09/05/2026
Waxaan tijaabo ku wadaa sidii dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee Halganka aan uga samayn lahaa Film Documentary ah, anigoo kaashanaya tiknoolajiyadda AI.
Tani waa tijaabo bilow ah, waxaana sidoo kale tijaabin doonaa qaabab kale oo kala duwan, si aan u helo habka ugu wanaagsan ee dib loogu soo noolayn karo dhacdooyinkaas taariikhiga ah.
Waxaan ka codsanayaa daawadayaasha, gaar ahaan dadkii xog-ogaalka u ahaa Halganka, dadkii ka qaybgalay dhacdooyinka iyo cid kasta oo haysa xog lagu kalsoonaan karo, inay ila soo wadaagaan sheekooyinkii Halganka iyo dhacdooyinkii taariikhda galay.
Waxaan jeclaan lahaa in dhacdo kasta si gaar ah la iigu soo diro iyadoo qoraal ah, laguna faahfaahinayo sida ay wax u dhaceen, goobta, waqtiga, dadkii ku lug lahaa iyo wixii kale ee muhiim u ah in dhacdada si sax ah dib loogu sawiro.
Aniguna waxaan isku dayi doonaa inaan sheekooyinkaas qoraalka ah u beddelo filimaan Documentary ah oo AI lagu farsameeyey, iyadoo dhacdo kasta loo samaynayo filim u gaar ah.
Dhacdooyinka aan sida gaarka ah xogtooda ugu baahanahay waxaa ka mid ah:•
Dagaalkii Cobale•
Dagaalkii Ciidankii Cirjiidh•
Dagaalkii Dharaar•
Badbaadintii Sheekh Ibraahin ee Wardheer•
Xasuuqii dhallinyarada ee Qabridahare•
Iyo dhammaan dhacdooyinkii kale ee Halganka — kuwii guulaha iyo farxadda lahaa iyo kuwii murugada iyo tiiraanyada reebayba.
Haddii aad taqaan dhacdo mudan in jiilasha dambe loo keydiyo, sheekadeeda oo qoraal ah ila soo wadaag. Xitaa haddii aad hal dhacdo oo keliya xogteeda hayso, noo soo dir.
Ujeeddadu waa in dhacdooyinkaas aanay ku lumin xusuusta dadka oo keliya, balse loo beddelo dhaxal muuqaal ah oo jiilasha dambe ay daawan karaan.
📲 Nagula soo xiriir WhatsApp: +254 769 786 062