10/06/2025
Taageerada In "Xeer Ciise" Lagu Fooladeeyo, Saylac, Somaliland.
Waxan tageero mug leh ku darsanayaa in lagu qabto, bandhigga " Xeer Ciise, Saylacdeenna, gobolka Selel, Somaliland.
Lagu qabto, keiya maahee, muuno, sharaf iyo maamuus, halka u sarraysa la gaadhsiiyo munaasabddaa taariikhiga ah.
Gole wayn oo soo jiidasho leh, oo lagu hagoogay calanka la hollin waayay, calammo iskuma jiraane, ee Somalind, in lagu hagoogo madasha.
Waa in uu ka qaybgalaa munaasabadda furitaanka M/waynaha JSL, illow, illow, haddii uu dalka ka maqan yahayna, ku xigeenkiisu.
Isaga, gudoomiyaha guurtida, waaba ku waajib ka qaybgalka furitaanka Saylac ee "Xeer Ciise", haddii uu ka maqan yahay dalkana, waxa ka qaybgalaya, dee, ku xigeenadiisa, waayo, waxa golaha guurtidu dalka ugu xilsaaran yahay, waxa ugu waawayn ayaa "dhaqanku" ku jiraa.
Sidoo kale, hoggaanka golaha wakiilada, oo ka qaybgalkii Xeer Ciise ee Diridhaba lagu siyaasadeeyay oo dalkoodii loogu keenay waa inay ka qaybgalaan munaasabaddan gurigooda ka dhacaysa. Waayo waxay wakiillo u yihiin dad waynaha dalka oo ay Ciise ku jiraan, weliba aan imika metelaad ku lahayn golohooda.
Waa in furitaanka munaasabadda Xeer Ciise lagu macsuumaa M/waynaha Jabuuti ee ku cadanyooda, jidhdiida, kuna
xasaasiyadooda, Allergic, dalka uu u dhashay, isaga iyo M/waynihii Jabuuti ee horeba, ee Somaliland. 'Ma I tidhi', ayaa taallee, bal inuu diido, amma yimaad, waaka inta uu inna dulmaro Xamrba ka degee.
Sidoo kale, waa in Xeer Ciise iyo Saylac lagu Casuummo dawladda Federaalka Ethiopia, dawlad degaanka, iyo ismaamulka.Diridhaba.
Wax la aqbali karo ma aha in Ciidanka miyuusigga qaranka Somaliland, Bandboys, ay ka maqnaadaan munaasabadda.wayn ee ka dhacaysa Saylac Somaliland.
Sababta aan sidaa u leeyahay waa:
1. Waa munaasabad ay leeyihiin beel ka mid beelaha Somaliland. Dadkaaga oo munaasabad lehna, haddaad ka qaybgeliwaydo waa dhegxumo. Ehelkaaga oo munaasabad leh, hareertaada ayuunbaa la qabtaa.
2. Ka qaybgalka Xeer Ciise xafladdiisa, waxay muujinaysaa inaad garanayso ahmiyadda Xeer u leeyahay ummadda. Ogow, Xeer waa xakame. Xeer waa heshiis bulsho.
3. Xeerkan waxa leh Ciise, Ciisena, waa dalxoreeye. Xusuuso, 1989, maalintii ay ka badheedheen ka hor imaatinkii dawladdii dadkeeda laynaysay, muquurteenna dagaalkii dibu xoraynta. Waxay ahayd maalin aad loogu baaahnaa halgankaa ay galeen. Ammaantooda bilaash uguma dhaadan Abwaan Qaasim, AUN.
4. Beesha Ciise wax dhan ayay tirsanaysaa. Ka warran cid kuma lahaa wakiilada beesha intaa le'egi, sababta qaybba ha ka ahaadeene. Ma illowsani in beelo badani wakiilada ka maqan yihiin. Metelaadda qaranka ayay wax ka tirsanayeene, ka warran haddii aan xafladana aan ka qaybgeli weyno.
5. Ugaaska guud ee Ciise waynu ku fooladaynnay Saylac, Xeerkana inaynu ka qaybgeli weyno, iska daa, inaan carqaladaynee, laynaga aqbali maayo.
6. Hay'adda Qaramada midoobay u qaabilsan tacliinta, Sayniska, iyo dhaqanka, UNESCO, ayaa aqoonsatay Xeer Ciise, sidaa awgeed, waa xeer caalamiya oo ka gudbay xuduudaha Geeska Afrika, sidaa awgeed, sharaf iyo aqoonsiga inuu soo kordhiyo mooyee, durro uma laha Somaliland.
Waxan ku soo gebagebeeyay:
" Garta eexo loo naqo, waa lagu gubtaayoo, way soo guclaysaa, soo maalin gaashaa, soo guuro raacdaa, kolla gaabin maysee , golihii timaaddaa, geedkii is taagtaa, aarkeeeda gudataa geshi nimay ku leedahay, guulaysan maayaan, waxay galbsadeenbay, gaaxdeeda maaleen.
Axmedguray ma uu dhiman, ma goblamin Darwiiskii, geenyadu ma daallana, ma afbeelin gamastii, waxan uga golleeyahay, haddii geesi ii kaco, gayaankayga.(aqoonsigayga) waan heli".
Hadraawi, AUN, ka mid ahayd, "Aqoon Iyo Afgarad".
Waa Qalinkii :- Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye.(Shamax)