RTS Somali

RTS Somali RTS Somali waa ilo wareed lagu kalsoonaan karo, kaas oo bulshada Soomaaliyeed siiya xogaha iyo wararka muhiimka ah. La soco, oo ku xidhnow barteena bulshada.

verified

26/11/2025

Waraysiga uu qaaday Hamse Cawke, Terra waxa la waydiiyay dhamaan hadalladii uu h**e u sheegay—laakiin jawaab cad muu bixin:

• 18 May → wuxuu ku sheegay “dharar lugooyo dadka waqooyi lagu sameeyay.”
• Ciidanka Qaranka → wuxuu ku eedeeyay tacadiyo aan caddeyn lahayn.
• Somaliland → wuxuu h**e u yidhi “waa mashruuc xabashi leedahay.”
• Dhulka → wuxuu sheegay “Soomaali baa wada leh, cid gaar ah looma dhalan.”
• 3M$ → wuxuu sheegay “Somaliland waxay ku bixin jirtay caddaan shisheeye sharaf been ah.”

Markii su’aalahaas loo dhigo, Terra si cad uga jawaabi waayey.

🎥 Clip Credit: Hamse Cawke

24/11/2025

Xalay Gabiley xaaladdu way kacsanayd, guddoomiyihii cuqaasha xidhay ayaa maanta wareegto lagu beddelay.
Maxaa dhacay? Maxay tahay sababta isku-shaandhayntan degdegga ah? 🤔🔥

Daawo wareegtada si aad u fahamto xaaladda dhabta ah. 👇🎥

11/11/2025

Xisbiga KULMIYE ayaa soo saaray digniin culus oo ku saabsan shidaalka saliida ah ee ay xukuumaddu ogolaatay, kaas oo ay sheegeen inuu ka buuxo sunta Salfarta (Sulphur) oo keeni karta cudurro iyo burbur deegaan.

Eeg muuqaalka si aad u fahamto sababta ay arrintani muhiim u tahay caafimaadka bulshada iyo deegaanka Somaliland.

KULMIYE: Shidaalka Xukuumadda Somaliöand Fasaxday Keenistiisa Waa Sun Halis Ku Ah Dadka iyo DeegaankaXisbiga KULMIYE aya...
11/11/2025

KULMIYE: Shidaalka Xukuumadda Somaliöand Fasaxday Keenistiisa Waa Sun Halis Ku Ah Dadka iyo Deegaanka

Xisbiga KULMIYE ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed culus oo uu ku sheegay in xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay dalka ku soo daysay shidaal salfarta (Sulphur) badan leh oo halis weyn ku ah caafimaadka bulshada, deegaanka iyo dhaqaalaha.

KULMIYE wuxuu sheegay in xukuumaddu ay ogolaatay in dalka la keeno shidaal leh heer Salfar (Sulphur) gaadhaya 3000 PPM, taas oo ka badan heerka caalamiga ah ee la oggol yahay (500 PPM).

“Marka shidaalka noocan ahi la isticmaalo,” ayuu yidhi war-saxaafadeedku, “waxaa hawada lagu sii daayaa gaas sun ah oo keena cudurrada neef-qabatinka, kansarka iyo dhimashada h**e ee dadka waayeelka iyo carruurta.”

Xisbiga ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay jebisay go’aannadii caafimaadka iyo deegaanka ee ay dawladihii h**e dhigeen, isla markaana ay “dano ganacsi iyo kooxo gaar ah” ku daboosho arrintan.

KULMIYE wuxuu ugu baaqay hay’adaha deegaanka, ururrada caafimaadka iyo bulshada rayidka ah in ay si degdeg ah u baadhaan go’aankaas, si looga hortago waxa uu xisbiga ku tilmaamay “sun qaran oo dalka lagu shubay.”

29/09/2024

FPÖ oo ku guuleysatay doorashada baarlamaanka Austria, natiijada ayaa muujinaysa isbeddel siyaasadeed oo taariikhi ah

Natiijada doorashada baarlamaanka Austria waxay muujisay isbeddel weyn oo ku yimid xisbiyada waaweyn ee dalka, iyadoo natiijo hordhac ah muujisay in FPÖ guul weyn gaadhay isaga oo helay 57 kursi oo baarlamaanka ah, taas oo ka dhigan korodh dhan 26 kursi. ÖVP ayaa soo galay kaalinta labaad isagoo lumiyay 19 kursi, waxaana uu helay 52 kursi. SPÖ ayaa kaalinta saddexaad ku jira isagoo 41 kursi ku guuleysatay, korodh hal kursi ah. Die Grünen wuxuu lumiyay 10 kursi waxay na heleen 16 kursi, halka NEOS ay heleen 17 kursi oo ah korodh 2 kursi ah. Xaaladdani waxay u horseedaysaa isbeddel weyn oo siyaasadeed dalka Austria

FPÖ oo dooneya hoggaaminta iyo iskaashiga siyaasadeed

Hoggaamiyaha FPÖ, Herbert Kickl, wuxuu sheegay in guusha xisbigiisu tahay caddayn muujinaysa in shacabka ay doonayaan isbeddel, wuxuuna ku adkeystay in xisbigiisu uu diyaar u yahay inuu hoggaamiyo xukuumad cusub. Si kastaba ha ahaatee, xisbiyada kale sida ÖVP iyo SPÖ waxay sheegeen in aanay diyaar u ahayn isbahaysi ay la samaystaan FPÖ. Kickl wuxuu carrabka ku adkeeyey in FPÖ ay diyaar u tahay wadaxaajood si loo dhiso dawlad cusub oo dimoqraadi ah.

Karl Nehammer oo ka hadlay guuldarrada ÖVP

Karl Nehammer, hogaamiyaha ÖVP, wuxuu qiray inuusan ku guuleysan inuu Xisbigiisu ka galo doorashada kaalinta koobaad. Inkastoo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay taageerada uu dib u helay, haddana wuxuu si cad u sheegay inuusan la shaqeyn doonin FPÖ, gaar ahaan haddii Herbert Kickl uu hoggaaminayo xisbiga. Nehammer wuxuu tilmaamay in ÖVP uu yahay xisbi u taagan siyaasadda dhexe iyo xasiloonida dalka, taas oo ka duwan siyaasadaha FPÖ.

Andreas Babler oo ka hadlay xaaladda SPÖ

Andreas Babler, hogaamiyaha SPÖ, ayaa qirtay in natiijada doorashada ee xisbigiisu aysan ahayn mid wanaagsan, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu sii wado hoggaaminta xisbiga si loo dhiso isbahaysi awood leh. Babler wuxuu sheegay in xisbigiisu uu raadinayo iskaashi siyaasadeed oo ay la yeeshaan xisbiyada kale, balse wuxuu sheegay in SPÖ aysan dawlad isbahaysi ah la sameyn doonin FPÖ, sababo la xidhiidha farqiga weyn ee siyaasadaha ee u dhexeeya labada xisbi.

Xisbiyada Cagaarka iyo NEOS

Xisbiga Cagaarku wuxuu doorashadan lumiyay taageero weyn, iyadoo hoggaamiyaha xisbiga, Werner Kogler, uu qiray in xaalad adag ay wajahayaan. Wuxuu sheegay in xisbigiisu uu dib u qiimeyn doono siyaasadaha si uu dib ugu soo ceshado taageerada bulshada, gaar ahaan arrimaha cimilada iyo deegaanka. Dhinaca kale, Beate Meinl-Reisinger, hogaamiyaha NEOS, waxay ku faraxsantahay koboca yar ee xisbigeeda, inkastoo ay caddeysay in NEOS aysan diyaar u ahayn inay isbahaysi la gasho FPÖ. Waxay ku adkeystay in xisbigeedu uu taageerayo mabaadi'da midowga Yurub iyo horumarinta siyaasadda bulshada.

Isbahysiga suurtagalka ah iyo caqabadaha horyaalla

Natiijada doorashadu waxay abuurtay xaalad adag oo siyaasadeed, maadaama aysan jirin isbahaysi muuqada oo fudud oo la dhisi karo si ay xukuumad cusub u abuuranto. Inkastoo FPÖ uu yahay xisbiga ugu kuraasta badan, hadana xisbiyada kale sida ÖVP iyo SPÖ ayaa diidan inay la shaqeeyaan FPÖ. Karl Nehammer wuxuu si cad u sheegay in ÖVP aysan wax iskaashi ah la yeelan doonin FPÖ, halka Andreas Babler uu sheegay in SPÖ aysan diyaar u ahayn inay la shaqeeyaan FPÖ.

Waxaa la saadaalinayaa wadaxaajoodyo waaweyn oo siyaasadeed oo ka bilaabmi doona Austria, iyadoo xisbiyadu ay isku dayi doonaan inay helaan xal ay ku dhisaan xukuumad cusub oo dheellitiran. Isbahaysi saddex-geesood ah oo ay ka mid yihiin ÖVP, SPÖ iyo NEOS ama Cagaarka ayaa laga yaabaa inay noqoto mid ka mid ah xulashooyinka ugu macquulsan ee lagu xallin karo dhibaatada siyaasadeed ee taagan.

Waxaan ka soo xigtay ORF/APA

Tababarihii h**e ee Espanyol, Southampton, Tottenham Hotspur, iyo Paris Saint-Germain. Mauricio Pochettino ayaa dib ugu ...
14/05/2023

Tababarihii h**e ee Espanyol, Southampton, Tottenham Hotspur, iyo Paris Saint-Germain. Mauricio Pochettino ayaa dib ugu soo laabtay Premier League, isagoo markii saddexaad hogaanka u qaban doona Chelsea xili ciyaareedka soo socda.

UCL FINAL🏆Inter Milan vs Real Madrid
12/05/2023

UCL FINAL🏆
Inter Milan vs Real Madrid

07/01/2023
Saadali kulanka  England vs Senegal oo  ku guulayso 30$ shuruudahana buuxi 1: like saar page 2:postigaan share gare  3: ...
04/12/2022

Saadali kulanka England vs Senegal oo ku guulayso 30$
shuruudahana buuxi
1: like saar page
2:postigaan share gare
3: 4 group ku share garee
5: sahdashu waxay ku eegtahay inta ciyaarta ay ka bilaabmaYso

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fozia Abiikar Nuur ayaa safiirka Dalka China ee Muqdisho kala ...
11/04/2021

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fozia Abiikar Nuur ayaa safiirka Dalka China ee Muqdisho kala wareegatay 200.000 oo talaalka COVID19 ee loo yaqaano Sinopharm Vaccine, oo ay dowladda China soo saartay

Xigasho solna

Adresse

Salzburg
5020

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von RTS Somali erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Teilen