Cabdirisaaq Awrfuul

Cabdirisaaq Awrfuul Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Cabdirisaaq Awrfuul, Social Media Agency, Downtown Toronto, ON.

09/26/2026

Hasha dhashay Marka sidaa oo kale lagu sameeyoo Maxaa Looga jeeda nala wadaag

09/26/2026

Maxaa ka jira in dhulka Soomaalida ee Maanta maqan ay lacag kaga badasheen CIA da Maraykanku ay Maxamed Ibrahim Cigaal iyo Yaasin Nuur Bide si ay uga taanasulaan Somali galbeed.,Djubouti iyo NFD

Geedka magaceed u taqaana gaar ahan deegankaga
09/25/2026

Geedka magaceed u taqaana gaar ahan deegankaga

09/25/2026

Ilaays yare waa wiil yar oo cadaan reer canada 🇨🇦 ah kaas oo Somalida qurbaha ku dhashay kula taliyay in ay ilaashadaan afkooda hooyo

Goobaha maamulka Deeganku soo jeediyay in Kalastar loo qaybiyo iyo halkay hoostagayan.Kalastarka Jigjiga waxaa hoostagay...
09/24/2026

Goobaha maamulka Deeganku soo jeediyay in Kalastar loo qaybiyo iyo halkay hoostagayan.

Kalastarka Jigjiga waxaa hoostagaya:
1. Siti
2.Faafan
3. Erer
4. Jarar

Kalastarka Godey waxaa hoostagaya
1. Qorraxey
2. Nogob
3. Shabeele
4. Doollo.

Kalaastarka Filtu waxaa hoostagaya.
1. Liban
2. Afdheer
3. Dawa

Wali darasaad lama sameynin, waa soo jeedinta hordhaca ahayd ee laga doodday.

09/24/2026

Hadaynu ilaashanwayno qabkeena sharafkeena oo aynu isku bahdilno dad inala asaaga taas waxaynu ka dhaxlaynaa jab iyo sooyaalkeena oo luma waa tabintii Aqoonyahan Xaawa-Taakada Nool Xanaan

09/23/2026

Dal buuxa iyo dad baahan waa sida ay isku yihiin dhulwaynaha barakaysan ee buuxa ee soomaaliyeed iyo dadkiisa oo ah kuwa waxaa oo dhan ka baahan bad iyo barriba

Carab-Masriyiintu waligood waxay ku adkeystaan DNA-da. Aynu eegno :🧬 Daraasad cusub oo dhanka hidde-sidaha (genetic stud...
09/23/2026

Carab-Masriyiintu waligood waxay ku adkeystaan DNA-da. Aynu eegno :

🧬 Daraasad cusub oo dhanka hidde-sidaha (genetic study) oo ay fartay Dowladda Masar waxay muujinaysaa in Masriyiinta casriga ah ay 72% yihiin Bariga Dhexe, halka 19% oo kaliya ay yihiin Waqooyiga Afrika
Mashruuca « Egypt Genome Project » wuxuu falanqeeyay dhammaan genoomka (genomes) 1,024 Masri ah oo ka kala yimid 21 gobol.

Natiijooyinku waxay muujinayaan qayb weyn oo xiriir la leh Bariga Dhexe (72%), qayb leedahay Masriyiintu oo xiriir la leh asalka u dhalashada ee Waqooyiga Afrika (19%), iyo dhowr qaybood oo ka yar yar (9%).

Si kastaba ha ahaatee, daraasad lagu daabacay majallada Nature sannadkii 2025 ayaa falanqaysay guud ahaan genoomka mumiya (mummy) ka tirsan Boqortooyadii H**e, oo taariikhdeedu ku beegan tahay ku dhawaad 2855–2570 C.H. (Ciise ka hor).

Baadhayaashu waxay ku qiyaaseen in ku dhawaad 80% asalkiisa uu ku xirnaa Waqooyiga Afrika, halka ku dhawaad 20% uu ku xirnaa il ka soo jeeda Mesopotamiya.

Halka daraasaddan cusub ee hidde-sidaha ee Masriyiinta casriga ah ay muujinayso lidkeeda : 72% Bariga Dhexe iyo kaliya 19% Waqooyiga Afrika.

Daraasaddani waxay nagu xoojinaysaa mawqifkayaga oo ah in inta badan Masriyiinta casriga ah aysan wax lug ah ku lahayn Masardii h**e ee Waqooyiga Afrika.

Markaynu ugu yeerno Carab-Masriyiin (Arabgyptians), ma aha cunsuriyad, waa xaqiiqo !

Xogtan oo dhamaystiran waxaad ka dheehan kartaa mareegta hoos taal
https://www.biorxiv.org/content/10.64898/2026.04.02.715521v1 (Websaydhka rasmiga ah ee Masar)

Cabdirisaaq Awrfuul

Itoobiya iyo Guluf soo noqnoqda- 1950hii — dhaqdhaqaaqii Nasrulaahi - 1963 Geeshka Soomaalida iyo kacdoonkii Waaqow Guut...
09/23/2026

Itoobiya iyo Guluf soo noqnoqda

- 1950hii — dhaqdhaqaaqii Nasrulaahi

- 1963 Geeshka Soomaalida iyo kacdoonkii Waaqow Guutu ee Booranta iyo Soomaalida Liibaan
-1974 - 1991 dagaaladii gobanimodoonka Soomaalida, Tigreega, Oromoda, Canferta, Sidaamada, Eretiriya, iyo kuwo kale
-1994-2018, ONLF, Gimbot7, OLF, iyo kuwo kale
-2018 - maanta, TPLF, OLA, FAANO, iyo kuwo hadeer ku soo biiraya sida ONLF, Gambela iwl.

Hadaba waa maxay sabata u gulufku u dhamaan la’yahay?

Waxay Ila tahay sababtu inaanay dawlad dhiska Itoobiya weli dhamaan (incomplete state construction). Sabata labaadna waxa la odhan karaa inuu khaayisay isbahaysigii tariikhiga ahaa e Rer-Abisiiniya.

Su’alaha weli aan si buuxda looga jawaabin amase aan la isku afgaran waxa ka mid ah:
1. Itoobiya nooce ah ayaa la wada dhisan karaa?
2. Yaa isku hadhi doona?
3. Yaan weli liqin kiniinka Itoobiyaanimada?
4. Yaase awooda lagu aaminayaa? Ma Soomaali?

Oromo Axmaar aaminimayso; Axmaarna Tigre aaminimaayo; Soomaaliguna gidigood midna aaminimaayso. Welina lama helin mabda’ isku wada xidha qowmiyadaha la isku keenay una eg waxa xili h**e lagu tilmaamay “xabsiga maxali ah e qowmiyadaha,” ama (prison of nations).

Itoobiya ma dageyso ilaa fakir isku mid ah o la isku raacsanyahay laga wada yeesho dawladnimada Itoobiya. Maqnanshaha fakirkan ayaa horseedaya soo noqnoqoshada gulufyda ragaadiyey umadan. Wanna astaan tilmaamaysa inanu dhamaan dawlad dhiska Itoobiya.

09/23/2026

Xidhiidhka ay wadaagaan faraaciinta h**e iyo Somalidii h**e Reer Punt waa Tabintii aqoonyahan sare Cabdisalaan Aar-Nabad iyo xidhiidhintii Suxufi Abroone

Address

Downtown Toronto, ON

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabdirisaaq Awrfuul posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share