SomNews Tv

SomNews Tv SomNews Tv waa wakaalad warbaahineed oo ku takhasustay soo saarista qoraallo tayo sare leh.

13/09/2026

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Si Rasmi ah u Guddoomay Kaarki Xisbiga JSP ee Hoggaaamiyaha Hiirshabeelle.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada...
13/09/2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika, Sareeye Gaas Tudor.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo howlgallada, gaar ahaan taageerada iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, tayeynta ciidanka iyo dhismaha ciidan qaran oo leh awood iyo diyaar-garow sare.


Labada dhinac ayaa sidoo kale isla eegay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada amniga iyo tababarrada ciidanka.

13/09/2026

Hay’adda SoDMA ayaa diyaar-garow iyo digniin u dirtay dadka ku nool 29 degmo oo ka tirsan 14-gobol oo dalka ah, kuwaas oo laga cabsi qabo inay ka da’aan roobab daadad culus wata, taas oo ka dhalatay xaaladda Super El Niño.

Roobabkan ayaa laga cabsi qabaa inay da’aan bilaha Oktoobar, Nofeembar iyo Diseembar, xilli roobaadka Deyrta.

MUQDISHO, 13 SEPTEMBER 2026 – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dowladda Woqoo...
13/09/2026

MUQDISHO, 13 SEPTEMBER 2026 – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dowladda Woqooyi Bari , Mudane Salmaan Abdirahman Jama (Oogo), oo maalmihii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay Caasimadda Dalka ee Muqdisho, ayaa booqasho shaqo ku tegay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda sare ee Wasaaradda ayaa Agaasimaha Guud kusoo dhoweeyay xarunta, isagoo intii uu ku sugnaa xarunta wasaaradda booqasho ku tegay qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka , gaar ahaan Keydka Radio Muqdisho, oo ay ku kaydsantahay taariikhda iyo sooyaalka wadanka.

10/09/2026

Ra'iisul wasaare Xamsa oo si kulul uga hadlay Askarigii sida araxn darada ah loogu dilay Shabeelada dhaxe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxa...
10/09/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 1-aad, Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Cutubyo ka tirsan Guutada 21-aad ee Gorgor, kuwaasi oo dhowaan soo dhammaystay tababar heer sare ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixinno ka dhageystay Taliska iyo saraakiisha ciidamada, isaga oo mid mid u booqday xafiisyada Taliska, deegaanka ciidamada, Isbitaalka Qaybta iyo xarumaha saadka, isla markaana u kuurgalay xaaladda guud ee ciidamada, adeegyada ay helaan iyo diyaar-garowgooda hawlaha qaranka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka ciidamada Gorgor ee difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna ka shaqeeyaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah Khawaarijta .

Ugu dambaun, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay ka geystaan dib-u-dhiska, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor.

10/09/2026

Waxaan mataaneynaa Warbaahinta Soomaaliya iyo Turkiga"Gudoomiye Jaamac

08/09/2026

Geeddi-socodka caafimaadka Soomaaliya: burburkii nidaamka caafimaadka, dib-u-soo-nooleyntii adeegyada, caqabadaha weli jira, horumarka la gaaray iyo himilooyinka mustaqbalka.

08/09/2026

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa si rasmi ah ugu casuumay ka qaybgalayaasha Shirweynaha Sadexaad ee Bulshada Bariga Afrika (EACON 2026), kaas oo ay Soomaaliya martigelin doonto.

08/09/2026

Maamulka Gobolka Banaadir oo digniin cusub u diray dadka ku xadgudba nadaafada iyo bilicda caasimada.

Adres

Ghent
9000

Website

Meldingen

Wees de eerste die het weet en laat ons u een e-mail sturen wanneer SomNews Tv nieuws en promoties plaatst. Uw e-mailadres wordt niet voor andere doeleinden gebruikt en u kunt zich op elk gewenst moment afmelden.

Contact

Stuur een bericht naar SomNews Tv:

Snelkoppelingen

Delen