Dawlo Media

Dawlo Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dawlo Media, Media/News Company, 117street, Edmonton, AB.

"Dadka Somaliland wax badan oo ay ku farxaan ayay maqli doonan bilaha  soo socda. Waxa la arkaa markay guuli ku soo dhaw...
08/02/2025

"Dadka Somaliland wax badan oo ay ku farxaan ayay maqli doonan bilaha soo socda. Waxa la arkaa markay guuli ku soo dhawaato inay cid badani ka gilgilato,waxa ay Soomaaliya ka wado Laascaanood gilgilashadaasi k**a duwana.

Dunida waanu sheegnay nimankaa (Soomaaliya) maanta wadahal inooma yaalo oo taa ay wadaan ayaanu la qaadanay, beenaha ay sheegayaana waxba k**a jiraan." Sidaa waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo caawa hadal ka jeediyey xaflad lagu qabtay Hargeysa

07/23/2025

Xaalada Magalada Baladxaawo ee Saaka waa sidee?
Dawlo Media

06/27/2025

The City of Minneapolis, MN has hundreds of warehouses in Northeast Minneapolis and Southeast Minneapolis for businesses to own. The 30 bus 🚌 route helps all the young people living in Downtown Minneapolis get to all the warehouses. So, they can work at all the businesses inside all the warehouses. Here’s how the area looks like.

06/27/2025
06/24/2025


Wararkii ugu danbeeyay ee Bariga Dhexe.
Dawlo Media

06/15/2025

Inkasta oo gantaallada baalistiga ee Iran ay saameyntoodu ku yar tahay bartilmaameedyada milatari ee Israa’iil ay ka fulinayso gudaha Iran, haddana waxay sababi karaan khasaaro aad u ba’an oo ku dhaca magaalooyinka Israa’iil iyo kaabeyaasha nolosha sida korontada, biyaha iyo isgaarsiinta.

Haddii Iran ay heysato kayd ku filan oo gantaallo ah, islamarkaana weerarradu si joogto ah u socdaan muddo toddobaad illaa laba toddobaad ah,markaa xaaladdu waxay noqon doontaa mid aad u khatar badan, xitaa haddii Israa’iil ay dagaalka milatari ku guuleysato ugu dambeyn.

Guul siyaasadeed ama ciidan Israa’iil k**a dhaxli doonto , sabab la xiriirta xaaladda burburka gudaha ah, iyadoo Israa’iiliyiinta laga yaabo inaysan helin adeegyada aasaasiga ah — waxayna Israa’iil noqon kartaa guuleyste dhaawac ah oo aan u dabaaldegikarin guushiisa…!

Fiiro gaar ah;

Muuqaalka, wuxuu muujinayaa burburka ay ka dhaliyeen Telaabiib, gantaallo ay saakay Iran ku weerartay.

06/15/2025

Muuqaallada u dambeeyay ee laga soo qaaday dhismayaasha ku burburay weerarrada ay Iran saakay ka geysatay bartamaha Telaabiib, ayaa laga arkaya iyadoo wali uu socdo baadi goobta in ka badan 35 qof oo ay kooxaha gurmadka deg deg ah sheegeen in lagu la’yahay. Burburkan waxay ka dhasheen gantaallo madaxyo qarxa oo 1.5 tan ah oo Iran ay ku garacday Telaabiib.

06/13/2025

Soomaaliya iyo Türkiye: Xiriir Istiraatiiji ah oo isku badalaya Masiirka Dalka

Soomaaliya ayaa wajahaysa isbeddel taariikhi ah iyadoo xiriirka istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya dowladda Türkiye uu sii xoogeysanayo, gaar ahaan dhinacyada shidaalka iyo horumarinta adeegyada bulshada. Iskaashigan ayaa loo arkaa mid wax ka beddeli kara dhaqaalaha, amniga iyo saameynta jiopolitikada ee dalka ku yaalla Geeska Afrika.

Türkiye ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay sahamin shidaal iyo gaas uu ka waday xeebaha Soomaaliya, iyadoo markabka Oruç Reis uu hadda ku laabanaya dalkiisa. Sahamintan ayaa la filayaa in ay albaab u furto maalgelin weyn oo ku wajahan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale faa’iido weyn ka helaysa taageerada ay Türkiye siineyso dhanka amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Tobanaan kun oo Soomaali ah ayaa helay waxbarasho iyo xirfado shaqo iyada oo ay jiraan xarumo caafimaad, iskuullo iyo tababaro ciidan oo ay hirgelisay Türkiye tan iyo 2011.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in dakhliga ka soo baxa kheyraadka dabiiciga ah lagu maamulo si hufan, laguna bixiyo adeegyada aasaasiga ah sida amniga, waxbarashada iyo caafimaadka. Waxaa sidoo kale xoogga la saarayaa in laga fogaado waxa loogu yeero “nacfiga kheyraadka” oo dalal badan oo Afrikaan ah horey ugu dhacay.

Dhinaca jiopolitikada, Soomaaliya ayaa noqotay xarun muhiim ah oo ay ku tartamayaan quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Türkiye waxay raadineysaa in ay xoojiso saameynteeda gobolka iyada oo Soomaaliya u aragta waddo istiraatiiji ah oo ay ku gaarto Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab-el Mandeb.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ayaa sidoo kale laga filayaa inuu horseedo xasillooni dheeraad ah oo ku timaada guud ahaan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan haddii Soomaaliya ay u guulaysato sidii ay u noqon lahayd dal nabdoon oo dhaqaale ahaan iskiis u taagan.

Waxaa la filayaa i

06/13/2025

Inoo Dejiya, war weyn baa soo socda. Cagaha dhulka ku haya.

06/13/2025

Deg deg; Iraan Waa bilowday Duqeynta, gantaalaha ayaa hada ku hoobanaya Talaabiib. Boonka Colaadda ayaa yeedhay.

Taliyaha cusub ee ciidanka Iran oo daqiiqado magacaab ayaa amray diyaarinta weerar loogu jawaabayo ISR|L.Taliyaha cusub ...
06/13/2025

Taliyaha cusub ee ciidanka Iran oo daqiiqado magacaab ayaa amray diyaarinta weerar loogu jawaabayo ISR|L.Taliyaha cusub ee ciidanka Iran oo daqiiqado magacaab ayaa amray diyaarinta weerar loogu jawaabayo ISR|L.

Taliyihii ciidamada Iran Maxamed Baqer ahna qofka labaad ee ku xiga hoggaamiyaha Iran Ayatollah Khamenei ayaa la xiqiiji...
06/13/2025

Taliyihii ciidamada Iran Maxamed Baqer ahna qofka labaad ee ku xiga hoggaamiyaha Iran Ayatollah Khamenei ayaa la xiqiijiyey in Isra’iil ay dishay. Waa taliyihii saddexaad oo saaka Israa'iil ay khaarajisay.

Address

117street
Edmonton, AB

Telephone

+252907884346

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawlo Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dawlo Media:

Share