HOGAAN MEDIA

HOGAAN MEDIA Wararka Maalin laha ah iyo barnaamijayada dalka ka dhaca kala soco halkaan...

12/19/2025

Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland waxay xaqiijiyeen dhamaan gacan ku haynta goobihii daacish
Ku sugnayd ayagoo wali baadi goobaya farxadka yar ee haray

HOGAAN MEDIA

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo ay wehliyaan Saraakiisha Ciidanka ee ...
12/19/2025

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo ay wehliyaan Saraakiisha Ciidanka ee u xilsaaran Amniga Doorashooyinka ayaa Gudoomiyaha iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka la qaatay kullan diiradda lagu saarayey Doorashooyinka Madaxa-bannaan ee Qaranka.

Qorshayaasha Amniga Doorashada ayaa si guud looga hadlay waxaana si gaar ah laysula falan qeeyey kulanka sugidda amniga goobaha
Doorashada iyo isu soo baxyada Dadweynaha ay ka dhacayaan.

HOGAAN MEDIA

Kismaayo, waxaa ka furmay Shirweynaha wadatashiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Shirkan waxaa dhowraya go’aano horsee...
12/19/2025

Kismaayo, waxaa ka furmay Shirweynaha wadatashiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Shirkan waxaa dhowraya go’aano horseedi kara ficilo wax ka bedela xaaladda dalkeenu hadda kujiro.

Puntland waxay diyaar u tahay kaalinta uga aadan Dowlad dhiska Soomaaliya in ay qaadato, haday tallo tahay, haday tabar tahay iyo haday wixii abbaar ahaan ugu soo aada ay tahay. Waxaan rajeynayaa in Shirkan ay kasoo baxdo natiijo iftiimisa oo soo noolaysa rajada wanaagsan oo mustaqbalka dalkeenna ah.

HOGAAN MEDIA

Waxaan maanta Magaalada Kismaayo si diirran ugu soo dhoweynay masuuliyiinta Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ka mid ...
12/18/2025

Waxaan maanta Magaalada Kismaayo si diirran ugu soo dhoweynay masuuliyiinta Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Ra’iisul Wasaareyaashii h**e ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Mudane Xasan Cali Khayre, iyo Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid); Wasiir h**e Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo boqolaal kale oo isugu jira siyaasiyiin, Xildhibaanada labada Aqal iyo masuuliyiin h**ey u soo qabtay xilal kala duwan.

Waxaan rajo weyn ka qabnaa in Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu horseedi doono jihayn wax ku ool ah oo wax ka qabata xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka, isla markaana laga soo saari doono ajandayaal waaweyn oo ka tarjumaya danaha guud, una gogol xaaraya hirgelinta himilooyinka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed.

HOGAAN MEDIA

12/18/2025

Ilaalada Madaxwaynaha dowlada Puntland✅

Madaxweynaha Dowladda Puntland,  Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah u furay dhismayaasha cusub ee Taliska Guud iy...
12/16/2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah u furay dhismayaasha cusub ee Taliska Guud iyo Xarumaha Ciidanka Booliska Puntland, kaas oo laga hirgeliyey caasimadda Garoowe, si kor loogu qaado tayada ammaanka, maamulka iyo adeegga ciidanka.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire, Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Baarri Shire, xubno ka tirsan saddexda gole ee Dawladda, saraakiil sare oo ciidan, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga.

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa munaasabadda ka soo bandhigay heerarkii uu soo maray tan iyo aas-aaskiisa ilaa maanta, iyada oo si faahfaahsan loo muujiyey horumarka laga sameeyey dhanka dhismaha hay’adaha, tayeynta ciidanka, iyo guulaha amni ee laga gaaray sugidda nabadda iyo kala dambeynta.

Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey dadaalka hoggaanka iyo saraakiisha Ciidanka Booliska, isagoo xusay in dhismayaashan cusub ay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dowladnimada, amniga iyo kalsoonida shacabka. Waxa uu adkeeyey in dowladdu ka go’an tahay taageeridda iyo horumarinta hay’adaha amniga.

HOGAAN MEDIA

12/16/2025

Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni oo xariga ka jaray xarunta dhismaha cusub ee Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland

HOGAAN MEDIA

Xaflada Qalin jabinta jaamacada Puntland State University HOGAAN MEDIA
12/15/2025

Xaflada Qalin jabinta jaamacada Puntland State University

HOGAAN MEDIA

Garoowe,14,December Gudoomiyaha gobolka Nugaal mudane Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa xafiiska gobolka Nugaal ku soo dhaw...
12/15/2025

Garoowe,14,December Gudoomiyaha gobolka Nugaal mudane Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa xafiiska gobolka Nugaal ku soo dhaweeyey wafdi uu hoogaminayo Guddoomiyaha gobolka Doollo Cabdullaahi Deeq Xasan ee Dawlad deegaanka ,waxaa masuuliyiinta shirka ku weheliyey Guddoomiyaha gobolka Mudug mudane Faysal Jifi-Jabsade, guddoomiye ku xigeenada gobolka Nugaal,Taliyaha qaybta Bolice-ka Gobolka Nugaal Maxamed cali Marduuf,guddoomiyaha Degmada Galxamur,saraakiil amni iyo xubno kasocda safaarada Eithopia.

Shirka ayaa diirada lagu saaray Iskaashiga Amniga xuduuddaha, wadashaqaynta guud iyo taageeridda dadka Abaartu saamaysay ee u guuray gobolka doolo.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday Guul iyo isfahan ballaaran oo udhexeeya labadda Gobol.

HOGAAN MEDIA

12/15/2025

Sanad ayuu sugan yahay furimaha h**e ee dagaalka calmiskaad asagoo xaqiijiyay dhamaan gacan ku hayntii dhulkii ay daacish daganayd

Wuxuu sheeganayaa libin oo uu habayno dhaxay mid kamida gaylamayaasha Puntland oo warbaahinta lahadlay

HOGAAN MEDIA

  :-Hay'ada Diiwaangelinta Dadweynaha Puntland oo Maanta laga Daahfuray Magaalada Garoowe.HOGAAN MEDIA
12/15/2025

:-Hay'ada Diiwaangelinta Dadweynaha Puntland oo Maanta laga Daahfuray Magaalada Garoowe.

HOGAAN MEDIA

12/15/2025

Nabadoon Cabdulaahi Caynab Muuse
oo ka hadlay Abaaraha ka jira Deegaanka

HOGAAN MEDIA

Address

Calgary, AB

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HOGAAN MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to HOGAAN MEDIA:

Share