10/12/2025
Hadalka Stephen Miller iyo Jawaabaha Ka Dhashay
Stephen Miller, oo ka tirsan kooxaha ugu saameynta badan ee Donald Trump, ayaa sheegay in haddii Soomaalidu “aanay dalkooda ka dhigi karin mid guulaysta,” aanay wax tar u yeelan karin Mareykanka. Hadalkan oo lagu tilmaamay mid lagu weerarayo bulsho dhan, wuxuu sii huriyay dood ku saabsan sida muhaajiriinta loogu qiimeeyo hadba xaaladda dalalkooda, halkii lagu eegi lahaa shaqsiyadooda iyo wax ku oolnimadooda.
Hadallada noocan oo kale ah, oo ay jiraan hadaladii Trump dhawaan ugu yeeray Soomaalida “garbage,” waxay ka dhashayn caro weyn oo gudaha Soomaaliya ah iyo qurbaha. Dad badan ayaa xusay in inkastoo dalka ay kajiraan caqabado badan, haddana bulshada Soomaaliyeed ay samaysay dadaal muuqda oo ku saabsan dib-u-dhiska, adeegyada bulshada iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah. Waxaa sidoo kale la xusay in hadalka Trump uu dhaawacyo ku reebay dadka Soomaaliyeed ee mareykanka ku nool, isla markaana uu caqabad ku noqon karo isku xirnaanta bulshada iyo amniga.
Waxaa kale oo jira doodo leh faragelinta shisheeye waxay leedahay miisaan siyaasadeed iyo amni, qaar ka mid ah dadka xaalka Somalia Darsa waxay aaminsan yihiin in haddii faragelinta Mareykanka iyo dalalka kale ay dalka ka yaraato, ay Soomaaliya heli karto fursad ay si madax-bannaan u dhisto nidaamkeeda. Tusaalooyin dunida ka dhacay, sida Afghanistan ka dib markii Mareykanku ka baxay, ayaa muujinaya in musuqmaasuqa qaar meelaha uu hoos u dhacay, isla markaana bulshada gudaha ay qaadatay doorkii ay dibu habaynta ku fulin lahayd.
Dalka Mareykanka marka uu ka baxay ama uusan si toos ah faragelin ugu yeelan dalal qaarkood, waxaa muuqda in bulshooyinkaasi helaan fursad ay iyagu hoggaan u noqdaan horumarkooda. Tusaalooyin badan ayaa tan caddeynaya. Serbia markii faragelintii dibadda yaraatay waxay awood u yeelatay inay dib u dhisto dhaqaalaha, taageerto warshadaha gudaha, isla markaana gaarto degganaansho siyaasadeed oo ka wanaagsan intii h**e.
Vietnam oo muddo dheer iska diidday faragelinta Mareykanka ayaa maanta ka mid ah dhaqaalaha ugu kobaca badan Asia, iyadoo adeegsanaysa qorshe deggan oo ku dhisan wax soo saarka, ganacsiga iyo midnimada bulshada Sidoo kale Eritrea iyaduna, inkastoo ay la kulantay caqabado badan oo gudaha ah, haddana waxay ku istaagtay mabda’ madax-bannaani iyo in aanay oggolaan faragelin siyaasadeed oo dibadeed, taas oo u suuragelisay inay xakameyso amniga, qorsheyso kheyraadkeeda, isla markaana ku socoto waddo ay iyadu leedahay.
Tusaalooyinkani waxay muujinayaan hal arrin oo muhiim ah, waddan kasta fursad ayuu helaa marka loo daayo inuu is xukumo, go’aanadiisana ay ka yimaadaan gudaha, halkii lagu maamuli lahaa dano shisheeye. Horumarka dhabta ahi wuxuu kasoo bilaabmaa gudaha bulshada, haddii ay helaan nabad, hogaamiye daacad ah, iyo jawi ay iyagu iska leeyihiin. Soomaaliya sidoo kale waxay leedahay karti noocan ah waxay u baahan tahay jawi ay iyadu maamusho, faragelin la’aan, oo ay bulshada gudaha hoggaanka u qabato dib u dhiska iyo horumarka.
Ugu dambayn, hadalka Miller iyo Trump waxaa loo fasiray isku day lagu yareynayo doorka muhaajiriinta iyo in bulsho dhan lagu qiimeeyo xaaladaha adag ee dalkooda, halkii lagu eegi lahaa waxa ay la yimaaddaan marka ay helaan fursad, amni iyo sharciyad. Soomaalida gudaha iyo dibaddaba waxay muujisay inay leedahay karti, hal abuur iyo awood ay ku dhisi karto mustaqbal ka wanaagsan, haddii la helo xaalad ku habboon oo ay iyagu hoggaan u yihiin.
Somali Press Tv