30/12/2025
DONALD TRUMP MA AQOONSAN DOONO SAMLILAND! Sabab?
Xogtan hoose waxaan ka helnay diblomaasiyiin New York ku sugan oo isuga jira Soomaali, Kuweit, Turkey iyo Algeria.
HORDHAC.
Marka h**e waa in aan oggaanno in kiiska aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland aanu khuseynin Soomaaliya oo keliya. Waxaa jira dalal tallaabadan u arka mid halis ku ah ammaankooda qaranka. Kuwaas oo aan sinnaba u oggolaaneynin in Israa'iil ay soo degto marinka Baabal-mandab iyo nawaaxigiisa. Dalalkaasi waxaa ugu tun-weyn Masar, Turkiga, Sacuudiga, Jibuuti iyo dhamaan waddamada Gacanka Carabta.
HADALKA TRUMP EE AHAA MA AQOONSANEYNO SOMALILAND.
Durbadii uu soo baxay go'aanka Israa'iil ee aqoonsiga Somaliland, saddexda dal ee aan kor kusoo xusnay waxa ay soo saareen qoraallo cambaareyn ah oo lahjad adag ku qoran. Intaas kuma ay joogsane waxaa qoraallo sidaas oo kale ah soo saaray, dhamaan ururrada ay dalalkaasi ku jiraan, sida: Midowga Afrika, Ururka Islaamka, Jaamacadda Carabta, Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo IGAD.
Sida ay xaqiijnayaan ilaha aan xogtan ka helnay; Trump marnaba ma fileynin in dalal waaweyn -oo ku yaalla Bariga Dhexe, ahna bah-wadaag aanu Mareykanku sinnaba uga maarmin- ay sidaas adag uga soo horjeesan karaan aqoonsiga Somaliland. Waana arrinta ku dhalisay in uu laba tallaabo dib u gurto oo uu sheego in aanu markiiba qorshaha Israa'iil qeyb ka noqoneynin.
SHIR-YARE DHINACA TELEFOONKA AH.
Madaxda dalalka kasoo horjeestay aqoonsiga Somaliland ee rumeysan in tallaabadaasi ay halis weyn ku tahay amaankooda-qaran, waxaa wel-wel ku abuuray booqashada uu markaas Washington ugu soo ambabaxay raysalwasaaraha Israa'iil. Waxa ay is-tuseen suurtogalnimada in uu wax ka beddeli karo mowqifka Trump.
Madaxweynaha Turkiga, Madaxweynaha Masar, Dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo Amiirka Qatar ayaa shir socday ku dhowaan saacad iyo bar telefoonka kula qaatay Madaxweynaha Mareykanka. Madaxda ayaa Trump si faahfaahsan ugu sharraxay qaab-dhismeedka Soomaaliya, dhibaatada ka iman karta in Israa'iil ay fariisato Geeska Afrika iyo in iyaga oo ka duulaya sugidda amaankooda-qaran aanay aqbali karin in arrintaasi ay dhaqan-gal noqoto.
Trump oo is-barbar-dhig ku sameeyay faa'iidada Mareykanka iyo Israa'iil ugu jiri karta aqoonsiga Somaliland iyo khasaaraha labadooda soo gaari kara haddii ay Washington lumiso xulafo istaraatiiji ah oo ay ku leedahay Bariga Dhexe; ayaa madaxda u ballan-qaaday in Mareykanku aanu aqoonsan doonin Somaliland.
Madaxda afarta dal ee Trump la halday ayaa markii ay hubsadeen mowqifka Washington, waxa ay codsadeen in Mareykanku uu markan Israa'iil ku cadaadiyo in ay go'aankaas ka laabato. Trump waa nin ganacsi, tallaabo kasta oo uu qaadayana waxa uu ka dhex-raadiyaa fursado kale. Markiiba waxa uu oggoolaaday in uu Israa'iil xoogga ku saaro sidii ay aqoonsiga Somaliland uga noqon lahayd. Hase yeeshee waxa uu codsaday in hoggaamiyayaashan oo midkoona aanu ku saxiixin heshiiska Abraham Accords ay kusoo biiraan. Sacuudigu h**ey ayuuba u sheegay in haddii ay Israel ku adkeysato aqoonsiga Somaliland aanu saxiixi doonin Abraham Accords.
KULANKA TRUMP-NETANYAHU & FADHIGA GOLAHA AMAANKA
Dadaalka Turkiga, Masar, Sacuudiga iyo Qatar oo dhabarka ay ka taagan yihiin inta badan dalalka Afrika, Islaamka iyo Carabta ayaa sabab u noqday in Mareykanku aanu Veto u adeegsan fadhigii Golaha Amaanka, keliya ma ahee uu halkaas ka caddeeyo mowqifkiisa aqoonsiga Somaliland. Waana lagu guuleystay.
Qofkii aad u dhageystay hadalkii Trump uu ka jeediyay shirkii jaraa'id ee Netanyahu ay wada qabteen, waxa uu dhowr-jeer kusoo celceliyay in heshiiska Abraham Accords la ballaarin doono. Taas oo loo arkayay in waddamada muhiimka ah ee la shiray qaarkood ay saxiixi doonaan, haddii uu Trump ka dhabeeyo ballan-qaadkiisa.
Waxaa muuqata in Soomaaliya oo kaashaneysa saaxibbadeed iyo dalalka ay dan-wadaagta yihiin, ay qeyb ahaan guul-weyn oo diblomaasiyadeed kasoo hoysay dadaalkii maalmahan socday ee looga hortagayay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.
Jacfar Kukay