23/08/2025
Xidhiidhka dhexmar lammaanaha, ninku wuxuu soo daayaa 180 milyan oo shahwo ah kuwaas oo u tartama in ay bacrimiyaan keliya hal ugxan oo ka yimi dhinaca gabadha.
180 milyan waa 10 jeer laab tirada Somalida, 5 jeer laabka tirada dadka Morocco, 4 jeer laabka tirada dadka Algeria, ku dhawaad laba-laab dadweynaha Masar.
180-kaas million dhammaantood way dhintaan inta lagu jiro safar dheer oo loogu jiro halkaas ugxan, marka laga reebo hal xabo oo shahwo ah oo badbaada oo guulaysta, shahwadaasina waa adiga.
Kadib uur ayaa dhaca oo waxad timaaddaa adduunka.
Waxaad timid adigoo dagaalyahan ah, waxaad noolayd adigoo dagaalyahan ah, oo waxaad weligaaba ahaan doontaa dagaalyahan.
Marka ay ku weydiiyaan guulahaaga nolosha, u sheeg inaad keligaa jid dheer soo martay oo aad kaalinta koowaad kaga guulaysatay 180 milyan oo dagaalyahanno kula mid ah oo dagaalka ugu jiray inay ahaadaan adiga oo kale. Weligaa ha dhayalsan kartidaada, mar haddii aad ahayd qofka ugu dheereeya.
~Xigasho...