29/09/2024
FPÖ oo ku guuleysatay doorashada baarlamaanka Austria, natiijada ayaa muujinaysa isbeddel siyaasadeed oo taariikhi ah
Natiijada doorashada baarlamaanka Austria waxay muujisay isbeddel weyn oo ku yimid xisbiyada waaweyn ee dalka, iyadoo natiijo hordhac ah muujisay in FPÖ guul weyn gaadhay isaga oo helay 57 kursi oo baarlamaanka ah, taas oo ka dhigan korodh dhan 26 kursi. ÖVP ayaa soo galay kaalinta labaad isagoo lumiyay 19 kursi, waxaana uu helay 52 kursi. SPÖ ayaa kaalinta saddexaad ku jira isagoo 41 kursi ku guuleysatay, korodh hal kursi ah. Die Grünen wuxuu lumiyay 10 kursi waxay na heleen 16 kursi, halka NEOS ay heleen 17 kursi oo ah korodh 2 kursi ah. Xaaladdani waxay u horseedaysaa isbeddel weyn oo siyaasadeed dalka Austria
FPÖ oo dooneya hoggaaminta iyo iskaashiga siyaasadeed
Hoggaamiyaha FPÖ, Herbert Kickl, wuxuu sheegay in guusha xisbigiisu tahay caddayn muujinaysa in shacabka ay doonayaan isbeddel, wuxuuna ku adkeystay in xisbigiisu uu diyaar u yahay inuu hoggaamiyo xukuumad cusub. Si kastaba ha ahaatee, xisbiyada kale sida ÖVP iyo SPÖ waxay sheegeen in aanay diyaar u ahayn isbahaysi ay la samaystaan FPÖ. Kickl wuxuu carrabka ku adkeeyey in FPÖ ay diyaar u tahay wadaxaajood si loo dhiso dawlad cusub oo dimoqraadi ah.
Karl Nehammer oo ka hadlay guuldarrada ÖVP
Karl Nehammer, hogaamiyaha ÖVP, wuxuu qiray inuusan ku guuleysan inuu Xisbigiisu ka galo doorashada kaalinta koobaad. Inkastoo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay taageerada uu dib u helay, haddana wuxuu si cad u sheegay inuusan la shaqeyn doonin FPÖ, gaar ahaan haddii Herbert Kickl uu hoggaaminayo xisbiga. Nehammer wuxuu tilmaamay in ÖVP uu yahay xisbi u taagan siyaasadda dhexe iyo xasiloonida dalka, taas oo ka duwan siyaasadaha FPÖ.
Andreas Babler oo ka hadlay xaaladda SPÖ
Andreas Babler, hogaamiyaha SPÖ, ayaa qirtay in natiijada doorashada ee xisbigiisu aysan ahayn mid wanaagsan, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu sii wado hoggaaminta xisbiga si loo dhiso isbahaysi awood leh. Babler wuxuu sheegay in xisbigiisu uu raadinayo iskaashi siyaasadeed oo ay la yeeshaan xisbiyada kale, balse wuxuu sheegay in SPÖ aysan dawlad isbahaysi ah la sameyn doonin FPÖ, sababo la xidhiidha farqiga weyn ee siyaasadaha ee u dhexeeya labada xisbi.
Xisbiyada Cagaarka iyo NEOS
Xisbiga Cagaarku wuxuu doorashadan lumiyay taageero weyn, iyadoo hoggaamiyaha xisbiga, Werner Kogler, uu qiray in xaalad adag ay wajahayaan. Wuxuu sheegay in xisbigiisu uu dib u qiimeyn doono siyaasadaha si uu dib ugu soo ceshado taageerada bulshada, gaar ahaan arrimaha cimilada iyo deegaanka. Dhinaca kale, Beate Meinl-Reisinger, hogaamiyaha NEOS, waxay ku faraxsantahay koboca yar ee xisbigeeda, inkastoo ay caddeysay in NEOS aysan diyaar u ahayn inay isbahaysi la gasho FPÖ. Waxay ku adkeystay in xisbigeedu uu taageerayo mabaadi'da midowga Yurub iyo horumarinta siyaasadda bulshada.
Isbahysiga suurtagalka ah iyo caqabadaha horyaalla
Natiijada doorashadu waxay abuurtay xaalad adag oo siyaasadeed, maadaama aysan jirin isbahaysi muuqada oo fudud oo la dhisi karo si ay xukuumad cusub u abuuranto. Inkastoo FPÖ uu yahay xisbiga ugu kuraasta badan, hadana xisbiyada kale sida ÖVP iyo SPÖ ayaa diidan inay la shaqeeyaan FPÖ. Karl Nehammer wuxuu si cad u sheegay in ÖVP aysan wax iskaashi ah la yeelan doonin FPÖ, halka Andreas Babler uu sheegay in SPÖ aysan diyaar u ahayn inay la shaqeeyaan FPÖ.
Waxaa la saadaalinayaa wadaxaajoodyo waaweyn oo siyaasadeed oo ka bilaabmi doona Austria, iyadoo xisbiyadu ay isku dayi doonaan inay helaan xal ay ku dhisaan xukuumad cusub oo dheellitiran. Isbahaysi saddex-geesood ah oo ay ka mid yihiin ÖVP, SPÖ iyo NEOS ama Cagaarka ayaa laga yaabaa inay noqoto mid ka mid ah xulashooyinka ugu macquulsan ee lagu xallin karo dhibaatada siyaasadeed ee taagan.
Waxaan ka soo xigtay ORF/APA