
21/07/2025
Danjire Sacuudiga Ka Yimid oo Loo Xilsaaray Amniga Soomaaliya, Amni Qowmi Mise Halis Kale, Xilka La-Taliyaha Amniga Qaranka oo Is-bedel Lagu Sameeyay, Waji Cusub Iyo Walaac Horleh!
Ilo-wareedyo rasmi ah oo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Somali Press TV in xilkii laga qaaday La-Taliyihii Amniga Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya (NSA), Xuseen Macalin Maxamuud.
Xuseen Macalin, oo muddo 3 sano iyo billo ah hayey xilkaas, ayaa lagu eedeeyay inuusan wax khibrad ah amaanka u lahayn sidoo kalene horay u ahaan jiray, gacan yarayaashii kooxdii TPLF (Tigray People’s Liberation Front) ee Itoobiya, taasoo ah in lagu tuhunsanyahay qaar ka mid ah saraakiisha dowladda iyo falanqeeyeyaasha arrimaha amniga inay saameyn toos ah ku leeyihiin shisheeyaha gobolka daneeya iyo kuwa deriska ahi, siyaasadda gudaha Soomaaliya, gaar ahaan la xiriirta arrimaha amniga gobolka. Waxaa lagu dhaliilaa inta badan iney xiriir dhow la leeyihiin hay’ado shisheeye iyo ururo siyaasadeed oo aan mararka qaar la jaanqaadin karin danaha Qaran ee Soomaaliya & maslaxadda qaran.
Danjire Aways Xaaji Yuusuf – La-Taliyaha Cusub
Xilkan si kumeel gaar ah waxaa loo magacaabay Danjire Dr. Aways Xaaji Yuusuf Axmed, oo h**ey u ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Inkasta oo uu leeyahay khibrad diblomaasiyadeed oo ballaaran, haddana magacaabistiisa ayaa waxaa durba laga muujiyay walaac ballaaran, iyadoo la sheegayo in amniga qaranka aysan suurtagal ahayn in lagu halleeyo qof muddo dheer ka shaqeynayay dalalka khaliijka oo aan siyaasadoohooda qaran la jaanqaadi karin madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.
Isbedelkan degdegga ah ee ka dhacay xafiiska La-Taliyaha Amniga Qaranka ayaa imaanaya iyadoo xaaladda amni ee dalka ay weli tahay mid cakiran, loona baahan yahay hoggaan leh khibrad gudaha ah, faham buuxa oo amniga qaranka iyo madax-bannaani siyaasadeed oo dhab ah aaminssan, shaqada cusub ee Dr. Aways wuxuu u baahan yahay in lagu qiimeeyo waxqabadka uu keeni karo halkii lagu eegi lahaa kaliya taariikhda diblomaasiyadeed.
Somali Press Tv