27/07/2025
Sadexdii bilood ee lasoo dhaafay Hiiraan si tartiib tartiib ah ayey ugu sii gacan galeysaa AS, tusaale ahaan, waxey la wareegeen meelaha ay kamid yihiin, Mubaax, Ceelqooxle, Moqokori iyo Maxaas oo ay maanta la wareegeen.
Beesha Xawaadle oo kali ku ah dagaalka ayaa ka hor taagan in guud ahaan cadowgu ay ula wareegaan gobolka, balse nasiib darada jirta waxey tahay in kaalintii dowladda ee dagaalka AS maalinba maalinta ka dambeysa ay sii wiiqmeyso.
Ha sahalsan in Maxaas AS ay la wareegaan, sababtoo ah waa meel muhiim ah oo xitaa u suura galin karta in ay gaaraan meelo ka baxsan Hirshabelle.
Hadaba ciidanka loo qaaday Gedo, ma habooneyd in loo weeciyo Hiiraan?