08/09/2026
KALSOONI BURBURTAY, KALA QAYBIN BULSHO IYO FASHILKA 15-KA SANO EE XILDHIBAAN ODAWAA
Maqaalkani wuxuu si hufan oo qoto dheer hoos ugu galayaa 15-ka sano uu Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ku fadhiyay kursiga Baarlamaanka HOP #069.
Tubta Siyaasadda: Cabdiraxmaan Odawaa waxa isku caana shubay kursiga HOP #069 sanadkii 2015, Kadib geeridii AUN Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon)iyada oo la xasuusto in aan laga tala galin bulshadda Obokor, Dhaqan iyo Ganacsato toona.
Hadaba, Seddex muddo xileed ka dib, waa maxay dhaxalka maanta hor yaalla bulshada iyo deegaannadii uu matalayay?
Kala Qaybinta iyo Duminta Wadajirka Bulshada
Deegaannada uu matalo kursiga HOP #069—sida Baxdo, Hobyo, Ceelhuur, Xaradheere iyo tuulooyinka hoos yimaada—waxay eey la daalaa dhacayaan culees iyo baahida adeegyo asaasi ah, sida amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo dhismaha waddooyinka.
Hadaba, waxaa la yaab leh, in isla masuulkii laga sugayay in uu ka howlgalo culeesyadaas, in uu ku mashquul sanyahay kala qeybinta iyo iska horkeenka beesha Obokor, taas oo si weeyn u dhaawacday walaanimadii iyo isku duubnidi soo jireenka ahaa!.
Waxaa is xasuusin mudan, Maalintii uu Cabdiraxmaan siyaasadda ku soo biiray 2014-kii, beeshu waxay lahayd xiriir iyo wadajir muuqda. Maanta, waxaa ka dhex jira kala fogaansho, kalsooni la’aan iyo xiriirro bulsho oo dhaawacmay.
Qormaddan waa qaybta koowaad. Qaybta labaad waxaan si qoto dheer ugu dul istaagi doonaa taariikhda iyo sooyaalka xasaasiga ah, si gaar ah xiriiradda halista ah. Ee ku saabsan kooxo magafayaal ah oo wata magacyo iyo title kala duwan oo uu ka dhex samaystay beesha OBOKOR.