13/11/2025
Muqdisho amnigeeda la iskama indha tiri karo!
Soo Hagaagidda iyo Isbeddellada Amniga Magaalada Muqdisho ayaa ciwaan looga dhigay warbixintan oo uu Somali Stream ku qoray Kornayl Cabdalla Daahir Cabdullaahi (Ugaas Cabdullaahi Dheere)
Hordhac
Magaalada Muqdisho, oo ah Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sanadihii ugu dambeeyay samaysay horumar iyo isbeddello muuqda oo dhinaca amniga ah. Tallaabooyinkan cusub waxaa hoggaaminayay hay’adaha amniga qaranka — Booliska Soomaaliyeed, Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), iyo Ciidamada Booliiska ah ee sida Milatariga u tababaran (Military Police).
Ujeeddada guud ee qorshayaashan waa in la xoojiyo nabadda bulshada, laga hortago khataraha argagixisada, iyo in la abuuro nidaam amni oo isku dhafan oo la jaanqaadaya xaaladda magaalada.
Dadaalladan ayaa horseeday in xaaladda amniga ee caasimadda ay si muuqata u soo hagaagto, iyadoo la dareemayo deganaansho iyo kalsooni sii kordheysa.
Faalladan kooban waxaa ku faahfaahinayaa dhawr qodob oo asaas iyo arkaan u ah ammaanka soo hagaagaya ee Muqdisho, sababaha ay tahay in loo hormariyo iyo talooyin aan ku darayo oo ay tahay in la weeleeyo si loo joogteeyo aminga loona gaaro nabad waarta oo saldhig adag ku taagan.
Soo Kabashada iyo Hagaajinta Amniga Muqdisho
Warbixinno rasmi ah ayaa muujinaya in xaaladda amniga ee Caasimadda Muqdisho ay si muuqata u soo hagaagayso. Deganaanshahan waxaa sahlay qorshe dowladdu hirgelisay oo diiradda saaraya isku xirka ciidamada kala duwan, la socodka dhaqdhaqaaqyada magaalada, iyo xoojinta iskaashiga bulshada iyo hay’adaha amniga.
Baraha kontoroolka (checkpoints) ee laga soo galo magaalada ayaa noqday tiir muhiim ah oo lagu xakameeyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadka soo galaya caasimadda. Goobahan waxaa si joogto ah uga howlgala ciidamo isku dhafan oo ka kala socda booliska iyo nabadsugidda, kuwaas oo baadhitaan joogto ah ku sameeya baabuurta iyo dadka. Tallaabadan ayaa kaalin muuqata ka ciyaartay yareynta weerarrada qaraxyada iyo falalka amni-darrada ee magaalada ka dhici jiray.
Baraha Kontoroolka, Kaamirooyinka iyo Eeyaha Qarax-baarista
Si loo adkeeyo amniga, dowladda ayaa hirgelisay baro kontorool oo lagu xoojiyey tiknoolajiyad casri ah sida kaamirooyin amni oo si toos ah u duuba dhaqdhaqaaqyada gaadiidka iyo dadka, iyo eeyo si gaar ah u tababaran oo baaraya walxaha qarxa. Kaamirooyinka amniga ee lagu xiray magaalada Muqdisho waxay noqdeen aalad muhiim ah oo lagu xaqiijiyo amniga caasimadda. Waxaa lagu rakibay jidadka waaweyn, xarumaha ganacsiga, xaafadaha, iyo albaabada laga soo galo magaalada.
Kaamirooyinkaas waxay u suurta geliyeen ciidamada amniga in ay si toos ah ula socdaan dhaqdhaqaaqyada dadka iyo gaadiidka, taas oo fududeysay in si degdeg ah loo ogaado falalka amni-darrada ah. Waxaa kale oo ay door weyn ka ciyaareen baarista dambiyada, maadaama muuqaallada la duubay ay noqdeen caddeymo muhiim ah.
Intaa waxaa dheer, xarumaha kormeerka ee Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa si joogto ah ula socda muuqaallada tooska ah, waxaana la sameeyay nidaam isgaarsiineed oo degdeg ah oo lagu soo gudbiyo digniinta marka fal shaki leh la arko. Tallaabadan ayaa si weyn hoos ugu dhigtay suurtagalnimada in walxaha qarxa lagu soo geliyo magaalada, waxayna sare u qaaday kalsoonida shacabka ee la xiriirta amniga guud.
Doorka Dhalinyarada “Dhar Cadka” iyo Nabad-sugidda Qaranka
Mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee lagu dhisay amniga magaalada waa dhalinyarada loo yaqaan “Dhar Cadka”. Dhalinyaradan, oo ka tirsan nidaamka Nabad Sugidda, ayaa si gaar ah loogu tababaray ilaalinta bulshada, gudbinta xogaha amni, iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada khatarta ah. Nidaamkan dhalinyarada dharka cadka ah ayaa markii h**e la aasaasay xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo taliska Nabad Sugidda ee waqtigaas uu dhisay unugga “Ilaalada Shacabka”. Ujeeddadu waxay ahayd in la abuuro awood sirdoon iyo bulsho isku xiran oo si wadajir ah uga hortagta falalka argagixisada.
Habka “Dhar Cadka” ayaa noqday tiir muhiim ah oo lagu dhisayo kalsoonida bulshada iyo hay’adaha amniga, maadaama dhalinyarada ay si hoose ugu dhex jiraan bulshada, una fududeeyaan helitaanka xogaha muhiimka ah ee amni. Daraasadda “Monitoring Mogadishu” ayaa tilmaantay in nidaamka dhar-cadka, kormeerka bulshada, iyo iskaashiga shacabka ay qayb muhiim ah ka yihiin qorshaha amniga ee Muqdisho.
Dhalinyaradan ayaa maanta sii wada waajibaadkooda, iyagoo si dhow ula shaqeeya Booliska iyo Nabad Sugidda si loo hubiyo in xog kasta oo amni ah ay si degdeg ah u gaarto hay’adaha ku shaqada leh. Doorkooda ayaa noqday mid laf-dhabar u ah sugidda nabadda, gaar ahaan marka la eego falalka argagixisada ee looga hortagay gudaha Caasimadda.
Howlgallada Ciidamada Booliiska iyo Milatariga ee daafaha Muqdisho
Ciidamada Booliiska iyo Milatariga ayaa si joogto ah uga howlgala daafaha iyo duleedka magaalada Muqdisho. Hawlgalladan waxaa loogu talagalay in lagu xakameeyo dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan ee isku dayaya inay weerarro ka fuliyaan gudaha magaalada. Joogitaanka ciidamadaas meelaha duleedka ah ayaa keenay in la xakameeyo weerarrada qorsheysan, lana sugo amniga wadooyinka muhiimka ah ee isku xira magaalada iyo gobollada kale. Tani waxay si weyn u kordhisay dareenka nabadgelyo ee shacabka.
Nidaamka Kormeerka iyo Isla Xisaabtanka Saraakiisha Amniga
Waxaa sidoo kale bilowday nidaam isla xisaabtan dhab ah oo lagu daba-galayo saraakiisha mas’uulka ka ah amniga baraha kontoroolka. Kaamirooyinka amniga ayaa hadda noqday aalad lagu kormeero shaqada saraakiisha si looga hortago dayaca ama musuqmaasuqa liddi ku ah amniga Caasimadda.
Xarumaha kormeerka ee Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa si toos ah ula socda dhaqdhaqaaqa baraha amniga, taas oo kor u qaaday isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta howlaha amniga.
Kaamirooyinka amniga ayaa noqday saldhig muhiim ah oo tixraac iyo caddeyn u noqda baarista falalka amni-darrada ah, isla markaana fududeeya in la ogaado cidda masuulka ka ah khaladaadka dhacda.
Gunaanad iyo Talooyin
Kahor inta aanan qalinka u qaadan qormadan, waxaa si wayn u daraaseeyay qodobada (Factors) saamaynta ku leh amniga Muqidsho. Waxaana ii soo baxaday in qorshaha hagaajinta amniga magaalada Muqdisho uu ku dhisan yahay dhowr tiir oo isku dhafan:
1. Baraha kontoroolka iyo eeyaha baaraya qaraxyada oo ah difaaca h**e.
2. Kaamirooyinka kormeerka oo ah indhaha amniga casriga ah.
3. Difaaca durugsan, gaar ahaan ciidamada booliiska iyo milatariga ee daafaha magaalada ka howlgala.
4. Dhalinyarada dharka cadka ah oo ah tiirka amniga bulshada ee ilaalinta shacabka.
Haddaba si loo sii xoojiyo guulaha la gaaray, waxaa lagama maarmaan ah:
1. In la kordhiyo isticmaalka tiknoolajiyadda casriga ah ee baraha kontoroolka.
2. In la sameeyo tababarro joogto ah oo kor loogu qaadayo xirfadaha ciidamada amniga.
3. In la xoojiyo iskaashiga shacabka iyo hay’adaha amniga.
4. In la dhiso nidaam hufan oo isla xisaabtan iyo kormeer joogto ah.
Haddii tallaabooyinkan la sii adkeeyo, Muqdisho waxay sii noqon doontaa magaalo amni ah oo deggan, iyadoo shacabka iyo dowladdu ay si wadajir ah u dhisanayaan mustaqbal nabdoon oo waara.
Kornayl Cabdalla Daahir Cabdullaahi (Ugaas Cabdullaahi Dheere) waa sarkaal h**e iyo khabiir amni iyo xeeldheere dhanka la dagaallanka iyo dabagalka argigixasada