08/30/2026
RAG CADDAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC!
QABIILKA CIISAHA SOMALILAND IYO QARDOOFYADII AY LA KULMEEN 20-KII SANO EE U DAMBEEYAY
Waxaynu qormadan ku soo qaadan doonaa sooyaalka dawladnimo iyo halka Beesha Ciise kaga jirtay Somaliland 20-kii sano ee u dambeeyay.
Aan ku bilowno sannadkii 2010-kii, markii Madaxweyne Siilaanyo loo doortay talada dalka.
Waxaa dhacay doorashooyin goleyaasha deegaanka ah, waxaana doorashooyinkaasi albaabada u fureen in la boobo codadka Beesha Ciise.
Degmada Saylac waxaa ka soo baxay xubno gole deegaan ah oo ka koobnaa 17 xubnood.
Waxaa toban ka mid ah jeebka ku shubtay ku-xigeenkii Siilaanyo, oo loo yaqaanay Cabdiraxmaan Saylici.
Waxa xusid mudan in Komishanka Doorashooyinka Awdal uu isagu hoggaaminayay.
Wuxuuna jufo-hoosaadkiisa reer Barber Celi siiyay 7 xubnood, halka Samaroonka kalena uu siiyay 3 xubnood.
Waxaase ayaan-darro noqotay markii Beeshii Ciise ee deegaanka ahayd la siiyay 7 xubnood oo keliya.
Intaa kadib, gadood shacab ayaa gobolka Salal hadheeyay, waxaase kacdoonkaas biyo ku shubay rag danley siyaasadeed ahaa oo beesha xaqeeda god dheer ku riday.
Waxaana maalintaas furmay albaabo badan oo ku saabsan damaca dhul-boobka Gadabuursi.
Haddaba, markii doorashadii Saylici iyo khiyaanadii la sheegay ay hirgashay, waxay Beesha Gadabuursi aamineen inay Saylac iyo Lughaya marti ku noqon doonaan.
Intaa kadib, Jaamacadda Camuud iyo meelaha kale ee duruusta lagu barto waxaa ardayda loo daah-furay maadooyin ku saabsan cilmiga deegaanka, iyadoo ardayda Samaroon loogu dhigo in dhulka Awdal oo dhan ay leeyihiin Beesha Gadabuursi.
Ha illoobin Baki iyo Boorama.
Waana mida maanta keentay in dhallinyaradii beenta lagu soo ababiyay ay Saylac ku maanqaadmaan!
XUKUUMADDII MUUSE BIIXI
Intaasi haddii aynu ku dhaafno xukuumaddii Siilaanyo, bal aynu inyar is dul taagno xukuumaddii Muuse Biixi.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa isaga oo ku sugan Boorama, kuna jira ololihii doorashada, shir xisbiga Kulmiye ah kula yeeshay aqoonyahanka iyo odayaasha Samaroon.
Markii shirku furmay, waxaa mawduuca Saylac iyo Lughaya ka hadlay odayaal dhaqameed iyo dhallinyaro. Musharraxii xil-doonka ahaa ee Biixi wuxuu qaadan waayay damaca baaxadda weyn ee ka soo yeedhay Gadabuursi.
Wuxuuna ugu jawaabay:
«“Teer Booramaa, Saylac iyo Lughaya beel soo halgantay baa leh; Isaaq iyo Gadabuursi midna ma leh!”»
Intaa kadib, hoolkii shirka waxaa hadheeyay buuq iyo gacan-ka-hadal.
Buuqaas ayaa sababay in saddex wiil oo reer Boorame ah halkaas ku dhintaan.
Muuse Biixi-na ilaa Hargeysa ayuu dib ugu soo laabtay isaga oo aan gaadhin ujeeddadii uu u tegay Boorama.
Nasiib wanaag, doorashadaasi wuu ku soo baxay Biixi, wuxuuna isagu qabtay doorashooyin xalaal ah.
Doorashooyinkaas oo Gadabuursi Saylac iyo Lughaya labadaba ku hungoobay, maadaama xildhibaanadii ugu badnaa Beesha Ciise uga soo baxeen Saylac iyo Lughaya.
Degmada Saylac maanta Gadabuursi wuxuu ku leeyahay 3 xildhibaan oo keliya.
RAG CADDAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC!
Haddaba, akhriste, madaxweynaha maanta ee diiday in xeerka Ciise lagu dhigo Saylac, isaga oo fulinaya awaamiirta Gadabuursi, waxba anigu ka odhan maayo.
Sababtoo ah Ciise wuu arkayaa, wuuna soo jeestay in uu xaqiisa ka helo Somaliland, ama nin walba xaafaddiisa iyo tuuladiisa ha maamusho.
Allaah mahad leh.
Waaruf TV