12/07/2026
SOMALIA OO U JEHEYSATAY DHANKA ASIA
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay afar Heshiis Is-afgarad (MoUs) oo lala galay dalalka Shiinaha, Hindiya, Uzbekistan iyo Turkmenistan, kuwaas oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga horumarineed.
🔹 Shiinaha – Iskaashi ku saabsan horumarinta tayada shaqaalaha iyo deeqaha waxbarasho.
🔹 Hindiya – Heshiis lagu joogteynayo wada-tashiyada siyaasadeed iyo xoojinta xiriirka labada dal.
🔹 Uzbekistan – Is-afgarad lagu ballaarinayo wada-shaqeynta diblomaasiyadeed iyo arrimaha siyaasadda.
🔹 Turkmenistan – Heshiis lagu xoojinayo wada-tashiyada siyaasadeed iyo iskaashiga labada dowladood.
Heshiisyadan ayaa la filayaa inay kor u qaadaan maalgashiga, waxbarashada, horumarinta awoodda shaqaalaha, iyo xiriirka diblomaasiyadeed, iyagoo qeyb ka ah hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka Soomaaliya (2025–2029).
SUAASHU WAXAY TAHAY: Maxaa Kusoobeegay xilli reer galbeedku kahor yimid falaka u umuuqdo doorashooyin unconstitutional ah oo dhawaanahan laga arkayo dowladda xiligeedu dhamaadey Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud?