Muhudin MMC

Muhudin MMC Halkan kala soco Wararka Somalia l Wararka Caalamka | Arimaha Sirdoonka | Sheekooyinka.

27/07/2025

Madaxweynahii iyo taliyihii NISA oo Adisababa jooga ayay ciidanka Itoobiyaanka ahaa madaafiic ku wadaan saldhiga taliska Nisa ee Dooloow.

Kulamadii maanta ma waxaa lagu heshiiyey in wiilasheena la duqeeyaa?

27/07/2025

Munaasabadda maalinta Cafiska umadda Soomaaliyeed ee maanta lagu qabtay Muqdisho looma kala harin.

Ustaad Cabdiwali Hassan Hashi (Wali Hashi) oo ololahan hal abuurkiisa leh ayaa noo sharaxaya ahmiyadda maalintan.

Maadaama Villa Somalia ay ka adkaan weysay Axmed Madoobe, macquul ma tahay in Itoobiya lala kaashado in Kismaayo ciidan ...
27/07/2025

Maadaama Villa Somalia ay ka adkaan weysay Axmed Madoobe, macquul ma tahay in Itoobiya lala kaashado in Kismaayo ciidan dowladeed la geeyo oo meesha laga saaro Madoobe?

Sadexdii bilood ee lasoo dhaafay Hiiraan si tartiib tartiib ah ayey ugu sii gacan galeysaa AS, tusaale ahaan, waxey la w...
27/07/2025

Sadexdii bilood ee lasoo dhaafay Hiiraan si tartiib tartiib ah ayey ugu sii gacan galeysaa AS, tusaale ahaan, waxey la wareegeen meelaha ay kamid yihiin, Mubaax, Ceelqooxle, Moqokori iyo Maxaas oo ay maanta la wareegeen.

Beesha Xawaadle oo kali ku ah dagaalka ayaa ka hor taagan in guud ahaan cadowgu ay ula wareegaan gobolka, balse nasiib darada jirta waxey tahay in kaalintii dowladda ee dagaalka AS maalinba maalinta ka dambeysa ay sii wiiqmeyso.

Ha sahalsan in Maxaas AS ay la wareegaan, sababtoo ah waa meel muhiim ah oo xitaa u suura galin karta in ay gaaraan meelo ka baxsan Hirshabelle.

Hadaba ciidanka loo qaaday Gedo, ma habooneyd in loo weeciyo Hiiraan?

Degmada Maxaas 15-sano kadib gacanta AS ayey gashay.Sadex jiho ayey kasoo weerareen, ugu dambeyna wey la wareegeen.Maalm...
27/07/2025

Degmada Maxaas 15-sano kadib gacanta AS ayey gashay.

Sadex jiho ayey kasoo weerareen, ugu dambeyna wey la wareegeen.

Maalmahan waxaa muuqata in dhanka dowladda wax weyn ay ka qaldan yihiin, qabaa’ilka mudadaas AS ka hor taagnaa Maxaas-na waxey aaminsan yihiin, in dagaalka Hiiraan dowladdu ay kasii jeedo oo kaligood ay noqdeen.

Hadaba maxaa qaldan oo u baahan in la saxo?

23/07/2025

Puntland oo kiis cusub ka sheegtay Markabka ku xayiran xeebaha Boosaaso.

Waa markii ugu h**eysay ee askarta ilaalada madaxtooyada ee Koofi Gaduud lala xisaabtamo.Hab raac sax ah mala marsiin do...
14/07/2025

Waa markii ugu h**eysay ee askarta ilaalada madaxtooyada ee Koofi Gaduud lala xisaabtamo.

Hab raac sax ah mala marsiin doonaa mise buuqa in lagu damiyo ayaa loo soo bandhigay?

13/07/2025

Madaxweyne Deni” Ninkii hooyadiis ku caasiya isagaa dulloobaya, Puntland-na waa Hooyo”

10/07/2025

AS oo caawa waayey rag aktooda muhiim ka ahaa, raggaan yaad ka taqaan?

Waxaa la duqeeyey oo sidoo kalena la xaqiijiyey khasaaraha gaaray AS

1. Jubada Dhexe: waxaa la duqeeyey xarun ay joogeen horjoogeyaal sar sare iyo maleeshiyaad ilaalinayey, waxaana la xaqiijiyey dhimashada maleeshiyaad badan iyo dhaawaca Maxamed Maxamuud Suldaan oo ah amiirka guud ee Xisbada.

2. waxaa sidoo kale la beegsaday xarun ay ku sugnaayeen rag ajaanib ah oo ku taalla degmada Bu’aale, halkaas oo la xaqiijiyey dhimashada rag ajaanib ah iyo geerida waaligii h**e ee AS ee degmada Jilib nin lagu magacaabo Sheakh Cali Jiis.

3. Degmada Kuntuwaarrey oo sidoo kale kamid ah halka howlgaladu ka dhaceen waxaa lagu beegsaday xarun qaraxyada lagu keydinayey oo halkaa ku taalla iyada oo sidoo kale la burburiyey qaraxyo qorshuhu ahaa in lasoo galiyo Muqdisho.

4. saraakiil sar sare oo dhinaca militeriga u qaabilsanaa AS ayaa sidoo kale kamid ah ragga la bartilmaameedsaday, waxaana xubnahani ay qaabilsanaayeen weerarada Shabellaha hoose illaa Galgaduud, iyada oo raga dhimashadooda la xaqiijiyey ay ku jiraan.

A. Aadan Dheere Abuu Cali oo qaabilsanaa qaytba Qorshaynta.

B. Daahir Colow Abuu Xaydar oo qaabilsanaa dhinaca howlgalada.

C. Kamaal Xasan Abuu Daariq oo wakiil ka ahaa qeybta loojistikada.

D. Mukhtaar Oday Murux oo ahaa amiirkii guud ee ciidamada gobolka Shaballeda hoose.

E. Xasan Cayrow oo qorsheynta ahaa.

F. Mursan Cali Sadiiq amiirkii amniga militeriga ee labada gobol ee shabeelooyinka.

Dhaawaca

1. Tabliiq amiirkii AS ee Hiiraan.

2. Yuusuf Cali Ugaas Amiirkii h**e ee ciidamada jabhadaha Hiiraan hadana ahaa waaligii Hiiraan ee AS.

3. Xuseen Maxamed Abuu Jaabir iyo maleeshiyaad kale.

Mucaaradku waxey taagan yihiin guddiga doorashada hala kala diro, kiiskii Dastuurka isna sidiisii h**e halagu soo celiyo...
03/07/2025

Mucaaradku waxey taagan yihiin guddiga doorashada hala kala diro, kiiskii Dastuurka isna sidiisii h**e halagu soo celiyo, halka madaxweynuhu uu arrintaas iska diiday.

Hadaba kulanka kale ee lagu balamay suura gal ma tahay in Villa Somalia ay ka tanaasusho qorshihii ay soo dhiseysay sadexdii sano ee lasoo dhaafay, mise mucaaradka ayaa la jiiran doonaa oo rajadooda lasoo lagu soo afjari doonaa is aragga soo socda?

Madaxweyne Xasan iyo weerarka AS ee Deyniile.Madaxweyne Xasan oo ka careysan in AS ay Deyniile ka dgaalamayaan ayaa hadd...
30/06/2025

Madaxweyne Xasan iyo weerarka AS ee Deyniile.

Madaxweyne Xasan oo ka careysan in AS ay Deyniile ka dgaalamayaan ayaa hadda isugu yeeray saraakiisha amniga.

Madaxweynuhu wuxuu leeyahay “lama aqbali karo in dacaayad iyo shaqaale ayaa lacag laga jaray laiiga mashquuliyo dagaalka AS, ee guddoomiye Muungaab iyo madaxda kale ee Muqdisho aan ku aaminay is qabadsiiya dabaal dagga Taleex ka socda ee dhaqaalaha badan lagu bixiyey iyo AS-ka ka dagaalamaya Deyniile”?

30/06/2025

Caawa iyo xuska 1-da Luulyo iyo Muqdisho

Address


Telephone

+436641143628

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Muhudin MMC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Muhudin MMC:

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share