Tifaftir Media

Tifaftir Media Tifaftir Media - Warbaahin Madaxbannaan, Dhexdhexaad ah, Mas'uulna ah. Tebin Togan!

12/10/2025

Maxay tahay sababta uu Midowga Yurub u yeelanayo ciidamo uu kaga maarmayo ku tiirsanaanta NATO iyo Maraykanka?!

Tifaftir Media

12/09/2025

Yemen ~ Vietnam Cusub: Maraykanka maku jabi doonaa?

Tifaftir Media

12/08/2025

Muuqaal Sawir Kaa Siinaya Suuriya | Sanad Kadib, Markii la Eryay Bashar Al-asad |

Tifaftir Media

12/07/2025

Muxuu Erdogan ka yiri Xiisadda Venezuela iyo Mareykanka?!

Tifaftir Media

Degdeg: Afgambiga Benin oo la fashiliyayWasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda rayidka ah ee Benin ayaa sheegtay in ciida...
12/07/2025

Degdeg: Afgambiga Benin oo la fashiliyay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda rayidka ah ee Benin ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ay dhiciseeyeen isku-day inqilaab oo saakay laga sameeyay waddanka.

Wasaaraddu ma bixin faahfaahin badan balse waxa ay sheegtay in dalka uu ku jiro xaalad kala dambayn ah. Warar saacado kahor laga sii daayay warbaahinta qaranka ayaa muujiyay ciidamo hubeysan oo ku dhawaaqay afgambi, iyadoo aan la ogayn halka uu Madaxweynaha wadanka jaan iyo cirib dhigay.

Tifaftir Media

Gaashaanle sare Pascal Tigri, ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha wadanka Benin, sida ay militarigu sheegeen.Ko...
12/07/2025

Gaashaanle sare Pascal Tigri, ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha wadanka Benin, sida ay militarigu sheegeen.

Kooxdan waxa ay sheegteen in ay soo celinayaan kala-dambaynta iyo dib-u-qaabaynta qaranka Benin.

Tifaftir Media kala soco wararka ka soo kordha xaaladda.

DEGDEG: Dowladdii Benin oo la Afgambiyay Ciidamo hubeysan oo ka tirsan xoogagga dawladda ayaa si lama filaan ah uga soo ...
12/07/2025

DEGDEG: Dowladdii Benin oo la Afgambiyay

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan xoogagga dawladda ayaa si lama filaan ah uga soo muuqday telefishanka qaranka, iyaga oo ku dhawaaqay “kala-diriddda dowladda” taas oo muujinaysa in afgambi milatari laga fuliyey dalkaasi Benin.

Ciidamadan ayaa ku dhawaaqay in madaxweynihii dalka, Patrice Talon, la eryay, sidoo kalena dhammaan hay’adaha dowladda la kala diray.

Wararku waxay sheegayaan in hawlgalka afgambiga uu ka billowday weerar hubeysan oo lagu qaaday guriga madaxweynaha ee caasimadda, kadibna ciidamadu ay qabsadeen xarunta idaacadda iyo telefishanka qaranka, halkaas oo ay kaga dhawaaqeen in xukunka ay la wareegeen.

Xilligan la joogo, xaaladda guud ee dalka ayaa lagu waramayaa in ay tahay mid kacsan, iyadoo aysan jirin war rasmi ah oo cad oo laga helay xaaladda madaxweyne Patrice Talon, oo ay suuragal tahay inuu xiran yahay ama uu baxsaday.

Dowladaha deriska ah iyo beesha caalamka ayaa si taxaddar leh ula socda dhaqdhaqaaqan, iyaga oo muujinaya walaac ku saabsan mustaqbalka amniga iyo siyaasadda ee Benin. Tallaabadan ayaana ka mid noqonaya afgambiyo dhowr ah oo dhowaan ka dhacay dalalka Galbeed iyo Bartamaha qaaradda Afrika.

Tifaftir Media waxa ay si dhow ula soconaysaa xaaladda iyo isbedellada waddanka Afrikada galbeed ee Benin.

Saaxiibbadaada la wadaag, naguna soo biir si aysan kuu dhaafin dhacdooyinka caalamka, jilayaashooda iyo falanqeynta jihada loo socdo.

12/06/2025

Bariga Afrika oo Qarka u saaran 'Dagaal Culus' ~ Maxaa la isku hayaa?

Tifaftir Media

12/05/2025

Maraykanka oo wajihi kara 'Halis Weyn' haddii uu weeraro Venezuela

Tifaftir Media

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warranty in Yaasir Abu Shabaab, oo ah hogaamiyaha waxa loogu yeero “Ciidamada Shacbiga”, l...
12/04/2025

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warranty in Yaasir Abu Shabaab, oo ah hogaamiyaha waxa loogu yeero “Ciidamada Shacbiga”, lagu dilay Rafah ka dib markii koox hubeysan weerar ku qaaday.

Ilo Israa’iili ah ayaa xaqiijiyay in Abu Shabaab loo qaaday isbitaal ku yaalla Surooka, halkaas oo uu ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Qiyaasaha Israa’iil waxay tilmaamayaan in dilkani uu ka dhashay khilaaf gudaha ah, isla markaana uusan ka dambeeynin ururka XMS, taas oo ka duwan warbixinadii kasoo baxay Qasa, oo tibaaxayay in ay khaarajiyeen wax-iska-caabbinta XMS

Tifaftir Media

12/04/2025

Sirta ka Dambaysa Beegsiga Donald J. Trump ee Soomaalida!

Tifaftir Media

12/03/2025

Madaxweynaha Ruushka oo Marinka Qasa u tusaaleeyay Gaajadii, Go'doomintii iyo Guushii magaalada Leningrad!

Tifaftir Media

Address

Hunteridge Hill NE
Calgary, AB
T2K4X4

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tifaftir Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Tifaftir Media:

Share