DaawashoPlus

DaawashoPlus Fadlan adigo mahadsan Follow soo dheh bogeena si aad Warbixin iyo muuqaalo dheeraada usii hesho❤❤
(1)

Soo dhawoow wll halkaan waxaan kuugu soo gudbin doonaa muuqaalo, kaa qosliya ama aad ka hesho iyo Warbixino dheeraada❤

Fadlan Nagu soo biir oo Follow soo dheh bogeena (Page)

11/03/2026

Sida ay sharciga ka dhigtay Israaiil, lama ogola in muuqaal la duubo xiliga dhibtu dhacdo laakiin qof shaqsi ah taleenkiisa lama ilaalin karo. Muuqaalkan waa xalay gantaaladii ku dhacay Talaabiib. Iiran waxay isticmaashay gantaalka lagu magacaabo Khorramshahr-4 Sida ay qortay RT. Waa gantaal casri ah oo nooca ridada dhexe ah gaarina kara ilaa 2000km. Waa gantaal culus oo qaadi kara ilaa 1500kg oo gumac ama qarax ah. Mar walba oo uu dagaalku sii dheeraado waxaa la isticmaalayaa hub cusub oo kayd ahaa si karaar cusub looga dhigo xiliyada dambe.

09/02/2026

Geedkaan magaciisaa la iska rabaa, waxaa la siiyaa ariga gaar ahaan waxaa loogu daraa biyaha. Xilliyada la siiyo iyo sababta loo siiyo. Dadka u faa’iidee.

17/01/2026

Qaar ka mid ah maxaabiista Ajaanibta ah ee Daacish oo lagu qabtay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad, waxay u kala dhasheen Turkey , Saudi Arabia, Morocco , Ethiopia, Syria Iyo Tanzania.

Geesiyaasha Ciidankeenna Puntland oo taageero ka helaya saaxiibadeenna Imaaraadka iyo Maraykanka, ayaa ku guuleystay in Argagixisada Caalamiga ah ee ISIS laga sifeeyo Calmiskaad, wuxuuna hadda maraya hawlgalku meel gebogebo ah.

Dowladda Puntland oo soo bandhigtay maxaabiista Daacish ee ay ku qabatay dagaalkii Calmiskaad & dalalka ay ka soo jeedaa...
17/01/2026

Dowladda Puntland oo soo bandhigtay maxaabiista Daacish ee ay ku qabatay dagaalkii Calmiskaad & dalalka ay ka soo jeedaan.

05/01/2026

Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen oo xaqiijisay iney magaalo xeebeedda Mukalla, xarunta gobolka Xadramout dib ugala wareegtey golaha Koonfurta Yemen!

25/10/2025

Best series

18/10/2025

Say My Name?

Breaking bad�

Me Before You (2016)🎬👇❤️‍🔥Sheekadu waxay ka bilaamaysaa  gabar danyar ah oo lagu magacaabo Louisa Clark, oo dadka intiis...
17/10/2025

Me Before You (2016)🎬👇❤️‍🔥

Sheekadu waxay ka bilaamaysaa gabar danyar ah oo lagu magacaabo Louisa Clark, oo dadka intiisa badan ugu yeeraan Lou. Waxay ku nooshahay tuulo yar oo Ingiriis ah, nolol caadi ahna ayey ku haysata iyadoo ka shaqeysa makhaayad yar.
Maalin ayaa shaqadii laga ceyriyay, taas oo ka dhigtay inay raadsato shaqo kale si ay qoyskeeda u caawiso. Ugu dambayn, waxay heshay shaqo ay tahay inay daryeesho nin hodan ah kaas oo magaciisu yahay Will Traynor Will wuxuu ahaa nin firfircoon oo jecel safarada, ciyaaraha iyo nolol farxad leh, balse noloshiisu way is beddeshay markii shil mooto oo aad u daran uu curyaamiyey. Wuxuu noqday nin niyad-jabsan, xanaaq badan, oo rajo ka waayey nolosha.
Markii Louisa shaqada bilowday, Will si xun ayuu ula dhaqmay, wuxuuna rabaa qof walba inuu iska fogeeyo. Laakiin Louisa ma niyad jabto; waxay isku daydaa inay ninkan qosolka iyo farxada ku soo celiso.

Maalmaho iyo toddobaadyo ay is garanayaan, Louisa waxay bilaabeysaa inay fahanto xanuunka iyo murugada uu Will dareemayo, halka Will uu arko kalgacalka iyo naxariista Louisa ee daahirka ah. Waqti badan ayey wada qaataan - waxay safraan, oo daawadaan filimaanta, waxayna wadaagaan sheekooyin iyo riyooyin h**e. Louisa waxay u aragtaa in ay weli jirto rajo uu Will ku noolaan karo, balse Will wuxuu h**e u qorsheystay inuu noloshiisa soo afjaro sababtoo ah ma doonayo inuu sii ahaado qof aan dhaqdhaqaaq lahayn. Markii Louisa ogaatay qorshihiisa, way murugootay, waxayna go'aansatay inay isku daydo inay beddesho go'aankiisa.

Waxay qorshaysaaly fasax iyo safar ay isku raacaan si uu u dareemo in noloshu weli qurux leedahay. Intii ay safarka ku jireen, jacayl dhab ah ayaa dhex maray, waxayna isku sheegaan sida ay isku jecel yihiin. Sikastaba ha ahaatee, Will wuu go'aansaday inuu weli ku sii socdo qorshihiisii, isagoo aminsan in jacaylka Louisa aanu beddeli karin jirro iyo xanuunka uu la nool yahay.

Ugu dambayntii, Louisa waxay aqbalin in mararka qaar jacaylku uusan la macno ahayn in qofku kugu sii nagaado, balse uu ku tuso jid cusub oo nolol ah. Filmku wuxuu ku dhammaanayaa iyadoo Louisa ay safar cusub ku jirto, warqadna ka

akhrinayso Will oo uu ugu dhiirrigelinayo inay si buuxda u noolaato, oo ay nolosha u

jeclaato sida uu isagu u jeclaa kahor shilkii.
DaawashoPlus

The Purge: Anarchy (2014)Habeen kasta oo sanadka mar ah, dawladda Mareykanka waxay ogolaataa "The Purge Night" - habeen ...
15/10/2025

The Purge: Anarchy (2014)

Habeen kasta oo sanadka mar ah, dawladda Mareykanka waxay ogolaataa "The Purge Night" - habeen 12 saac soconaya oo qof kasta uu sameyn karo dambiyo, xitaa dil, iyadoo aan la ciqaabi doonin.

Waddooyinka magaalada Los Angeles ayaa noqda meel qas ah, dadna waxay isu diyaarinayaan inay iska difaacaan ama ay aargoosadaan.

Nin ciidan h**e ahaa oo lagu magacaabo Leo Barnes wuxuu u baxaa habeenkaas isagoo doonaya inuu dilo ninkii wiilkiisa h**e u toogtay.

Laakiin wadadii uu marayay wuxuu la kulmaa labo haween ah iyo lammaane kale oo gaarigoodu jabay xilli qas uu socdo.

Wuxuu ka caawiyaa inay ka baxsadaan kooxo hubeysan oo dad dilaya oo waddooyinka maraya.

Markii ay meelaha u guryaha galeen, waxaa weeraray kooxo sharci la'aan ah oo dad la xiro si loo iibiyo dadka noloshooda habeenkaas.

Leo iyo kooxdiisa waxay si geesinimo leh u dagaallamaan, iyagoo adeegsanaya xirfado dagaal oo sare.

Waxay dhex galaan dhisme ay dad badan lagu gowraco, halkaas oo ay ku badbaadiyaan dad aan waxba galabsan.

Leo wuxuu go'aansadaa inuu gaaro ninkii uu doonayay inuu dilo si uu u aarguto wiilkiisa dhintay.

Markii uu gurigiisa gaaro, wuxuu arkayaa ninkii oo qoyskiisa la jooga, wuxuuna dareemayaa in dilku uusan soo celinayn wiilkiisa.

Wuxuu iska dhaafaa aargoosiga, isagoo muujinaya qalbi bini'aadannimo xitaa habeenka dilka.

Balse isla markaas, koox kale ayaa isku dayda inay iyaga disho, waxaana la arkaa ciidamada dowladda oo bilaabaya in ay "Purge"
ka xakameeyaan.

Filimku wuxuu muujinayaa sida bani'aadamku u noqdo bahal marka uu helo xorriyad aan xadidnayn.

Qof kasta wuxuu isku dayaa inuu badbaado, laakiin habeenkaas cidna aamin ma ahan.

"The Purge: Anarchy" waa qas, dil, cabsi, iyo dagaal naf ku taagan - habeen aan bini'aadannimo jirin.

Adduunyada waxa ugu weyn ee ku dhaqani waa aadamaha; aadamaha waxa ugu weyn ee ku jiraana waa caqliga!🧠
15/09/2025

Adduunyada waxa ugu weyn ee ku dhaqani waa aadamaha; aadamaha waxa ugu weyn ee ku jiraana waa caqliga!🧠

📍Jigjiga Night  view.📷
31/07/2025

📍Jigjiga Night view.📷





Adres

9F26VM8J+CW
Leuven
3012

Website

Meldingen

Wees de eerste die het weet en laat ons u een e-mail sturen wanneer DaawashoPlus nieuws en promoties plaatst. Uw e-mailadres wordt niet voor andere doeleinden gebruikt en u kunt zich op elk gewenst moment afmelden.

Contact

Stuur een bericht naar DaawashoPlus:

Delen