20/04/2026
Macluumaad
Sannadkii 1992 waxaa soo baxday waxa loo yaqaan Wolfowitz Doctrine, kadibna sannadkii 1997 waxaa la sameeyay Project for the New American Century. Labadan fikradood waxay soo baxeen kadib burburkii Midowgii Soviet (Collapse of the Soviet Union), xilli uu Maraykanku doonayay inuusan kaliya burburin quwad kasta oo la tartami karta, balse uu sidoo kale ka hortago in ay soo baxdo awood kale oo isaga la mid ah si uusan u dhalan nidaam caalami ah oo laba-geesood ah.
Aragtida Wolfowitz waxay ku salaysnayd in Maraykanku xakameeyo oo daciifiyo cid kasta oo loo arko tartame ama qayb ka noqon karta tartanka ayadoo cid kale garab u ah si uu u ilaashado hoggaamintiisa caalamka.
Fikraddan waxaa sii xoojiyay Mashruuca Qarniga Cusub ee Maraykanka, kaas oo lagu wajahay dalal gaar ah oo Bariga Dhexe iyo Afrika ku yaalla inay khatar ku yihiin danaha Maraykanka iyo Israa’iil, sida Iran, Iraq, Syria, Lebanon, Somalia, Libya, iyo Sudan. Sidoo kale waxaa lagu daray Afghanistan iyo gobolka Chechnya si loo wiiqo saameynta Russia, halka Bariga Yurub lagu taageeray Ukraine iyo Georgia si loo xaddido soo laabashada awoodda Ruushka.
Hababka la adeegsaday waxaa ka mid ahaa faragelin militari, dagaal wakiileedyo iyo taageero dhaqaale iyo hub si loo hubiyo inaanay soo bixin quwado cusub oo tartan keena, wuxuu sidoo kale la sheegaa in la abuuro khilaafaadyo diimeed sida Sunni iyo Shiico oo la sii huriyo, isla markaana kacdoonnadii Arab Spring ay qayb ka noqdeen isbeddelladan qorshahaaas.
Sidoo kale waxaa la xusaa hoggaamiyeyaasha Maraykanka sida George H. W. Bush, George W. Bush, Barack Obama, Donald Trump, iyo Joe Biden, iyadoo la tilmaamay in ay ka simanyihiin joogtey siyaasadeed oo ku wajahan ilaalinta saameynta Maraykanka.
Sidoo kale waxaa la sheegaa in dagaalka ka socda Iran uu yahay sii wadista istaraatiijiyaddan, isla markaana natiijadiisu go’aamin doonto mustaqbalka iyo saameynta Maraykanka in ay sii fido ama dib u dhacdo, gaar ahaan marka la eego xiriirka ay la leedahay China iyo Russia.
Somali Press Tv