06/13/2026
Waxaa baraha bulshada gilgilay muuqaalka wiilka dhalinyarada ah ee caanka ku ah magaca "Wasiirka DDS", isagoo si dareen leh ugu ooyaya LIVE TikTok. Sida aan xogta ku helnay, sirdoonka DDS ayaa u sheegay in magaalada gudaheeda aan lagu duubi karin wax video ah, gaar ahaan in dhalinyaro kala ajaanib ah (wiil iyo gabadh) aysan wax muuqaal ah wada duubi karin, iyagoo ku sababeeyay "Dhaqan-xumo".
Laakiin aynu runta isku sheegno: Ma dhaqan-xumo baa mise waa cudur-daar dhalinyarada lagu dhibaataynayo?
Maxay dhalinyaradu galabsadeen? Halkii ay dhalinyaradu badaha isku tuuri lahaayeen (Tahriibi lahaayeen) ama ay falal danbiyeed ku dhici lahaayeen, waxay doorteen inay waqtigooda ku bixiyaan baraha bulshada, dadkana ku maaweeliyaan, isla markaana ay lacag (Income) sharci ah ka samaystaan. Ma dambi baa in si nabad ah lagu shaqaysto?
Waa maxay munaafaqadda muuqata? Waxaa si weyn lagaaga xumaado ah in sirdoonka DDS ay maanta leeyihiin "Dhaqan-xumo ayaan joojinaynaa," iyadoo qof kasta oo Jigjiga jooga uu ogyahay waxa ka dhaca magaalada dhexdeeda.
Horta yaa qaldan? Marka ay makhribkii tahay, qof walba wuxuu arkaa qaar ka mid ah madaxda deegaanka (oo waliba xaasleey ah) oo baabuurta dawladda ku dhex wareegaya, iyagoo feedha-qaawan, dhibaataynayana gabdhaha magaalada.
Gunaanad: Jigjiga iyadaaba dhaqan-xumo dhex fadhida, laakiin waxaa nasiib darro ah in indha la'aan lagu rabo dhalinyarada tabaalaysan ee is-maareynaya. Ha la daayo dhalinyarada, nidaamkana horta ha iska bilaabo edbinta iyo dhaqan-toosinta!