Tifaftir Media

Tifaftir Media Tifaftir Media - Warbaahin Madaxbannaan, Dhexdhexaad ah, Mas'uulna ah. Tebin Togan!

๐‘ช๐’Š๐’Š๐’… ๐‘พ๐’‚๐’๐’‚๐’‚๐’ˆ๐’”๐’‚๐’!Saaxiibbada ku xiran Tifaftir Media waxaa idiin rajeynaynaa in aad ku ciiddaan farxad, nabad iyo barwaaqo...
03/19/2026

๐‘ช๐’Š๐’Š๐’… ๐‘พ๐’‚๐’๐’‚๐’‚๐’ˆ๐’”๐’‚๐’!

Saaxiibbada ku xiran Tifaftir Media waxaa idiin rajeynaynaa in aad ku ciiddaan farxad, nabad iyo barwaaqo munaasabaddan barakaysan.

Ilaahay ha innaga aqbalo acmaasha suubban, hana noo hirgeliyo dhammaan himilooyinkeenna wanaagsan.

Ciiddan ha innoo ahaato mid noo horseedda caafimaad, guul iyo horumar waara.

๐’๐š๐ง๐š๐๐ค๐š๐ง ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ฑ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฅ๐š๐š๐ก๐ž๐ฒ ๐ก๐š ๐ง๐š๐ ๐ฎ ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ฌ๐ก๐›๐š๐ฌ๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐ฐ๐š๐š๐ช๐จ!

03/19/2026

Iiraan Oo Weerar Ku Ekeysay Imaaraadka iyo Israaโ€™iil

Tifaftir Media

DEGDEG: Boqollaal Qof oo ku dhintay duqeymo cusub oo ay Pakistan ku qaadday Afghanistan Wasaaradda Caafimaadka ee Afghan...
03/16/2026

DEGDEG: Boqollaal Qof oo ku dhintay duqeymo cusub oo ay Pakistan ku qaadday Afghanistan

Wasaaradda Caafimaadka ee Afghanistan ayaa shaacisay in ugu yaraan 250 qof ay ku dhinteen, halka in ka badan 400 kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ay fulisay Pakistan oo lala beegsaday isbitaal ku yaalla magaalada Kabul.

Masโ€™uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in weerarku uu sababay khasaare aad u ballaaran, iyadoo tirada dhimashada iyo dhaawaca la filayo inay sii kordhaan maadaama wali ay socdaan gurmadka iyo samatabbixinta dadka ku hoos jira burburka dhismaha isbitaalka.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxyo xooggan laga maqlay agagaarka isbitaalka, taas oo dhalisay cabsi iyo jahawareer ka dhex abuurmay shacabka magaalada Kabul.

Ilaa hadda ma jirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Pakistan oo ku saabsan eedeymaha la xiriira duqayntan. Dhanka kale, hayโ€™adaha gurmadka ayaa ku howlan daad-gureynta dhaawacyada iyo bixinta adeegyada caafimaad ee degdegga ah.

Tifaftir Media

Address

Hunteridge Hill NE
Calgary, AB
T2K4X4

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tifaftir Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Tifaftir Media:

Shortcuts

Share