Khaatumo News Agency

Khaatumo News Agency Warbaahinta Khaatumo News Agency waxaad kala socon kartaa Warar xaqiiqda ku salaysan. Nagusoo Biir🙏

14/06/2025

Well done

 .Maalmahan waxaan baraha bulshada ku arkayay warbixino iyo falanqayn kuwaas oo xambaarsan fariimo cabasho oo ka imaanay...
08/06/2025

.
Maalmahan waxaan baraha bulshada ku arkayay warbixino iyo falanqayn kuwaas oo xambaarsan fariimo cabasho oo ka imaanaya bulshada ku nool Magaalada Gaalkacyo, waxyaabaha laga xusikaro cabashooyinka waxaa ka mid ahaa inaysan dowladdu xil iska saarin samaynta, dhamaystirka iyo horuminta kaabayaasha dhaqaalaha gobolka mudug.

Sidoo kale waxaa xusid mudan tabashooyinka tiro beelka ah ee ku saabsan amniga bulshada deegaanka, kaas oo bud-dhig u noqon lahaa horumarka kasta oo bulshadaasi hiigsanayso.

Hadaba; Si xal waara loogu helo tabashooyinka iyo caqabadaha jira waxaa lagama maarmaan ah in Mudug hesho bulsho hab fekerkoodu ka madaxbanaan yahay Siyaasad, Kooxaysi, Beelaysi, Nin jeclaysi iyo Munaafaqad. Si loo abuuro degenaansho iyo xasilooni bulsho oo ka hirgasha guud ahaan gobolka mudug.

Sidoo kale waxaa mihiim ah inay dawladu doorkeeda qaadato, islamarkaana gudato wajaabidaadka ka saaran ilaalinta nabad galyada iyo badqabka muwaadinka ku sugan gobolka. Wada shaqayna ka kasbato shacabka deegaankaas ku nool, iyadoo loo marayo hanaanka dawlad wanaaga, cadaalada iyo ku dhaqanka shuruucda iyo qawaaniinta dawlada puntland.

WQ/DR.ABDISALAN OMAR NALEYE

.

06/05/2025

Somali Civic Voice Waa Haayad ay asaaseen aqoonyahan Soomaaliyed oo loogu talogalay inay ka shaqayso arimaha Bulshada, sida Dowladd wanaaga, Isbedelka Cimilada, Horumarinta iyo wax ka qabashada xuquuqda dadka nugul, isla xisaabtanka iyo dhismaha wacyiga dad weynaha soomaaliyeed.

Sidoo kale Haayadani waxay u qareentaa dhismaha dawlad loo dhanyahay, taasoo ku dhisan isla xisaabtan dad Wayne si looga mirodhaliyo hanaan dawladnimo oo dadka cadaalad iyo sinaansho u horseeda.

Waxaa iyana meesha aan ka madhnayn dadaalada Haayada ee ku aadan isbedelada cimilada, iyadoo loo marayo hanaanka kor u qaadista wacyiga dad weynaha ee la qabsiga iyo u adkaysiga waxyeelooyinka ka dhasha is dhalanroga cimilada.

Haayada Somali civic voice waxaay u mihiim aragtay bud-dhigna u ah ka shaqaynta iyo taabo galinta Yoolasha hortabinta leh, iyadoo la tixgalinayo axdiyada qaramada midoobay ee ku aadan 2030ka.

Sida:-
Yoolka 1aad- La Dagaalka Faqriga
Yoolka 5aad-Sinaanta
Yoolka 13aad-Isbedelka Cimilada
Yoolka 16aad-Dawlad Wanaaga

Hirgalinta yoolalka haayada Somali civic voice waxay noqondoonaan kuwo ku dhisan wadashaqayn iyo iskaashi dhexmara cid kasta oo u heelan wax qabashada arimaha Bulshada Somaliyed gaar ahaan kuwa hortabinta leh.

Hadaba muwaadin nagu soo biir si aan wadajir ugu guulaysano.

Fadlan guji Lifaaqa Hoose

WQ Dr.Abdisalan Naleye

https://www.facebook.com/share/169fueVaXZ/

Somali Civic Voice is a grassroots watchdog & civic advocacy advancing democratic governance, women’s empowerment, social accountability and collective climate action—driving justice and inclusive change through advocacy, engagement, and grassroots media.

02/01/2025

*Talo Soo Jeedin ku aadan Ceerigaabo*

Xaalada cakiran ee magaalada Ceerigaabo oo hada aad moodo inay isugu biyo shubanayso colaad aan la garanayn dhamaadkeeda, waxay xaqiiqdu tahay inaysan cidina ku naaloonayn nabad iyo degenaansho rasmi ah oo ka hirgala magaalada Ceerigaabo, haduusan caqligu shaqayn.

Aragti ahaan xalka kaliya ee muuqdaa waa in cid walba ku ekaato inta ay Ceerigaabo ka degentahay, kuna maamulato system ka ay aaminsantahay, si nabad iyo degenaansho waarta loogu wada noolaado magaaladan.

Ilaa taas laga helayo nabad iyo nolol cid gooni ahi ku noolaato k**a hirgalidoonto Ceerigaabo, maslaxada iyo caqliguna wuxuu shaqayndoonaa miyirkuna soo laabandoonaa marka ay waxbadan xumaadaan dhiigbax badana yimaado.

Caqligu Hashaqeeyo, Xalku waa sahlan yahay wadada loo marayana waa sahlantahay ee maan iyo maskax fayoow halagu wajaho Ceerigaabo, intaysan xaajo dhabqin.

Runta in la aqbalo waa geesinimo go'aan qaadasho dhab ah iyo hal adayg u baahan, badbaado aakhiro iyo mid aduuna ku jirto ee rabi hayna waafajiyo talada haboon qaadashadeda.

Dr.Abdisalan Omar Naleye

Address

Melbourne, VIC

Telephone

+252907444052

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khaatumo News Agency posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Khaatumo News Agency:

Share

Category