01/12/2026
Laascanood 12-01-2026 Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Mud.Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa kulan la yeeshay wafti ka socday Dowladda federaalka Somaaliya oo Maanta soo gaadhay Caasimada Lascaanood .
Waftigan oo uu hogaaminayay Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka koobnaa Wasiiro, Xildhibaano Barlamaanka labada aqal iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed.
Weftiga ayaa hordhac u ahaa wufuud sare oo ku soo wajahan caasimadda Dowladda Waqooyi Bari ee Laascaanood.