12/06/2025
Gargaarka Mareykanka iyo Danihiisa Istiraatiijiyadeed: Galkee Ka Geli Doontaa Soomaaliya Qorshaha Cusub ee Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka?
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio ayaa yiri shalay isniintii, “Foreign aid has to be geared towards our national interests, We need to design a State Department that delivers on that,”
Hadalkani wuxuu ifinayaa aragti cusub oo ah in gargaarka Maraykanku uusan noqon karin mid samafal kaliya ah, balse uu si cad ugu xiran yahay danaha qaranka ee Maraykanka, hadalkan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad siyaasadeed oo dib u eegis loogu sameyneyo doorka Mareykanka ee dunida, gaar ahaan sida loo maareeyo xiriirka dibadda iyo dhaqaalaha lagu bixiyo.
Hadalkani wuxuu muujinayaa isbeddel weyn oo ku socda siyaasadda dibadda ee Mareykanka, Isbeddelkaasi wuxuu saameyn toos ah ku yeelanayaa dalal badan oo ka faa’iideysta gargaarka Mareykanka oo Soomaaliya ugu horreysa.
Maqaalkan warbaahinta Somali Press Tv waxay ku eegeysaa sida hadalkaasi u beddeli karo doorka Soomaaliya ee gargaarka caalamiga ah, iyo su’aasha muhiimka ah, Soomaaliya ma leedahay dan istiraatiiji ah oo u qalanta in Mareykanku sii wado gargaarka?
GARGAARKA MAREYKANKA EE SOOMAALIYA
Soomaaliya waxay sanad walba ka heshaa Mareykanka, Kaalmada bani’aadamnimo (Humanitarian Aid)Raashin, biyo, Daawo, Taageero amni Tababar iyo miisaaniyad loogu talagalay ciidamada ammaanka, Taageero horumarineed: Barnaamijyo la xiriira waxbarasho, iyo dowlad dhiska,
Tirada guud ee gargaarka sanadkii 2023 waxay gaartay ku dhawaad $300 milyan, sida ay sheegtay USAID.
ARAGTIDA CUSUB: DAN LA’AAN = GARGAAR LA’AAN
Hadalkii Marco Rubio wuxuu tilmaamayaa in Gargaarka uu noqonayo maalgelin istiraatiiji ah, ee uusan ahayn deeq xad dhaaf ah oo bani’aadamnimo, Waddan walba oo gargaar hela uu noqon doono mid si cad ugu adeegaya danta Maraykanka ha noqoto dhinaca amniga, siyaasadda, ama ganacsiga.
Su’aasha ka dhalanaysa waxay tahay, Soomaaliya ma leedahay dan la taaban karo oo ay oo uu danayn Mareykanka?
SOOMAALIYA: DAN IYO DAREEN?
Awoodaha Istiraatiijiga ah ee Soomaaliya
•Meel muhiim ah oo juquraafi ah (ku dhow marin-biyoodka Bab el-Mandab) dhanka kale isku xiri karta Indian Ocean iyo Redsea.
•Saameyn ku leh ammaanka & dhaqaalaha Geeska Afrika
•Dal leh dad tiro ahaan lagu qiyaaso 40-50 million oo dhallinyaro u badan, fursadna u ah suuq horumarineed
Caadooyinka Siyaasadeed ee Niyad Jabka leh
•Musuqmaasuq baahsan
•Dowlad daciif ah oo aan lahayn xasillooni siyaasadeed
•Ku tiirsanaan xad dhaaf ah oo aan isbeddel keeni karin
Marka la isku geeyo, Soomaaliya waxay Mareykanka siin kartaa fursado istiraatiiji ah balse haddii ay sii socoto hab-dhaqanka musuqmaasuqa iyo isla xisaab la’aanta, waxaa laga yaabaa in ay gasho liiska waddamada laga jari karo gargaarka, ama ay ku xirmaan shuruudo adag.
KHATARTA & FURSADAHA SOOMAALIYA
•Gargaarka bani’aadamnimada oo laga jaro, taasi oo sii xumeyn karta xaaladda dadka Soomaaliyeed
•Fursado horumarineed oo yaraada, gaar ahaan kuwa haweenka, carruurta, iyo deegaanka
Fursadaha
•In Soomaaliya ay si buuxda ula jaanqaado istaraatiijiyadda Mareykanka
•In dowladdu horumariso daahfurnaanta, isla xisaabtanka, iyo xiriirka diblomaasiyadeed
Hadalkii Marco Rubio wuxuu calaamad u yahay waqti cusub oo adag, mid uu Mareykanku doonayo in uu gargaarkiisa dibadda ka dhigo mid si buuxda ugu shaqeeya danihiisa.
Soomaaliya, haddii ay rabto in ay sii hesho taageeradaas muhiimka ah, waa in ay xaqiijisaa qodobadan.
•In Dowladdu ay muujiso madax-bannaani iyo mas’uuliyad
•La yareeyo musuqmaasuqa
•La xoojiyo amniga iyo xiriirka tooska ah ee Mareykanka
Sidoo kale, bulshada rayidka ah, warbaahinta madax-bannaan, iyo aqoonyahannadu waa in ay door ka qaataan kormeerka gargaarka iyo ka jawaabidda isbeddelladan cusub.
Somali Press Tv