashaan oo ninka dhalinyarada ah ay deris yihiin ama jaar ay camera-da taleefankeeda shidatay ayna bilawday inay duubto waxa meesha ka socda ayada oo cod dhiiran oo ay dulmiga ku diideyso uguna hiilineyso saxiibkeed ku leh waxay qabanayaan dadka muruq maalka ah ee wadanka u shaqaynaya, dadka masaakiinta ah, iyo soogalootiga, waxa ay sameynayaan waa wax laga xishoodo.

Ugu dambeyna marka ay u adkeysan waayeen codkaan dhiiran ee dulmidiidka ah ee aan daaleyn iyo camerdaan ku socota ayey jeebada ka fureen ninkii dhalinyarada ahaa meeshana way iskaga baxsadeen ayaga oo duleysan ceeb iyo yax-yaxna dareemaaya.

Camera-du waa awoodda maantay, hadii aad u adeegsato sida saxda ah.

22/11/2025

Waan idinku bogaadinayaa dhalinyarada soomaaliyeed Inaad runta u sheektaan jaasuus kasta oo booba hantideena, dalkeenana isku daya inuu shesheeye u gacan geliyo asaga oo shilimaad ay dullinimo wehliso ku badalanaaya mustabalkeena iyo aayeheena.

Laakiin waxaan rabaa inaan halkaan fariin wacyi gelin ah uga diro dhalinyarada soomaaliyeed, walaalayaal dalkaan anaga ayaa iska leh ee hassan sheikh malahan shaluu nooyimid berrina waa naga tegayaa ee yaanan burburinin agabka iyo hantida danta guud ee naga wada dhaxaysa waa dhaxal awoowayaasheen aan ka dhaxalnay annana ay naga dhaxli doonaan kuwa naga dambeeya.

Markale waxaad muujiseen maantay in dhalinyarada soomaaliyeed ay kasoo gudbeen xiligii Inta waxwalba lasameeyo dalka la xaraashto dad maatada ah la barakiciyo hantida shacabka la boobo sawiro jees jees oo ku wiirsi lala geli jirey danyarta tabaaleysan ee bacadka yaala.

Waa mahadsantihiin.

21/11/2025

Saxafiga hawlkarka ah ee shaqadiisa yaqaana caga, jugleyn, xarig iyo caburin midna Shaqada uu umadiida u hayo loogama joojin karo.

kuwaan miyaa dowlad noo ahaan kara?Hooyadaan waxay awoodi weysey inay aado isbitaalka gaar looleeyahay (private hospital...
07/11/2025

kuwaan miyaa dowlad noo ahaan kara?

Hooyadaan waxay awoodi weysey inay aado isbitaalka gaar looleeyahay (private hospital)

Sidaas darteed ayey u soo aadey isbitaal banaadir oo ah isbitaalka hooyada iyo dhalaanka oo bulshada soomaaliyeed ay ku dhisteen si iskaa wax u qabso ah 48 sano ka hor 1977dii.

Mushaharka shaqaalaha ka shaqeeya oo gaaraaya ilaa 300 oo qof oo iskugu jira maamul dhaqaatiir iyo shaqaale waxaa bixiya hooyooyinka Bakaaraha, saybiyaano, Xamar weyen iyo suuq bacaad jidadka ku iibiya yaanyada iyo mooska.

Nasiib daro markii ay timid istibaalka ayada oo dareemeysa xanuun saa’id ah awaxay ku xujeeyeen magefayaashii dhar dhaqaatiirta wetey inay bixiso lacag dhan $25 dollar, markii ay awoodi weysana banaanka ayey usoo tuureen ayaga oo qadaadka haya oo ku oyneysa walaal icaawiya xanuun ayaa ihayee, lakiin cidna warkaas iyo catowgaas k**a dhageysane banaanka ayey usoo saareen.

Waana taas albaabka isbitaalka ku foolaneysa xataa kaniini xanuun baabi’iye ah waa uquuri waayeen.

28/10/2025

Waa wax fahan u baahan.🤔🤔

゚viralシfypシ゚

28/10/2025

Geella maxaa kookada loo sii siinayaa.🤔🧐

Address

Nairobi

Telephone

+252618040123

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Feysal Geelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Feysal Geelle:

Share